Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta
Tebin toos ah
Xagee laga keenay todobada boqol oo neef oo geela ee loogu talo galay xuska Nabiga NNKH ee Muqdisho
Waxaa sanad kasta bisha mowliid meelo badan oo ka mid ah dalalka Islaamka laga xusaa dhalashada Nabiga NNKH, inkastoo ay jiraan dad kale oo kasoo horjeeda fikirkaas.
Magaalada Muqdisho ayaa kamid ah magaalooyinka Soomaalida ee laga dareemayo dhaqdhaqaaqa dhalashada rasuulka, waxaana sanadkan xuska loogu talo galay in ka badan 700 oo neef oo geel ah.
Hadaba qabanqabada socota ayaan wax ka weydiinnay, Sheekh Maxamuud Nuur Bukaahari oo ka mid qabanqaabiyayaasha xuskaas.
Qoraalka Codka, in ka badan 700 oo neef oo geel ah ayaa loogu talo galay xuska Nabiga NNKH
lamaanihii arooskii Ciraaq oo kamid noqday dadkii ku dhintay dabkii ka kacay goobta xafladda arooskooda
Qoraalka sawirka, .
Lamaanihii arooskii ka dhacayay Ciraaq ayaa kamid noqday dadkii naftooda ku waayay dabkii ka kacay goobta xafladda arooskooda, sida uu sheegay Ahmed Dubardani, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka dalkaas.
Mar uu wariyaasha la hadlayay, ayaa waxaa uu intaa ku daray, in ugu yaraan konton qof ay xaaladooda caafimaad aad u liidato.
Dadka uu soo gaaray dhaawaca ayaa badankood waxay ahaayeen haween iyo dhalinyaro.Dabkaas waxaa ku geeriyooday in ka badan 100 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Goob joogayaal ayaa sheegay, in boqolaal qof ay halkaas ku damaashaadayeen markii uu dabku qabsaday abbaare 10:45 waqtiga
maxalliga ah .
Gaadiidka gurmadka degdegf iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa
waxaa goobta u diray mas’uuliyiinta Ciraaq, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah.
Ilaa hadda ma cadda waxa sababay dabkan, balse warar hore
ayaa sheegaya in dabku uu kacay kadib markii la shiday rashka oo waxyaabo
marka dabaaldagyada la sameynayo la rido oo sida rasaasta oo kale u qarxa.
Ciraaq: Farxaddii arooska ee murugada isku baddeshay ee ay ku dhinteen in ka badan 100 qof
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Dab ka kacay xaflad aroos oo ku taal waqooyiga Ciraaq ayaa
lagu soo waramayaa inay ku dhinteen in ka badan boqol qof. Saraakiisha difaaca ayaa waxay sheegeen in rashka laga
shiday dabaal-degga gudaha hoolka degmada Xamdaniyah. Goobta ayaa la sheegay
in lagu dhisay walxo si fudud u guban kara.
Dabka ayaa ka kacay degmada Al-Hamdaniya ee waqooyiga
gobolka Nineweh ee dalka Ciraaq goor dambe oo fiidnimadii Talaadada ah. Arooska iyo aroosada ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan
dadka la ku dhintay dabkaasi.
Sawir ay soo bandhigtay wakaalada wararka Ciraaq ee Nina
ayaa muujinayay, tobanaan ka tirsan shaqaalaha dab damiska oo la tacaalaya
dabka, Sawiro ay soo qaadeen saxafiyiinta maxaliga ah oo baraha bulshada
lagu baahiyay ayaa muujinaya hoolka xafladdu ay ka socotay oo gabi ahaantiisba
baa'bay.
Dadka dhaawacmay ayaa loo gudbiyay isbitaallada ku yaalla
gobolka Nineweh, sida uu INA u sheegay guddoomiyaha gobolka. Waxa uu sidoo kale
sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca lagana yaabo in ay kororto.
Isbitaalka weyn ee Xamdaniya oo dhanka bari kaga beegan
magaalada Mosul ee gobolkaasi ayaa waxaa gaaray tobanaan qof si ay dhiig ugu
deeqaan dadka dhaawaca ah.
Dhalinyarada Muqdisho oo helay goob cusub oo ay u dalxiis tagaan
Madaxweyne Erdogan oo taageeray marrin laga sameeyo Armenia si la isugu xiro gobolka Go'doonsan iyo Azerbaijan
Xigashada Sawirka, Aliyev
Iyadoo
duullimaadyada qaxootiga ee Nagorno Karabakh ay sii socdaan, ayuu Madaxweynaha
Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ku celceliyay inuu taageerayo marrin dhuleedka
muranka dhaliyay oo isku xiri doona Azerbaijan - oo ah xulafada ugu dhow ee dalkiisa
- iyo magaalada Nakhichivan oo xarun u ah ismaamul hoos taga Azerbaijan balse Armenia
u dhaxayso.
