Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Laba dhalinyaro ah oo ka mid ah muwaadiniin British ah oo la la'yahay

    BBC waxay xaqiijin kartaa in laba dhalinyaro ah ay ka mid yihiin liiska muwaadiniinta Britain ee la la'yahay ka dib weerarradii Xamaas ee Israa'iil ku qaaday 7-dii Oktoobar.

    Waa walaalo waxaytna kala yihiin Noiya, 13 jir ah, iyo Yahel, 16. Magacooda lama sii dayn.

    Qoyskan ayaa la aaminsan yahay in laga soo qafaashay Kibbutz Beeri lana geeyey Qaza.

    Xalay ayaa la xaqiijiyay in Hooyadooda Lianne oo u dhalatay dalka Britain, kuna dhalatay UK ay dileen Xamaas.

  2. War deg deg ah, Militariga Israel:Madaxa sirdoonka guud ee Xamaas 'waa la dilay'

    Ciidamada Cirka ee Israel ayaa baraha bulshada ku sheegay in weerar dhanka cirka ah lagu dilay madaxii sirdoonka guud ee Xamaas.

    Iyaga oo qoraalkaas ku lifaaqaya feyl muuqaal ah oo muujinaya weerarka la sheegayo, waxay sheegtay in weerarka cirka lagu qaaday Khan Younis, ee marinka Qaza.

    BBC ma aysan xaqiijin xogtan.

  3. Badda Cas: Yuu quseeyaa damaca dekad doonka ee Itoobiya?

  4. Israel oo sheegtay in dagaalka uu noqon doono mid dheer

    bbc

    Isagoo hadlayay wax yar ka hor Blinken, wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Yoav Gallant ayaa u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka “kani wuxuu noqon doonaa dagaal dheer, qiimihiisuna wuu sarreyn doonaa, laakiin, Israa’iil, dadka Yuhuudda ah, iyo qiyamka ee ay labada dal aaminsan yihiin way guuleysan doonnaan”.

    Wuxuu uga mahadceliyey Mareykanka taageerada uu siiyo, wuxuuna soo hadal qaaday maraakiibta dagaalka ee Mareykanka - oo ay ku jiraan labo kamid ah oo ah kuwa diyaaradaha xambaara - oo la geeyay bariga Mediterranean-ka tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa'iil.

  5. Iiran oo digniin ka soo saartay dagaalka Israa'iil iyo Xamaas

    bbc

    Xigashada Sawirka, AFP

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa ka digay in suurtagalnimada dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas uu ku fido wajiyada kale "uu ku sii dahawaanaya oo uu ku wajahan yahay (marxaladda aan laga fursan karin).

    War qoraal ah oo uu soo dhigay X, wuxuu ku sheegay in "waqtigu uu ka sii dhamaanayo xalalka siyaasadeed" wuxuuna ku eedeeyay Israel "dambiyada iyo dilka gudaha Gaza".

    Waxa uu qoray: “Waxaan la kulmay dhiggeyga Malaysia, Pakistan, Tunisia. Waxaan hoosta ka xariiqnay baahida loo qabo in si degdeg ah loo joojiyo dembiyada Sahyuuniyadda iyo dilka Gaza iyo in la diro gargaarka bini'aadantinimo.

    "Waxaan carrabka ku adkeeyay in xal siyaasadeed uu waqtigeedu sii dhamaanayo.Suurtagalka in dagaalka uu ku faafo furimo kale ayaa ku sii dhawaanaya marxalad aan laga fursan karin."

  6. Sunak: Waxaan taageersanahay xaqa ay Israa'iil u leedahay in ay is difaacdo

    bbc

    Xigashada Sawirka, Parliament

    Sunak wuxuu sii wadaa weydiinta ah sida UK ay tahay inay uga jawaabto.

    "Waxaan taageersannahay xaqa ay Israa'iil u leedahay inay is difaacdo oo ay ka hortagto duullaanno kale," ayuu u sheegay Aqalka Baarlamaanka.

    Laakin, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu ku adkaysanayaa in tani ay tahay in la waafajiyo sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada.

    "Saaxiib ahaan waxaan sii wadi doonnaa inaan ugu baaqno Israa'iil inay qaado taxaddar kasta oo suurtagal ah si aan uga fogaanno waxyeelleynta rayidka," ayuu yiri Sunak mar kale.

  7. Ciidamada Israa’iil oo shacabka ka daad gureynaya xadka Lubnaan

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay daadgureynayaan kumannaan qof oo degganaa meel laba kilomitir u jirta xadka Lubnaan. Hal qof oo rayid ah oo Israa’iili ah ayaa Axadii lagu dilay gantaal ay kooxda Xisbullah ku garaacday tuulo.

    Afhayeenka ciidamada Israel ayaa ku eedeeyay Iran inay amartay weeraradii ugu dambeeyay ee Xisbullah.

    Habeenimadii xalay, Israa’iil ayaa duqaymo dheeraad ah ka fulisay koonfurta Lubnaan, iyada oo bar-tilmaameedsatay kaabayaasha milatari ee Hezbollah. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

  8. Martin Griffiths: Israel waxay ku guul-darraysatay inay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa BBC-da u sheegay in loo baahan yahay gargaar si loo taageero hal milyan oo falastiiniyiin ah oo u qaxay koonfurta Gaza.

