Halkee ciidamada Mareykanka kaga sugan yihiin bariga dhexe, sababtu se maxay tahay?

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Iran ayaa mar kale sheegtay inay beegsatay saldhigyo militari oo Maraykanku leeyahay oo ku yaalla gobolka kadib weerarro cusub oo ay ciidamada Maraykanku fuliyeen.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in maalintii labaad ee hawlgallada la soo gabagabeeyay. Hawlgalladan ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu sheegay in Tehran ay waqti badan ku qaadanayso gaarista heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.

Iran waxay sheegtay in saldhigyada ciidamada Maraykanka ee ku yaalla Baxrain iyo Kuwait la weeraray. Maalin ka hor, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa sidoo kale sheegay inay beegsadeen saldhigyadan.

Bayaan kasoo baxay IRGC ayaa lagu sheegay in 18 ah qalabi militari oo muhiim ah oo Maraykan leeyahay lagu weeraray laguna burburiyay saldhigyada cirka ee Ali Al Salem, saldhigga Ahmad al-Jaber ee Kuwait, iyo saldhigga ciidanak cirka ee Sheikh Isa e Baxrayn.

Si kastaba ha ahaatee, sheegashadan si madax-bannaan looma xaqiijin.

Waxaa xusid mudan in tan iyo markii ay billowdeen weerarrada Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iran, Tehran ay sheegtay inay beegsatay xarumo ku yaalla Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, Kuwait, Iraq, Jordan, Baxrayn iyo Cuman.

Sida ay qabaan qaar ka mid ah falanqeeyayaasha, tirada saldhigyada la bartilmaameedsaday waxay gaari kartaa 28.

Intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhexeeyay Iran iyo Israa'iil bishii June ee sannadkii hore, Iran waxay sidoo kale weerartay saldhigga cirka ee Maraykanka ee Al Udeid ee Qatar.

Qormadan, BBC waxay isku dayaysaa inay sharaxdo taariikhda iyo sababaha ka dambeeya joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe.

halkee ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka ee gobolka?

Barbara Sloan waa sargaal ka tirsan Xarunta Stimson ee Washington iyo bare Jaamacadda George Washington, waxayna si dhow ula socotaa arrimaha Bariga Dhexe.

Waxay u sheegtay BBC Urdu in joogitaanka Maraykanka ee gobolka uu ka bilowday Gacanka Faaris tan iyo 1940-meeyadii, isla markaana uu si weyn u kordhay kadib weerarradii September 11. Maraykanku wuxuu saldhiggiisii ugu horreeyay ee cirka ka sameystay gobolka magaalada Dhahran ee Sacuudiga sanadkii 1945.

Sida ay sheegtay waaxda gaashaandhiga Mareykanka, waxaa Bariga Dhexe ku sugan qiyaastii 40,000 oo askari oo Maraykan ah.

Sida ay werisay wakaalada wararka ee AP, ka hor dhacdooyinkii dhacay 7-dii October, Maraykanku wuxuu Bariga Dhexe uga sugnaa ku dhawaad 34,000 askari, waxaana sanadkii la soo dhaafay lagu daray qiyaastii 6,000 askari oo dheeraad ah.

Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Maeykanka, saldhigga ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe waa Al Udeid Air Base, oo ku yaalla Qatar lana dhisay sanadkii 1996.

Saldhiggan, oo ku dhow magaalada Doha, waa xarunta hawlgallada cirka ee taliska dhexe Mareykanka ee Bariga Dhexe. Waxaa ku sugan qiyaastii 8,000 oo askari oo Maraykan ah.UK ayaa sidoo kale si wareegto ah uga howlgala saldhiggan. Mararka qaarkood waxaa loogu yeeraa Abu Nakhla Airport.

Qatar ayaa Maraykanka siisay oggolaansho uu ku isticmaalo saldhigga Al-Udeid sanadkii 2000. Sida ay sheegtay shirkadda sirdoonka ee Grey Dynamics, saldhigga ayaa si buuxda u galay gacanta Maraykanka sanadkii 2001.

Bishii December 2002, Doxa iyo Washington ayaa heshiis rasmi ah ku aqoonsaday joogitaanka ciidamada Maraykanka ee saldhigga Al-Udeid.

Sannadkii 2024, CNN ayaa werisay in Maraykanku uu joogitaankiisa militari ee Qatar ku kordhiyay 10 sano oo dheeraad ah.

Waxaa xusid mudan in marka laga soo tago Qatar, ciidamada Maraykanku ay sidoo kale joogaan dalalka Baxreyn, Kuwait, Sacuudiga, Imaaraadka, Suuriya, Urdun, Masar, Cyprus iyo Ciraaq.

