Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta
Tebin toos ah
Maxay tahay waxa lagu soo daray manhajka iskuulada Canada ee si weyn uga careysiiyay Soomaalida dalkaas?
Muslimiinta iyo Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa dibedbaxyo waaweyn ka dhigay magaalooyinka kala duwan ee dalkaas, kaas oo ay uga soo hor jeedaan fikradda jinsiga ee lagu soo daray manhajka waxbarashada dugsiyada dalkaas. Arrintaas waxaa taageeray Raysal Wasaraaha dalkaas, kaas oo ka careysiiyay waalidiinta Soomaaliyeed ee Canada iyo muslimiint adeggan dalkaas.
Waalidiinta Soomaalida ayaa kamid ah dadka sida weyn u doonaya in laga hor-tago arrintan sida uu warbixintan ku eegayo wariye Durraan Xassan Yare oo Canada jooga.
Qoraalka Codka, Tallaabadan waxaa si weyn uga soo hor jeestay muslimiinta iyo Soomaalida Canada
Shanta dal ee taageeray codsigii Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Xigashada Sawirka, Social media
Qoraalka sawirka, .
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan farriin la xiriirta dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab iyo howlgalka ciidamada Midowga Afrika u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, codsigaas oo ah in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidammadii Nabad Ilaalinta u joogay Soomaaliya, oo muddooyinkii u danbeeyey si qayb qayb ah uga baxayey guud ahaan fadhiisimmadii ay ku lahaayeen dalka.
Danjiraha dowladda Kenya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay taageerayaan codsiga dowladda Soomaaliya ee ah la hakiyo ka bixitaanka ciidamada Atmis ee Soomaaliya kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa twiterka.
Sidoo kale, waddamada kala ah Kenya, Itoobiya, Uganda, Djibouti iyo Burundi ayaa qoraal wadajir ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ku taageerayaan codsigii Soomaaliya ee in bixitaanka ciidanka ATMIS dib loo digo muddo 90-maalmood ah.
Sida ku cad jadwalka dhimista, ilaa 3,000 oo ciidamada Atmis ah ayaa lagu waday in ay ka baxaan Soomaaliya dhamaadka bishan, iyo in dhammaan ciidankaas ay ka baxaan dalka bisha December 2024-ka.
Waa Kumaa Sheekh Abu-Dalxa, Maxaadse Ka Taqaanaa Qisadiisa Jaceyl?
Sawiradii toddobaadkan ugu quruxda badnaa Africa
Faa'iidooyinka biyaha Liin- dhanaantu u leeyiihiin Jirkaaga
Cabitaanka biyaha Liin-dhanaanta ayaa lala xiriiriyay faa'iidooyin badan, oo ay ka mid yihiin hagaajinta maqaarka iyo dheefshiidka.
Biyaha Liin-dhanaanta
Liin-dhanaanta iyo miraha Liinta kale waxa ay caan ku yihiin maqaarkooda midabada leh iyo dhadhanka aadka u dhanaan leh.
Biyaha Liin-dhanaantu waa casiirka liin dhanaanta oo lagu daray biyo waxaana laga yaabaa in la cabbo iyagoo kulayl ah ama qabow ah, sidookale waxaa mararka qaar lagu darsadaaa malabka, reexaanta ama xawaashka, huruudka iyo basbaaska.
Nafaqada kujirta biyaha Liin-dhanaanta
Halkii Galaas ee (150ml) oo lagu daray hal xabo Liin-dhanaanta ah ayaa waxay ku siinaysa qiyaastii:
• 4Kcal / 16KJ kaloories ama tamar ah
• 0.1g oo borotiin ah
• 0.8g kaarbohydrate
• 65mg Potassium
• 18mg Fitamin C
5-ta faa'iido caafimaad ee laga helo biyaha Liin-dhanaanta
Dhaqaatiirta ayaa cabbitaanka biyaha liinta la xiriiriyay fa’idooyin badan, oo ay ku jiraan inay miisaanka qofka yareeeyaan, aad u caawiso dheefshiidka iyo guud ahaan maqaarka jirka oo ay qurxiso.
Inkastoo Cilimi baarisyada lagu sameeyay biniaadamka ee la xariira faa’idada ay Liinta u leedahay ay yaryihiin hadana waxaan soo qaadan karnaa faa'iidooyinka arrimahan si gooni ah.Sii akhri
Faafaahinta Qaraxa ka dhacay Buuloburde
Xigashada Sawirka, AFP
Qarax xooggan ayaa ka dhacay bartamaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.