    Waxa uu ku eedeeyay Israa’iil in ay ku guul-darraysatay in ay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada; Wuxuu sheegay in dadka rayidka ah ay tahay inay si nabad ah ku socdaan oo aan la weerarin.

    Mr Griffiths ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Israa’iiliyiinta ay gacanta ku hayaan Xamaas.

    Afduubkooda ayuu ku tilmaamay mid sharci darro ah oo anshax xumo ah.

  9. Difaaca rayidka Falastiin:In ka badan 1,000 qof oo la la’yahay

    bbc

    Xigashada Sawirka, EPA

    In ka badan 1,000 qof ayaa weli lagu la'yahay guryo iyo dhismayaal ku burburay duqeymaha ay Israa'iil ka geysatay Qaza, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Falastiin.

    Eyad Al-Bozom, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Xamaas ay maamusho ee Gaza, ayaa sidoo kale xaqiijiyay tirada dadka la la’yahay.

    Ugu yaraan 2,750 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 9,700 oo qofna waa ay ku dhaawacmeen tan iyo 7-dii Oktoobar magaalada Gaza, wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa maanta sheegtay, iyadoo intaa ku dartay in 58 qof lagu dilay, in ka badan 1,250 kalena lagu dhaawacay Daanta Galbeed.

  10. Halkee ayuu dhaqaalaha kasoo galaa kooxda Xamaas ee dhuunta u gashay Israa’iil?

  11. Gaza:UNICEF oo ku baaqday in 'caruurta dartooda' xabad joojin loo sameeyo

    bbc

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa ka digtay in qaar ka mid ah dadka ku nool Marinka Gaza ay ku qasbanaan doonaan inay cabbaan biyo wasakheysan, iyadoo dhulkaasi uu ka dhammaaday biyahii nadiifka ahaa ee ay cabbi jireen.

    Afhayeen u hadlay UNICEF oo ku sugan magaalada Jerusalem, Jonathan Crikx, ayaa BBC u sheegay in biyaha aan la daweynin ay faafin karaan cudurrada ka dhasha biyaha.

    Mr Crikx waxa uu ku baaqay xabbad joojin degdeg ah ‘ carruurta dartoodna u joojiyaan’ waa sida uu hadalka u dhigaye.

  12. Xadka Qaza ee Masar oo weli xiran

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xadka u dhaxeeya Masar iyo Gaza ayaa wali xiran, inkastoo ay jiraan warar hore oo sheegayay in ay ku dhowdahay in ay dib u furto dadka ajnabiga ah dartood.

    Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay isgoyska Rafah, iyagoo sugaya in xadka laga furo.

    Rafah ayaa ku taal xuduudka u dhaxeeya gacanka Siinaay ee Masar iyo Gaza oo ay maamusho Xamaas waana marinka kaliya ee laga galo dhulka aysan maamulin Israel.

    Ma jirto waddo ay dadku uga baxaan Gaza hadda -maadaama dhammaan isgoysyadu ay xiran yihiin - oo aysan jirin waddo ay gargaar ku galaan.

  13. Daawo baaxada burburka ay diyaaradaha Israel gaarsiiyeen xerada qaxootiga Falastiin

    Qoraalka Muuqaalka, Baaxadda burburka xerada qaxootiga ee Jabalia ay gaarsiiyeen duuqaymaha Israel

    Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xoojiyay duqeynta ay ku wadaan magaalada Qasa ee ay ku nool yihiin dad ka badan labo milyan oo qof oo Falastiin ah. Meelaha la duqeeyay waxaa ka mid ah xerada qaxootiga reer Falastiin ee Jabalia. daaow saameynta duqeynta.

    Warar kale ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamaas

  14. 'Qoysaska oo dhan cidna kama badbaadin, marka laga reebo labadaan gabar'

    Getty Images

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Maxamed Sofi, 12 jir eegaya dhismeyaasha ay burburiyeen duqeymaha Israel

    Dhaawacyada carruurta la keenayo isbitaalada Qasa waa carruur waalidkooda iyo ehelkooda oo dhan ay ku geeriyoodeen duqeymaha Israel, sida uu BBC u sheegay dhakhtar halkaas ku sugan.

    Kala-bar dhaawacyada la keenayo goobaha caafimaadka waa carruur ayuu yiri dhakhtar Ghassan Abu-Sittah, oo ku takhasusay qaliinka. Waxa uu intaa ku daray inay yihiin carruur waalidkood iyo ehelkooda oo dhan uu ku geeriyoodeen duqeymaha.

    Dhakhtarkaas oo ka howlaha goobo caafimaad oo ku yaal Ingiriis ayaa Isniintii lasoo dhaafay u wraeegay Qasa, si uu uga shaqeeyo goobaha caafimaadka ee magaaladaas.

    Axadii shalay ahayd waxa uu sheegay in loo keenay labo gabar oo kala jira afar iyo shan kuwaas oo laga soo saaray burburka dhismaha ay degenaayeen ee Qasa.

