Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Maxay ka wada hadleen raysal wasaare Hamza iyo culimada Minnesota?

    Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Mareykanka, halkaas oo uu magaalada New Yolk kaga qeyb galay kulanka guud ee Qaramada Midoobay. Kulankaas kadib, raysal wasaaraha ayaa dhanka kale magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kula kulmay, jaaliyadda Soomaalida ee Mareykanka.

    Dadka uu sida gaarka ah ula kulmay waxaa kamid ah, culimada gobolkaas oo uu raysal wasaaruhu ka codsaday, inay ka taageeraan dagaalka ay dowladda kula jirto al-shabaab hadii ay ahaan lahayd fikir iyo dhaqaale ahaanba. Wariye Siyaad Siciid Saalax ayaa kulankaas kadib wareystay Sheekh Tawakal Yussuf Ismaaciil oo kamid ah culimada gobolkaas.

    Qoraalka Codka, Taageerada dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa kamid ah
  2. Muxuu maamulka World Remit ka yiri eedeynta Bankiga Dhexe ee Somaliland?

    Somaliland

    Xigashada Sawirka, ISMAACIIL AXMED

    Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha iyoguddoomiyaha shirkadda World Remit oo ah shirkad lacagaha la isku diro u fududeysa bulshada ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid Bankiga Dhexe ee Somaliland.

    Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in sharciga ay la tiigsan doonaan ganacsadahan oo uu ku eedeeyay in warar aan run ahayn uu ka sheegay bangiga iyo madaxdiisa isla markaana khalkhal ka abuuray suuqyada sarrifka iyo ha'adaha maaliyadda Soomaliland.

    Ismaaciil ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, "Baanka Dhexe qoraal uu kaga jawaabay maqaalkii aan kaga hadlayay qiima-dhaca shilinka SL, waxa uu ku sheegay “In aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarrifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.”Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa qaansheegtii shirkadda lacagta daabacday ay soo dallacday. Waxa ku faahfaahsan qayb ka mid ah lacagaha loo diray shirkaddan oo dhan $1,902,587.10."

    Wuxuu sheegay inuu ku talinayo in arrintan wax laga qabto lana joojiyo lacagaha malaayiinta ah ee uu sheegay in loo adeegsado in lacago cusub lagu soo daabaco, taas beddelkeedana buu yiri sare looguq aado Shilinka Somaliland.

  3. DHAGEYSO:Dhawr qof oo loo xiray qaraxii Sabtidii ka dhacay Baladweyne

    Booliska magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dhawr qof loo xiray qaraxii Sabtidii ka dhacay halkaas.

    Qaraxa oo ahaa gaari nooca xamuulka qaada ah oo lagu soo rarray walxo qarxa ayaa dilay dad ka badan sodon qof, dhaawaca ayaa isna kor u dhaafaya afartan qof.

    Taliyaha Booliska Beledweyne Axmed Cali Aadan oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in baaris ay ku socoto dadka la xiiray, dhawaanna la soo gabagabeyn doono.

  4. Askar Ruush ah oo kufsaday haween Ukraine u dhashy oo dacwad lagu soo oogay

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dacwad oogayaasha Ukraine ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay laba askari oo Ruush ah oo kufsaday haween Ukrain ah magaalo ku dhow Kyiv toddobaadyadii ugu horreeyay ee duullaanka.

    Magacyada dadkan oo ay da’dooda kala tahay 28-jir iyo 31-jir ayaa la qariyay waxaana la sheegay in ay ahaayeen kuwa wax toogata, balse baarayaasha ayaa sheegay in bishii Maarso ee sannadkii hore ay xoog ku galeen guri dabaq ah, halkaas oo ay ku kufsadeen gabar dhallinyaro ah, iyagoo sidoo kale ninkeeda ku qasbay inuu daawado.

    Ka dib, mid ka mid ah ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday gabadhooda oo afar jir ah. Xaafad dariska la ah ayaa la sheegay in ay ku kufsadeen haweeney uur leh iyo gabar aan qaan gaarin. (Laba dhacdo oo kale ayaa liiska ku jira.

    Labada nin ee wax toogata ama snipers-ka ah ayaa la maxkamadayn doonaa iyagoo maqan.) Dacwad oogayaasha ayaa eegaya wadar ahaan 235 kiis oo kufsi ah tan iyo bilowgii dagaalka.

  5. Dagaallo weli ka socda gobolka Axmaarada

    bbc

    Xigashada Sawirka, AFP

    Gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya waxaa weli ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah, iyadoo magaalada taariikhiga ah ee Gonder ay ka socdaan dagaallo culus.

    Maleeshiyaad deegaanka ah oo loo yaqaan Faano ayaa Axaddii gudaha u soo galay magaalada, taasoo keentay iska horimaad xooggan oo ay la galeen ciidanka.

    Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay iska caabiyeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, ayna dileen in ka badan konton dagaalyahan.

    Golaha xuquuqul insaanka ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay maamulka inay sii wadaan xarigga aan sharciga ahayn ee ka socda caasimadda Addis Ababa. Iska horimaadka ayaa billowday bishii April ka dib markii maleeshiyaadku ay diideen in hubka laga dhigo, sida ay amartay dowladda.

