Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya oo gargaar u direysaa dadka kusoo barakacay colaada Laascanood

    bbc

    Xigashada Sawirka, screen grab

    Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa Gargaar iskugu jira Raashin iyo Daawooyin u dirtay dadka ku barakacay colaadaha Laascaanood.

    Shixnada macaawinada ah ayaa isugu jirta daawooyin iyo qeybaha kala duwan ee raashiinka kuwaas oo markab lagu rarayo iyo daawooyinka oo iyagana diyaaradu lagu daabuli doono si dadkaas u gaarto.

    Gargaarkan waxaa horay Soomaaliya ugu deeqay Shiinaha iyo Turkiga.

    Deeq Suleebaan oo ah la taliye sare ee arrimaha binaadanimo iyo xuquuqda aadanaha ee hay'ada maareynta musiibooyinka qaranka Soomaaliya oo ka hadlay gargaarkan ayaa yiri ''maanta waxaan ugurmaneynaa gobolka Sool, raashin baan halkan dabuleynaa, bakhaaradan oo kuyaalla kasoo horjeedka dekadda. Hay'ada waxay daabuleysaa raashin gaaraya 500 oo tan oo ka kooban bariis, qamadi iyo bur. halkan ayaa maanta laga dabuleyaa inshaaAllah''.

    Xaalada magaalada Laascaanood ayaa maanta degan.

  2. Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Zimbabwe

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa mar labaad loo doortay xilka madaxtinimada isagoo helay 52.6% codadkii la dhiibtay, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

    Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa ku andacoonaya inay dhacday ku shubasho codadka oo baahsan waxaana goobjoogayaal caalami ah ay sheegeen in codbixintu ka hoos martay heerarka dimoqraadiyada.

    Mr Mnangagwa waa madaxweynihii saddexaad ee Zimbabwe. Inqilaabkii 2017 ee ka dhanka ahaa hoggaamiyihii ruug caddaaga ahaa ee Robert Mugabe ayaa xilka loo dhiibay.

    Dadka reer Zimbabwe ayaa weli wajahaya sicir barar sare, faqri iyo jawi cabsi.

  3. Sedex askari oo Maraykana oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Australia

    Dhowr qof ayaa ku dhintay shilka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dhowr qof ayaa ku dhintay shilka

    Sedex askari oo maraykana ayaa ku dhintay, labaatan kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ay burburtay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ka qayb galaysay dhoolatus miltari oo ka dhacayay dalka Australia.

    Diyaaradda MV-22B Osprey ayaa ku dhacday jasiiradaha Tiwi ee woqooyiga Darwin, shan kamid ah askarta dhaawacantay ayaa xaaladdooda laga dayrinayaa.

    Ciidamada shilka galay ayaa qayb ka ahaa 2,500 oo ciidan ah oo ka qaybgalaya dhoolatus miltari oo ay si wadajira u sameynayaan Maraykanka, Australia, Filibiin, Timorta Bari, iyo Indonesia.

    Dhammaan ciidamada saarnaa diyaaradda dhacday ayaa ahaa maraykan.

    Ra’isul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa ku tilmaamay shilka dhacay mid argagax leh, isagoo sheegay in wax kasta loo sameyn doono askarta dhaawaca ah.

  4. Booliska Hindiya ayaa baaraya macalimad ku amartay ardeydeeda inay dharbaaxaan wiil ay isku fasal ahaayeen oo muslim ah

    Arday Iskuul

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Arday Iskuul

    Booliska Hindiya ayaa baaris ku haya muuqaal la soo galiyay internet ka oo muujinaya macalimad dugsi hoose oo ardeydeeda ka codsanaysa inay dharbaaxaan wiil muslim ah oo ay isku fasal ahaayeen.

    Muuqaalka ayaa laga arkayaa wiilka oo ooyaya, markii la garaacayay iyadoo sababta lagu sheegay in uu khalday miiska isku dhufashada.

    Dhacdadan ayaa khamiistii laga diiwan galiyay dugsi gaar loo leeyahay oo ku yaala gobolka woqooyi ee Uttar Pradesh. Muuqaalka ayaa laga maqlayaa codka macalimadda oo leh “maxaad si jilicsan ugu dhufanaysaan, si adag ugu dhufta.”

