Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika
Tebinta tooska ah ee BBC Somali News
Tebin toos ah
Qaramada midoobay oo war ka soo saartay xaalada Suudan

Xigashada Sawirka, Reuters
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Suudaan uu saameyn ba’an ku hayo guud ahaan dalka isla markaana uu gobolka oo dhan u horseedi karo masiibo bini’aadantinimo. Dagaalka u dhaxeeya ciidamada iyo xoogag hubeysan ayaa billowday bishii April, waana uu sii fidayaa.
Isku duwaha arrimaha bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ayaa sheegay in gaajada, cudurrada iyo barakaca ay sababeen iskahorimaadyada ay khatar ku yihiin in ay la dagaan dalka oo dhan.
Waxa uu sheegay in boqolaal kun oo caruur ah ay hayso nafaqo darro aad u daran ayna qarka u saaran yihiin in ay geeriyoodaan hadii aan la daweyn.
Qaabkii ay ciidamada SSC ula wareegeen xerada Goojacadde
Aqalka Kremlin-ka oo war hor leh ka soo saaray shilka loo maleynayo in uu ku dhintay Prigozhin

Xigashada Sawirka, PRESS SERVICE OF "CONCORD
Kremlin-ka ayaa sheegay in aysan wax door ah ku lahayn geerida madaxii calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner Yevgeny Prigozhin.
Wararka reer galbeedka ayaa sheegaya in loo dilay amar ka yimid Moscow, laakiin afhayeenka madaxweyne Putin ayaa sheegay in wararka noocaas ah ay been abuur yihiin.
Dmitry Peskov ayaa carabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la sugo natiijada baaritaanka rasmiga ah ee kiiska. Waxa uu intaa ku daray in aanay suurtagal ahayn in la sheego in Mr Putin uu ka soo qaybgeli doono aaska hoggaamiyaha Wagner maadaama uu lahaa jadwal aad u mashquul badan.
Mr Putin waxa uu sugay afar iyo labaatan saacadood ka hor inta aanu ka hadlin shil loo malaynayo in uu ku dhintay nin ay mar saaxiibo dhaw ahaayeen kaas oo hogaamiyay gadood bishii June.
War deg deg ah, Somaliland oo war ka soo saartay xeradii la sheegay in lagala wareegay
Jamhuuriyada iskeed-madaxbanaanida ugu dhawaqday ayaa sheegtay in ciidanka Soomaliland ay wadaan diyaargarow ay dib uga ala wareegayaaan fariisimihii ay ku lahaayeen Sool oo ay uga soo baxeen istiraagiyad ciidan awgeed.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliland ayaa lagu yiri“Ciidanka Qaranku waxay ku jiraan dib-isku-habayn iyo diyaargarow culus oo cadowga lagaga hortagayo.”
Somaliland ayaa sidookale sheegtay in ay jiraan ciidamo ka lumay wadooyinkii loogu tala galay welina aan soo gaarin goobihi loogu talagalay.
Madaxda dhaqanka ee Laascaanood ay BBC-da u sheegay inay gacanta ku dhigeen xerada milateriga Somaliland ee Goojacadde ee duleedka magaalada laascaanood.
Sheegashada qabsashada Goojacadde, ayaa timid kadib markii dagaal saacado qaatay uu saaka dhex maray ciidanka deegaanka iyo kuwa Somaliland. Goojacadde ayaa ahayd xerada ciidan ee ugu weyn ee Somaliland ku laheed gobolka Sool.
War deg deg ah, Degmada Ceelbuur oo ay dowalada Soomaaliya sheegtay in ay la wareegtay
Dowlada Soomaliya aya ku dhawaaqaday in ay la wareegtay gacan ku haynta Degmadda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, Taliyaha cidaanka xooga dalka Sooomaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ay maanta la wareegeen magaalada.
Howlgalka lagula wareegay magaalada Ceelbur ayaa ah dhameystirka wajiga kowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab taasi oo u u ku dhawaaqay madaxwerynaha Soomaaliya Hassan Sheekh Maxamuud.
Ceelbuur oo kamid ah magaalooyinka ugu faca weyn gobolka Galgaduud ayay gacanta ku hayeen Al-shabaab muddo dhowr iyo toban sano ah.
Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay ka hor inta aysan gacanta kudhigin Ceelbuur inay la waregeen magaalooyin yaryar oo degmada ku hareysnaa.
Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay dad u ku sheegay in ay hurinayaan colaadda DR Congo

Xigashada Sawirka, AFP
Qasnadda Maraykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay cunaqabatayn ku soo rogtay lix qof oo u dhashay Rwanda iyo Congo oo lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen colaadda ka socota bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo).
"Mid kasta oo ka mid ah shaqsiyaadkan waxa uu gacan ka geysanayaa xasillooni darrada ka jirta bariga DR Congo, marar badan, xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xadgudubyada galmada iyo rabshadaha ka dhanka ah carruurta," ayay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ku tiri hadal ay soo saartay.
Lixda qof waxaa ku jira taliye ka tirsan ciidamada DR Congo, guuto ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Rwanda, iyo xubno ka tirsan kooxda M23 iyo ciidamada Dimuqraadiga ee Xoreynta Rwanda (FDLR).
Cunaqabatayntu waxay keenaysaa in la xayiro hantida shakhsiyaadkan ee taala Maraykanka.
Cunaqabatayntu waxay sidoo kale ka mamnuucday shakhsiyaadka in aysan ganacsi la sameeyaan dadka Maraykanka ah ama helaan ama ka faa'iidaystaan taageerada qaab maaliyadeed, alaabo, ama adeegyo.
Madaxweynha Taiwan oo booqaneysa Eswatini

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa bisha soo socota booqan doonta Eswatini, oo ah saaxiibka kaliya ee Afrika, iyada oo doonaysa in ay sii xoojiso xiriirka labada dal.
Waxay ka qayb gali doontaa dabaaldegyo lagu xusayo maalinta xorriyadda dalka iyo maalinta dhalashada Boqor Mswati III inta lagu guda jiro booqashada.
Taiwan waxa uu Shiinuhu ku andacoonayaa in uu yahay dhul ay iyadu leedahay oo aan xaq u lahayn xidhiidh dawladeed.
Taiwan waxay xiriir rasmi ah la leedahay 13 wadan oo kaliya oo ay ku jirto Eswatini.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Taiwan Roy Lee ayaa laga soo xigtay in socdaalka madaxweynaha Taiwan uusan ahayn mid ay kula tartamayso madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo booqasho ku tagay dalka ay deriska yihiin ee Koonfur Afrika toddobaadkan.
Niger oo talaabo hor leh ku dhawaaqday

Xigashada Sawirka, AFP
Hogaamiyihii afgambiga ka geystay Niger, Gen Abdourahamane Tchiani, ayaa saxiixay amar u ogolaanaya dowladaha militariga ee Mali iyo Burkina Faso inay ciidamadooda u soo diraan dalkiisa si ay gacan uga geystaan sidii looga hortagi lahaa weerar wadanka kale uga yimaada.
Arrintan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii wasiirrada arrimaha dibadda ee Burkina Faso, Olivia Rouamba, iyo Mali, Abdoulaye Diop, ay Khamiistii booqdeen caasimada Niamey.
Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa ku hanjabay inay awood u adeegsan doonaan inay dib u soo celiyaan madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Niger, Mohamed Bazoum, kaasoo ay koox saraakiil ciidan ahi xilka ka qaadeen bishii hore.
Trump oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay taariikhda oo laga qaado sawir maxbuusnimo

Xigashada Sawirka, FULTON COUNTY SHERIFF'S OFFICE
Qoraalka sawirka, Trump Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa isgeeyayxabsi ku yaala gobolka Georgia. Trump ayaa wajahaya eedeymo la xiriira doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka, oo ah inuu isku dayay inuu bedelo natiijada doorashadaas oo dhacday sanadkii 2020 kii.
Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweyne hore uu xabsi tago. Sawirro ayaa laga qaaday, wuxuuna Trump noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay abid ee laga qaado sawir maxbuusnimo.
Trump ayaa markii dambe bixiyay lacag 200,000 oo doolar, si loogu siidaayo damaanad oo laga siidaayo xabsigaas ku yaala magaalada Atlanta.
Waa markii afaraad ee muddo shan bilood ah gudahood ah oo Trump loo xirayo dacwad ciqaabeed, laakin waxaa aad loo hadal hayaa sawirka laga qaaday, oo ah sawirada laga qaado dadka dambiilayaasha ah marka ay xabsiga galayaan oo ah nidaam ay maxaabiista oo dhan wada maraan.
Trump ayaa xabsiga joogay muddo labaatan daqiiqo ah, iyadoo tiro taageerayaashiisana ay dibedda taagnaayeen.
Garaadada Sool oo ka hadlay ‘qabsashada Goojacadde' iyo waxay ka yeelayaan 'maxaabiis laga qabtay’ Somaliland'.
Xagee ku suganyihiin ciidamada Somaliland ee la sheegay 'inay ka baxeen' Goojacadde?

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA
Qoraalka sawirka, . Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalkii saaka ka qarxay qeybo kamid ah magaalada Laascaanood, gaar ahaan aagagga Maraaga iyo Goojacadde.
Xogta aan ka heleyno illo kala duwan ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ee la sheegay inay ka baxeen xerada Goojacadde ay haatan ku suganyihiin deegaanka Yigoori, oo 52 kilomitir u jirta magaalada Laascaanood.
SSC ayaa hore u sheegatay inay la wareegeen Maraaga iyo Goojacadde oo uu maanta dagaal ku dhex maray ciidanka Somaliland iyo dhinaca SSC.
Weli wax war ah kama soo bixin Somaliland oo la xirriira dagaalka maanta.
SSC oo sheegatay la wareegidda xerada Goojacadde

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Qoraalka sawirka, Xerada Goojacadde Warar dheeraad ah oo aanu ka heleyno dagaalkii saaka ka qarxay aagagga Maraaga iyo Goojacadde ee Laascaanood ayaa sheegaya in SSC ay qabsadeen xerada Goojacadde kadib markii uu dagaal xooggan halkaas ku dhex maray labada dhinac, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen, qaar kamid ah xubnaha hogaanka SSC iyo dad xog ogaal ah oo halkaas ku sugan.
Saacado yar kahor ayay ahayd markii SSC ay sheegteen inay qabsadeen Maraaga oo hore gacanta ugu jirtay Somaliland taas oo ah bar kontarool oo ay ku dagaalamayeen ciidamada Somaliland iyo dhinaca SSC.
Waxaan isku deynay inaan la xiriirno qaar kamid ah mas'uuliyiinta Somaliland, si ay wax uga yiraahdaan arrinta sheegashada SSC ee Goojacadde iyo Maraaga, balse weli inooma surtagalin in aan wax war ah ka helno dhankooda.
Dagaalka ayaa ahaa mid maalmihii u dambeeyay isa soo tarayay, midka maanta dib u qarxayna, waxaa uu bilowday abaaro shantii iyo qadar labaatan daqiiqo ee arroornimo.
Wixii war ah oo ka soo kordha dagaalkaas, halkan ayaan si toos ah idiin kuugu soo gudbin doonaa.
Wararkii ugu dambeeyay ee xiritaanka TikTok iyo Telegram ee Soomaaliya
Baraha bulshada ee kala ah TikTok iyo Telegram ayaa la sheegay inay si caadi ah uga shaqaynayaan guud ahaan Soomaaliya iyadoo xalay la filayay inuu dhaqan galo go'aankii dowladda ee lagu joojinayay barahan kaas oo ay falcelino kala duwan ka dhasheen.
Haddaba warkaasi waxaa oo la socday oo inoo hayya Cabdiqaadir Yuusuf Cali.
Qoraalka Codka, Xalay la filayay inuu dhaqan galo go'aankii dowladda SSC oo sheegatay 'inay qabsadeen' Maraaga

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Qoraalka sawirka, Askar joogta xerada Goojacadde Kadib dagaal bilowday abaaro shantii iyo labaatan daqiiqo ee saaka, ayaa wararka na soo gaaraya waxay sheegayaan, in dhinaca SSC ay la wareegeen Maraaga, oo ah halkii ay ku dagaalamayeen ciidamada jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland iyo dhinaca SS.
Xogtaas waxaa BBC-da u xaqiijiyay, Cabdiqaadir Abshir Xaaji Cali, oo kamid ah 45-ka xubnood ee hogaanka SSC.
Maraaga waa bar kantorool oo muhim ah oo ku taala wadada laamiga ah ee isku xirta Laascaanood iyo Garoowe.
Aagaas waxaa gacanta ku heyn jirtay Somaliland, waxayna magaalada laascaanood u jirtaa 8 kilomitir.
Dhanka kale, waxaa la soo sheegayaa in labada dhinac ay haatan ku dagaalamayaan agagaarka xerada Goojacadde.
Wax xaqiijin ah kama aanu helin dhinaca Somaliland oo ku aaddan sheegashada SSC ee Maraaga.
Maxay usoo badanayaan dadka jiifka lacagta ku sameeya ee tooska loo daawado
Dagaal culus oo saaka ka qarxay Laascaanood

Xigashada Sawirka, bb
Qoraalka sawirka, Laascaanood Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in saaka uu dagaal culus ka socdo Bariga magaaladaas, gaar ahaanna aagga Maraaga oo ah wadada isku xirta magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas maadaama uu dagaalku bilowday arroortii hore ee Jimcaha maanta, abaaro shantii iyo labaatan daqiiqo.
Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii dagaal xooggan oo khasaare badan geystay uu ka dhacay isla aagga Maraaga iyo Xargaga, halkaas oo ay isku hor fadhiyaan labadana dhinac ee ku dagaalamaya Laascaanood.
Wararka ayaa intaas ku daraya in la kala qabsaday hub ay ku jiraan taangiyo.
Wixii war ah oo ka soo kordha dagaalka, halkan ayaan idinkala socodsiin doonaa.
Maxay tahay cabsida ay wajahayaan caawa TikTookleyda Soomaaliya?
Kenya oo cudur mar hore laga ciribtiray laga helay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Kenya, waxaa maanta ka billowday ololaha tallaalka degdegga ah ee dabeysha, kaddib markii kiisas cudurka dabeysha ah laga helay waqooyi-bari ee dalkaas.
Ololaha tallaalka ayaa lagu bartilmaameedsanayaa 7.4 milyan oo carruur ah oo ay da'doodu ka yar tahay shan sano jir, waxaana mudnaanta koowaad la siin doonaa toban gobol oo loo aqoonsaday inay khatar ugu jiraan cudurka.
Agaasimaha guud ee caafimaadka Kenya ayaa sheegay in ku dhawaad 3% caruurta Kenya aysan helin talaalka.
2014-kii Kenya waxa ay ku guulaysatay ciribtirka fayraska dabaysha.
Dhismo labo dabaq ah oo ku dumay Nigeria oo dad ku dhinteen

Dadaalo samatabixin ah ayaa ka socda caasimadda Nigeria ka dib markii dhismo labo dabaq ah uu dumay habeenimadii xalay.
Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in 35 qof ay nolol ku soo saareen dhismaha oo ku yaal qeybta Garki ee magaalada Abuja.
Labo qof oo kale ayaa meydkooda la helay. Abba Idris, oo ah madaxa hay'adda gargaarka deg-degga ah ee Abuja, ayaa BBC u sheegay in dadka la soo badbaadiyay loo qaaday isbitaal.
Dhismahan ayaa ahaa mid ka koobaan guryo iyo goobo ganacsi, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha, iyadoo aan la ogeyn waxa sababay burburka dhismahan.
Waxaa xalay da’ay roobab xooggan oo ay wehliyeen dabeylo xooggan, kuwaasoo socday ilaa waaberigii Khamiista.
