You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Daawo: Safiyo Jaamac Gayre oo dhawaan ka qalan jabisay jaamacadda PSU
Safiyo Jaamac Gayre waxay ka mid ahayd dufcadii u dambeysay ee ka qalin jabiyay kulliyadda qaanuunka ee jaamacadda Puntland PSU, ee magaalada Garowe.
Arday badan ayaa qalin jabisay, waxaase Safiyo Jaamac ay kaga duwan tahay waxay waxabarashada jaamacadda dhammeysay iyadoo ilaa lixdan jir ah oo ay fasal la fadhiday arday da' yar oo qaar ay dhali karto qaarna ay ayeeyaba u noqon karto.
Safiya Jaamac Gayre, oo aad ugu faraxday guusha ay gaartay ayaa aad ugu mahadcelisay macallimiinta iyo ardada Jaamacadda.
Maanta ayaa telefoonka Garowe Safiyo Jama Gayre ugu warantay Cabdinur Sh Maxamed oo marka hore uga warantay sababta ay sharciga u baratay.