Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Heestii mar dunida qabsatay ee 'majirto cid aan kula simo' ee ay qaadday Sinéad O'Connor

    O'Connor

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Arbacadii ayey dunidu heshay warka ku saabsan geerida fannaanaddii Irish-ka ahayd ee Sinnéad O'connor oo 56 jir ahaa.

    10-ka albam ee iyada ah iyo ku dhawaad 40-sano oo xirfadeeda muusiga ah, bandhiggeeda xiisaha leh ee heesta “majirto cid aan kula barbar dhigo” waxa ay ahayd horumarkeedii ugu weynaa.

    Asal ahaan waxaa qoray Amiirka halyeeyga ah, waxay noqotay mid aan la ilaawi karin ee O'Connor ay ku lartay codkeeda xoogga leh.

    Waxaa lagu guddoosiiyay Abaalmarinta Billboard Music Awards heestaasi, waxana ayad heesta ku jirta kaalinta 1-aad sanadkii 1990-kii.

    Heestu waxay keentay aqoonsigeeda caalamiga ah iyo in dunida laga barto.

    Heesaaga caanka ah ee u dhashay dalka Maraykanka Prince ayaa heestan qoray oo duubay sanadkii 1984-kii, balse ma uusan sii deyn.

    Fikradda ah in fannaanadda Irishka ah ay sii deyso heesta Prince waxa ay ka timid maamuleheedii markaas, Fachtna O'Kelly.

  2. Xukunka dilka ah ee gabadha aflagaadeysay diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed NNKH

    Mauritania

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maamulka Mauritania ayaa arday dhigata dugsiga sare ku soo oogay dacwad dil ah oo suurtagal ah kadib markii ay ku jeesjeesay diinta Islaamka oo ay ku muujisay warqadeeda imtixaanka.

    Gabadhan ardayada ah ayaa la xiray toddobaad ka hor, waxaana falka ay ku kacday lagu tilmaamay inuu ahaa mid lagu jeesjeesay Nebi Muxamed NNKH.

    Waxaa la sheegay in haddii ardayga lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay, in lagu xukumi karo dil racfaan ah.

    Dalka Mauritania ee dhaca galbeedka Afrika ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu xoojiyey sharciyadiisa ku aadan ciqaabta dadka geysta falalka lidka ku ah diinta Islaamka.

    Sida uu dhigayo sharcigii hore, dadka ku jees jeesa ama aflagaadeeyay Islaamka, lama siin doono ciqaab dil ah haddii ay qirtaan oo ay toobad keenaan.

    Balse 30-kii sano ee la soo dhaafay, ma jirto cid dil lagu xukumay oo isla dambigaas lagu helay.

    Ardayaddan oo lagu eedeeyay inuu Nabi Muxamed aflagaadeeyay ayaa 10 maalmood ka hor ay ciidamada sharcigu ku xireen magaalo lagu magacaabo Atar oo ku taal gobolka waqooyi galbeed ee dalka Mauritania.

    Kadib markii la xiray ardayadda, qoyskeeda, ayaa qoraal ay u qoray wargeys, waxay ku sheegeen in gabadhooda ay haysato dhibaato dhanka maskaxda ah, waxayna codsadeen in loo naxariisto.

    Xariga ardayga ayaa lagu dhawaaqay kadib markii maamulka diinta ee Mauritania ay go’aamiyeen in dadka aflagaadeeya Nebi Muxamed ay mudan yihiin in dil lagu xukumo.

    Culumada Islaamka ee dalka Mauritania ayaa todobaadkii hore meel mariyay qaraarka diini ah kadib markii madaxweynaha dalkaasi Mohamed Ould Ghazouni uu ka codsaday hogaamiyayaasha caqiidada inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan kuwa aflagaadeynaya diinta Islaamka.

  3. Faa'iidooyinka cajiibka ee aadan ka ogeyn isticmaalka babaayga

    Babaay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Babaaygu waa khudrad cajiib ah oo caafimaad badan. Waxaa ku jira maadooyin antioxidants ah oo yareeya bararka cudurradana la dagaalama isla markaana qof ka caawiya inuu u ekaado qof da'diisa ka yar.

    Nafaqooyinka babaayga ku jira

    Kaloori, Kaarbohaydareed, Fiber, Borotiin, Vitamin C, Vitamin A, Vitamin B9, Potassium, calcium iyo Magnesium.

    Faa'iidooyinka caafimaad ee babaayga. Halkan kasii akhri

  4. Nin kufsaday oo dilay 100 carruur ah isla markaana qirtay

    Javed Iqbal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Javed Iqbal ayaa nafta dhaafiyay 100 carruur ah oo uu maydadkooda u daadiyay si bini’aadantinimada ka baxsan iyo habka aan naxariis lahayn.

    Sidee nin si arxan darro ah ugu dili karaa 100 carruur ah oo da'doodu u dhaxayso 6 ilaa 16 jir? Javed Iqbal runtii ma bukaan maskaxeed buu ahaa? Mise waxa uu falkan foosha xun u geystay qaab kale?

    Dadka qaar ayaa sheegaya in aan ilaa hadda la soo bandhigin xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan xasuuqii 100-ka carruur ah ee dunidu ka naxday.

    Qaar baa xitaa su'aal ka keena in 100-kan dil ay dhab ahaantii dhaceen. Maxkamad ku taal Pakistan ayaa amartay in gacan ku dhiiglaha lagu xukumo dil sida ay tahayba.

    100 caruur ah ayaa lagu dilay ceejin. Maydadka ayaa markaa la jarjaray oo la burburiyay iyadoo lagu dhex milay aashitada hydrochloric.

    Waxaa la sheegay in Javed Iqbal uu dhammaan dilalkan ku geystay gurigiisa oo ku yaalla 16B, Ravi Road ee Lahore. Gurigan waa mid yar laakiin waxa uu leeyahay saddex qol oo waasac ah. Javed ayaa kiraystay. Immisa qof ayaa ku noolaa gurigan?

    In kasta oo eedaysanaha ugu weyn, dembiilayaasha kale iyo markhaatiyaasha la xiriira xasuuqan, oo aan ahayn Lahore iyo Pakistan oo keliya, laakiin adduunka, inta badan aanay hadda jirin, haddana warbixintan ay BBC-du samaysay waxay la hadashay qaar ka mid ah qaraabada Javed Iqbal iyo qaar ka mid ah dadka ugu dhow.

    Waxa kale oo baaritaanka sii fududeysay goobta iyo hubinta xusuus qorka Javed iyo qaar ka mid ah dukumentiyada kale.

  5. Trump oo sheegay in musharrax aan isaga ahayn aan loo dooran doonin Mareykanka

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Donald Trump ayaa kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Jamhuuriga u sheegay in uu yahay musharaxa kaliya ee ku guuleysan kara doorashada sanadka soo socda wuxuuna soo jeediyay in taasi ay tahay sababta uu u wajahayo eedeymo kala duwan oo isugu jira dambiyo iyo mid madani ah.

    Mr Trump ayaa ka khudbeynayay xaflad lacag aruurin ah oo ka dhacday Iowa, isaga iyo rag kale oo rajo ka qaba madaxweynaha.

    shaqsi kale oo la tartamayey xubnahii hore ee Kongareeska Texas Will Hurd ayaa dadkii daawanayey ku ooriyey isagoo leh madaxweynihii hore wuxuu mar kale u tartamayey xilka si uu xabsiga uga baaqsado.

    Dacwad oogayaasha federaalka ayaa ballaariyay baaritaankooda ku aaddan Mr Trump sida uu u maamulay dukumentiyada dowladda kadib markii uu ka tagay Aqalka Cad laakiin weli waa musharaxa ugu cadcad musharaxnimada Jamhuuriga.

    Wuxuu ku adkeystay inuu sii wadi doono ololaha xitaa haddii lagu xukumo mid ka mid ah eedeymaha dembi ee uu wajahayo.

  6. Trump oo ku adkeystay in uu isisoo sharraxayo dacwad kasta oo lagusoo oogo

    Trump

    Xigashada Sawirka, AFP

    Donald Trump ayaa ku adkeystay inuu sii wadi doono ololihiisa uu ku doonayo inuu dib ugu soo laabto Aqalka Cad xitaa haddii lagu xukumo mid ka mid ah kiisaska sharciga ah ee isaga ka dhanka ah.

    Mr Trump oo ka hadlayay barnaamij ka baxa idaacada Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax dastuuri ah oo u diidaya in uu isa soo sharaxo.

    Waxa uu dhaleeceeyay kuwa ka soo horjeeda oo u uku timaamay "in ay xanuunsanayaan, ay waalanyihiin ayna xagjir yihiin."

    Khamiistii, dacwad oogayaasha federaalku waxay ku dareen eedaymo dheeraad ah oo la xiriira maaraynta dukumentiyada sirta ah kadib markii uu xafiiska ka tagay.

    Ra'yi ururin la sameeyay ayaa Mr Trump aad uga hormaray ololaha musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimo ee sanadka soo socda.

  7. Madaxa Meta oo sheegay in Appka Threads ay dadka badankood ka caajiseen

    Threads

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxa Meta, Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in shirkadda cusub ee baraha bulshada ee Threads, ay lumisay in ka badan kala bar isticmaaleyaasheeda.

    Waxaa la furay horraantii bishan si uu ula tartamo Twitter-ka, waxa ayna maalmo gudahood ku kasbatay boqol milyan oo isticmaale.

    Balse Mr Zuckerberg waxa uu qiray in tiradu ay hadda hoos u dhacday.

    Waxa uu sheegay in heerka sii hayntu aanu ahayn mid "fiican", laakiin waxa uu filayaa in ay soo hagaagayso maadaama sifooyin cusub lagu soo daray abka.

    Threads ayaa horey ula kulmay dhaleeceyn ku saabsan shaqeynta xaddidan, tusaale ahaan qoraallada la soo bandhigay iyo waxa ku jira ee la heli karo.

  8. Faa'iidooyinka aadan ogeyn ee ay basasha u leedahay ragga iyo dumarka

    Basal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Cilmi-baarisyo badan ayaa daaha ka rogay in cunista/isticmaalka basasha ay faa’iido badan oo caafimaad leedahay.

    Inkastoo ay ay sababto ur dhanka afka ah, haddana waxay daraasadahaasi soo jeediyeen in qofku ka cuno in ku filan.

    Faa’iidooyinka basasha waxaa ka mid ah:

    1: Waxay qeyb ka qaadataa hab-dhiska difaaca jirka

    Maadaada ku jirta ee loo yaqaan Phytochemicals ee laga helo basasha waxay jidhka ku badisaa Vitamin C, kaasoo u wanaagsan hab-dhiska difaaca cudurrada ee jirka, qofka basal dheellitiran cunana oo cuntada ku darsada waxa uu si fiican isaga difaacaa xannuunnada ay ka midka yihiin lafa-garaaca iyo hargabka. Halkan kasii akhri

  9. Majaajileyste xirtay dharka ciidamada oo la filayo in uu la kulmo ciqaab adag

    Nigeria

    Xigashada Sawirka, PoliceNG

    Majaajiliistaha caanka ah ee reer Nigeria Abdulgafar Abiola, oo sidoo kale loo yaqaanay Cute Abiola, ayaa dhibaato kala kulmaya xirashada dareeska booliiska.

    Waxaa baaraya booliiska waxaana laga yaabaa in lagu soo oogo dacwad "xushmad darro iyo sharaf dhac uu sameeyay dharka booliiska".

    "Sharciga ayaa ka mamnuucaya shaqsiga, si kasta oo uu doono ha ahaadee" ayuu afhayeenka booliiska Olumuyiwa Adejobi ku sheegay bayaan ay ciidamadu soo dhigeen.

    Sawirada qaar ee la baahiyay ayaa muujinaya majaajiliistaha oo u labisan sidii askari oo darawalka ka codsanaya in uu siiyo lacag si uu shidaal ugu helo gaariga booliska ee shidaal la’aanta ah. Mid kale ayaa isna muujinaya nin booliis ah oo laaluush doonaya.

    Majaajiliistaha ayaa horay u soo maray dhibaato waxaa la xiray 2021-kii.

  10. Hoggaamiyaha Wagner oo taageeray afgambiga ka dhacay Niger

    Prigozhin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxa kooxda Wagner ee Ruushka, Yevgeny Prigozhin, ayaa u muuqda inuu soo dhaweeyay afgambiga Niger.

    Shirkad xiriir la leh calooshood u shaqeystayaasha ayaa baahisay fariin maqal ah oo la sheegay in ay ka timid Mr Prigozhin.

    Codkan oo aan la xaqiijin sax ahaanshihiisa ayaa wuxuu ku tilmaamay la wareegidda militariga inay tahay la dagaalanka gumeystaha.

    Ciidamada Wagner ayaa ka howlgala dhowr wadan oo Afrikaan ah, halkaasi oo lagu eedeeyay in ay gabood fallo ka geysteen.

    In kasta oo uu horseeday weerar fashilmay oo ka dhacay Ruushka bishii hore, Mr Prigozhin wuxuu u muuqdaa inuu usii wado shaqadiisa si xor ah.

  11. Maxay qorsheynayaan qoyska aabbaha Soomaaliyeed ee maqaska looga dhex tagay iyo isbitaalka ay arrintu ka dhacday

    Maqas

    Xigashada Sawirka, Qoyska

    Waxaa xalay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo, Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya lagu aasay Allaha u naxariistee Shukri Maxamuud Macallin Xasan oo u geeriyooday maqas calooshiisa looga dhex tagay.

    Shukri ayaa muddo toddobaad ah ku jiray Isbitaalka Takhasuska sare ee Sheekh Xasan Yabare ee magaalada Jigjiga ee isla Dowlad Deegaanka Soomaalida, halkaas oo looga sameeyay qalliin looga saarayay maqaska, sida uu BBC-da u sheegay wiilkiisa, Maxamed Shukri.

    "In muddo ah ayuu ka sheeganay killida uu maqasku xigay, wax baa iiga taagan oo i duraya ayuu dhihi jiray," ayuu yiri Maxamed.

    Shukri oo 65 jir ahaa ayaa saddex bilood kahor isla isbitaalka Jigjiga looga sameeyay qalliin dhanka caloosha ah, kaddibna uu ku laabtay magaalada Wardheer oo uu ku noolaa. Halkan kasii akhri

  12. Mareykanka oo xayiraad saaray saraakiil ka tirsan Mali sababo la xiriira ciidamada Wagner

    Wagner Mali

    Xigashada Sawirka, Google

    Mareykanka ayaa xayiraad saaray saddax sarkaal oo Mali u dhashay kuwaas oo lala xiriirinayo kooxda Wanger ee Ruushka.

    Mareykanka waxay ku eedeeyeen saraakiisha in dadka reer Mali ay ka dhigeen kuwa dhibane u ah xadgudubyada kooxda.

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dhaawaca iyo dhimashada rayidka ay saddax laab noqotay ilaa markii ciidamada Wanger la geeyay Mali Desember sanadkii 2021-kii

    Toban sano gudaheed wadanka waxaa ka dhacay saddax afgembi oo militerigu hoggaaminayeen.

    Wadanka waxaa joogay ciidamo shisheeye oo la dagaallamayay kooxaha jihaad doonka.

    Qaramada Midoobay waxaa dalka ka joogay 12-kun oo askari, waxayna dowladda Mali u sheegtay inay ciidamadooda la baxaan kuwaas oo kooaha xagjiriinta la dagaallamayay ku dhawaad 10 sano.

    Kooxda xuquuqda aadanaha, Human Rights Watch (HRW), waxay sheegeen in rayid badan si sharci darro ah loo dilay iyado qaar kalena la waayay.

    Ciidamada Faransiiska ayaa dalka ka baxay halka kuwii UK ee dalka joogay ay baxeen ka hor waqtigii la qrosheeyay

    Mali waa dal go’doon ah oo aan bad laheyn. Luuqadda Faransiiskana oo aheyd tan rasmiga ee looga hadlo dalka ilaa iyo 1960-kii ayaa meesha laga saaray.

  13. War deg deg ah, Ninkii hoggaaminayay ciidamada afgambiga kula wareegay Niger oo isku magacaabay hoggaamiyaha dalkaasi

    Niger

    Xigashada Sawirka, AFP

    Gen Abdourahmane Tchiani ayaa ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger kadib afgambi yaab leh oo dalkaasi ka dhacay.

    Sidoo kale waxaa loo yaqaan Omar Tchiani, waxa uu sameeyay la wareegis billaabatay Arbacadii markii ciidamada ilaalada madaxtooyada ee uu hoggaaminayay ay qabteen hoggaamiyaha dalka.

    Tani waxay burburisay dimuqraaddii Niger tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960-kii.

    Madaxweyne Maxamed Bazoum ayaa loo malaynayaa in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, waxaana weli gacanta ku haya ilaaladiisa gaarka ah.

    Inqilaabka ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha caalamiga ah oo ay ku jiraan Midowga Afrika, urur goboleedka Galbeedka Afrika ee loo yaqaanoEcowas, EU iyo UN.

    Gen Tchiani oo 62 jir ah ayaa xilka ilaalada madaxtooyada hayay tan iyo sanadkii 2011-kii, waxaana sanadkii 2018 loo dallacsiiyay darajada guud ee janaraal.

    Isagoo ka hadlayay khudbad telefishan laga sii daayay, ayuu Gen Tchiani sheegay in dowladdiisa ay la wareegtay sababo la xiriira dhibaatooyin dhowr ah oo ka dhacay Niger, oo ay ku jiraan amni-darro, dhaqaale xumo iyo musuqmaasuq iyo arrimo kale.

  14. Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay hadalkii Putin ee qamadiga loo dhoofinayo Soomaaliya

    Qamadi

    Xigashada Sawirka, Google

    Dowladda federaalka ah ee soomaliya ayaa soo dhaweysay hadalkii shalay ee madaxweynaha ruushka isla markaana uu ku sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ka tirsan sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono qamadiga.

    Wasiirka warfaafinta Soomaliya oo ka hadlay ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa go’aankii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Putin ee ahaa in 25-50,000 tan oo hadhuudh ah lagu gaarsiinayo lacag la'aan 7 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto. "Waa go'aan bini'aadantinimo oo togan oo caawin doona kumanaan Soomaali ah oo ay soo food saartay cunto yari" ayuu yiri wasiirka warfaafinta”

    Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Ruushka iyo dalalka Afrikaan ah ay ka Shireen arrimo dhowr ah xilli shirkaasi uu maanta soo gebo geboobay.

  15. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay burburisay gawaari iyo saldhigyo ay leeyihiin Al-Shabaab

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay ciidmada dowladda iyo saaxibada caalamka saaka ka fuliyeen gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduug ay ku burburiyeen saldhigyo iyo gawaari ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

    Waxaa ay sheegtay inay khasaaro xoog leh gaarsiisay kooxda oo ay burburiyeen ku dhowaad toban gaari oo ay ku jireen labo BG, gaari UD, iyo afar Cabdibille oo ay sheegtay inay saarnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

    Dowladda ayaa intaa ku dartay inay sidookale ay burburiyeen saldhig ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.

    Weli lama shaacin khasaaraha soo gaaray labada dhinac.

  16. Dal markii ugu horeysay muddo labaatan sano ah haweeney toogasho ku fuliyay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Singapore waxay maanta oo Jimce ah dil ku xukun dil ah ku fulisay haweeney, markii ugu horeysay muddo labaatan sano ah kaddib, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dalkaasi.

    Haweeneydan reer Singapore ee 45 sano jirka ah oo lagu magacaabo Saridewi Djamani, ayaa waxaa lagu helay dembi ah inay dhoofisay daroogada nooca heroine-ta oo dhan 30g (1.06oz) sanadkii 2018.

    Waxay noqoneysaa qofkii labaad oo lagu helo dambi ah inuu darooga ka ganacsado oo dil lagu xukumo todobaadkan.

    Singapore waxay kamid tahay dalalka ay ka jiraan sharciyada adag ee lagula tacaalo ka ganacsiga maandooriyaha, oo ay sheegtay in lagu badbaadinayo bulshada gaar ahaanna dhalinyarada.

    Sharciga dalkaas ayaa dhigaya, in qofka lagu fuliyo xukun dil ah haddii lagu helo inuu dhoofiyo in ka badan 15g oo heroin ah.

  17. Maxay tahay riyada uu wiilkan dhallinyarada ah lahaa ee hadda sababtay inuu baskiilka ku safro?

  18. Markii ay sawirka baadari caan ah jeex-jeexday fanaanaddii shalay geeriyootay Sinéad O’Connor

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, O’Connor waxay 2018 qaadatay diinta islaamka

    Fanaanadda Sinéad O'Conno, oo u dhalatay dhalatay Ireland ee shalay geeriyootay ayaa fal ay hore u sameysay kala kulantay dhaleeceyn kala duwan.

    Sanadkii 1992-dii, ayaa waxay jeex-jeexday sawirka baadari caan ahaa oo lagu magacaabo Pope John Paul II, xili ay si toos ah hees ugu qaadeysay telefishanka Saturday Night Live oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

    Markii ay heesta qaadday kaddib, ayaa waxay la soo baxday sawirka baadariga, kaddibna way jeexjeexday iyadoo leh "la dagaal cadowga dhabta ah".

    Sababta ayaa lagu sheegay inay tahay inay uga soo horjeedo xadgub galmo oo ay sheegtay in carruur loogu geystay kaniisadaha katooliga.

    O’Connor waxay 2018 qaadatay diinta islaamka, waxaana ashahaadada u laqimay Sheekh Cumar Al-Qadri, magaceedana waxay u beddeshay Shuhada Davitt.

  19. Gabadhii waxbarashada u aadday Mareykanka ee iyadoo derbi jiif ah la soo helay

    .

    Xigashada Sawirka, UGC

    Qoraalka sawirka, Minhaj Zaidi

    Muuqaal muujinaya gabar dhalinyaro ah oo jiifta mid kamid ah waddooyinka magaalada Chikago ee waddanka Mareykanka ayaa ku baahay baraha bulshada, waxaana sidaas yiri mid kamid ah hogaamiyeyaasha magaalada Heyderabad, Khalekar Rehman.

    Gabadhan oo lagu magacaabo Minhaj Zaidi, oo ka soo jeedda Pkistan, ayaa indhaheeda ka muuqda inaanay maalmo seexan, waxayna sidookale u muuqataa inaanay cunto cunin.

    Minhaj waxay sanadkii 2017-kii ka qalin jabisay kuliyadda Shadan, oo ku yaalla magaalada Hyderabad, iyadoo baratay cilmiga Computer Science.

    Intaa kaddib, waxaa ay fursad waxbarasho ka heshay jaamacadda Trine ee dalka Mareykanka sanadkii 2021-kii, balse xaaladeeda caafimaad ayaa ahayd mid aan wanaagsaneyn labadii bilood ee la soo dhaafay, waxaana la arkay iyadoo waddada jiifta oo ay duruuf badan ka muuqato.

    Qoyskeeda ayaa sheegay in aanay ogeyn waxa ku dhacay gabadhooda, balse waxaa la fahamsanyahay in gabadhan ay la soo daristay dhibaato dhaqaale isla markaana ay dareentay niyad jab weyn.

  20. Trump oo mar kale eedeymo wajahaya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa wajahaya eedeymo hor leh,oo ah inuu mid kamid ah shaqaalihiisa ku cadaadiyay inuu tirtiro muuqaal sir ah, xili ay ku sugnaayeengoob uu dalxiiska u tago oo ku taalla gobolka Florida ee waddanka Mareynaka.

    Ha yeeshee Trump ayaa iska fogeeyay eedeymahan, isagoo ku eedeeyay madaxweyne Joe Biden iyo waaxda cadaaladda oo uu sheegay inay ugaarsanayaan.

    Trump ayaa hore u wajahayay 37 dacwadood oo lagu soo oogay, waxaana haatan dacwadaha guud ee loo haysto ay gaarayaan ilaa 40.