Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Maxay kawada hadleen madaxa TikTok iyo madaxweynaha Kenya?

    Madaxa TikTok Shou Zi Chew ayaa kulan dhanka internetka ah la qaatay madaxweynaha Kenya wuxayna isku raaceen in barnaamijka caanka ah ee wadaagga fiidyaha uu la socon doono waxyaabaha ka jira dalka Bariga Afrika.  Heshiiska ayaa imaanaya todobaad kadib markii xildhibaanada Kenya ay ka hadleen soo jeedin lagu mamnuucayo TikTok sababta oo ah waxa ku jira muqaalo galmo ah  iyo muuqaalo muujinaya rabshado iyo hadalo nacayb ah.  Waxaa kaloo la isku raacay in TikTok oo ay leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance ay xafiis ka sameysato Kenya.  Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in howlgallada shirkadda TikTok ee gobolka halkaa laga maamuli doono

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxa TikTok Shou Zi Chew ayaa kulan dhanka internetka ah la qaatay madaxweynaha Kenya wuxayna isku raaceen in Tiktok uu la socon doono waxyaabaha ka jira dalka Bariga Afrika.

    Heshiiska ayaa imaanaya todobaad kadib markii xildhibaanada Kenya ay ka hadleen soo jeedin lagu mamnuucayo TikTok iyagoo ku doodaya in bartan ay kujiraan muqaalo anshaxa xumo ah iyo muuqaalo muujinaya rabshado iyo hadalo nacayb ah.

    Waxaa kaloo la isku raacay in TikTok oo ay leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance ay xafiis ka sameysato Kenya.

    Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in howlgallada shirkadda TikTok ee gobolka halkaa laga maamuli doono

  2. Wararkii ugu dambeyay ee doorashada Zimbabwe

    Booliska dalka Zimbabwe ayaa sheegay in ay xireen 39 ka mid ah kormeerayaasha madaxa banaan ee doorashada, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay carqaladeynayaan hanaanka doorashada guud.

    Howlgallo isdaba joog ah oo ka dhacay caasimadda Harare ayaa lagu qabtay kombuyuutaro iyo taleefanno.

    Kormeerayaashu waxay ka socdaan kooxaha bulshada rayidka ah oo isku dayaya inay sameeyaan xisaabtooda si ay u ogaadaan tirada rasmiga ah.

    Tirinta codadka ayaa bilaabatay, xitaa iyadoo codbixintu ay ka socoto meelaha qaar oo Arbacadii dib u dhac uu ku yimid.

    Mucaaradka Zimbabwe ayaa ka walaacsan in xisbiga talada haya ee Zanu-PF uu isku dayo inuu natiijada doorashada ku shubto.

    Zimbabwe doorashada

    Xigashada Sawirka, REUTERS/AFP

  3. Poland oo war ka soo saartay shilkii diyaarada uu saarnaa Prigozhgin

    Ra'iisul Wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa sheegay in dhimashada Prigozhgin - haddii la xaqiijiyo - ay la macno tahay in Wagner ay noqon doonto khatar ka sii weyn sidii hore maadaama xakamayntooda  ay u badan tahay inay hoos tagto Vladimir Putin.  "Kooxda Wagner waxay hoos timaaday hoggaanka Putin, qof walba ha ka jawaabo su'aasha laftiisa - khatartu ma weynaan doontaa ama way yaraan doontaa?.  Bishii Luulyo, Poland waxay xoojisay xuduudkeeda Belarus ay laleedhay ka dib rajada kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah  ee u guuraya Belarus.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra'iisul Wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa sheegay in dhimashada Prigozhgin - haddii la xaqiijiyo - ay la macno tahay in Wagner ay noqon doonto khatar ka sii weyn sidii hore maadaama xakamayntooda ay u badan tahay inay hoos tagto Vladimir Putin.

    "Kooxda Wagner waxay hoos timaaday hoggaanka Putin, qof walba ha ka jawaabo su'aasha laftiisa - khatartu ma weynaan doontaa ama way yaraan doontaa?.

    Bishii Luulyo, Poland waxay xoojisay xuduudkeeda Belarus ay laleedhay ka dib rajada kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee u guuraya Belarus.

  4. Ukraine oo war ka soo saartay Shilkii diyaarada uu saarnaa Yevgeny Prigozhin

    Yevgeny Prigozhin

    Ukraine wax lug ah kuma yeelan geerida la sheegay in uu ku dhintay madaxii Wagner Yevgeny Prigozhin, sida uu madaxweyne Volodymyr Zelensky u sheegay wakaalada wararka ee Interfax-Ukraine.

    "Waxba shaqo kuma lihin. Qof kastaa wuu garanayaa cidda ku lugta leh," Zelensky ayaa sidaa laga soo xigtay isagoo u warramayay saxafiyiinta.

  5. Ciidamada Ukraine oo hawlgal gaar ah ka fuliyay Crimea oo la haysto

    Ciidamada Ukraine ayaa hawlgal gaar ah ka fuliyay Crimea oo la haysto – wasaaradda

    Ciidamada Ukraine ayaa howlgal lagu guuleystay maanta ka sameeyay Crimea, sida lagu sheegay barta Telegram-ka ee agaasinka sirdoonka Kyiv.

    "Howlgalka gaarka ah" ayaa waxaa garab socday ciidamada badda ee Ukraine.

    Ciidamada Ukraine ayaa la sheegay in wax khasaare ah uusan soo gaarin.

    Crimea waxaa haystay ciidamada Ruushka tan iyo 2014-kii.

  6. Faransiiska oo war ka soo saaray shilka diyaarada uu ku dhintay Yevgeny Prigozhin

    Faransiiska oo war ka soo saaray shilka diyaarada uu ku dhintay Yevgeny Prigozhin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Faransiiska ayaa sheegay inuu jiro "shaki macquul ah" oo ku saabsan sababta keentay burburka diyaaradda loo maleynayo inuu uu ku dhintay Yevgeny Prigozhin.

    "Weli ma garanayno xaaladaha shilkan. Waxaan leenahay xoogaa shakiyo oo macquul ah," afhayeenka dowladda Olivier Veran ayaa sidaas u sheegay telefishinka France 2, AFP ayaana werisay.

    Waxa uu intaa ku daray in madaxa Wagner uu ahaa "ninkii qaban jiray shaqada wasakhda ah ee Putin.

    "Prigozhin waxa uu ka tagayaa xabaalo wadareedyo," ayuu yiri, isaga oo ula jeeedo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee kooxda Wagner ee ay ka geysatay guud ahaan Afrika, Suuriya iyo Ukraine.

  7. Sawirro: Taageerayaasha Wagner oo u baroor diiqaya Prigozhin

    Dagaalyahannada Wagner iyo taageerayaashooda ayaa maamuusaya Yevgeny Prigozhin.

    Shumacyo ayaa la shiday ubaxyo ayaa la ag dhigay sawirada hogaamiyaha calooshood u shaqeystayaasha banaanka xafiis ay kooxda ku leeyihiin St Petersburg iyo Novosibirsk.

    Sawirro: Taageerayaasha Wagner oo u baroor diiqaya  Prigozhin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sawirro: Taageerayaasha Wagner oo u baroor diiqaya  Prigozhin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sawirro: Taageerayaasha Wagner oo u baroor diiqaya  Prigozhin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  8. DAAWO: Sida uu u dhacay shilka "diyaaraddii uu saarnaa hogaamiyaha Wagner Progozhin"

    Qoraalka Muuqaalka, Sida uu u dhacay shilka "diyaaraddii uu saarnaa hogaamiyaha Wagner Progozhin"
  9. Lixda waddan ee loo ogolaaday inay ku biiraan ururka BRICS

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, 40 waddan ayaa hore u codsaday inay ku biiraan ururkaas

    Shirweynaha shan iyo tobnaad ee ururka BRICS ee Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koonfur Afrika ayaa maalinkii sadexaad ka socda magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

    Madaxweynaha Koonfur Afrika, Ramaphosa, iyo hogaamiyeyaal kale ayaa la filayaa in manta ay khidbad ka jeediyaan shirkaas.

    Waddamo gaaraya ilaa afartan oo caalamka ah ayaa codsaday inay ku biiraan ururkaas, balse waxaa codsigaas laga ogolaaday lix dal oo keliya.

    Dalalka cusub ee ku biiraya ururkaas ayaa kala ah, Itoobiya, Masar, Iran, Sacuudiga, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

    In la ballaariyo ururka oo lagu soo daro waddamo hor leh, ayaa waxaa uu kamid ahaa ajandhaha shirka ururka BRICS uga socda magaalada Johannesburg.

  10. Halkee ayuu ku sugnaa Putin xiligii uu dhacay shilka diyaaradda uu saarnaa Progozhin?

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Putin

    Xiligii uu soo baxay wararka la xirriira shilka diyaaradda la rumeysanyahay inuu ku dhintay hogaamiyaha kooxda calooshood u shaqeeystayaasha Ruushka, Yevgeny Prigozhin, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, waxaa uu markaas khudbad ka jeedinayay, xaflad ka dhacaysay magaalada Kursk ee Ruushka, oo lagu xusayay 80 sano guuradii ka soo wareegtay guushii ay midoowgii Soofiyeedka ka gaareen Naasiyiintii Jarmalka

    Dagaalka oo dhacay sanadkii 1943-dii, ayaa waxaa uu ahaa dagaalkii militari ee ugu weynaa taariikhda.

    Putin ma uusan soo hadal qaadin shilka diyaaradda, balse waxaa uu un keliya amaanay ciidamada Ruushka ee “ si geesinimo leh” ugu dagaalamaya Ukraine.

    Gelinkii hore ee maalinkaas, Putin ayaa waxaa uu ka qeyb galay shirka BRICS ee ka socda dalka Koonfur Afrika oo uu sheegay inay ka go’antahay soo afjaridda dagaalka Ukraine, oo uu reer Galbeedka ku eedeeyay inay bilaabeen.

  11. Waa kuma Yevgeny Prigozhin?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Yevgeny Prigozhin

    Yevgeny Prigozhin, wuxuu ka soo jeedaa magaalada St Petersburg ee caasimadda Ruushka, oo ah isla halka uu ka soo jeedo madaxeynaha Rushka,Vladimir Putin.

    Xukunkiisii maxkamedeed ee ugu horeeyay wuxuu ku dhacay 1979 kii, isaga oo 18 jir ah, tuuganimo ayaa loo xiray laba sano iyo bar.

    Laba sano kadib, waxaa lagu xukumay 13 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay falal dhac iyo tuuganimo, sagaal sano oo kamid ah mudadaas wuxuu ku jiray xabsi.

    Kadib markii laga soo daayay xabsiga, Prigozhin wuxuu aasaasay miisas badan oo lagu iibiyo hilbka lo'da oo la shiilay, gudaha magaalada St Petersburg. Ganacsigii ayaa u bulaalay, sanado gudahood ayuu magaalada ka furtay maqaayad wayn oo qaali ah.

    Halkaas ayay ka bilaabatay xooggii iyo sareyntii uuu ku yeeshay St Petersburg kadibna Ruushka oo dhan. Mid kamid ah maqaaxiyahiisa oo la yiraado New Island, waxay ahayd doon dul sabeyneysa wabiga Neva.

    Vladimir Putin ayaa aad u jeclaa maqaaxidaas, markuu madaxweyne noqday kadibna, wuxuu bilaabay inuu halkaas geeyo martidiisa dibadda ka timaada. Sida ay u badan tahayna waa halka ay ku kulmeen labada nin.

    Putin wuxuu aaminay Prigozhin ilaa uu kala qayb galay xafladda dhalashadiisa oo ka dhacday maqaayadda New Island sandkii 2003 dii.

    Sanado kadib, shirkadda cuntooyinka diyaarisa ee Prigozhin ayaa heshiis lagula galay in ay cunto geyso aqalka Kremlin ka ee Ruushka looga taliyo, isaga oo qaatay naaneysta ah, “cunto kariyaha Putin”.

    Sanadkii 2014 kii, markii Ruushku ku duulay Ukraine, ayay muuqatay in Prigozhin uusan ahayn ganacsade iska caadi ah. Shirkad qaas ah oo milatari oo xiriir isaga la leh ayaa la soo wariyay in ay ciidamada Ukraine kula dagaalameyso bariga gobolka Donbas.

