War deg deg ah, Maraykanka oo ka digay in Iran ay si toos ah usoo gali karto dagaalka Israa'iil
Mareykanka ayaa ka digay in dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas oo sii hura, uu horseedi Karo in Iran ay si toos ah ugu lug yeelato dagaalka.
Isagoo la hadlayay warbaahinta ay wada shaqeeyaan BBC-da ee CBS News, lataliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan ayaa ka digay suurtagalnimada dagaal cusub oo laga abuuro xuduudda Israa’iil ay la wadaagto Lubnaan.
"meesha kama saari karno in Iran ay dooran doonto in ay si toos ah usoo gasho dagaalka, waa inaan u diyaargarownaa xaalad kasta oo suurtagal ah," ayuu yidhi.
Waxaa jiray is-rasaasayn ka dhacday xadka u dhexeeya kooxda Xisbullah ee ay Iran taageerto ee koonfurta Lubnaan iyo ciidamada Israa’iil, iyadoo kooxaha falastiiniyiinta ah ee aaggaas ku sugan ay iyaguna ku lug leeyihiin is rasaasaynta.
Tan ayaa kusoo aadeysa iyada oo horaantii maanta ay Iran digniin cusub kasoo saartay in Israa'iil ay gudaha u gasho Qaza.















