Wararkii ugu dambeyay ee Xamas iyo Israel

Xigashada Sawirka, ATEF SAFADI/EPA
In ka badan 48 saacadood ka dib markii uu bilaabmay hawlgalka milatari ee ay bilaabeen guutada Al-Qassam ee dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Marinka Gaza ee ka dhanka ah Israa’iil weerar ay ugu magacdareen (Daadadka Al-Aqsa) iyo jawaabta Israa’iil ee hawlgalka seefta birta, kuwani waa wararkii ugu dambeeyay:
Israa’iil ayaa duqeymo ba’an ka geysatay bartamaha xerada qaxootiga ee Jabalia, oo ku taal waqooyiga marinka Qaza, agagaarka suuq caan ah oo dadku ku badan yihiin, waxaana ka dhashay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah ilaa hadda.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Galant uu ku dhawaaqay inuu amar ku bixiyay in gebi ahaanba la go’doomiyo marinka Qaza, isla markaana la gooyo sahayda korontada, cuntada iyo shidaalka, wax kastana la xiro.
Xamaas ayaa wali sii wada gantaalada ay ku ridayso Israa’iil, iyaga oo beegsanaya magaalada Jerusalem iyo garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion oo u dhaw magaalooyinka Tel Aviv iyo Ashkelon.
Afhayeen u hadlay maamulka Garoomada Diyaaradaha ee Israa’iil ayaa beeniyay in wax gantaal ah uu ku dhacay garoonka diyaaradaha, taasoo jawaab u ah ku dhawaaqista Xamaas ee ah inay gantaallo kale la beegsanayso garoonka Ben Gurion.