  5. Taalibaan oo gabdhaha muxram la'aanta ah ka celineysa garoomada diyaaraddaha

    Gabdhaha Afganistan oo aan safri karin muxram la'aan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gabdhaha Afganistan oo aan safri karin muxram la'aan

    “Aroortii ayaan Ilaahay barinnay qoysaskeenana waan ka duceysannay, waxaana tagnay garoonka diyaaraddaha, aad ayaan u faraxnay, markii aan gudbinnay boorsooyinkeenna safarka, markaa kaddib ayaa waxaa na soo hor istaagay saraakiil ka tirsan Taalibaan, iyagoo leh ma bannaana inaad safartaan, waliba dalka dibaddiisa u baxdaan”. Waa erayadii gabadh u dhalatay dalka Afgaanistaan oo waxbarasho dibadda ah u baxaysay.

    Nataki waxay ka qalin jabisay dugsiga sare, waxa ayna isku diyaarineysay imtixaanka gelitaanka jaamacaddaha xilligii Afghanistan ay la wareegtay Taalibaan.

    Waxay ka niyad jabtay markii xukuumadda Taalibaan ay kumannaan gabdhood ka mamnuucday waxbarashada sare. Taasi waa sababta ay isugu dayday waxbarasho dibadda ah. Toban bilood oo dadaal ah kaddib, waxa ay heshay deeq waxbarasho oo dibadda ah, waana ay ku guuleysatay in la aqbalo.

    Jaamacadda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in 100 gabdhood oo Afgaanistaan ah ay u fidiyeen deeq waxbarasho oo qaybo kala duwan ah.

    Nataki ayaa arbacadii ka dhoofi lahayd garoonka diyaaraddaha ee Kabul iyada iyo ilaa 60 gabdhood oo kale, balse looma ogolaanin in ay raacdo diyaaradda.

    Nataki ayaa tiri, "Markii ay Taliban xireen jaamacaddaha, rajada kaliya ee aan qabay waxay ahayd deeqdan waxbarasho, waxay ahayd waxbarasho aan ku guuleysan karo riyadeyda sare, aniga iyo qoyskayga dhammaan waan ku faraxsaneyn."

    Laakin farxadda Nataki iyo qoyskeeda waxay kusoo idlaatay garoonka diyaaraddaha ee Kabul. Nataki waxa ay sheegtay in saraakiisha Taalibaan ee halkaas ku sugan ay u sheegeen in aysan u safri karin meel ka baxsan Afgaanistaan "muxram la'aan".

    Laakiin waxa ay intaa ku dartay in ay ahayd marmarsiinyo, "Markii ay Taalibaan arkeen tigidka iyo fiisaha ardaynimada, waxay yiraahdeen gabdhaha looma oggola inay Afgaanistaan uga baxaan fiisaha ardayda. Saddex gabdhood oo kale oo ay la socdeen Muxramiin ayaa iyana la celiyay.

  6. Cunsuri hubeysan oo sedex qof oo madow ah ku dilay Maraykanka

    Bakhaarka toogashadu ka dhacday

    Xigashada Sawirka, GOOGLE STREET VIEW

    Qoraalka sawirka, Bakhaarka toogashadu ka dhacday

    Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay sedex qof oo madow ah gobolka Florida ee dalka Maraykanka kahor inta uusan is dilin laftigiisu.

    Weerarka ninka caddaanka ah uu ku dilay sedexda qof ee madowga ah ayaa loo tiiriniyaa isir nacayb.

    Ninkan oo da’da labatanaadka ku jira ayaa soo galay bakhaarka Dollar General, isagoo rasaas ooda ka qaaday sida uu sheegay sarkaalka magaalada.

    Sedexda qof ee la dilay ayaa kala ahaa labo nin iyo qof dumara.

    Duqa magaalada Jacksonville Donna Deegan ayaa sheegtay “wuxuu ahaa dambi nacayb ku saleysan” oo uu riixayay cunsuri nacayb ka buuxo.

  7. Siciid Dani oo markii sedexaad ka maqan Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dhuusamareeb

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dhuusamareeb

    Magaalada Dhuusamareeb waxa maalintii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qayb galayaan madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani oo markii sedexaad aan xaadirin shirrarka golaha.

    Siciid Dani ayaa shirrarka Golaha Wadatashiga Qaranka uga maqan khilaaf kala dhexeeya madaxda Dawladda Federaalka. Dhawr jeer oo hore oo la isku dayay in xal loo helo muranka labada dhinac ayaa guuldarro ku soo dhammaaday, waxayna labada dhinac warbaahinta isu marinayeen hadallo uu midba midka kale ku dhaliilayo in uu masuul ka yahay khilaafka taagan.