    “Iyaga oo keliya ayaa ka haray qoyskooda oo dhan. cid kale kama badbaadin,” ayuu yiri dhakhtarka oo intaas ku daray maalin iyo saacad walba inay la kulmaan carruur la mid ah labadaas gabar.

    Warar kale ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamaas

  15. Tirada dadka Israel ee gacanta u galay Xamaas oo korortay

    BBC
    Qoraalka sawirka, BBC

    Dowladda Israel ayaa shaacisay tirada dadka reer Israel ee ururka Xamaas uu ku qabsaday weerarka labada toddobaad socda.

    Ciidamada Israel ayaa sheegay inay 199 qof kooxda Xamaas ku heysto gudaha Qasa.

    Afhayeenka ciidamada Daniel Hagari ayaa sheegay inay korortay tirada oo uu shalay ku sheegay 155 qof.

    Waxa uu sheegay in ciidamadu ay wargeliyeen qoysaska dadka la heysto.

    Warar kale ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamaas

  16. Isbarbardhigga awoodda militeri ee labadan dal ee ay suuragalka tahay in ay dagaallamaan

  17. Xamaas iyo Israel oo ka hadlay xabadjoojin la sheegay inay gaareen

    Ururka Xamaas iyo Israel ayaa beeniyay in xabadjoojin laga gaaray marinka Koonfurta Qasa. Sarkaal u hadlay ciidamada Israel ayaa sheegay in uusan jirin wax heshiis iyo xabadjoojin ah.

    Warkan ayaa yimid kadib markii saraakiil ka tirsan hay'adda amniga ee Masar ay faafiyeen in xabadjoojin laga gaaray marinka Rafax oo ku beegan halka laga baxo ama laga soo galo Qasa dhanka Masar.

    Warkaas waxaa faafisay wakaalada wararka ee Reuters. Afhayeenka ciidamada difaaca Israel Richard Hecht ayaa BBC u sheegay: "Ma jirto xabad joojin la isku raacay oo aan ka warqabo. Sidoo kale waxaan arkayaa warbixinadaas oo dhan, ma jiraan wax aan xaqiijinayo."

    Ururka Xamaas ayaa sidoo kale BBC u sheegay in aysan jirin wax-xabadjoojin ah oo ay ka warqabaan oo la gaaray. Xabadjoojinta ayaa laga rajo qabay inay albaabka u furto gurmadka iyo gargaarka ku socda Qasa, ama dadka ka qaxaya halkaas ee kusii jeeda Masar.

    Warar kale ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamaas

  18. Israel oo dadkeeda ka rareysa 28 magaalo cabsi laga qabo Xisbulaah awgeed

    Getty Images

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kooxda Xisbulaah oo soo bandhigeysa hubka

    Dowladda Israel ayaa ku dhawaaqday inay dadkeeda ka rarayso 28 magaalo oo ku teedsan xadka ay la wadaagto Lebanon, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xisbulaah.

    Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa fartay dhammaan dadka Israel ee degan magaalooyinka ku dhow xadka inay ka guuraan halkaas.

    Waxaan maalmahan kordhayay iskudhacyada xadka ee u dhexeeya ciidamada Xisbulaah iyo Israel, sida ay ka digayaan ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee soohdinta labada dhinac.

    Xisbullah ayaa shalay weerar ku qaaday fariisimaha ciidamada Israa’iil iyo tuulo xuduudeedka Shtula, halka Israa’iil ay ka jawaabtay weerarro gantaalo ah.

    Kooxda Xisbullah ee ay taageerto Iran ayaa si weyn u hubaysan, waxayna awood iyo saameyn ku leeyihin dowladda Lubnaan.

    Maraykanka ayaa walaac xoog leh ka muujiyey isku dhacyada ka taagan xadka Israa'iil iyo Lubnaan sida uu sheegay Jake Sullivan, La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka.

  19. Markii ay Itoobiya iska hor-taagtay in ciidamada Soomaaliya ay weeraraan Israel

  20. War deg deg ah, War deg deg ah: Maxaa ka jira xabadjoojinta laga gaaray Koonfur Qasa?

    Waxay BBC heshay warar kala duwan oo ka imaanaya Qasa, kuwaas ooo sheegaya in xabadxoojin laga gaaray Koonfur Qasa.

    Saraakiil amni oo kala duwan oo ka tirsan hay'adda amniga ee Masar ayaa u sheegay Reuters in Mareykanka, Israel iyo Masar ay gaareen xabadjoojin ka dhaqan gasha Koonfur Qasa marka ay saacada halkaas tahay sagaalka subaxnimo.

    Xabadjoojinta waxay la xiriirtaa si loo furo marinka Rafax oo ah jidka geliya oo ay dadku uga bixi karaan Qasa, iyaga oo aadaya dhanka Masar, ama halka keliya ee uu gargaarka iyo gurmadka usoo mari karo.

    Israel ayaa xayiraad kusoo rogtay dhammaan jahooyinka kale ee laga galo ama looga baxo Masar.

    Warar kale ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamaas