Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Israel oo weerartay jaamacadda Islaamiga ee Qasa

    Reuters

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidamada cirka Israel ayaa xaqiijiyay inay weerareen Jaamacadda Ismaaliga ah ee Qasa.

    BBC ayaa warkaas markii ugu horreysay baahisay shalay, markaas oo aan helnay xogta ah in la duqeeyay Jaamacadda/

    Ciidamada Israel ayaa hadda warkaas ku xaqiijiyay qoraal ay soo dhigeen Twitterka.

    Waxay ku tilmaameyn jamaacadda inay xarun tababar u tahay injineerada Xamaas, iyo inay tahay halka laga hago awoodda siyaasadeed iyo ciidan ee Xamaas.

    Waxay intaas ku dareen inay Xamaas u adeegsato jaamacadda soo-saaridda hubka ay ku fuliso weerarada ay ku qaado Israel.

  2. Wiishka digniinaha gantaalada oo ka yeeray Waqooyiga Israel

    Waxay u muuqataa in dagaalka Israel iyo Xamaas uu markan kusii fidayo Lebanon iyo Waqooyiga Israel. Wiishka digniinaha gantaalada ayaa ka yeeray Waqooyiga Israel.

    Waa jiid hor leh oo ay Israel kaga beegan dhanka XIsbulaah.

    Wax yar kahor Israel baa sheegtay inay weerareyso Lebanon kadib gantaalo ay soo rideen Xisbulaah oo ku dhacay gudaha Israel.

    Wiishka digniinaha codka dheer ayaa hadda ka qeylinaya waqooyiga Israel si uu uga digo gantaalo kasoo dhacaya dhanka Xisbulaah iyo Lebanon.

  3. Israel oo weerartay Lebanon oo ay gantaalo uga soo dhaceen

    Ciidamada Israel ayaa shaaciyay inay weerar ku qaadayaan Lebanon si ay uga jawaabaan gantaalo ay sheegeen in halkaas looga soo tuuray.

    Saacad kahor ayaa dhowr gantaal oo laga soo tuuray Lebanon ay ku dhaceen gudaha Israel. Weerarkaas gantaalo waxaa sheegtay Xamaas.

    Israel waxay hadda shaacisay inay weerar ku qaadeyso dhulka Lebanon, iyada oo ay warbaahinta Lebanon ay sheegeyaan in ciidamada Israel ay duqeeyeen dhowr goob oo dalkaas ka tirsan.

    Wakaalada Wararka Lebanon waxaa duqeymaha waxay ugu yeertay cadowga inay ku dhaceen meel ku dhow deegaan la yiraa Dhayra, halka ay duqeymo kale na ay ka sheegtay deegaan kale oo Yarin la dhaco.

    BBC si madaxbanaan uma xaqiijin karto warkaas.

  4. Hoggaamiyaha darbijiifka ahaa ee saddex madaxweyne iyo Shabaab la diriray

  5. Dhawaaqa wiishka ka diga gantaalada Xamaas oo ka yeeray Koonfurta Israel

    Waxaa hal mar isqabsaday dhawaaqa wiishka dadka Israel uga diga gantaalada kooxda Xamaas ay soo tuuro. Codkaas ayaa laga maqlay koonfurta Israel. Ciidamada Israel waxay sheegeen in uu wiishku ka digayo gantaalo hawada kusoo jira.

  6. Sawiradii ugu dambeeyay oo muujinaya duqeynta Israel ee Qasa

    Waxaa maalintii shanaad galay duqeymaha Israel ay ku wado Qasa, iyada oo ay sii kordheyso waxyeelada dadka rayidka ah ee reer Falastiin. Israel waxay sheegtay in 450 duqeyn ay ka fulisay dhulkaas 24tii saac ee lasoo dhaafay. Halkan ka eeg sawiradii ugu dambeeyay

    Reuters

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Reuters

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Reuters

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Daawo muuqaalo kale

  7. Muxuu salka ku hayaa "isbeddelka muuqaal" ee Madaxweyne Xasan Sheekh?

    .

    Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, horraantii bishii 8-aad ayuu gaaray magaalada caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareb oo isagoo markaas ay wehlinayaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

    Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysnaa dhammeystirka dagaalka al-Shabaab looga saarayo deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saarayay kormeerka furimaha dagaalka ee guud ahaan gobollada dalka.

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku dhawaad labo bilood degganaa magaaladaas ayaa dhowaan u safray dalka Eritrea halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Ereteriya, Isaias Afwerki, waxa ay si wadajir ah u kormeereen xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka ee Soomaaliya ee ku sugan dalkaas.

  8. Tirada dhanka Israel ee ilaa hadda ku dhintay dagaalka iyadoo xamaas ay sii wadaan gantaallo ay ku garaacayaan Ashkelon

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ururka Xamaas ee Falastiin iyo ciidamada Israa'iil.

    Milateriga israaiil waxay sheegayaan, in weerarrada ay ilaa hadda ku dhinteen 1200 oo qof.

    Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay, in ugu yaraan 950 qof lagu dilay Qasa, tan iyo markii Israa'iil ay Sabtidii weerarro xaga cirka ah ka fulisay marinkaas.

    Milateriga Israaiil ayaa sheegay in weerareen 200 oo barrtilmaameed oo kale oo ku yaalla Qasa habeennimadii xalay.

    Mid ka mid ah weerarradaas ayaa lagu garaacay guriga qoys ay qaraabo yihiin, taliyaha xamaas, Maxamed Deif.

    Wakiilka falastiiniyiinta u fadhiya Qaramada Midoobay wuxu weerarradaas ku tilmaamay dambiyo dagaal, dhinaca kalena, xamaas waxay sii wadaan inay gantaalo ku garacaan magaalada Ashkelon ee Israa’iil.

    Waxaa kale oo aad aqrisan kartaa:

  9. Maxay tahay shuruudda ay Xamaas ku xirtay bed qabka dadka u qafaalan

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Ururka Xamaas ayaa ku hanjabay inuu dili doono Israa’iiliyiinta u qafaalan mar kasta oo Israa’iil ay bambooyin ku garaacdo guryaha falastiiniyiinta digniin la’aan.

    Afhayeenka Xamaas, Abu Cubeyda, ayaa soo saaray hanjabaad ah in ay dili doonaan Israa’iiliyiinta gacantooda ku jira, haddii Israa’iil ay sii waddo duqaymaha guryaha Falastiiniyiinta, oo ay dilkana baahin doonaan.

    Ma jirto jawaab ka timid dhinaca Israa’iil oo la xiriirta hanjabaadaas. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen wuxuu sheegay in ilaa 100 qof ay Xamaas qafaalatay markii ay maalmo ka hor weerarka ku soo qaadday Israa’iil.

    Dhexdhexaadiyeyaal reer Qadar ah ayaa iyagana isku dayaya inay wadaxaajood ka galaan sii deynta haweeney Israa’iiliyad ah iyo carruur ay Xamaas qafaasheen si loogu sii daayo 36 isugu jira haween iyo carruur Falastiiniyiin ah.

  10. War deg deg ah, War deg deg ah: Tirada dhimashada Qasa oo korortay

    Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay, inay kororta tirada dhimashada dadka ku dhintay dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa'iil.

    Waxay wasaaraddu sheegtay, in ugu yaraan 950 qof la dilay tan iyo markii Israa'iil ay Sabtidii weerarro xaga cirka ah ka fulisay Qasa.

    Subaxnimadii hore ee maanta, kumanaan falastiiniyiin ah ayaa dhigay dibedbaxyo ay uga soo hor jeedaan, weerarrada cirka ee ay Israa'iil ka fulineyso magaalooyinka ku teedsan Daanta Galbeed.