Inkastoo ay isgaarsiinta magaalada Buuloburde ay aad u adagtahay in la helo haddana, dad goob-joogayaal ah ayaa BBC u sheegay in ay arkeen meydadka
ilaa lix qof iyo dhaawaca dhowr iyo toban qof .
Dhaawacyada ayaa qaarkod loo soo
qaaday magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay ayaa
la sheegay in ay ku jireen wiil iyo gabar walaalo ahaa iyo sidoo kale nin dhaqtar ka
ahaa magaalada.
Ilaa hadda macadda cida bartilmaameedku ahaa, inkastoo
ciidamada ammaanka ay rasaas kufureen gaariga qarxay markii uu bartamaha magaalada
soo galayay.
Qaraxa ayaa burbur xoog leh gaar siyay dhismayaal goobta
ka ag dhawaa.
Qaraxan ayaa
ku soo beegmaya todobaad un kadib markii Baledweyn sidan oo kale gaari walxaha
lagu soo raray oo aad u cuslaa uu ku qarxay bar kontrool oo la yirahdo horseed waxaana lagu dilay dad kabadan 30 qof laguna dhawaacay afartan kale.
War deg deg ah, DEGDEG:Toogasho ka dhacday Holland oo ay ku dhinteen dad aan tiradooda la ogeyn
Booliska dalka Holland ayaa sheegay in dad aan tiradooda la garaneyn lagu dilay magaalada Rotterdam kadib toogasho halkaa dhacday.
Nin weerarka soo qaaday oo 32 jir ah, ayaa markii hore rasaas ku furay guri, isagoo dhaawacay laba qof, ka hor inta uusan dabka dajin dhismaha, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Ka dib waxa uu u dhaqaaqay Xarunta Caafimaadka ee Erasmus ee magaalada halkaas oo uu ku toogtay ugu yaraan hal qof oo kale.
Madaxweynaha Rwanda oo Jeneraal horay loo edeeyay u magacaabay wasiir
Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sarkaal sare oo ka tirsan militariga u magacaabay wasiiru dowlaha iskaashiga gobolka inkastoo lagu eedeeyay inuu si dhow ula shaqeeyo jabhadda Congo.
General James Kabarebe, oo muddo tobanaan sano ah saaxiib dhow la ahaa Mr Kagame, ayaa bishii hore ka fariistay shaqada militariga.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa bishii June daabacay warbixin ay ku eedeeyeen Gen Kabarebe inuu door hormuud ah ka ciyaaray isku dubaridka howlgallada ay wadaan jabhadda M23 ee bariga DR Congo. Rwanda ayaa beenisay in ciidankeeda ay taageereen M23.
Waa kuma Dudaaye qareenka ku caan baxay kiisaskii musuqa ee maxkmadda Banaadir?
Madaxweynaha waddanka 2011-kii xorriyadda helay ee hadda ku sugan Moscow si uu ula kulmo Putin
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Salva Kiir ayaa horaantii bishan ku sugnaa magaalada New York isagoo khudbad u jeedinayay Qaramada Midoobay
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa ku sugan magaalada Moscow si uu wadahadal ula yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli Ruushka iyo quwadaha reer galbeedku ay isku dayayaan in ay taageero Afrika ah ka helaan duulaanka Ukraine.
Mr Kiir ayaa Arbacadii gaaray caasimadda Ruushka, waxaana ku qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Andrey Rudenko Yurevich, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay laanta saxaafadda ee madaxweynaha.
Waxyaabaha kuu fududeyn kara inaad shaqo hesho
Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa laga yaabaa inaysan fududeyn inaad hesho shaqadii aad ku hanweyneyd, haddana waxaaba ka sii daran haddii aadan aqoon waxa ay badrooniyaashu doonayaan.
Qaabka shaqaaleysiinta ee dunida - ee shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryarba - waa ganacsi si dhaqso ah iisu beddelaya.
Balse waxaa jira hal shey oo aanan la yareysan karin: waa wareysiga fool-ka-foolka ah.
"Weli waa waxa ugu muhiimsan marka laga hadlayo hannaanka shaqaaleysiinta," ayuu yiri Jen Tippin, oo ah khabiir dhanka shaqaaleysiinta ah oo ka tirsan Lloyds Banking Group.
