Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Faahfaahinta sida ay Hindiya u dhigtay taariikhda cusub ee ay dayaxa ku gaartay

    Qoraalka Codka, Chandaryaan3 on moon

    Dayax-gacmeedka Chandrayaan-3 ayaa taabtay sagxadda dayaxa, taasoo ka dhigan in Hindiya ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee ku guuleysta inuu caga dhigto cirifka koofureed ee dayaxa.

    Dhammaanba howlgalladii hore ee dayaxa lagu tagayay ayaa soo taabtay meel u dhow dhul baraha, balse in lasoo taabto cirifka koofureed ee dayaxa waxay muhiim u tahay ugaarsiga loogu jiro biyaha.

    Saynisyahannada ayaa haatan rajeynaya inay halkaais u diraan dayax gacmeed soo qaada sawirro iyo xog kuna soo celiya dhulka.

    Madaxweynaha dalkaas haweeneyda lagu magacaabo Droupadi Murmu ayaa arrintan ku tilmaantay marxalad muhiim ah.... sii akhri

  2. Maxay tahay guusha ay maanta Hindiya gaartay ee hore ay u gaari waayeen Mareykanka iyo Ruushka?

  3. Dhageyso faahfaahinta weerarkii kaxda iyo wararkii u dambeeyay ee hawlgalka Ceelbuur

    Qoraalka Codka, Dhageyso faahfaahinta weerarkii kaxda iyo wararkii u dambeeyay ee hawlgalka Ceelbuur

    BooliIska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar xalay saqdii dhexe koox hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ay ku qaadeen saldhigga degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, halkaas oo muddaba ay rasaas isku waydaarsanayeen ciidamada amaanka.

    Kooxda weerarka qaadday ayaa bilowgiiba isticmaalay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay ku dhufteen saldhiga degmada, kaddibna waxa bilowday dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinaca.Dhinaca kale Miltariga Soomaaliya ayaa ka wada deegaannadii dhawaan laga saaray Alshabaab ee gobolka Galgaduud mina baaris iyo hubinta amniga deegaannada ku xeeran.

  4. Daawo goorta ay Hindiya daxaya ka degtay iyo Raysalwasaare Modi oo toos u daawanaya

    Qoraalka Muuqaalka, Watch India’s successful landing on the Moon
  5. Hindiya oo ku guuleysatay in ay ku degto dayaxa dushiisa

    Chandaryaan3

    Xigashada Sawirka, isro

    Hindiya ayaa ku guulaysatay inay dayax-gacmeed ku dejiso dayaxa, iyadoo noqotay waddankii afraad ee sidaas sameeya.

    Wajigii ugu dambeeyay ee hawlgalka waxa ka mid ahaa farsamada dayaxgacmeedka Chandrayaan-3 oo xawaarihiisa hoos u dhigay xilli uu boqol mitir oo kaliya u jiray oogada dayaxa, ka dibna si tartiib ah u caga dhigtay.

    Dhamaan hawlgalka si toos ah ayaa loo daawanayey xilli ay jeexjeexyo iyo dhagaxaan ka dhigeen mid adag in dayaxgacmedku ku dego cidhifka koonfureed ee dayaxa.

    Tan ayaa imaaneysa maalmo uun kadib markii howlgalkii Ruushka ee kan la midka ahaa uu ku dhamaaday masiibo.

    Chandrayaan-3 ayaa dhawaan diri doona gaari aan wade lahayn si uu u raadiyo barafka biyaha, kaas oo sahli kara in dayaxa dushiisa laga sameeyo saldhigyo joogta ah.

  6. Maxaan ka ognahay Xerada Goojacadde?

  7. Mid ka mid ah saraakiisha ugu sareysa ciidamada Ruushka oo shaqada laga eryay

    Sergei

    Xigashada Sawirka, SPUTNIK/MIKHAIL KLIMENTYEV/KREMLIN VIA REUTER

    Mid ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Ruushka oo lagu magacaabo Sergei Surovikin ayaa lagu soo waramayaa in uu xilkiisa ku waayay taliyaha ciidamada cirka kadib todobaadyo la isla dhex marayay in laga waayay indhaha shacabka.

