Maraykanka: Bilyamaad doollar oo Iran u socday oo uu hakiyey sababo la xidhiidha Xamaas
Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warramaysa in heshiis lix bilyan oo dollar ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran la hakiyay xilli ay la xidhiidho tuhunka ah taageerada Iran ay siiso Xamaas.
Ergada Iran ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka aysan ka bixi karin heshiiskaas, kaasoo lagu dhisay dalka Qatar, qeybna ka ahaa heshiis dhawaan la isku dhaafsaday maxaabiis.
Warkan ayaa ka soo baxay shir albaabadu u xidhan yihiin oo uu qabtay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka.
Maamulka Biden ma xaqiijin mana beenin wararkaas. Lacagahan ayaa loogu talagalay waxyaababo ay ka kid yihiin sida cuntada iyo daawada, taas oo qorshuhuna aha in Maraykanka dabagal ku sameeyo sida loo isticmaalayo lacagtaas.













