Hogaamiyeyaasha Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska, Talyaaniga
iyo Jarmalka ayaa hadda soo saaray bayaan ay ku muujinayaan " cambaarayn
aan leexleexad lahayn oo ka dhan ah Xamaas iyo falalkeeda argagaxisada ah"
sida ay hadalka u dhigeen.
Bayaanka wadajirka ah ayaa yimid ka dib markii ay wada
hadleen Madaxweyne Macron, Scholz, Meloni, Sunak iyo Madaxweyne Biden.
"Falalka argagixisanimo ee Xamaas ma laha wax cudurdaar
ah, sharcina ma leh, waana in si caalami ah loo cambaareeyaa," ayaa lagu
yiri bayaanka.
"Waddamadeenu waxay Israa'iil ku taageeri doonaan
dadaallada ay kaga ilaalinayso nafteeda iyo dadkeeda xadgudubyadan oo
kale," ayaa lagu yiri bayaanka oo sii socda, isagoo intaas ku daray:
"Waqti xaadirkan ma ahan in qolo kasta oo cadow ku ah Israa'iil ay uga
faa'ideysato weerarradan."
“Dhammaanteen waxaan aqoonsannahay rabitaanka sharciga ah ee
dadka reer Falastiin, waxaanan taageernaa tallaabooyinka loo siman yahay ee
caddaaladda iyo xorriyadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta si isku mid ah.
Laakin ha qaldamina: Xamaas ma matasho rabitaankaas, waxna
uma soo bandhigto dadka Falastiiniyiinta oo aan ka ahayn argagax iyo dhiig
daata."