  6. Sidee gaariga weyn ee qaraxa siday uu ku tagay bartamaha Beledweyne?

  7. War deg deg ah, Duqa magaalada Derna ee dalka Libya oo la xiray

    Duqa magaalada Derna, oo ah magaalo ku taal Liibiya oo ay burburiyeen daadad xooggan, ayaa loo xiray musiibadan, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Abdulmenam al-Ghaithi ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiin badan oo lagu eedeeyay musiibadii kumanaan qof ku dishay bariga Liibiya horaantii bishan.

    Toddobaadkii hore, dadka deggan Derna oo carooday ayaa gubay guriga duqa magaalada iyaga oo mudaaharaadaya.

    bbc

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Toddobaadkii hore, dadka deggan Derna waxay qabteen mudaaharaadyo ay ku dalbanayaan in hoggaamiyeyaasha maxalliga ah lagula xisaabtamo fatahaadda.
  8. Daawo dhacdadan ka dhacday goob loo dalxiis tago oo ku taalla Ontario, Canada

    Qoraalka Muuqaalka, Dad saarnaa mashiimaha lagu damaashaado oo cilad kutimad oo muddo 30 daqiiqo xalad cakiran soo wajahday.Goobta ayaa wali xiran, waxaana hadda socda baaritaan.
  9. Dhegeyso: Barre Hiiraale: “Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa iigu hanjabay in anigoo katiinadeysan ay iga saari doonaan Doolow”

  10. Madaxii Maafiyada Talyaaniga ee caanka ahaa oo dhintay

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxii Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Denaro, oo ka mid ahaa ragga sida weyn loo baadigoobayay ilaa laga soo qabtay horaantii sanadkan ayaa geeriyooday.

    61-jirkan ayaa loo maleeyay inuu madax ka ahaa kooxda caanka ah ee Cosa Nostra Mafia wuxuuna baxsad ku jiray 30 sano ka hor inta aan xabsiga la dhigin bishii Janaayo.

  11. Buuq ka dhashay soo jeedinta in madaxweynaha Kenya mudada loo kordhiyo

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ruto ayaa ku gacan seyray hindise kan la mid ah bishii November ee la soo dhaafay.

    Senatar ka tirsan isbaheysiga talada haya ee Kenya ayaa soo jeediyay in muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha oo laga dhigo 5-ta sano ee hadda jirta, oo laga dhigo 7 sano taasoo dhalisay falcelin xooggan oo dalkaas ka jirta.

    Senetarka Nandi Samson Cherargei ayaa sheegay in madaxweyne William Ruto, oo xilka hayay wax ku dhow hal sano, laga yaabo inuusan haysan waqti ku filan oo uu ku soo bandhigo oo uu kufuliyo balamahii uu dadweynaha ka qaaday xiligii ololihiisa Doorashada.

    Si kastaba ha ahaatee, soo jeedintan ayaa caro ka dhex dhalisay qayb ka mid ah shacabka Kenya iyadoo mucaaradka ay ku eedeeyeen dowladda inay waddo qorshe lagu baabi'inayo xaddidaadda muddada xilka madaxweynaha.

    Taas beddelkeeda, waa in afar sano laga dhigaa midkiiba hal xilli lix doorasho oo soo socota, tani waa sida kaliya ee la hubo ee lagu keeni karo isku-duubni qaran, loogana hortagayo in dano gaar ah la isku dhex-geliyo, si dastuurigu si buuxda u hirgalo. Isticmaalaha X la dhejiyay

  12. Waa Kuma Dr Jaamac Muuse, ergayga Somaliland ee Museveni kala hadlay aqoonsiga?

  13. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee lacagaha laga aruurinayo Caabduwaaq

    Faysal Cali Waraabe

    Xigashada Sawirka, Hiiran

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka mid noqday dad siyaabo kala duwan uga falceliyay hadal uu habeen hore sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ergayga gaarka ah ee Arrimaha bini’aadanimada u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ku jiray sharraxaad uu ka bixinayay in aan si sax ah loo dersin waxa ay ku saleysanyihiin isku dhacyada Soomaalida.

    Kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb oo ay qabatay Xarunta Cilmi-baarista iyo Wadahadallada Galmudug ee (GRD) loogana doodayay la dagaallanka Al-Shabaab iyo dowlad dhiska Soomaaliya ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur mar uu ka jawaabayay su’aal la waydiyay waxaa hadalkiisii ka mid ahaa, “Lacagta Caabudwaaq laga aruurinayo ee Khaatumo la geynayo waa in aan ogahay sababta loo aruurinayo oo aan dagaalka inta ka socda ee Shabaabka aan loogu aruurineynin.”

    Faysal Cali Waraabe oo shalay ka hadlayay xaflad qalin jabin ah oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa sheegay in lacagta Caabduwaaq laga aruurinayo ay tahay lacag looga dhex faa’iideysnayo Laascaanood iyo Hargeysa isla markaana la doonayo in iyaga “lagu tirtiro”.