Waxay aaminsan tahay in awoodda aad u leedahay inaan su`aalaha uga jawaabto qof amaba guddi hortiisa ay dhisi karto amaba ay burburin karto xirfaddaada.
Waa wax aad sameyn karto maalin kahor maalinta wareysiga si aad u diyaar garowdo una noqoto qof isku kalsoon.
2. Muraajaco samee
Maxaadan saaxiibbadaa ula sameynin tijaabo wareysiga ku saabsan?
Diyaarso liis ay kuugu qoran yihiin su`aalaha macquulka ah ee lagu weydiin karo isla markaana isku day inaad jawaabahood sii muraajaceysato.
Haddii ay kugu adkaato waxaa jira meelo badan oo baraha bulshada ah oo aad ka heli karto qaar ka mid ah su`aalaha wareysiga la isku weydiin karo.
Markaad diyaarsaneyso jawaabahaaga, u feker sida inaad sheekeyneyso: diyaarso tusaalooyin habboon oo aad ku muujineyso halka, goorta, iyo qaabka aad uga soo bixi karto dhammaan xirfadaha laga doonayo qofka.
Tusaalooyinka la xiriira guulahaagii iyo khibradahaagii hore waa inay ka turjumaan waxa aad ku kordhisay meeshii hore ee aad ka shaqeyn jirtay iyo waxa aad ku soo biirin karto shirkadda aad shaqada ka dooneyso.
Daawo :Xaalad argagax leh oo haween tahribayaal ah oo ku xayirannaa gudaha gaari xamuul ah oo ay ku adkaatay inay neefsashadaan
Qoraalka Muuqaalka, Daawo :Xaalad argagax leh oo haween tahribayaal ah oo ku xayirannaa gudaha gaari xamuul ah ay ku adkaatay inay neefsashadaan
Lix haween ah ayaa laga soo badbaadiyay dhabarka dambe ee gaari xamuul ah oo gudaha dalka Faransiiska, ka dib markii ay BBC-du gacan ka geysatay sidii loo soo heli lahaa oo ay booliska u wargelin lahaayeen.
Afar qof ee u dhashay dalka Vietnam iyo labo Ciraaqi ah, oo loo malaynayo inay yihiin tahriibayaal, ayaa ku go’doonsanaa gudaha gaariga , iyagoo argagaxsan aadna ugu adkaatay inay neefsadaan.
Mid ka mid ah ayaa la soo hadlay BBC isagoo ku sugan gudaha gaariga xamuulka ah.
BBC-da ayaa markaas gacan ka geysatay in ay la xiriirto booliiska, kuwaas oo joojiyay gaariga xamuulka ah.
Booliska Faransiiska ayaa xiray darawalkii gaariga xamuulka ah.
Waxa ay sidoo kale fureen baaritaan.
Xagee ku sugan yahay madaxweyne Deni oo aan Puntland cag dhigin afartan cisho?
Wicitaankii BBC-da ee horseeday in lixda haween la soo badbaadiyo
Xigashada Sawirka, SCREEN GRAB
Lix haween ah ayaa laga soo badbaadiyay dhabarka dambe ee gaari xamuul ah oo ku yaalla dalka Faransiiska, ka dib markii ay BBC-du gacan ka geysatay sidii loo soo heli lahaa oo ay booliska u wargelin lahaayeen.
Afarta Vietnamese iyo labada Ciraaqi, oo loo malaynayo inay yihiin tahriibayaal, ayaa ku go’doonsanaa gudaha, iyagoo argagaxsan oo la tacaalaya inay neefsadaan. Mid ka mid ah oo la hadlay BBC isagoo ku sugan gaariga xamuulka ah.
BBC-da ayaa markaas gacan ka geysatay in ay la xiriirto booliiska, kuwaas oo joojiyay gaariga xamuulka ah.
Waxa ay sidoo kale fureen baaritaan la xiriira howl-galkan oo looga shakisan yahay in ay ka dhambeeyaan kuwa dadka lagu tahriibiyo.
Shiinaha oo ka jawaabay Gujiska ay sameysatay Taiwan
Taiwan ayaa daaha ka rogtay Gujiskii ugu horeeyay ee ay samaysato, iyadoo doonaysa inay ka hortagto awooda bada ee Shiinaha oo sii kordheysa.
Jasiiradda ayaa go’aansatey in ay sameysato Gujis ay iyadu leedahay kadib markii ay weydey cid diyaar u ah in ay u dhisto.