    Tirada dhimashada israa'iil ayaa ah 1200 oo qof.

  11. Daawo: Xaaladda gudaha Qasa iyo Israa'iil iyadoo xabado iyo duqeymo la is weydaarsanayo

    Tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa’iil Sabtidii, in ka badan 1,700 oo qof ayaa lagu dilay toogasho iyo duqeymo xagga cirka ah.

    Xaalada gudaha Qasa iyo Israa'iil sidan aay ahayd intii uu dagaalku socday. Gantaallo iyo rasaas ayaa la is weedaarsanayay.

    Qoraalka Muuqaalka, Kibbutz Kfar Aza: Hamas killed whole families
  12. Diyaarad sidda hub ka yimid Mareykanka oo ka degtay saldhig ku yaala Koonfurta israa’iil

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa khudbad uu jeediyay waxaa uu kaga hadlay dagaalka u dhaxeeya ururka Xamaas iyo ciidamada Israa'iil.

    Biden ayaa dhanka kale waxaa uu cambaareeyey weerarka xamaas ay ku qaadday israaill, isagoo weerarkaas ku tilmaamay 'shar'

    Dhanka kale, milateriga israa’iil ayaa sheegay, in dayaaraddii ugu horreysay ee sidda hub ka yimid maraykanka ay ka soo degtay saldhig ciidanka cirku ku leeyihiin koofurta israa’iiil.

    Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa qorsheynaya inuu Israa'iil booqdo maalinta berri ah.

    wuxuu geyn doonaa farriin ka kooban 'midnimo iyo taageero, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka, Mathew Miller, isagoo cadeeyay in tani aysan ahayn safar lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo labada dhinac si loo soo afjato dagaalka u dhaxeeya.

  13. Sida Xamaas hubka u samaysato iyo waxa laga sameeyo

  14. Maxay yihiin baarashuudyada ka yaabiyay caalamka ee ay Xamaas ku weerareen Israa'iil?

  15. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka oo booqanaya Israel

    Xoghayaha Arimaha Dibedda Anthony Blinken ayaa qorsheynaya inuu booqdo Israel Khamiista.

    Wuxuu geyn doonaa farriin ka kooban "midnimo iyo taageero," sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Matthew Miller, isagoo caddeeyay in tani aysan ahayn safar lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo soo afjarida khilaafka.

    Blinken wuxuu ka hadli doonaa waxyaalaha dheeraadka ah ee Maraykanku samayn karo si uu ugu taageero Israa'iil "dagaalka ka dhanka ah argagixisada soo qaaday weerarradan naxdinta leh". Waa sida ay hadalka u dhigeene.

    Waxa kale oo uu raadinayaa waddo caawimo ah oo lagu sii deyn karo la haystayaasha ay qabteen Xamaas, kuwaas oo qaar ka mid ah Aqalka Cad uu aaminsan yahay in ay yihiin Maraykan.

  16. Biden oo si weyn u taageeray Israel dhalleecayn culsuna u jeediyey Xamaas

    Madaxweyne Biden ayaa ku tilmaamay dilka ballaadhan ee ay Xamaas u gaysatay dadka rayidka ah ee Israa’iil in ay ahayd “fal xun oo shaydaannimo ah” wuxuuna ballan qaaday in Maraykanku taageero buuxda siin doono Israa’iil, si ay uga jawaabto.

    Sida oo kale ka dib markii uu la hadlay ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu, Mr Biden wuxuu sheegay inuu hubin doono in Israa'iil ay hesho wax walba oo ay u baahan tahay - oo ay ku jiraan rasaas dheeri ah iyo gantaalada difaaca cirka.

    Wuxuu sheegay in afar iyo toban Mareykan ah la dilay, qaar kalena ay gacanta ku hayaan Xamaas.

