You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gilo Tolera Centenary iyo Tiru Benti: "Geerideyda ka dib igama hari doontid oo kaligey ma ahaan doono"
Galbeedka gobolka Shoa ee Oromiya, lamaane is qabay 75 sano ayaa saacado is xiga geeriyooday, taas oo naxdin iyo amakaag ku noqotay.
"Waan dhimanayaa oo waxaad iga daba iman doontaa muddo bil gudaheed ah..." Waxaa sidaasi BBC u sheegay , Abera Gilo, oo ah wiil ay dhaleen ayaa BBC -da u sheegay.
Gilo Tolera Centenary iyo Xaaskiisa, Tiru Benti, waxay jirteen 90 sano.
Waxay wada noolaayeen 75 sano waxayna is guursadeen sanaddii 1939, sida uu sheegay wiilkooda Abera Gilo.
Waxaan la sheegay in Gilo Tolera iyo Marwo Turu Benti ay isu dhaleen 8 carruur ah.
Deriskooda ayaa ka marag kacay in jacayl iyo ixtiraam qoto dheer uu ka dhexeeyo lamaanahan.
Wiilkooda Abera, ayaa sheegay in aabihii iyo hooyadii ay iska liiteen tan iyo bishii September 2011-kii.
"Xanuunkoodu ma ahayn mid halis ah, xanuunkoodana ma aysan sheegan jirin, waxay diideen oo kali ah in ay wax cunaan ama cabbaan.
"Wuxuu ahaa xanuun yar oo aan filaynay in ay ka bogsanayaan," ayuu yiri Abera. "Laakiin markii dambe hooyaday ayaa tiri, 'Noloshayda way dhammaatay'.
Deriska iyo carruurtooda waxay ka marag kaceen in Gilo Tolera iyo xaaskiisa Tiru Benti ay ahaayeen lammaane aad isugu dhaw.
"Ma aysan rabin in ay kala fogaadaan, mana aysan jeclayn in la kala geeyo, marka ay meel aadayaan, ama marka ay isbitaalka tagaan," ayuu yiri wiilkooda Abera.
"Muddo bil gudaheed ah ayaan dhiman doonnaa, waad-na i soo raaci doontaa, keligayna ma ahaan doono," ayuu yiri intii uu noolaa Gilo Tolera.
Lammaanaha ayaa xanuunsaday 5tii Sebtember 2020, Gilo wuxuu dhintay Arbacadii, Sebtember 5, 2021. waxaana la aasay 3:05 galabnimo.
Xaaskiisii Tiru, ayaa dhimatay 20 saacadood ka dib geeridiisa, Khamiistii 12-kii duhurnimo.
Bekele Chimdesa, oo ah 65 sano jir, oo deggan Meta Kidane Mercy oo ka tirsan Degmada Ilu Gelan, ayaa sheegay in geerida lamaanaha ay tahay masiibo ku dhacday bulshada deegaanka.
"Waa wax nagu cusub in lammaanaha ay sidan ku dhintaan, marka dadka qaar ay yiraahdaan waan is jecelnahay oo is ixtiraamnaan, Ilaah baa isku xilli qaata," ayuu u sheegay BBC.
Qof kale oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda oo lagu magacaabo Rebuma Mosisa ayaa tiri, "Tani waa wax nagu cusub, weligey ma arkin mana maqlin wax ceynkan oo kale ah, aad bay uga yaabisay bulshada."
Tacsida iyo aaska Gilo Tolera iyo Tiru Benti ayaa la qabtay Jimcihii, Sebtember 7, 2021.