    Shirka ka furmay Dhuusamareeb oo uu shir gudoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay ka qayb galayaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale ayaa looga hadlayaa xaaladda amniga, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, xasilinta deegaannada laga saaray Alshabaab iyo adeeg gaarsiintooda, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

    Lama oga inta uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani uu ka sii maqnaan doono shirrarka Golaha Wadatashiga Qaranka, in kastoo wakiillada beesha caalamka ay dhawr jeer ugu baaqeen in uu ka qayb galo kulamada, halkaasna uu aragtidiisa ku soo bandhigo.

  8. Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Zimbabwe

    bbc

    Xigashada Sawirka, AFP

    Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii todobaadkan ka dhacday Zimbabwe ayaa muujinyaa in xisbiga talada haya ee Zanu-PF uu ku guuleysan karo aqlabiyadda baarlamaanka.

    Isbahaysiga isbadal doonka muwaadiniinta ee mucaaradka ah (CCC) ayaa ku xooganaa magaalooyinka ay ka mid tahay caasimada Harare iyo magaalada labaad ee Bulawayo.

    Waxaa jira warar sheegaya in qaar ka mid ah goobjoogayaasha madaxa banaan loogu yeerayo goobaha cod bixinta si ay u saxiixaan foomamka cusub ee natiijada.

    Maamulka ayaa sheegay inay jiraan "khaladaad" dukumentiyada asalka ah.

    Wali wax natiijo ah laguma dhawaaqin tartanka madaxtinimada.

  9. Maareeyihii garoomada diyaaradaha Kenya oo shaqada laga ceyriyay kadib koronto la'aan qabstay madaarka JKIA

    Maareeyihii garoomada diyaaradaha ayaa shaqada laga ceyriyay

    Xigashada Sawirka, AFP

    Madaxii maamulka garoomada diyaaradaha ee dalka Kenya ayaa shaqada laga eryay kadib markii koronto la’aan ay keentay in dad rakaabka ah ay muddo saacado ah mugdi ku jiraan garoonka weyn ee JKIA magaalada Nairobi.

    Alex Gitari ayaa waxaa shaqada ka ceyriyay wasiirka gaadiidka Kipchumba Murkomen, kaasoo raaligelin ka bixiyay fowdada.

    Waxa uu intaa ku daray in faragelinta siyaasadeed ay keentay in shaqada laga niyad jabo, isla markaana habacsanaan ay dhacdo.

    Shirkadda korontada ee ay dawladdu leedahay si dhab ah uma sharaxin waxa sababayIN korontada dalka oo dhan ka go'do.

  10. Waa imisa tirada maxaabiista iyo gaadiidka ay SSC sheegteen inay Somaliland uga qabsadeen Goojacadde?

  11. Hogaamiyaasha afgambiga Niger oo qaaday talaabo ka dhan ah Fransiiska

    niger

    Xigashada Sawirka, UNIVERSAL IMAGES GROUP VIA GETTY IMAGES

    Hogaamiyaasha afgambiga Niger ayaa u qabtay safiirka Faransiiska 48 saacadood inuu kaga baxo dalkaasi iyadoo xiriirka laba geesoodka ah uu sii xumaanayo si xawli ah. Hogaamiyaasha milatariga ayaa sheegay in Sylvain Itte uu diiday inuu ka jawaabo martiqaad uu u fidiyay wasiirka arrimaha dibadda Niger si uu ula kulmo.

    Faransiiska, oo horey u ahaan jiray awoodda gumeysatay Niger, ayaa sheegay in "putschists aysan awood u lahayn" inay amraan cayrintaas.

    Paris ayaa ka soo horjeeda afgambigii July, iyadoo sheegtay in madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohammed Bazoum ay qasab tahay in xafiiska lagu soo celiyo.

  12. Nin in badan la baadi goobayay oo Mozambique ay sheegtay in ay dishay

    Dowladda Mozambique ayaa sheegtay in ciidamadeeda hubeysan ay dileen hogaamiyihii koox jihaad doon ah oo xiriir la leh kooxda Daacish ee ka dagaalanta waqooyiga dalkaasi.

    Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in Bonomade Machude Omar – oo sidoo kale loo yaqaan Ibn Cumar – uu hoggaaminayey fallaagada tan iyo markii ay bilowdeen colaadaha 2017-kii.

    War qoraal ah ayaa lagu sheegay in lala dilay labo xubnood oo kale oo sarsare. Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya dhimashada.

    Labo sano ka hor, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Cumar u aqoonsatay hoggaamiye argagixiso, iyadoo ku eedeysay inuu mas'uul ka ahaa weerarradii ka dhacay gobolka Cabo Delgado, oo ay ku jiraan tobannaan qof oo lagu dilay hoteel ku yaalla Palma.

    mozambique

    Xigashada Sawirka, AFP

  13. Kenya oo aad uga xun korontada oo dalka oo dhan ka go'day

    Kenya oo aad uga xun korontada oo dalka oo dhan ka go'day

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah rakaabkii ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa go’doon ku noqday madaarka

    Wasiirka gaadiidka Kenya ayaa raaligelin ka bixiyay kadib markii korontadii dalka oo dhan ay korontada ka go'day taasoo keentay in rakaabkii diyaaradaha ee garoonka weyn ee JKIA ay ku xayirmeen mugdiga garoonka oo kuyaalla Nairobi.

    Guryo iyo meherado badan ayaa weli korontadu ka maqan tahay tan iyo fiidnimadii Jimcaha.

    Shirkadda korontada ee ay dawladdu leedahay si dhab ah uma sharaxin waxa sababay koronto la'aanta.

    Baraha bulshada ayaa dadku waxa ay isku weydiinayaan sababta uu madaarka weyn ee JKIA u laheyn nidaamka matooro shaqeynaya xiliga ay korontada baxdo waxayna aad u dhaliilsan yihiin wasaaradda tamarta.

    Qaar ka mid ah milkiilayaasha ganacsiga ayaa ka faa'iideysanaya fursadda iyagoo ku xayeysiinayaan qalabka qorraxda tamarta ka dhaliyo.

    Weriyeyaasha ayaa sheegaya in si kooban loo wayo koronto ay tahay wax si caadi ah ugu badan Kenya, balse in muddo intaas le'eg uu dalka oo dhan koronto la'aan noqdo ay tahay wax aad u yar oo aan inta badan dhicin.

  14. Dhageyso:Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Goojacade

    Qoraalka Codka, Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Goojacade
  15. Doorasho ka bilaabatay dalka Gabon

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Goobaha codbixinta ayaa ka furmay dalka Gabon, halkaasoo madaxweyne Ali Bongo uu doonayo inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxtinimada. Waxaa jira walaac baahsan oo ku saabsan codeynta. Midowga Yurub laguma martiqaadin inay soo diraan goobjoogeyaal waxaana la muujiyay cabsi ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Wararka ayaa sheegaya in maamulka Gabon uu sidoo kale diiday codsiyo aqoonsi oo uga yimid saxafiyiinta caalamiga ah.

    "Gabon maaha hantida Bongos." Waa erayadii ninka mucaaradka Albert Ondo Ossa. Laakiin qoyska Bongo ayaa xilka madaxtinimada hayay tan iyo 1967-dii, markaas waa inuu ogaadaa in xaaladu ku cakirantahay.

    Mr Ossa ayaa kaliya loo doortay musharaxa isbahaysiga cusub ee mucaaradka todobaadkii hore. Wax ka bedelkii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay warqadaha cod bixinta ayaa sidoo kale dhalisay shaki ah in guddiga doorashada ee Gabon aysan dhexdhexaad ka ahayn oo ay ciyaarayaan xeelado ay ku xaqiijinayaan in Cali Bongo uu mar kale ku guuleysto. Sannadkii 2018-kii ayuu madaxwaynuhu ku dhacay istaroog kaas oo horseeday baaqyo loogu baaqayo inuu dhinac iskaga tago.

  16. Denmark oo soo saareysa sharci lagu ciqaabo cidda gubta Quraanka Kariimka

    Waxaa meelo ka mid ah dalalka Muslimiinta ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo gubidda Quraanka

    Xigashada Sawirka, YAHYA ARHAB/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

    Qoraalka sawirka, Waxaa meelo ka mid ah dalalka Muslimiinta ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo gubidda Quraanka

    Dowlada Denmark ayaa soo jeedisay hindisa sharciyeed lagu mamnuucayo in lagu gubo quraanka kariimka ah goobaha fagaarayaasha ah,kadib markii dhowr jeer oo hore kutub la gubay ay dalalka Muslimiinta ka caroodeen.

    Wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard ayaa sheegay in kitaabka quraanka oo la gubo ay waxyeello u gaysatay Danmark, isla markaana ay halis geliso ammaanka muwaadiniinteeda.

    Sharciga la qorsheeynayo ayaa dambi ciqaab lagu muteysan karo ka dhigaya cid waliba oo si xun ula dhaqanta Qur'aanka ama Baybalka. Waxaa qofka falkan lagu helo uu muteysan karaa ganaax iyo xarig muddo 2 sano ah.

    Xukuumadda midig-dhexe ayaa sheegtay inay doonayso inay caalamka u dirto farriin. Bilihii la soo dhaafay, dhowr nuqul oo qur’aanka kariimka ah ayaa lagu gubay dalka Denmark , taasi oo ay caro ak dhalatay

  17. Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay Laaascaanood oo dib u soo noqonaya

    Laascaanood

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Qoraalka sawirka, Laascaanood

    Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa saaka deggan ka dib markii shalay ay ciidamada SSC la wareegeen saldhigii ugu weynaa ee ciidamada Soomaaliland ee Goojacade.

    Dhanka kale dadkii ka barakacay magaalada Laacaanood ayaa haatan bilaabay in ay ku soo noqdaan guryohoodii iyadoo xaalad adagi ka taagan tahay.

    Magaaladan oo ay dhexyaalaan qumucyo iyo rasas aan qarxin ayaa laga digayaa in soo noqoshadooda ay keeni karta qasaare rayidka soo gaara.

    Inkasta oo masuuliyiinta ciidanku ay ilaa shalay ka digayeen in qoysasku ku soo laabtaan magaalada inta la nadiifinayo, hadana waxaa jira dad dib ugu soo laabtay.

    Waxaa magaalada tan iyo xalay laga maqlayay rasaas ay dadka ugu dabaaldagayaan gushii ay shalay gaareen.

    Qeybo badan oo magaalada Laascaanood ka mid ah ma laha koranto, biyo iyo dhamaan adeegyadii bulsho ee loo baahnaa.

    Ma cada talaabada ay qaadi doonaan maamulka SSC oo haatan shirar uga socdaan magaaladaasi

  18. Wararkii ugu dambeeyay ee Ceelbuur oo shalay ay ciidamada dowladda la wareegeen

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, .

    Wararka ka imanaya magaalada Ceelbuur oo shalay ay la wareegeen ciidamada dowlada ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi ay ka wadaan baritaano.

    Wasiirka warfafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay magaalada ka wadaan howlo miina-baaris ah si amniga loo xaqiijiyo.

    Mr Abshir ayaa intaa ku daray in maadaama ay shalay xilli dambe magaalada qabsadeen ciidamada dowladda ay imika xaqiijinayaan amniga guud ee magaaladaasi.

    Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in gebi ahaanba magalada laga qaxay oo aysan wax dad ah joogin, isaga oo sheegay in Al-shabab ay"dadka ku qasbeen" inay magaalada ka baxaan si ay gabaad uga dhigtaan.

    Wasiirka warfafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow ayaa sidoo kale BBC u sheegay in imika uu socdo diyaargarow lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Galhareeri.

  19. Dowladda Mozambique oo sheegtay inay dishay hogaamiyaha koox mintidiin ah

    Khariirad
    Qoraalka sawirka, Khariirad

    Dowladda Mozambique ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dileen hogaamiyihii koox jihaad doon ah oo xiriir la leh kooxda Daacish ee ka dagaalanta waqooyiga dalkaasi.

    Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in Bonomade Machude Cumar – oo sidoo kale loo yaqaan Ibn Cumar – uu hoggaaminayey fallaagada tan iyo markii ay dagaalkooda bilaabeen 2017-kii.

    War qoraal ah ayaa lagu sheegay in lala dilay labo xubnood oo kale oo sarsare. Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya dhimashada Bonomade Machude Cumar.

    Labo sano ka hor, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Cumar u aqoonsatay hoggaamiye argagixiso, iyadoo ku eedeysay inuu mas'uul ka ahaa weerarradii ka dhacay gobolka Cabo Delgado, oo ay ku jiraan tobannaan qof oo lagu dilay hoteel ku yaalla Palma.

  20. Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland oo ka hadashay qabsashada Goojacade

    .

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Qoraalka sawirka, Feysal iyo Cirro

    Hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa waxay markii ugu horeysay ka hadleen dagaalkii shalay ciidamada Soomaaliland looga qabsaday fariisimihii ay ku lahaayeen Goojacade.

    Gudoomiyaha xisbiga Ucid Feysal Cali Waraabe oo hadal jeediyay ayaa sheegay in dhacdooyiinki ugu dambeeyay looga gudbi karo o kali ah midnnimo.

    Hogaamiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Corro ayaa dhankiisa sidoo kale ku baaqay midnnimo iyo in ay shacabka Somaliland isku duubnaadaan.

    "Waxaan shacabka Jamhuuriyadda somaliland ee Xariirta ah meel kasta oo ay joogaan u soo jeedinayaa inay mid ahaadaan oo isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan wadajirka qarankooda" ayuu yiri Cabdiraxman Cirro hogaamiyaha xisbiga Wadani.