    Wakaalada Ria Novosti ayaa sheegtay in xilka laga qaaday, iyadoo soo xiganeysa ilo xog ogaal ah.

    Muddo dhowr bilood ah Jeneraal Surovikin waxa uu masuul ka ahaa duulaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine balse lama arag tan iyo intii uu socday kacdoonkii Wagner bishii June.

    Kormeerayaashu waxay rumeysan yihiin in xil ka qaadistiisu ay lug ku leedahay kacdoonkii burburay.

    Mid ka mid ah warbixinnada Ruushka ayaa laga soo xigtay ilo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga in shaqada looga eryay sababo la xiriira shaqo cusub oo loo beddelay oo uu hadda ku jiro fasax gaaban.

    Doorkiisa madaxa ciidamada hawada waxaa la wareegay taliyaha ciidamada cirka Jeneraal Viktor Afzalov, Ria Novosti.

  8. Muxuu ahaa guriga mucjisada ah ee aan ku guban dabkii ka kacay Hawaii

  9. Yaa Soomaaliya ku metelaya shirka BRICS?

    Shirka shanta waddan ee xubnaha ka ah ururka BRICS ee Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koonfur Afrika ayaa maalinkii labaad galay maalinkii labaad.

    Koonfur Africa ayaa ururkan ku biirtay sanadkii 2010-kii, waxaana qorshuhu yahay in laga wada hadlo sidii loo ballaarin lahaa ururka.

    Wefdi ka socda Soomaaliya ayaa ka qeyb gali doona shirkaas. Wararkii ugu dambeeyay waxaan ka wareysannay Mahad Maxamed Sheekh oo ah wariye ku sugan magaalada Johernesburg.

    Qoraalka Codka, Shirka ayaa galay maalinkii labaad
  10. Garoon diyaaradeed oo loogu magac darayo boqoradii Ingiriiska ee geeriyootay

    .

    Xigashada Sawirka, Google

    Qoraalka sawirka, .

    Garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Le Touquet ee Waqooyiga dalka Fransiiska, ayaa dhawaan loogu magac dari doonaa boqoradii Ingiriiska ee geeriyootay, Elizabeth II, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaaladaas.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii codsi la xiriira arrrintan loo diray boqortooyada, lix maalmood kaddib geeridii boqoradda, 8-dii September sanadkii hore.

    Lama shaacin taariikhda ama maalinta la qaban doono xafladda garoonkaas magaca looga badalayo.

    Shacabka magaaladaas ayaa rajeynaya in magaca cusub ee garoonka uu xoojin doono xirriirka magaaladaas iyo UK, isla markaana uu soo jiidan doono dalxiisayaal badan oo ka socda dunida qeybaheeda kala duwan.

  11. Maxay tahay saamaynta uu maskaxda ku leeyahay telefoonka gacanta

  12. Faahfaahin dheeraada oo ka soo baxaysa weerar xalay Alshabaab ay ku qaadeen degmada Kaxda

    Sawir Qaraxii hore ee sldhiga Kaxda lagu burburiyay

    Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

    Qoraalka sawirka, Sawir Qaraxii hore ee sldhiga Kaxda lagu burburiyay

    Xalay saqdii dhexe ayaa koox hubeysan oo ka tirsan Alshabaab waxay weerar abaabullan ku qaadeen saldhiga degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, halkaas oo muddaba ay rasaas isku waydaarsanayeen ciidamada amaanka.

    Kooxda weerarka qaaday ayaa bilowgiiba isticmaalay gaari waxyaabaha qarxa laga soo rarray oo ay ku dhufteen saldhiga degmada, kaddibna waxa bilowday dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinaca.

    Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada amaanka ayaa weerarka ku dhintay, iyadoo afar kalena ay ku dhaawacmeen sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.

    Lama oga khasaaraha gaaray kooxdii weerarka soo qaaday, inkastoo markii dambe ay goobta ka cararreen markii ay iska caabin kala kulmeen ciidanka.

    Waa markii labaad oo kooxda Alshabaab ay qarax la beegsadeen saldhiga degmada Kaxda, waxana gaaray burbur xoog leh.

    Illaa hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay hay’addaha amniga iyo kuwa maamulka ee caasimadda Muqdisho oo ku saabsan dagaalkii xalay ka dhacay Kaxda.

  13. Somaliland oo war ka soo saartay dagaalkii shalay ka dhacay Laascaanood

    .

    Xigashada Sawirka, social media

    Qoraalka sawirka, Laascaanood

    Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa cambaareysay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Laascaanood, gaar ahaan aagagga Maraaga iyo Xargaga.

    War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhiga, ayaa lagu sheegay in waddamada gobolka Bariga Africa iyo beesha caalamka ay ku war gelinayaan, in ciidamada Somaliland lagu soo qaaday weerar, weerarkaas oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland iyo maleeshiyooyin ka dagaalama Laascaanood.

    Waxaa ay wasaaraddu sheegtay in ciidamada Somaliland ay iska caabiyeen ciidankii weerarka ku sooqaaday. Dhanka kale, waxay Puntland ku eedeeysay inay ka shaqeyneyso xasilooni darada Laascaanood, iyadoo danaheeda gaarka ah ka dhex raadineyso.

    Warqadda waxaa intaas la raaciyay, in Somaliland ay si adag u cambaareyneyso falkaas, isla markaana ay garab istaag u muujinayso ciidankeeda oo ay sheegeen inay ilaalinayaan dhulkooda.

  14. Galmudug oo sheegtay inay saacadaha soo socda ay Al-shabaab ka saari doonaan Ceelbuur

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Soomaaliya

    Maamulka Galmudug ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay rajeynayaan inay Al-Shabaab kala wareegaan magaalada Ceelbuur, oo in kabadan toban sano gacanta ugu jirtay kooxda Al-Shabaab.

    Waxaa ay dowladdu sheegtay, in ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug ay si tartiib tartiib ah gudaha ugu galayaan Ceelbuur.

    Wasiir ku xiigeenka wasaaradda amniga Galmudug,Cali Baashi Cabdullaahi, ayaa BBC-da u sheegay inay guulo ka gaareen howgallo ay ka fuliyeen deeganada kala ah Coosweyne, Wabxo iyo Jowo oo ka tirsan gobolka Galgaduud isla markaana ay shabaab ka qabsadeen deegaanadaas.

    Dhanka kale, waxaa uu sheegay inay si ku meel gaar ah u hakiyeen in gawaarida sida cuntooyinka iyo shidaalka gudaha u galaan deeganada ay howlgallada ka fulinayaan.

    Deegaanka kale ee u haray ee ay doonayaan inay shabaab ka saaraan ayaa ah deegaanka Galhareeri.

  15. Rasaas goos goos ah oo laga maqlayo Bariga Laascaanood

    Rasaas goos goos ah ayaa saaka laga maqlayay Bariga magaalada Laascaanood, halkaas oo ay isku hor fadhiyaan labada dhinac ee ku dagaalamaya magaaladaas.

    Dagaal bilowday barqadii shalay ayaa waxaa uu isla magaaladaas ka socday ilaa gabal dhaca. Haddaba khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay ayaan ka wareysannay Cabdulqaadir Abshir Xaaji Diiriye oo kamid ah golaha Hoggaanka SSC.