  12. Waa kuwee rakaabka kale ee saarnaa diyaaradda shilka gashay ee la sheegay inuu saarnaa madaxii kooxda Wagner?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Burburka diyaaradda

    Diyaarada gaarka loo leeyahay ee ku burburtay Waqooyiga-Galbeed ee magaalada Moscow, ayaa waxaa saarnaa todobo qof oo rakaab ah iyo saddex shaqaale ah.

    Dhammaan tobankii qof ee saarnaa diyaaraddaas ayaa dhintay, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah. Dhammaan meydadka ayaana la sheegay in la soo saaray.

    Hay’adda duulista hawada ee Ruushka ayaa magacyada dadka rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradaas ku sheegtay inay kala ahaayeen:

    Prigozhin iyo ninka lagu tilmaamay gacantiisa midig, Dmitry Utkin, Sergei Propustin, Yevgeny Makaryan, Alexander Totmin, Valery Chekalov iyo Nikolai Matuseyev.

    Sadexda qof ee shaqaalaha diyaaradda ayaa iyaguna lagu kala magacaabaa:

    Captain Alexei Levshin, ku xigeenka duuliye Rustam Karimov iyo Kristina Raspopova.

  13. Ruushka oo sheegay in hogaamiyaha Wagner uu saarna diyaarad burburtay

    .

    Xigashada Sawirka, WAGNER TELEGRAM ACCOUNT / HANDOUT

    Qoraalka sawirka, Yevgeny Prigozhin

    Madaxii kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin, ayaa la sheegay inuu ku jiray liiska rakaabka diyaarad ku burburtay Ruushka, oo ay ku dhinteen dhammaanba 10-kii qof ee saarnaa, sida ay sheegtay waaxda duulista hawada ee Ruushka.

    Goor sii horreysay, barta Telegram ee Grey Zone oo lala xiriiriyo Wagner ayaa shaacisay in diyaaradda ay difaaca cirka ku soo rideen gobolka Tver, oo waqooyi ka xiga Moscow Prigozhinna uu halkaa ku dhintay.

    Grey Zone ayaa sheegtay, in dadka deegaanka ay maqleen dhawaq kahor burburka diyaaradda, ayna arkeen qiiq hawada isku shareeray.

    Dad badan oo uu kamid yahay agaasimaha CIA William Burns, ayaa dhacdadan ku tilmaamay aargoosi balse midna arrimahan ma caddeynayaan, dabcan, in Prigozhin iyo asxaabtiisa si ula kac ah loo beegsaday.

    Laakiin iyada oo aanay jirin cid si madax bannaan u xaqijin karta dhimashada Prigozhin saacaddan la taagan yahay ayay falanqeeyayaasha qaar waxay ku baaqayaan in la taxaddaro.

  14. Sidee lagu dhisay dekedda Garacad?

  15. Siddeed meydad ah oo laga helay goobta burburka

    Sida wakaaladda wararka ee Ruushka ay baahisay, war cusub ayaa haatan sheegaya in siddeed meydad ah laga helay goobta burburka, waa sida ay sheegtay wakaaladda RIA Novosti, oo soo xiganeysa kooxaha gargaarka degdegga ah.

  16. Sawirro laga helay goobta burburka diyaaradda

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Reuters, courtesy of Ostorozhno Novosti

    Waxaan helnay sawirkan, oo laga soo xigtay wakaaladda wararka Reuters, wuxuuna u muuqdaa mid muujinaya burburka diyaaradda oo dab uu ku qabsaday meel ka tirsan gobolka Tver region, galbeedka Ruushka.

    BBC ma xaqiijin karto arrintan.

  17. Prigozhin waxaa loo yaqaannay meyd socda

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    "Meyd socda" waa sida ay dadka arrimaha Ruushka la socda ku qeexeen hoggaamiyaha Wagner Yevgeny Prigozhin tan iyo waagii uu kacdoonka ka sameeyay Moscow dabayaaqadii June.

    Falcelintii hore ee Madaxweyne Putin waxay ahayd mid cambaareyn adag ah, isagoo ku tilmaamay dhabar ka toogasho, markii uu muuqaal soo duubay 24-kii June.

    Xaqiiqdu waxay ahayd in heshiis la gaaray taasoo keentay in Prigozhin uu kasoo muuqdo Belarus, St Petersburg iyo toddobaadkanna, meel ka mid ah Afrika, micnaheeduna ma ahayn inuu badqab dareemayay.

    "Aargoosi" ayuu ku falceliyay Agaasimaha CIA William Burns, "waa cunno uu Putin jecel yahay in qabowga lagu siiyo".

    Balse midna arrimahan ,ma caddeynayaan, dabcan, in Prigozhin iyo asxaabtiisa si ula kac ah loo beegsaday.

    Balse marka xaaladda la eego, war walboo ka soo baxa dhimashadiisa, haddii la xaqiijiyo, oo sheegaya inay shil ahayd la yaab ayuu noqon doonaa.

  18. Maxay tahay kooxda Wagner ee dooneysa inay afgembiso dowladda Ruushka?

    Wagner

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hoggaamiyaha Wagner ayaa sheegay inuu xoog ku qabsaday “dhammaan xarumaha militeriga” ee magaalada Rostov-on-Don ee koonfurta Ruushka.

    Sheegashada Yevgeny Prigozhin waxay ka cadheysiisay madaxweyne Putin oo ku tilmaamay “dhabar ka toogasho” wuxuuna ballanqaaday inuu ciqaabayo kuwa “qiyaamay” Ruushka.

    Prigozhin wuxuu sheegay in u jeedkiisu aheyn “afgambi militri balse ay aheyd

    mid cadaaladeed” taas oo timid kaddib dagaal dheer oo ay la galeen madaxda militiriga oo sii xoogeystay....sii akhri

  19. War deg deg ah, Madaxii kooxda Wagner oo laga cabsi qabo inuu dhintay kaddib shil diyaaradeed oo Ruushka ka dhacay

    BBC

    Madaxii kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku jiray liiska rakaabka diyaarad ku burburtay Ruushka, oo ay ku dhinteen dhammaanba 10-kii qof ee saarnaa, sida ay sheegtay waaxda gaadiidka hawada ee Ruushka.

    Waxaa la rumeysan yahay inuu diyaaradda saarnaa.

    Goor sii horreysay, barta Telegram ee Grey Zone oo lala xiriiriyo Wagner ayaa shaacisay in diyaaradda ay difaaca cirka ku soo rideen gobolka Tver, oo waqooyi ka xiga Moscow.

    Diyaaradda, oo kasoo duushay Moscow una socotay St Petersburg, ayaa sidday saddex rakaab iyo saddex shaqaale.

    Prigozhin ayaa hoggaaminayay kacdoonkii dhicisoobay ee ka dhanka ahaa ciidamada Ruushka, bishii June.

    Grey Zone ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay maqleen dhawaq kahor burburka diyaaradda ayna arkeen qiiq.

    Wakaaladda wararka ee Tass ayaa sheegtay in diyaaradda uu dab qabsaday markii ay soo caga dhigatay, waxay intaas ku dartay in afra meydad ah la helay.

    Diyaaradda ayaa hawada ku jiraty wax ka yar nus saac, sida ay sheegtay.

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  20. Daawo marka uu hawada galayey dayaxgacmeedka Hindiya ay taariikhda cusub ku dhigtay

    Qoraalka Muuqaalka, Dayax-gacmeedka Chandrayaan-3 ayaa taabtay sagxadda dayaxa, taasoo ka dhigan in Hindiya ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee ku guuleysta inuu caga dhigto cirifka koofureed ee dayaxa.

    Caga-dhigashada dayaxa ma ahan wax sahal ah, sida uu sheegay Ruushka oo isagu toddobaadkna dhexdiisa sameeyay isku day.

    15-ka daqiiqo ee ugu horreeya ayay saynisyahannadu ku tilmaamaan daqiiqadaha argagaxa, sababtoo ah halka loo socdaa maaha meel caadi ah.

    Dalal badan ayaa hore ugu guul darreystay, waxaana ka mid ah Hindiya isku daygeedii ugu horreeyay.

    Balse markan labaad ayay nasiib u yeelatay, waxayna haatan Hindiya ku biireysaa saddex dal oo kale, Mareykanka, Midowgii hore ee Soofiyeetka iyo Shiinaha oo iyagu ku guuleystay saldhigashada dayaxa.