    Mr Biden waxa uu intaa ku daray in uu diyaar u yahay in uu amro milleteriga iyo saanadda dheeraadka ah ee uu Maraykanku ku leeyahay gobolka si ay uga hortagaan xoog kasta oo ku fikiraya in uu ka faa’iidaysto qalalaasahan.

  17. War deg deg ah, Rasaas culus oo ka socota magaalada Kfar Aza ee koonfurta Israa'iil

    Sida ay werinayso qaybta Ingiriiska ee warbaahinta Al Jazeera, waxaa saacado ka hor magaalada Israa'iil ee Kfar Aza laga maqlayey rasaas xoog badan oo halkaas ka socota.

    Galabnimadii Talaadada, xaaladda magaaladan ayaa aad u foolxumayd, iyada oo ay meydad badan dsaadsan yihiin waddooyinka.

  18. Wadahadal diblomaasiyadeed oo laga yeelanayo dadka ay Xamaas qafaalatay

    Dadaallada diblumaasiyadeed ayaa la sheegay in ay sii xoogeysanayaan, kuwaas oo la doonayo in lagu soo furto qaar ka mid ah in ka badan 100 la heyste oo la sheegay in ay gacanta ku hayaan Xamaas.

    Ujeedadu waxay u muuqataa inay tahay is dhaafsiga haweenka iyo caruurta- oo ay ku jiraan Israa'iiliyiin iyo muwaadiniin kale - taas oo lagu beddelayo haweenka iyo carruurta Falastiiniyiinta ee ku jira jeelasha Israel.

    Diblomaasi ka hadlay wada-hadallada ayaa BBC u sheegay in ay socdaan wada-hadallo ay ku lug leedahay dowladda Qatar ee Khaliijka, halkaasoo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee ururka Xamaas.

    Maraykanka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay isku dubaridka hawsha. Kuma jiraan wadahadalka kooxda Islamic Jihad (PIJ) oo la sheegay inay qabteen ilaa 30 Israa,iiliyiin ah.

    Israa'iil iyo Xamaas labaduba waxay si cad u dafireen in wax wada xaajood ah oo afduub ah uu dhacayo. Balse ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegay in wadahadaladu ay xawli ku socdaan.

  19. Muxuu salka ku hayaa "isbeddelka muuqaal" ee Madaxweyne Xasan Sheekh?

  20. Si aad ula qabsato, wararkii u dambeeyay halkan ayaan kusoo koobnay

    Waxay ahayd maalin kale oo ay wararka cusub iskasoo dsaba dhacayeen. Waa kuwan waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad u baahan tahay inaad ogaato si aad ula qabsato.

    • Xoogaga Xamaas ayaa uga digay shacabka Israa’iil in ay isaga baxaan magaalada Ashkelon saacadu marka ay tahay 17:00 xiliga maxaliga ah, wax yar ka dib waqtigaas ayaa waxaa magaalada laga maqlay qaraxa gantaallo.
    • Ehelada muwaadiniinta Maraykanka ah ee la la'yahay ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen Tel Aviv waxay ku faahfaahiyeen xaalado murugo leh oo ay ka maqleen xubnaha qoyskooda.
    • Tirada Falastiiniyiinta ee ku dhintay duqeymaha cirka ee Israel tan iyo sabtidii ayaa gaartay 830 qof.
    • Safaarada Israa'iil ee Mareykanka ayaa sheegtay in tirada dhimashada dhanka Israa'iil ay hadda gaartay ugu yaraan 1,008 qof.
    • Xamaas ayaa sheegtay in aysan gorgortan ka geli doonin la haystayaasha ilaa "ilaa uu dagaalku dhamaado". Inta u dhaxaysa 100 iyo 150 Israa'iiliyiin ah ayaa hadda la rumaysan yahay in la haysto, sida uu sheegay danjiraha Israa'iil ee Qaramada Midoobay.
    • Duqeymaha cirka ayaa weli ka socda Gaza iyo Israa'iil, waxaanan sii wadi doonnaa inaan halkan idiinku soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay.