You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Iiraan oo ku adkeysaneysa in Marinka Hormuz ay maamuli doonto Tehran kadib wareegii koowaad ee wadahadalka

Ka dib wareeggii koowaad ee wadahalladii ay dalka Switzerland kula yeesheen Mareykanka, Iran ayaa mar kale caddeysay inay aad u dooneyso inay si heerar ah u maamusho marin biyoodka Hormuz.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iiraan oo sheegtay inay maamuli doonto marinka Hormuz kadib wareegii koowaad ee wadahadallada

    Ka dib wareeggii koowaad ee wadahaddallada dhex maray Mareykanka iyo Iiraan ee ka dhacay dalka Switzerland, Iiraan ayaa mar kale caddeysay inay aad u doonayso inay maamusho Marinka Hormuz.

    Isaga oo la hadlayay telefishinka dowladda Iiraan xilli uu dib ugu soo laabanayay dalkiisa ka dib wadahaddallada, madaxa wada-xaajoodka Iiraan ayaa sheegay in maamulka iyo gacan ku heynta Marinka uusan marna dib ugu laaban doonin sidii uu ahaa dagaalka ka hor.

    Mohammed Baqer Ghalibaf ayaa sidoo kale sheegay in Iiraan iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen inay dejiyaan qaab-dhismeedyo isku-dubbarid — kuwaas oo ah khadka telefoonka ee degdegga ah iyo xarun isgaarsiineed — muddo soddon maalmood ah si loo fududeeyo isu-socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz.

    Dhankiisa, Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka, Scott Bessent, ayaa mar sii horreysay sheegay in Washington ay muddo lixdan maalmood ah hakin doonto cunaqabataynta saaran wax-soosaarka iyo dhoofinta saliidda Iiraan.

    Bayaan wadajir ah oo la sii daayay Isniintii, dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Pakistan waxay sheegeen in kadib wareeggii koowaad ee wada-hadallada ee ka dhacay magaalada tamashlaha loo tago ee Bürgenstock ee Switzerland, Maraykanka iyo Iiraan ay ku heshiiyeen "khariidad waddo oo lagu gaadhayo heshiis kama dambays ah 60 maalmood gudahood".

    Sidoo kale akhri

  2. Cunnooyinka ay Soomaalida caanka ku tahay ee aan beerka u fiicneyn

    Dr. Maxamed Cabdullaahi oo ku takhasusay cudurrada guud, baaritaanna ku sameeyay cagaarshowga oo BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in beerka ay ku dhacaan xanuunno dhowr ah oo uu cagaarshowgu ka mid yahay.

    Dr. Maxamed ayaa sheegay in cunnooyinka ay Soomaalidu u badan yihiin, sida kuwa dufanta leh, saliidda iyo dufanka xoolaha oo laga helo hilibka aysan u wanaagsaneyn caafimaadka beerka.

    Waxyaabaha ay caanka ku tahya Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah oodkaca, oo ka mid ah waxyaabaha ay dufantu ku badan tahay.

    “Dadkeenna Soomaalida waxay u badan yihiin cunnooyinka dufanka leh ee xoolaha ka yimaada, subagga, waxyaabaha aadka loo shiilo, saliidda aadka u badan. Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay cabaan macsarada amaba ay cuntada ku badiyaan. Cunnada daqiiqda ku badan ayaa sidoo kale ka mid ah,”

    Kuwa daqiiqdu ku badan tahay ayaa waxaa ka mid ah baastada iyo bariiska noocyada qaar, iyo sidoo kale cunnooyinka burka lagu badiyo sida canjeerada iyo waxyaabaha burka laga sameeyo.

    “Cunnooyinkaas waxay sababayaan in dhiifshiidku cuslaado, haddii uu dheefshiidku cuslaadana beerka saameyn xoog leh ayay ku yeelataa,” ayuu yiri.

    Dhaqtarka ayaa intaa ku daray in hab-nololeedka dadka qaar ee saameyn kara beerka ay ka mid yihiin, in qofku isticmaalo daawooyin uusan dhaqtar u qorin, amaba dawo-dhireedka oo kale.

    “Waxaa dalkeenna aad ugu badan in qofku uu farmashiye iska tago kana soo iibsado dawooyinka sida xanuun-baabi’iyaha iyo kuwa xasaasiyadda loo cuno, kuwaas waxay qaarkood dhaawici karaan beerka,” ayuu yiri.

    Macluumaad dheeri ah hoos ka akhriso.

  3. Labada waddan ee Afrikaan ah ee haysta diyaaradda laga baqo ee F-16

    Guud ahaan qaaradda Afrika, waxaa jira laba waddan oo haysta diyaaradda F-16 ee caanka ku ah duqaymaha cirka, inta la ogyahay.

    Wadamadaas ayaana waxa ay heshiis iib la galeen dowladda Maraykanka, taas oo usoo daabushaay gudaha wadamadooda.

    Sida ay qortay wakaaladda wararla ee Reuters sanadkii 2015 kii, dowladda Maraykanka ayaa sideed diyaaradood oo ah nuuca F-16 waxay u daabulayeen dalka Masar.

    Xilligaas ayaa waxaa soo hagaagayay xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kadib markii milatarigu ay xilka ka tuureen madaxweynihii dalkaas Mohamed Mursi, kadib dibadbaxyo xoogan oo dalka ka dhacay, waxaana si habsami leh u hagaagay xiriirkii Mraykanka kala dhaxeeyay Abdel Fattah al-Sisi, oo badalay Mohamed Mursi.

    ligaas soo saartay safaaradda Maraykanka ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in saanad milatari oo xanibaad laga qaaday ay gaari doonto waddanka Masar laba maalin gudahood.

    Waxaa lagu sheegay warkaas in saanadda ay ka mid ahayd, afar diyaaradda dagaalka ee F-16.

    Waddanka kale ee Afrikaanka ah ee la aaminsan yahay in uu haysto diyaaradda F-16 ayaa ah dalka Morocco, kaas oo heshiis hub la galay dalka Maraykanka.

  4. Ninka la filayo inuu beddalo Kier Stamer oo is-casilay oo xaqiijiyay in uu u tartami doono hoggaanka xisbiga talada haya

    Ra’isul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer ayaa sheegay in uu iska casili doono hoggaanka Xisbiga Labour-ka, taas oo jidka u furaysa tartan lagu dooranayo Ra’iisul Wasaare cusub.

    I sagoo ka hadlayay Downing Street, Sir Keir wuxuu sheegay inu u aqbalay inuusan ahayn qofka ugu habboon ee Labour-ka ku hoggaamin kara doorashada guud ee soo socota, isla markaana uu Boqor Charles III ku wargeliyay go’aankiisa ah inuu xilka ka dego.

    Wuxuu intaas ku daray inuu ka codsaday hay’adda maamusha Xisbiga Labour-ka inay dejiso jadwalka lagu beddelayo, iyadoo magacaabista musharraxiintu furmi doonto 9-ka Luulyo, kuna dhammaan doonto ka hor fasaxa xagaaga ee 16-ka Luulyo.

    Wuxuu intaas ku daray in haddii uu dhaco tartan hoggaamineed, hoggaamiye cusub la dooran doono ka hor inta aan Baarlamaanku dib ugu soo laaban shaqada bisha Sebtembar, isla markaana uu samayn doono “wax kasta” oo uu awoodo si loo xaqiijiyo wareejin awood oo “nidaamsan”. Sir Keir wuxuu sheegay inuu sii ahaan doono Ra’iisul wasaare ilaa inta laga dhammaystirayo tartanka hoggaanka xisbiga.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuu siin doono qofka beddeli doona “taageeradayda buuxda oo aan shuruud lahayn”, isagoo xusay in hoggaamiyaha cusub uu la wareegi doono Britain ka xooggan oo ka caddaalad badan tii uu isagu dhaxlay laba sano ka hor.

    Dad badan ayaa u arka Andy Burnham in uu yahay musharraxa ugu cadcad ee beddeli kara Sir Keir, ka dib markii uu guul weyn ka gaaray musharraxii Reform UK ee la tartamayay doorashadii ku-celiska ahayd ee Makerfield toddobaadkii hore.

    Burnham oo hore u ahaa duqa magaalada Manchester, ayaa Isniintii ku dhawaaqay in uu isu soo sharrixi doono tartanka hoggaanka xisbiga, ka hor inta uusan tareen u raacin London si uu u qabto kursigiisa baarlamaaniga ah.