You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Garoon cusub oo laga furay Garowe
Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi farmaajo, ayaa maanta xarigga ka jaray garoon cusub oo diyaarado oo laga dhisay magaalada Garoowe.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxweyne Farmaajo ku wehliyay xarig-jarka garoonkan cusub.
Garoonka oo malaayiin dollar lagu dhisay ayaa ah mid casri ah, waxaana loogu magacdaray garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland Gaas wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay uga baahan yihiin in ay dhameystirka Garoonka iyo in ay daboosho baahida loo qabo adeega tababarada iyo qalabka.
Ku dhowaad laba sanno ayuu socday dhismaha garoonkan diyaaradaha, xafladda xarigga looga jarayna waxaa ka qeybgalay wufuud ka kala socotay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.
Sidoo kale ergo matalaysay Qaramada Midoobey ayaa munaasabadda lagu casuumay.