    Baraha bulshada ayaan si weyn loogu hadal hayay saacadihii la soo dhaafay hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

  14. Aasaasaha shirkadda WorldRemit oo loo haysto been abuur iyo khal-khal galin

    Ismaaciil Axmed

    Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in sharciga ay la tiigsan doonaan ganacsade lagu magacaabp Ismaaciil Axmed oo lagu eedeyay in warar aan run ahayn iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay bangiga iyo madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka iyo ha'adaha maaliyadda Soomaaliland.

    Ganacsadahan waxyaabaha lagu eedeyay waxaa ka mid ah in qoraal uu bartiisa Facebook uu ku baahiyay Sabtidii aan soo dhaafnay uu ku sheegay in bangiga dhexe ee Somaliland uu suuqyada soo galiyay lacag Digital ah oo ka badan lacagta daabacan iyo in bangigu uu ku mashquulay lacago laga soo daabacayo dibadda arrintaa oo bangigu wax kama jiraan ku tilmaamay.

    Sidoo kale bangiga dhexe ee Somaliland ayaa beeniyay qodobbo kale oo sida la sheegay ku xusnaa qoraalka uu baahiyay Ismaaciil Axmed sida in ay kala badantahay lacagta uu sheegay in la soo daabacayo iyo tan suuqa taal iyo in ay bangiga dhexe uu khidmad ka qaado lacagtaas.

    Ismaaciil Axmed waa aasaasaha ahana gudoomiyaha shirkadda WorldRemit oo ah shirkad lacagaha la isku diro u fududeysa bulshada.

  15. Dhageyso: Somaliland oo sheegtay in aysan wadahadal lagu midoobayo la gali doonin Soomaaliya

    Jamhuuriyadda iskeed madax bannanaida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa sheegtay in wahadal kasta oo dhex mara Somaaliya iyo Somaliland aanu micnihiisu aheyn in labada dhinac ku midoobayaan hase-yeeshee uu yahay mid ay kula tagayaan.

    War xalay ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa loogu sheegay Midowga Afrika iyo beesha caalamka in Somaliland aaney ku tala jirin isla markaana aaney diyaar u ahayn in Soomaaliya a ay la yeelato wadahadal ku saleysan midnimo.

    Halkaan ka dhageyso nuxurka warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

    Qoraalka Codka, Soomaaliya iyo Soomaliland
  16. Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo ka hadlay ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab

    Ciidamada Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Soomaaliya

    Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab balse waxa uu ka digay in kooxdu ay wali ku xooggantahay meelaha qaar.

    "Waxaan filayaa inay ciidamada Soomaaliya sameeyeen horumarro ka badan kuwii la sameeyay shantii sano ee la soo dhaafay," ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Jabuuti.

    Austin ayaa shalay magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo qeyb ka ah booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku tago qaaradda Afrika isagoo ah xoghayaha difaaca Mareykanka.

  17. Dhageyso: Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo wasiirka gaashaandhigga Mareykanka oo ka wada hadlay ammaanka Soomaaliya

    DowladahaSoomaaliya iyo Mareykanka ayaa ka wada hadlay ammaanka Soomaaliya kadib kulan dhex maray madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo wasiirka difaaca Maraykanka Lloyd Austin.

    Kulanka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dagaalka dowladdu kula jirto al-shabaab oo ka socda qaybo ka mid ah Soomaaliya.

    Mareykanku waxaa uu ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera la dagaallanka al-Shabaab, gaarahaan dhanka duqeymaha.

    Qoraalka Codka, Soomaaliya iyo Mareykanka
  18. Faransiiska oo ku dhawaaqay hadal ka farxiyay hoggaamiyaasha milatariga Niger

    Bannaanbaxayaal

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Bannaanbaxayaal

    Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in Faransiiska uu u yeeranayo safiirkooda iyo dublamaasiyiinta kale ee Niger, ayna soo afjari doonaan iskaashiga milatari ee ay dalkaasi la’ lahaayen. Kun iyo shan boqol oo askari oo Faransiis ah oo qayb ka ah la dagaallanka kooxaha jihaad doonka ah ee gobolka Saaxil ayaa sidoo kale Faransiisku qorsheynayaa inuu kala soo baxo dalkaas dhammaadka sanadkan.

    Dowladda cusub ee militariga Niger ayaa soo dhaweysay go'aanka, iyadoo sheegtay in tillaabadaan ay gacan ka geysan doonto soo celinta madax banaanida dalkooda.

    Mr Macron ayaa sheegay in Faransiisku aanu u afduubneyn hoggaamiyaasha dalak Niger ka sameyay afgambiga.

    Horey ayaa taliyayaasha militariga ee Niamey waxay uga mamnuuceen hawada dalkooda diyaaradaha Faransiiska.

  19. Qisada Jaceylka ee Taliye Shaah ma-cabe iyo sida uu magaca ugu baxay

  20. Israa'iil ma waxaa ka dhamaan raba gantaalihii difaaca hawada?