Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika
Tebinta tooska ah ee BBC Somali News
Tebin toos ah
Jabuuti oo keensatay Markab marakiibta dayactira
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee maanta booqasho ku tagey Dekedda magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, halkaas oo uu ka soo degey markabkii ugu horreeyey ee ay ciidamada badda ee PDSA ku dayac tirto gobolka.
La wareegiddan cusub, ayaa waxaa guul taariikhi ah laga gaaray warshadaha badda ee dalka Jabuuti, iyadoo markabkani uu noqonayo kii ugu weynaa, isla markaana uu noqdo kii ugu horreeyay ee gobolka oo qaadi kara in ka badan 50 kun oo tan oo xamuul ah.
Qaar kamid ah sawirrada weerarka Drone-ta loo adeegsaday oo lagu qaaday gudaha Ruushka
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
Xigashada Sawirka, Reuters
Diyaarada lagu weeraray gudaha Ruushka oo faafahin hor leh laga helay
Xigashada Sawirka, Reuters
Faahfaahinta ku saabsan sida ay u dhacday diyaaradii Drone-ka ah ee weerartay daarta dheer ee Moscow ayaa xadidan.
Marka la eego cabbirkeeda iyo qaabkeeda, waxay u badan tahay in markii hore loogu talagalay ujeeddooyin sahamin ah oo markii dambe loo beddelay drone-ka nooca -kamikaze, ama waxaa laga yaabaa in loo sameeyay oo keliya fulinta weerarrada gudaha dhulka cadowga
Waxyaabaha goonida ku ah ayaa waxaa kamid ah in masaafo dhan 1,000km (620 mayl), ay jari karto taas oo ka badan in ku filan in laga duulo dhulka ay Ukraine maamusho ilaa Moscow.
Ilaa hadda ma jirto cadaymo muujinaya halka laga soo tuuray diyaaradahan, balse si kastaba ha ahaatee, waxay dhibaato ku tahay maamulka Ruushka.
Hadii laga soo tuuray jiidda hore dagaalka waxay muujineysa daciifnimada difaaca hawada Ruushka.
Haddii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn laga soo tuuray gudaha dhulka Ruushka, waxay soo jeedinaysaa in laamaha ammaanku ay ka maqan yihiin gacan ku haynta dalkooda.
In la soo tuuro Diyaaraddan oo kale ma aha hawl fudud oo waxay aheyd in la dareemo.
Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Ruushka lagu qaaday
Xigashada Sawirka, EPA
Ma ahan markii ugu horreysay oo diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu dhufato dhismo ku yaalla xaafadda ganacsiga ee magaalada Moscow run ahaantii, waa weerarkii labaad ee noocan oo kale ah maalmihii la soo dhaafay ee Ruushka lala beegsado.
Inkastoo Kyiv aanu aqoonsanayn abaabulka weeraradan iyo kuwa kale ee aan duuliyaha lahayn ee Moscow, dad yar oo indha indheeya ayaa shaki ka qaba in diyaaradahani ay asal ahaan ka soo jeedaan Ukraine.
Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine, Valeriy Zaluzhny, ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu gaari karo marxaladda isbeddelka ah ee dagaalka ay tahay in la helo hab lagu bartilmaameedsado gudaha dhulka Ruushka.
Sida laga soo xigtay isaga, tani waa lagama maarmaan si loo xoojiyo dareenka dagaalka ee muwaadiniinta Ruushka.
Weerarkian lagu qaaday gudaha Ruushka ayaa wuxuu xasuusinayaa muwaadiniinta Ruushka in waddankoodu dagaal ku jiro
Fransiiska oo war hor leh ka soo saaray xaaladda Niger
Faransiiska ayaa isku diyaarinaya inuu muwaadiniintiisa ka soo daadgureeyo dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Niger, sababo la xiriira nacaybka Faransiiska ee ka dhashay afgambigii todobaadkii hore.
Waxa ay sheegtay in ay sidoo kale ka caawin doonto muwaadiniinta kale ee reer Yurub in ay ka baxaan.
Afgambigan oo sababay banaanbaxyo looga soo horjeedo gumeystihii hore, iyadoo safaaradda Faransiiska la weeraray.
Arintan ayaa kusoo aadaysa xili ay dowladaha Burkina Faso iyo Mali ay ka digeen in isku day kasta oo xoog ah oo lagu doonayo in lagu soo celiyo madaxweynihii xilka laga tuuray loo arki doono ku dhawaaqis dagaal.
Ruushka oo sheegay in ay jirto khatar amni kadib weerar lagu qaaday Moscow
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Dhismaha la weeraray
Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in ay iska caddahay in
khatar ay jirto kadib weerarkii ugu dambeeyay ee diyaaradaha aan duuliyaha
lahayn ee lagu qaaday magaalada Moscow, marki labaad saddex maalmo gudahood.Duqeynta ayaa lagu
garaacay dhismo ku yaalla xaafadda ganacsiga ee magaalada Moscow.
Shaqaalaha wasaaradda horumarinta Ruushka, oo ka
shaqaynayay daarta dheer ee la weeraray, ayaa hadda loo sheegay inay ka
shaqeeyaan gurigooda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Dhismaha la weeraray ayaa waxaa loo yaqaanaa IQ quarter,
kaasoo ay ku yaallaan wasaaradda horumarinta dhaqaalaha, wasaaradda Tiknoloojiyadda
iyo wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga.
Wejiga muraayadda dhismaha ayaa burbur soo gaaray, balse lama soo sheegin wax
dhaawac ah.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa dhacdadan ku tilmaantay
mid “Weerar Argagixiso ah” oo laga soo qaaday dalka Ukraine. Kyiv inta badan
wax faallo ah kama soo bixiso weerarradan oo kale.
Sida Janaraal Caydiid uga baxsaday ciidamada Mareykanka
Caasimadda Burkina Faso oo rasaas laga maqlayo
Qoraalka sawirka, .
Wararka ka imaanaya magaalada Ouagadougou ee xarunta dalka
Burkina Faso ayaa sheegaya in saaka waabarigii la maqlay rasaas goos goos ah oo
laga maqlayay saldhig ciidamada cirka ay ku leeyihiin bartamaha magaalada.
Ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in xaaladda ay gacanta
ku hayaan ciidamada ammaanka, hase yeeshee wax faah faahin dheeraad ah lagama
bixin sida wax u jiraan.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay 10 bilood ka dib afgambi, kii
labaad oo muddo sanad gudihiis ah ka dhaca dalkaasi oo dagaal kula jira kooxaha
Islaamiyiin ah tan iyo sanadkii 2015-kii.
Waxa ay sidoo kale ku soo beegantay ku dhawaad todobaad
kadib markii ay militariga rideen dowladii la soo doortay ee dalka deriska la
ah ee Niger.
Madaxweynaha dalka Shiinaha ayaa badelay laba hogaamiye oo ka tirsan unug caan
ah oo maamula hubkiisa nukliyeerka.
General Li Yuchao oo madax ka ahaa qaybta Ciidanka Gantaallada
ee ah kuwa Xoraynta Shacabka (PLA) iyo
ku xigeenkiisa ayaa "la'aa" muddo bilo ah.
Ku xigeenkii hore ee ciidamada badda Wang Houbin iyo Xu
Xisheng oo xubin ka ah golaha dhexe ee xisbiga ayaa loo magacaabay xilalkaan.
Tani waa waa tillaabadii ugu weyneed ee aan qorshaysnayn
ee hoggaanka milatariga ee Beijing lagu samaeeyo ku dhawaad toban sano.
Dowladda Shiinaha ayaa sameyneysa mid ka mid ah
isbeddelada ugu qotoda dheer ee istiraatiijiyadda nukliyeerka muddo tobanaan sano
ah.
Kumanaan qof oo ka qaxay xero qaxooti oo Falastiiniyiin ay ku noolyihiin
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Xerada Cayn el-Xilweh
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 2,000 oo
qof lagu qasbay inay ka qaxaan rabshadaha u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda
ee xerada qaxootiga Falastiiniyiinta ee Lubnaan.
Isku dhacyada u dhexeeya madaxweynaha maamulka Falastiin
Maxamuud Cabaas ee Fatax iyo kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxaa ku dhintay 11
qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Xabad joojin ayaa hadda la isku afgartay in kastoo rasaas
weli la soo sheegayo.Waxaa la aasaasay xerada Cayn el-Xilweh sanadkii 1948, waana
tan ugu weyn Lubnaan.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay ku nool yihiin in
ka badan 63,000 oo qaxooti diiwaan gashan, balse qiyaasaha qaar ayaa sheegaya
in tirada dadka ay ka badan tahay intaa.
Xerada, oo ku taal meel u dhow magaalada koonfureed ee
Siidoon, ayaa ka fog meelaha ciidamada ammaanka ee Lubnaan, ay ku xoogganyihiin
Waxaa loo daayaa kooxaha isku haya xerada si ay u
ilaashadaan amnigeeda, laakiin khilaafyada kooxahaas dhex mara ayaa caadi ka
noqday halkaa.
Rabshadaha ayaa qarxay sabtidii markii xubin ka tirsan
koox islaami ah la dilay, sida ay ku warantay wakaalada wararka AFP oo soo
xiganaysa ilo aan la magacaabin oo ku sugan xerada.
Talibaan oo gubtay qalabka Muusigga
Xigashada Sawirka, EPA
Talibaan-ka Afghanistan ayaa gubay qalab Muuskida
loo isticmaalo, iyagoo ku andacoonaya in qalabkaan uu yahay mid loo adeegsado “musuqa”
iyo waxyaabaha anshax xumada ah.
Kumanaan doolar oo lacag ah ayaa ku baxday qalabkan
oo la arkayay qiiq hawada sare qabsaday Sabtidii deegaan ku yaal galbeedka
gobolka Herat.
Tan iyo
markii Talibaan la wareegtay xukunka Afghanistan sanadkii 2021-kii, waxay soo
rogtay xannibaado dhowr ah sida in Muusigga aan lagu ciyaari karin fagaarayaasha
la isugu yimaado.
AXmad Sarmast, aasaasaha Machadka Qaranka ee
Muusiga ee Afgaanistaan, ayaa ficiladooda la barbar dhigay "xasuuq
dhaqameed iyo burburin muusig".
Dadka Afgaanistaan waa loo diiday xoriyada fanka ayuu yiri
Sarmast ooh adda ku sugan dalka Bortaqiiska, isagoo intaa sii racaiyay, “gubitaanka
qalabka muusiga ee Herat waa tusaale yar oo ka mid ah xasuuq dhaqameedka ka socda Afgaanistaan oo ay hogaaminayaan
Taliban,”
Xildhibaanad Leyla: "Waa gaf bareer ah oo Muslimiinta loo gaysanayo gubitaanka Qur'aanka"
Iyadoo laba nin oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq ay shalay ku gubeen kitaabka Qur’aanka Kariimka ah bannaanka dhismaha baarlamaanka Sweden, ayaa xildhibaanad Leyla Cali Cilmi oo ka tirsan baarlamaanka dalkaasi waxay sheegtay in wax laga xumaado ay tahay beegsiga lagu hayo diinta Islaamka.
Waxay sheegtay inay u muuqato in dowladda Sweden ay raali ka tahay ficilladaan lagu gubayo Qur'aanka Kariimka ah, iyadoo intaa ku dartay in mar walba mas'uuliyiin sar sare oo Swedish ah ay af lagaaddo u gaystaan Muslimiinta.
Qoraalka Codka, Muslimiinta ayaa ka falceliyay gubista kitaabka Qur'anaka
Gooryaan la qaboojiyay 46,000 sano kahor oo hadda "soo miyirsaday"
Xigashada Sawirka, Reuters
Koox baarayaal caalami ah ayaa ku guuleystay inay dib miyirka ugu soo celiyaan labo gooryaan oo faranjeer lagu qaboojiyay ku dhowaad 46,000 sano kahor.
Gooryaankan ayaa ka tirsan bahda gooryaanka ee nematode, waxaana la geliyay xaaladdan loo yaqaanno cryptobiosis, taasoo u oggolaaneysa inay u adkeystaan biyo la'aanta iyo oksojiin la'aanta, iyo sidoo kale xaalado cimilo oo aad u daran.
Labadan gooryaan oo laga helay dalka Serbia ayaa shan snao kahor ayaa dib usoo noolaaday kaddib markii biyo la waraabiyay, sida ay baarayaashu sheegeen.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay arrintan oo kale dhacdo, balse hore uma dhicin in noole la qaboojiyay muddo sidan u dheer ay dib usoo miyirsadaan.
Saynisyahannada ayaa baaritaan ku sameeyay sababta ka dambeysa inay u adkeystaan biyo la'aanta, waxaana la ogaadau inay soo saaraan sokor lagu magacaabo trehalose, taasoo u oggolaaneysa inay adkeysi yeeshaan.
Noocan gooryaanka ayaa ka mid ah kuwa ku dhasha caloosha xayawaannada kale.
RRU: Maxaad ka taqaan ciidamada Ingiriisku tababaray ee Somaliland?
Hogaamiyaha kooxda Wagner oo mar kale ka soo muuqday fagaare aan laga fileyn
Xawayaan lagu murmay in uu aadmi yahay iyo in kale
Xigashada Sawirka, Social Media
Beer xaywaanaad oo ku taal bariga Shiinaha ayaa u xaqiijisay dadka soo booqday in waxa ay arkeen ay yihiin Madaxkuti run ah ee aysan ahayn qof iska dhigaya madaxkuti, ka dib markii la arkay hal xayawaan oo u taagan sida qof biniaadmi ah kaas qabsaday internetka.
Isagoo ka jawaabaya muuqaal madaxkuti/oorso faafay oo ku taagan lugaha dambe, maamulka beerta xawayaanka Hangzhou ayaa yiri dadku "ma fahmaan" noocyada.
Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa qiyaasayay in bahashu noqon karto qof lebisan.
Beerta ayaa haysa qaar ka mid ah noocyada orso ee ugu xajmiga yar adduunka, waxay la egtahay noocyada eyga ee weyn. Waa nooc dabar go'aya oo u dhashay kaymaha roobka ee Koonfur Bari Aasiya.
Fiidiyowga, waxaa lagu arkayaa orso nooca sun loo yaqaan ah oo ku taagan cidhifka xayndaabkeeda, calaacalahana dhinaca ku haya oo u muuqda mid laftiisu u kuur galaya dadka soo booqda beerta xayawaanka.
Tobanka Magaalo ee ugu nolosha fiican caalamka sannadkan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka dib markii ay hoos u dhacday saameynta masiibadii Covid19, tayada nolosha ayaa mar kale kor u kacday qaar badan oo ka mid ah caasimadaha caalamka.
Guud ahaan nolol maalmeedku waxa samaysay kor u kac 15 sano ah, sida lagasoo xigtay machadka odoroska dhaqaalaha (EIU) , kaas oo ku qiimeeya 173 magaalo arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida, daryeelka caafimaadka, dhaqanka & deegaanka, waxbarashada iyo kaabayaasha.
Sare u kaca waxaa inta badan sabab u ah guulaha daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Afrika - xitaa iyadoo buundooyinka xasiloonida ay hoos u dhaceen guud ahaan kacdoonka rayidka iyada oo ay sii kordheyso walaacyada qiimaha-nololeed ee adduunka oo dhan iyo iskahorimaadka sii socda ee magaalooyinka sida Kiev.
Dhibcaha ugu fiican ee xasilloonida, daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha, Vienna way ka badan tahay wadarta qaybaheeda, sida ay qabaan dadka deggan.
Melbourne, Australia
Labada magaalo ee kala ah Melbourne iyo Sydney waxay dib u heleen darajooyinkoodii (saddexaad iyo afraad siday u kala horreeyaan) ee 10ka magaalo ee ugu nolosha fiican, ka dib markii ay hoos ugu dhaceen tusmada intii lagu jiray cudurka faafa ee coronavirus kaas oo xumeeyay nidaamka daryeelka caafimaadka Australia oo sababay xirnaan muddo dheer.
Gaar ahaan Melbourne waxay dhalisay dhibcaha ugu sarreeya ee dhaqanka iyo deegaanka ee waddanka - sifooyin ay dadka deggani jecel yihiin.
Vancouver, Canada
Saddex magaalo oo Kanada ku yaal (oo ay ku jiraan Calgary iyo Toronto) ayaa ka mid noqday 10-ka sare ee sanadkan, laakiin Vancouver ayaa lagu qiimeeyay in ay ka mid tahay shanta ugu sarreysa marka la eego dhibcaha dhaqanka iyo deegaanka ee sarreeya - sifooyinkan oo ay dadka deggani isla markiiba tilmaamayaan jacaylka ay u qabaan magaaladooda.
Osaka, Japan
Kaalinta 10-aad ee tusmada, iyo dalka kaliya ee Aasiya ee soo galay liiska tobanka u sareeya, Osaka waxa ay dhanka daryeelka caafimaadk, iyowaxbarashada ka heshay 100 dhibcood oo kaamil ah. Iyada oo qiimaha noloshu ay sii waddo inay cadaadis saarto dakhliga qoyska ee badan ee adduunka oo dhan, Maciishadda la goyn karo ee Osaka ayaa sidoo kale sare u qaadday nolosha dadka deggaan.
Auckland, New Zealand
Iyada oo kaalinta 10-aad la haysata Osaka, Magaalada Auckland waxay kor u kacday in ka badan 25 dhibcood sannadkii hore, taas oo qayb weyn ka ah dib u dhac ku yimid dib u furitaanka magaalada kadib xannibadi ka dhalatay Covid19, halkaas oo xannibaadaha iyo bandooyada aan si buuxda loo qaadin ilaa Sebtembar 2022.
Marka lagu daro dhibcaheeda waxbarasho ee ugu fiican, magaaladu sidoo kale waxay haysatay dhibcaha ugu sarreeya ee dhaqanka iyo deegaanka ee 10ka magaalo ee ugu nolosha wanaagsan caalamka.
lagu tooreyay
Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku guuleystay bilada caalamiga ah ee lagdinka iyo haraatiga?