Garoon cusub oo laga furay Garowe

Farmaajo iyo Gaas oo xarigga ka jaraya garoonka cusub

Xigashada Sawirka, Sonna

Qoraalka sawirka, Farmaajo iyo Gaas oo xarigga ka jaraya garoonka cusub
Published

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi farmaajo, ayaa maanta xarigga ka jaray garoon cusub oo diyaarado oo laga dhisay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxweyne Farmaajo ku wehliyay xarig-jarka garoonkan cusub.

Garoonka oo malaayiin dollar lagu dhisay ayaa ah mid casri ah, waxaana loogu magacdaray garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Gaas wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay uga baahan yihiin in ay dhameystirka Garoonka iyo in ay daboosho baahida loo qabo adeega tababarada iyo qalabka.

Farmaajo iyo Gaas

Xigashada Sawirka, Sonna

Ku dhowaad laba sanno ayuu socday dhismaha garoonkan diyaaradaha, xafladda xarigga looga jarayna waxaa ka qeybgalay wufuud ka kala socotay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Sidoo kale ergo matalaysay Qaramada Midoobey ayaa munaasabadda lagu casuumay.

Farmaajo iyo Gaas
Dadka ka qeybgalay munaasabadda
Qoraalka sawirka, Dadka ka qeybgalay munaasabadda