War deg deg ah, War deg deg ah: Maxaa ka jira xabadjoojinta laga gaaray Koonfur Qasa?
Waxay BBC heshay warar kala duwan oo ka imaanaya Qasa, kuwaas ooo sheegaya in xabadxoojin laga gaaray Koonfur Qasa.
Saraakiil amni oo kala duwan oo ka tirsan hay'adda amniga ee Masar ayaa u sheegay Reuters in Mareykanka, Israel iyo Masar ay gaareen xabadjoojin ka dhaqan gasha Koonfur Qasa marka ay saacada halkaas tahay sagaalka subaxnimo.
Xabadjoojinta waxay la xiriirtaa si loo furo marinka Rafax oo ah jidka geliya oo ay dadku uga bixi karaan Qasa, iyaga oo aadaya dhanka Masar, ama halka keliya ee uu gargaarka iyo gurmadka usoo mari karo.
Israel ayaa xayiraad kusoo rogtay dhammaan jahooyinka kale ee laga galo ama looga baxo Masar.
Warar kale ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamaas










