Afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo lagu magacaabo Patrick Ryder ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ee ku howlan xoreynta la haystayaasha ay gaareen Israa’iil, sida uu sheegay maamulka warbaahinta Israa’iil.
Sida laga soo xigtay maamulka Israel, Ryder wuxuu intaa ku daray in u dirida markab diyaaradeed qaada oo Mareykan ah oo gaaray dhinaca bariga Mediterranean-ka ay tahay "farriin ka hortag ah oo ku socota Hezbollah iyo Iran inaysan faragelin dagaalka," isagoo xusay in markabkan uu leeyahay "basaasiin, kormeer, iyo awood jawaabeed. ”
Waxa uu sheegay in Washington ay uga tagi doonto dagaalyahanada F-35 ee gobolka, ayna xoojin doonto dagaalyahanada F-16 iyo F-15 si loo xaqiijiyo helitaanka fursado kala duwan, waa sida uu hadalka u dhigay.
Maxay yihiin Ciidamadda Delta.
Delta Force waa unug hawlgalo gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Maraykanka oo diirada saaraya ugu horrayn xoraynta la haystayaasha iyo la dagaallanka "argagixisanimada," iyo inta badan hawlgalladooda.
Qeybtan waxaa la aasaasay 1977-kii, kuwaas oo uu asaasay Kornayl Charlie Beckwith, oo arkay baahida loo qabo ciidan weerar ah oo sax ah oo ka dhisan ciidanka dhexdiisa, waxayna ciidamadaan la shaqeeyeen Adeegga Hawada Gaarka ah ee Ingiriiska sanadkii 1970-meeyadii, taas oo qayb ka ah isweydaarsiga khibradaha milatari ee u dhexeeya Washington iyo London, iyo in lagu daydo Adeegga Cirka ee caanka ah ee British Special Air Service.
Delta waxa ay ku shaqo leedahay burburinta unugyada argagixisada, sahanka istaraatiijiga ah iyo diyaarinta hawlgalada goobta dagaalka, laakiin waxa ay sidoo kale ka qaybqaadataa hawlgalada samatabbixinta la haystayaasha iyo hawlgalada qarsoon ee CIA.
Ciidankan gaarka wuxuu hoos tagaa Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Ciidanka Mareykanka (USAOC), laakiin waxaa gacanta ku haya Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Wadajirka ah (JSOC)
Hadafka koowaad ee Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Wadajirka ah (JSOC) waa in ay qabtaan hawlgallo halis ah oo ka dhan ah argagixisada, halka Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka (USAOC) uu diiradda saaro dagaalka aan caadiga ahayn, difaaca gudaha, dibada iyo ka hortagga fallaagooyinka.
Waxaa la qiyaasaa in ciidamadaan ay gaarayaan ilaa iyo 1,000 askari.
Qoraaga Sean Naylor, ee wax ku qora Majalada Army Times,buugisa ku saabsan Delta Force,wxuu sheegay in laga yaabo inay yihiin ilaa 1,000 askari Ciidanka Delta Force
Sida laga soo xigtay websiteika Maraykanka ee Specail Ops, wuxuu sheegay in ku biirista ciidankan ay ku xiran yihiin shuruudo ay ka mid yihiin in codsadayaashu yihiin lab, ugu yaraana ahaadan 21 sano jir, noqdaana shaqaale milatari oo u qalma.