Gobolku
wuxuu u dhexeeyaa Turkiga, Armenia iyo Iran -- marinkuna wuxuu sii mari doonaa
Armenia, oo iyadu si adag ugasoo hor jeedda marrinka.
Erdogan ayaa
sheegay in ay noqon karto waddo nabadeed,waxa uuna ku booriyay Armenia in sida
uu hadalka u dhigay ay “nabada taageerto”.
Hobaladda caanka ah ee Shakira oo mar kale eedaymo loo soo jeediyay
Xigashada Sawirka, Reuters
Fannaanadda reer
Kolombiya, Shakira ayey markii labaad dawladda Spain ku eedaysay canshuur
lunsasho.
Dacwad oogaha
ayaa Shakira ku eedeeyay inay dalka ka khiyaameysay canshuur gaaraysa $7.1
milyan oo doolar sannadkii 2018 gudihiisa.
Waxay
sheegeen in tani ay dhacday kadib markii ay ku guul dareysatay inay sheegto
lacago ay si hormaris ah ugasii qaadatay bandhigyadeedii El dorando, iyo kuwa
kale.
Talaadadii
maanta waxaa magaalafa Brussels ee xarunta Midowga Yurub ka furmay shir ay
markii u horeysay isku hor fadhiisanayaan ergo ka kala socota dalalka Armenia
iyo Asarbayjaan, wuxuuna ku soo beegmayaa iyadoo ay Armeeniyiin badan ka
qaxayaan gobolka Nagorno-Karabakh oo muddo sannado ah ay dagaallo ka socdeen.
Afhayeen u
hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller ayaa ku booriyay
labada dhinac in ay ka shaqeeyaan sidii heshiis nabadeed u gaari lahaayeen.
Kulankaan
ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay yeeshaan wakiilada labada dal tan iyo markii
Asarbayjan ay la wareegtay gacan ku heynta gobolka lagu muransan yahay ee
xuduudka ka dib howlgal ay ciidamada Azerbaijan ka sameeyeen maalmo ka hor.
Hoos u dhaca ku yimid sarifka doolarka marka loo eego
lacagta Pakistan ayaa sii socotay talaadadii iyadoo halka dollar uu hoos u
dhacay 1.06 rubiga Pakistaan.
Lacagta dollarka ee interbanka ayaa 16 maalmood oo xidhiidh
ah waxa hoos u dhacayay qiimihii sarifka doolarka, waxaana ilaa hadda la
sheegay inuu hoos u dhacay 17.30 oo Rubi.
Dhinaca kale, marka la eego suuqyada furan, waxaa sidoo kale
hoos u dhac ku yimi qiimaha sarifka doollarka, waxana qiimihiisu hoos ugu
dhacay 292 Rubi.
16-kii maalmood ee la soo dhaafay, qiimaha doolarka ee
suuqyada furan ayaa hoos u dhacay 42 Rubi.
Waxaa xusid mudan in sababta uu hoos u dhaca ku keentay
sarifka lacagta dollarka ee Pakistan labadii todobaad ee la soo dhaafay ay
tahay tilaabada ay dowladda federaalku ka qaaday tahriibinta iyo qarinta
doolarka dalka.
Markii la joojiyey lacagihii dollarka ahaa ee loo dhoofin
jiray Afgaanistaan, dhinaca kale, waxay dawladdu qaaday tallaabooyin ay ku
adkaynayso ilaalinta iibka iyo iibinta doolarka ee shirkadaha sarifka.
Sidoo kale waxaa tillaabo laga qaaday suuqa sarifka caadiga
ah ee dalka Pakistaan waxaana arintaasi tilaabo laga qaaday suuqa sarifka
lacagaha qalaad ee Peshawar oo doolarka dalka Afgaanistaan si sharci daro ah
looga keeni jiray.
Sida laga soo xigtay falanqeeye Mohammad Sohail, qiimaha
dollarka ayaa laga yaabaa inuu hoos u dhaco muddo gaaban, laakiin mustaqbalka
fog, hoos u dhaca qiimihiisu wuxuu la xiriiraa hagaajinta kaydka sarifka
lacagaha qalaad iyo dib u eegista barnaamijka IMF ee bisha Nofeembar.
In ka badan shan milyan oo shimbiro ah ayaa lagu dilay dalka
Tansaaniya, sida ay mas'uuliyiintu ku sheegeen faallooyin lagu sheegay
warbaahinta gudaha.
Shimbirahan ayaa duullaan ku qaaday in ka badan 1,000 hektar
oo dhul-beereed bariis ah oo ku yaalla gobolka Manyara ee waqooyiga dalka,
iyagoo geystay khasaare baaxad leh.
Saraakiisha ayey in ka badan afar maalmood ku qaadatay
isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay shimbirahan ugu buufiyaan ,
sida uu sheegay wargeyska Tanzania
Times.
Shimbiraha soo duulay ayaa ku guulaystay in ay burburiyaan
in ka badan 50 tan oo cunto ah maalin kasta, sida uu sheegay Gadman Mbuko oo ka
socda Hay'adda Caafimaadka Dhirta iyo Sunta cayayaanka ee Tansaaniya.
Shimbirahan oo ah nooca loo yaqaan Quelea, oo loo maleynayo
inay yihiin noocyada shimbiraha ee ugu badan adduunka, waxay inta badan
burburiyaan badarka, sida bariiska iyo sarreenka.
Sannadkii 2021-kii, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan
Cunnada iyo Beeraha (FAO) ayaa ku qiyaastay dalag qiimihiisu gaarayo $50m oo doolar
in ay burburiyaan shimbirahu sannad walba, tan oo ka dhacda inta badan dalalka
Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.
Safiirkii
ugu horreeyay ee Sacuudiga u qaabilsan Daanta Galbeed ee la haysto ayaa ballan
qaaday in qadiyadda Falastiin ay “bud dhige” u noqon doonto heshiis kasta oo lagu
wanaajinayo xiriirka dalkiisa iyo Israel.
Nayef al-Sudairi ayaa hadalkan jeediyay
kadib imaatinka wafdigii ugu horeeyay ee Boqortooyada Khaliijku ay ku tagto
Daanta Galbeed muddo soddon sano ah.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo
xukuumadda Washington ay hormuud ka ahayd wadahadallo u dhexeeyay Israa'iil iyo
Sucuudiga oo looga gol lahaa in lagu dhiso xiriirka labada dal.
Todobaadkii
hore madaxweyne Cabbaas ayaa sheegay in heshiis bariga dhexe nabad loogu
raadinayo uusan suurtagal noqon doonin ilaa Falastiiniyiinta la siiyo xuquuq
buuxda.
Xasan al-Haytham: 'Aabbaha Sayniska' ee Qur'aanku ku dhiirrigeliyay cilmibaarista
Xasan Al-haytham wuxuu ku dhashay magaalada Basra ee dalka Ciraaq oo xilligiisii ka mid ahayd meelaha cilmiga lagu barto, sannadkii 965 miilaadiga wuxuuna ku dhinta magaalada Qaahira ee dalka Masar sannadkii 1040 oo ku beegnayd sannadkii 432-aad ee tirsiga Hijriga, sidaasna wuxuu ku noolaa 74 sano.
Xasan wuxuu dhashay sannado badan oo xisaabta iyo falsafada Islaamka shaqa badan laga qabtay. Wuxuu dhashay xilliga lagu magacaabo xilligii dahabiga ahaa ee Islaamka, markaas oo dawladdii Silaamku ahayd xarunta dhexe ee cilmiga caalamka.
Waxaa magaalooyinka Islaamka sida Baqdaad ku sugnaa aqoonyahanno ka kala socda caalamka sida Giriigga, Shiinaha, Hindiya, Faaris... sii akhri
Kenya oo samaysanaysa warshad soo saarta tamarta nukliyeerka
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Koonfur Afrika hadda waa dalka kaliya ee Afrikaan ah ee soo saara tamarta nukliyeerka
Kenya ayaa bilaabi doonta dhismaha warshad tamarta
Nukliyeerka dhalisa sanadka 2027, mas’uuliyiintu waxay ku sheegeen ballan
qaadkii ugu dambeeyay ee qorshayaasha.
Hadalo ku saabsan soo dhowaanshaha bilawga mashruuca ayaa
hore loo sheegay.
Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Korontada iyo
Tamarta Nukliyeerka Justus Wabuyabo ayaa u sheegay Wargeyska Business Daily ee
ka soo baxa Kenya in Hay’addu ay hadda waddo qiimeyn ku aaddan goobta iyo
diyaarinta diyaargarowga furitaanka qandaraasyada dhismaha warshadda.
Justus Wabuyabo ayaa sheegay in warshadan laga dhisi doono
gobolka xeebta ee Kenya muddo lix ilaa 10 sano ah, iyadoo warshadano shaqada
bilaabi doonto sanadka 2034-ka marka ugu horeysa.