Maraykanku wuxuu sidoo kale leeyahay dhowr saldhig oo militari oo ku yaalla Kuwait iyo laba saldhig oo ku yaalla Sacuudiga.

Sida ay sheegtay Barbara Sloan: "Saacuudiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Cuman, Kuwait, Urdun iyo Bahrayn waxay sidoo kale ka faa'iidaystaan ilaalinta amni ee uu Maraykanku bixiyo."

Waxaa jira sababo badan oo keenay in Maraykanku tobannaan sano ciidamada uu ku hayo Bariga Dhexe, inkastoo uu kumannaan mayl u jiro dhulkiisa.

Bariga Dhexe, oo u dhexeeya qaaradaha Aasiya iyo Waqooyiga Afrika, wuxuu hodan ku yahay kheyraadka dabiiciga ah. Sidoo kale, goobtiisa istaraatiijiga ah ee khariidadda adduunka ayaa ka dhigtay mid muhiim u ah siyaasadaha dibadda ee dalal badan, gaar ahaan kuwa Maraykanka.

Shidaalka

Tan iyo markii ceelkii ugu horreeyay ee shidaal laga helay magaalada Dhahran ee Sacuudiga sanadkii 1938, muhiimadda shidaalka ee dhaqaalaha caalamka ayaa si joogto ah u sii korortay.

Shidaalka ayaa noqday laf-dhabarta warshadaha, gaadiidka, iyo koboca dhaqaalaha adduunka, taasoo sababtay in dalalka waaweyn, gaar ahaan Maraykanka, ay dan weyn ka yeeshaan xasilloonida iyo amniga gobolka Bariga Dhexe.

Sidee ayay Israa'iil uga faa'iidaysanaysaa joogitaanka ciidamada Maraykanka ee gobolka?

Waxaan hore idiinku sharaxnay faahfaahinta joogitaanka ciidamada Maraykanka ee gobolka, balse sidee ayuu joogitaankani uga faa'iideeyaan Israel marka ay timaado la tacaalidda Iran?

Arrintan waxaan ka wareysanay Yousef Kane, oo ah isku-duwaha barnaamijka Bariga Dhexe ee Wilson Center. Wuxuu u sheegay BBC in joogitaanka Maraykanka ee Bariga Dhexe uu si weyn uga qayb qaato u janjeerinta isu dheellitirka awoodda dhinaca Israa'iil afar siyaabood.

"Dhinac, taageerada siyaasadeed ee Maraykanku waxay door muhiim ah ka ciyaartaa sharciyeynta tallaabooyinka Israa'iil, gaar ahaan ururrada caalamiga ah.

Dhinaca kale, joogitaanka Maraykanka ee gobolka wuxuu ka caawiyaa xakamaynta colaadaha maxalliga ah iyo kuwa goboleed, wuxuuna gacan ka geystaa xasilloonida dalal ay ka mid tahay Suuriya oo sanado badan colaado ka jireen, taas oo siinaysa Israa'iil xorriyad dheeraad ah."

Wuxuu intaas ku daray:"Saddexaad, danaha Israa'iil iyo Maraykanka way isku dhow yihiin, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, ugu dambayn, Israa'iil waxay ka heshaa joogitaanka Maraykanka taageero amni, wadaagista xogta sirdoonka, iyo taageero istaraatiiji ah."

Sida uu sheegay Muhammad Shoaib, oo si dhow ula socda siyaasadda dibadda ee Maraykanka:"Israa'iil waa dal yar, mid ka mid ah dhibaatooyinka dalalka yaryarna waa inay ka maqan tahay waxa loo yaqaan 'qoto-dheeraanta istaraatiijiga ah,taas macnaheedu waa inaysan haysan baaxadda juqraafiyeed ee ay kula dagaallamaan cadawgooda sida ay awoodaha waaweyn u leeyihiin."

Wuxuu sii raaciyay:"Joogitaanka Maraykanka ee Bariga Dhexe wuxuu ka hortag iyo cabsi-gelin u yahay Iran iyo kooxaha ay taageerto,ciidamada badda ee Maraykanka ayaa sidoo kale ku sugan badda cas, Mediterranean-ka iyo badweynta Hindiya , kuwaas oo wada sameeya shabakad isku xran."

Wuxuu sheegay:"Taasi waa sababta marka Iran weerar qaaddo, Maraykanku si degdeg ah uga warhelo, ugana digo Israa'iil, ama xitaa uu isagu isku dayo inuu joojiyo gantaalladaas."