Beijing waxay u aragtaa Taiwan qayb ka mid ah dhulkeeda. Afhayeen u hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha --Mao Ning-- ayaa sheegtay in Gujiska cusub uu yahay wax lagu qaasaariyay lacagta dadka Taiwa.
Horta arrintu maaha
arrin arrimaha dibadda khuseysa. Taiwan waa qayb ka mid ah geyiga Shiinaha oo
aan go'i karin, waana in dib loo midoobo
Taiwan. Madaxda Xisbiga Horumarka Dimuqraadiga ah ee ku dhegan mawqifka
gooni-u-goosadka ah ee madax-bannaanida Taiwan, ee ku dhisan ku takri-falka dhaqaalaha dadka reer Taiwan iyagoo ku iibsanaya hub, abuurista colaad iyo iska
hor-imaadyo xad dhaaf ah waxay wiiqayaan nabadda. iyo xasiloonida Taiwan." ayay tiri.
Jasiiradda ay xulafada yihiin Somaliland ee hadda sameysatay Gujis
Xigashada Sawirka, Getty Images
Taiwan ayaa daaha ka rogtay Gujiskii ugu horeeyay ee gudaha Taiwan lagu sameeyo, iyadoo xoojinaysa difaaceeda ka dhanka ah weerarada suurtagalka ah ee Shiinaha.
Madaxweyne Tsai Ing-wen ayaa shir guddoominayay xafladda furitaanka oo ka dhacday magaalada dekedda ah ee Kaohsiung Khamiistii.
Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay in Shiinuhu uu awood u yeelan karo in uu Taiwan duullaan ku qaado sanadaha soo socda gudahooda.
Taiwan waa jasiirad iskeed isu maamusho oo Shiinuhu u arko gobol isaga ka mid ah, wuxuuna wacad ku maray in un maalin uu dib u qabsan doono.
Inta badan dadka indha indheeya arrimaha Taiwan ayaa aaminsan in Shiinuhu uusan si degdeg ah u weerari doonin jasiiradda, Beijing ayaa sheegtay in ay raadinayso "dib ula midoobid" nabadeed oo ay la yeelato Taiwan.
Balse isla mar ahaantaana waxa ay ka digtay in Taiwan ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo madax banaani iyo taageero kasta oo shisheeye.
Saddexda dal ee Africa ee ku guuleystay marti gelinta Koobka Qarama Africa (AFCON) 2027-ka
Xigashada Sawirka, AFCON
Qoraalka sawirka, .
Guul weyn oo taariikhi ah ayaa u soo hoyatay dalalka Bariga Afrika, kadib markii sadex dal oo ka tirsan qaaradda Africa ay ku guuleysteen, in laga aqbalo codsiyo ay dirsadeen oo ah inay marti geliyaan Koobka Qaramada Africa (AFCON) sanadka 2027-ka.
Sadexdaas dal ayaa kala ah Kenya, Uganda iyo Tanzania, kuwaas oo muddo afar sano ah kadib marti gelin doona koobkaas iyagoo durbaba bilaabi doona u diyaar garowga howlahaas.
Talaadadii shalay ahayd, madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika, Patrice Motsepe, ayaa ku dhawaaqay in dalka Morocco uu marti gelin doono tartanka AFCON sanadka 2025-ka.
Waxa ay noqon doontaa markii labaad ee dal kuyaalla waqooyiga Afrika uu marti geliyo tartanka isagoo markii ugu horeysay qabtay 1988 -kii.
Faah-faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa dhul-gariir ka dhacay Jabuuti
Waa kuwee shanta eedeysane ee ay maxkamaddu ku weysay dhamaan dambiyadii mausuq-maasuqa ee loo haystay?
Qoraalka sawirka, .
1. Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha xafiiska
fiiso qaadashada ayaa lagu waayay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxayna
maxkamaddu dib ugu celisay xoriyadiisa.
2.Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo
maqane ah, ahaana shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta waaxda
sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay
dhamaan eedeymihii loo haystay.
3.Cabdullahi Maxamed Cali oo ah agaasimihii hore
ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay qodobada lagu
soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.
4.Maxamed Cadde Mukhtaar
Cabdiraxmaan oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada
ayaa sidoo kale lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay.
5.Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ahaa qasnijiga Bangiga Dhexe ee
garoonka Aadan Cadde ayaa lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay,
waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyaddiisa.