You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Lammaane 13 jeer ilma ka soo dilmeen oo hadda farxad helay
Haweenay ay 13 jeer ilma ka dilmeen ayaa dhashay gabadh kaddib markii ay tashi la sameysay khubara ku xeel dheer arrimaha bacriminta.
Professor Siobhan Quen ayaa sheegtay in haweenaydan ay saameysay dhibaato la xirrirta dhanka qaadiidda uurka.
Mrs Worsley ayay markii 14-aad u suuro gashay in ay uur qaaddo kadib markii ay dadaal badan ay sameeyeen Prof Quenby iyo kooxdeeda.
"Ilaa hadda ma aaminsani inaan dhalay gabadhayda," Ayey tiri Laura, oo ah 35 sano jir.
Waxay ahayd 2008-ddii markii ay lammaanahan canugoodii ugu horreeyey uu ka soo dilmay. Waxa ayna sheegeen in markii uu canugoodii saddexaad ka dilmay ay xaqiiqda ogaadeen.
Dhakhaatiirta ayaa lammaanahan ku wargeliyey inay isku dayo badan ay sameeyaan, kaddib markii uu ilmahoodii afaraad ka soo dilamay.
Waxaa la ogaaday in Laura ay qabtay cudur sabababayay inay ilmaha ka soo dhacaan.
"Waxaaan samaynay isku dayo badan waxaana qaadannay daawooyin kala duwan, inaga oo rajaynayno inay shaqeeyaan."
Markii ugu dameysay
Baaritan dhanka mandheerta ayaa lagu sheegay inay Laura uu hayay cudur sababaya inuu jirkeeda la dagaalamo inay uur qaado.
"Ma aanan hubin inaan u baahanay inaan mar labad isku dayo. Balse Professor Quenby waxa ay sheegtay inay dumar badan arrinkan ka caawisay ayna noqotay mid guul ah."
"Waxaan naftayda u sheegay, waa markii ugu dambaysay ee aan samaynayo isku daygaan."
Kadib markii ay Laura qaadatay dawoowin lagu talagalay Minka ayay lammaanahaan u suura gashay in markii 14-naad ay si caadi ah u dhalaan.
Kadib dhibaatooyin badan oo ay soo mareen Laura iyo Dave ayaa waxa ay sheegeen in marnaba aysan ku riyoon jirin in uurkaan uu noqon mid lagu guuleeysto.
"Cidna lama aanan wadaagin. Waxa ay ahayd arrintii ugu adkayd ee la qariyo balse dhanka kala marka laga eegana waxa ay ahayd arrintii ugu adkayd ee dad lala wadaago. ayay tiri Laura.
Ugu dambeyn Laura iyo Dave waxa ay dhaleen canug loo bixiyay Ivy-kadibna waxa ay isbitaalka ugu deeqeen lacag dhan £1,000.
" Aad ayay muhiim u tahay in qofkasta oo aniga oo kale ah uu isbedel sameeyo'', ayay tiri Laura.