Si aad ula qabsato, wararkii u dambeeyay halkan ayaan kusoo koobnay
Waxay ahayd maalin kale oo ay wararka cusub iskasoo dsaba dhacayeen. Waa kuwan waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad u baahan tahay inaad ogaato si aad ula qabsato.
- Xoogaga Xamaas ayaa uga digay shacabka Israa’iil in ay isaga baxaan magaalada Ashkelon saacadu marka ay tahay 17:00 xiliga maxaliga ah, wax yar ka dib waqtigaas ayaa waxaa magaalada laga maqlay qaraxa gantaallo.
- Ehelada muwaadiniinta Maraykanka ah ee la la'yahay ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen Tel Aviv waxay ku faahfaahiyeen xaalado murugo leh oo ay ka maqleen xubnaha qoyskooda.
- Tirada Falastiiniyiinta ee ku dhintay duqeymaha cirka ee Israel tan iyo sabtidii ayaa gaartay 830 qof.
- Safaarada Israa'iil ee Mareykanka ayaa sheegtay in tirada dhimashada dhanka Israa'iil ay hadda gaartay ugu yaraan 1,008 qof.
- Xamaas ayaa sheegtay in aysan gorgortan ka geli doonin la haystayaasha ilaa "ilaa uu dagaalku dhamaado". Inta u dhaxaysa 100 iyo 150 Israa'iiliyiin ah ayaa hadda la rumaysan yahay in la haysto, sida uu sheegay danjiraha Israa'iil ee Qaramada Midoobay.
- Duqeymaha cirka ayaa weli ka socda Gaza iyo Israa'iil, waxaanan sii wadi doonnaa inaan halkan idiinku soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay.











