You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Soomaalida iyo muwaadiniinta dalal kale oo laga mamnuucay inay galaan dal Afrikaan ah
Dawladda saldhiggeedu yahay bariga dalka Libya ayaa soo saartay amar cusub oo mamnuucaya muwaadiniinta Soomaaliya, Suudaan, Eritrea, iyo Itoobiya inay galaan dalkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Warbixin ay Reuters ka soo xigatay ilo dowladeed ayaa lagu sheegay in go'aankan looga gol leeyahay "in lagu xakameeyo gelitaanka ajaanibta ee Libya."
Amarka ay soo saartay dowladda Libya ee fadhigeedu yahay magaalada Benghazi, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka, ayaa sheegay in "muwaadiniinta Soomaaliya, Suudaan, Eritrea, iyo Itoobiya laga mamnuucay inay soo galaan dhulka Libya iyagoo adeegsanaya dhammaan marinnada berriga, badda iyo hawada."
Si kastaba ha ahaatee, amarku wuxuu ka reebayaa xubnaha safaaradaha iyo qunsuliyadaha iyo qoysaskooda, sidoo kale shaqaalaha ka shaqeeya waxbarashada iyo caafimaadka, haddii ay soo bandhigaan heshiis shaqo iyo rukhsad sharci ah oo ay bixiyeen hay'adaha ay khusayso.
Dowladda Benghazi ee uu hoggaamiyo Osama Hammad ayaa xulufo la ah taliyaha militariga Khalifa Haftar, kaas oo maamula bariga Libya iyo qaybo badan oo ka mid ah koonfurta dalka.
Dhanka kale, dowladda caalamku aqoonsan yahay ee uu hoggaamiyo Abdul Hamid Dbeibeh, taas oo talada la wareegtay sanadkii 2021, ayaa xarunteedu tahay caasimadda Tripoli.
Afarta dal ee Geeska Afrika ee lagu xusay amarkan mamnuucidda ayaa ah meelaha ay ka soo jeedaan boqollaal kun oo qof oo ka qaxaya dalalkooda sababo la xiriira xasillooni-darro siyaasadeed iyo amni, dagaallo, cadaadis iyo saboolnimo dhaqaale.
Gaar ahaan dagaalka dhiigga badan ku datay ee ka socda Sudan, qalalaasaha siyaasadeed iyo amni ee Itoobiya, cadaadiska siyaasadeed ee Eritrea, iyo xasillooni-darrada ka jirta Soomaaliya ayaa ku riixaya muwaadiniin badan inay galaan safar tahriib oo halis badan iyagoo ka gudbaya lamadegaanka Saxaraha si ay u gaaraan Libya.
Tan iyo markii la riday hoggaamiyihii hore ee Mucammar Gaddafi sannadkii 2011, dalka Libya wuxuu noqday marin muhiim ah oo ay maraan muhaajiriinta doonaya inay uga gudbaan Badda Mediterranean si ay u gaaraan Yurub, sababo la xiriira maqnaanshaha dowlad dhexe oo awood leh. Hase yeeshee, safarka loo maro Yurub ma aha mid sahlan.
Muhaajiriinta ka yimaada Geeska Afrika marka ay gaaraan Libya, inta badan waxay gacanta u galaan kooxaha tahriibiyeyaasha, halkaas oo ay kala kulmaan afduub, jirdil, tacaddiyo galmo iyo shaqo khasab ah.
Badankood waxaa lagu xiraa xeryo lagu hayo xaalado aad u liita oo bani'aadannimo, waxaana lagu qasbaa inay bixiyaan lacago madax-furasho ah iyadoo lagu handadayo qoysaskooda.
Sida ay muujisay xog ay soo saartay Qaramada Midoobay horraantii sanadkan, waxaa hadda Libya ku sugan in ka badan 900,000 oo muhaajiriin ah.
Waxaa la rumeysan yahay in xayiraaddan cusub ee ay soo rogtay dowladda bariga Libya ay sii kordhin karto khatarta haysata dadka ka cararaya xaaladaha adag ee dalalkooda, maadaama ay u badan tahay inay ku qasbanaadaan inay ku tiirsanaadaan tahriibiyeyaal sharci-darro ah. Tani waxay sidoo kale sii adkayn kartaa dhibaatada qaxootiga iyo muhaajiriinta ee horey u ahayd mid cakiran.
Maaddaama muwaadiniinta dalalkan laga mamnuucay inay si sharci ah ku galaan Libya, waxaa la filayaa in waddooyinka sharci-darrada ah ee looga gudbo xudduudaha ay sii fidaan oo ay noqdaan kuwo aad loo isticmaalo.