Lubnaan oo dooneysa inay dacwad rasmi ah u gudbiso Qaramada Midoobay

Lubnaan ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbinaysa cabasho rasmi ah oo ku saabsan waxa ay ku sheegtay “dilkii Israa’iil ee ula kac ahaa” ee loo gaystay weriyihii wakaaladda wararka ee Reuters, Issam Abdallah, oo isna haysta dhalashada Lubnaan.
Abdallah ayaa lagu dilay koonfurta Lubnaan jimcihii kadib markii gantaalo laga soo tuuray dhanka Israel ay ku dhaceen koox saxafiyiin ah, goob joogayaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.
Abdallah waxa uu ka shaqaynayay meel ku dhow xuduudka Lubnaan iyo Israa’iil, halkaas oo ay ku sii xoogeysteen iska horimaadyada u dhexeeya mintidiinta iyo milatariga Israa’iil.
Lix wariye oo kale, oo ay ku jiraan Reuters, Al Jazeera iyo Agency France-Presse, ayaa ku dhaawacmay.