    Qoraalka Codka, Dagaal ayaa shalay ka dhacay magaaladaas
  16. Daladda Bariga Afrika: Soomaaliya oo su'aalihii ugu dambeeyay lagu weydiinayo Nayroobi

  17. Waxa ay Ceelbuur uga dhigan tahay Al Shabaab iyo kaalinta Shisheeyaha

  18. Donald Trump oo sheegay in maalinta khamiista la xiri doono

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu maalinta Khamiista ah isku soo dhiibi doono maxkamad ku taal gobolka Georgia si uu u wajaho eedeymo la xiriira faragelin doorasho.

    Garsoore ku sugan magaalada Atlanta oo gacanta ku haya kiiskii madaxweynihii hore ayaa dul dhigay dammaanad lacageed oo garaysa $200,000 oo doolar.

    Heshiisku waxa uu dhigayaa in Donald Trump uu sii ahaan karo xor ilaa iyo inta aanu isku dayin in uu u hanjabo ama uu cabsi geliyo markhaatiyaasha. Trump waxa uu dafiray 13 dacwadood oo ay ka mid yihiin kufsi iyo hadalo been abuur ah.

    Isaga iyo 18-ka qof ee kale ee lagu soo eedeeyay kiiskan ayaa horay loo siiyay illaa duhurnimada maalinta Jimcaha inay ka soo muuqdaan xabsiga Fulton County si loo sii amba qaado dacwadda.

    Booliska kowntiga ayaa sheegay in dhamaantood loola dhaqmi doono sida eedaysanayaasha kale, taas oo la macno ah in Donald Trump laga qaadi doono faraha iyo sawir.

  19. Daawo mid ka mid ah caruurtii ku xayirnayd gaariga fiilada ee dalka Pakistan oo lasoo badbaadinayo

    Qoraalka Muuqaalka, Watch: Moment first child rescued from Pakistan cable car

    Gaariga ku socda fiilooyinka ee loo kala goosho buuraha ayaa arday iyo macalinkooda kula go’ay meel webi dushiisa ah, magaalada Battagram ee dalka Pakistan.

    Gaariga ayaa ka dul lalmada webiga dushiisa waxayna diyaaradaha qumaatiga u kaca isku dayayaan in ay u dhawaadaan si ay caruurta iyo macalinkooda halkaas ugasoo badbaadiyaan.

    Aaska ayaa madoobaaday waxaana weli jira dhowr caruur ah iyo macalinnkooda oo ku xayiran gaariga xarigga oo kula xayirmay webiga dushiisa ka dib markii ay go’day mid ka mid ah fiilooyinka haya gaariga.

    Siddeed caruur ah iyo macalinkooda ayaa subaxnimadii hore ee saaka ku xayirmay halkaas. Tirada guud ee illaa hadda lasoo badbadiyey waa shan.

  20. Dad ku dhintay dab ka kacay Giriigga

    18 qof ayaa ku dhintay dabka

    Xigashada Sawirka, DIMITRIS ALEXOUDIS/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

    Qoraalka sawirka, 18 qof ayaa ku dhintay dabka

    Masuuliyiinta dalka Giriigga ayaa sheegay in siddeed iyo toban qof oo loo malaynayo inay yihiin muhaajiriin ay ku dhinteen dab ka kacay kayn ku taal woqooyiga bari ee dalkaas.

    Maydadkooda oo gubtay ayaa laga helay kaynta Dadia oo u dhow xadka uu Giriiggu la wadaago Turkiga. Waxaa socda dedaallo lagu doonayo in lagu aqoonsado haybta meydadka laga helay laba goobood oo kala duwan.

    Jid caan ah oo ay isticmaalaan dadka tahriibayaasha ah ayaa gobolkaas mara. Dab kayn ka kacay ayaa tan iyo Sabtidii ka hocalyey halkaas. Habeennimadii, lixdan iyo shan bukaan oo dabka looga baqay ayaa laga saaray isbitaal ku yaal magaalada Alexandroupolis.

    Medyka nin la rumeysan yahay in uu tahriibe ahaa oo gubtay ayaa isniintii laga helay deegaan miyi ah oo ku dhow magaaladan.