Waa kuwee shanta eedeysane ee ay maxkamaddu ku weysay dhamaan dambiyadii mausuq-maasuqa ee loo haystay?

1. Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha xafiiska fiiso qaadashada ayaa lagu waayay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyadiisa.
2.Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo maqane ah, ahaana shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay dhamaan eedeymihii loo haystay.
3.Cabdullahi Maxamed Cali oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.
4.Maxamed Cadde Mukhtaar Cabdiraxmaan oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay.
5.Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ahaa qasnijiga Bangiga Dhexe ee garoonka Aadan Cadde ayaa lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyaddiisa.