Qaar ka mid ah shacabka Kenya ayaa dhaleeceeyay qorshahan,
iyagoo ku andacoonaya in warshad Nukliyeer ah aan loo baahnayn, isla markaana
aanu dalku lahayn awood uu ku maareeyo qashinka Nukliyeerka.
"Waxaan haysanaa kheyraad ku filan tamarta biyaha,
geothermal, qoraxda, iyo dabaysha. Waxaa ka sii daran, uma maleynayo inaan
haysano awood aan ku hubinno badbaadada warshadda tamarta nukliyeerka ah ama
nadiifinta marka ay musiibo dhacdo," ayuu midi ku yiri bartiisa X.
Hadda, Koonfur Afrika waa dalka kaliya ee Afrikaan ah ee soo
saara tamarta nukliyeerka ganacsi ahaan.
Wadamada kale ee Afrika ayaa bilaabay qorshayaal ay ku
qaadanayaan tamarta nukliyeerka, oo ay ku jiraan Rwanda iyo Masar, oo hadda
dhisaya warshad ku kacaysa $ 30bn oo doolar.
Qarax xooggan oo ka dhacay Nagorno-Karabakh iyo boqolaal isbitaalka la dhigay
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku geeriyooday halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob shidaalka lagu keydiyo oo ku taala dhulka lagu muransanyahay ee Nagorno-Karabakh, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Armenia.
Ku dhowaad 300 oo qof ayaa la dhigay isbitaalka, iyadoo tobanaan kamid ah dadkaas ay ku jiraan xaalad aad u daran.
Qaraxan ayaa dhacay kadib markii dowladda Armenia ay sheegtay in 13,350 qof ay u soo talaabeen dalka iyagoo ka yimid Nagorno-Karabakh.
Dhulka lagu muransanyahay ee Nagorno-Karabakh wuxuu hoy u yahay 120,000 oo qof oo ka soo jeeda qowmiyadda Armenia. Weli ma cadda waxa sababay qaraxa ka dhacay caasimadda Stepanakert.
Kimani
Mbugua oo hore uga soo shaqeeyay telefishan ku yaala dalka Kenya ayaa sheegay, inuu haatan hoy la’aan yahay isla markaana uu caawimaad weydiisanayo
taageerayaashiisa iyo samafalayaasha kala duwan.
Waxaa
uu ka soo shaqeeyay mid kamid ah warbaahinta ugu weyn dalka Kenya, Citizen,
wuxuuna soo tebin jiray barnaamijyo.
Waxaa
uu sheegay in labadii sano ee u dambeeyay uu shaqo la’aan ahaa. ‘Dhibaato ayaa i
heysata, garab ayaanna u baahanahay’, ayuu ku yiri muuqal uu iska duubay.
Safaaradda Soomaliya ee UK oo 30 sano kadib adeegyo u fidineysa bulshada Soomaliyeed
In ka badan muddo 30 sano ka dib, safaaradda Soomaaliya ee magaalada London ayaa waxay billowday bixinta baasaboor Soomaaliga, fiisaha dal-ku-galka iyo dukumentiyada kale ee ay u baahanyihiin Soomalida ku nool waddanka UK iyo Ireland.
Waxaa sidookale baasaboorka dalban kara muwaadin kasta oo Soomaaliyeed balse heysta dhalashooyin kale. Waxaa sidookale dadkaas loo fidin doonaa adeegyo kale oo ballaaraan. Adeegyadaas waxaan ka wareysannay, safiirka Soomaaliya ee UK Cabdiqaadir Axmed Khayr.
Qoraalka Codka, Dadka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale loo fidin doonaa adeegyo kala duwan
Waa ayo labada muuqaal duube ee geeridooda ay ka naxeen fanaaniinta Soomaaliyeed?
Najma oo aan goor dhoweyd kula xirriirnay Khadka telefoonka
ee magaaladaas, ayaa inoo sheegtay inay isaga baxday fanka.
Sababta ay uga baxday fanka la sheegay inay tahay, inay aad
uga naxday geerida ku timid Allaha u naxriistee Mustafe Saleebaan oo kamid ahaa
mulkiilayaasha barta youtube-ka Waqal studio iyo liibaan Daahir, kuwaas oo ahaa laba
wiil oo dhalinyaro ah oo ay aad isugu dhawaayeen Najmo.
Mustafe wuxuu kamid ahaa dhalinyarada heesaha iyo muuqaalo qurxoon ka duuba
fanaaniinta Hargeysa oo isna aad loo jeclaa, waxayna ku geeriyooden shil
baabuur oo ak dhacay inta u dhaxeysa Hargeysa iyo Burco.