Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Puntland oo ka hadashay sababta Garowe looga celiyay guddoomiye Sacdiyo

    WASIIRKA WAFAAFINTA PUNTLAND

    Xigashada Sawirka, WASAARADDA WAFAAFINTA PUNTLAND

    Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraaid u qabtay waarbaahinta ayaa ka hadlay sababta ay dowlada Puntalnd u celisay diyaarad ay la socdeen Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Samatar iyo wefdi ay hoggaamineysay.

    Wasiirka ayaa yiri ''Horta Sacdiya Salaad waa madax, madaxdana nidam ayay ku socdaan ee iskama socdaan.Waa in la ogyahay meesha ay tagayaan, waxa ay utagayaan aminigooda in la sugo.Inay diyaarad iskaraacdo sidii qof suuq joog ah, arrin iyada u haboon ma aha, dowlda ay ka shaqeyso u haboon maha, Puntland na ku haboon ma aha.Ammaankeed in laga taxadaro la ogyahay protakoolkeeda la sii hagajiyo, iyadu kay ku imaaneysay u hagaagsanyahay baa horta ka horeysa waxaas.''

    Wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa sidookale yiri''Qof diyaarad iska soo racaya oo madax ah, hadaw sumcad xumada uu keeni karo wixii ka dhasha.Horay waad u ugeydeen wixii ka dhacay Bosaaso, iyadoo aanay dowladau wada shaqeyn kala dhaxeyn waxa ay sameyneyso inay sababeen in 20 dhaalinyaro ah oo reer Puntland ah inay dhintaan.Nidaamka ay kutimi tii oo kale inay dhacdo ama kasii foolxun inay dhacdo,qof madax ah oo adduunka iska socda majiro''.

    Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in talaabada la qaaday ay aheyd mid Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar maslaxadeeda amni ku jirtay, sababtaana ay u celiyeen Diyaaradda.

    Sanadkii hore ayey Puntland hawada uga celisay diyaarad ay la socotay Guddoomiye ku xigeenka Golaha shacabka xilli ay dooneysay inay tagto magaalada Boosaaso, iyadoo arrintaas ay sababtay iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac dhaliyay.

  2. Sababta keentay shilkii garoonka Aden Cabdulle ay ku gashay diyaaradda Hala kow oo la ogaaday

    shilka diyaaradda

    Xigashada Sawirka, Social

    Dawladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay baaris horudhac ah oo ku saabasan sababbaha keenay shilkii garoonka Aden Cabdulle ay ku gashay diyaaradda Hala kow iyo tobankii Bishan.

    Baarista ayaa sheegtay in ay ka jirtay dhabbaha diyaaraduhu ku cararraan dabeyl xoog leh oo ah nooca loo yaqaano dabeysha wareegta.

    Shilkaas waxa ku dhaawacmay dhawr qof, waxana duulimaadku ahaa mid gudaha ah, oo diyaaraddu waxay ka timid magaalada Garoowe.

  3. Afar qodob ka ogow weerarkii lagu qaaday kulliyadda Jaalle Siyaad ee askarta lagu laayay

  4. Maxay yihiin Shan iyo afartan xubnood ee lagu dhaariyay Laascanood?

    LAASCANOOD

    Shan iyo afartan xubnood oo la sheegay in ay la wareegi doonaan maamulka gobollada SSC isla markaana ka shaqeyn doona sidii loo dhisi lahaa maamul ay leeyihiin dadka deegaanka ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Laasacaanood.

    Isimada ku sugan halkaa ayaa soo xulay xubnahan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada isla markaana looga dambeyn doono arrimaha siyaasadda iyo maamulka.

    Cabdiqaadir Abshir Xaji Diiriye oo kamid ah xubnaha maanta la dhaariyay oo la hadlay baarnaamijka Dunida iyo Maanta ee radadiyaha BBC Somali ayaa sida tan yiri ' waxaan u dhaarannay in bulshada kunool SSC khatumo ay diin iyo dalba aan daacad u ahaanno si ay u helaan xasillooni siyaasadeed.''

    Mar la weydiiyay dadka la dhaariyay waxa ay yihiin ayaa wuxuu yi'' Waa dad bulshada ka kooban aqoonyahanno, culumo uddiin iyo qurbo joogba leh dhalinyaro iyo noocyada bulshada ah.Awalba waynu shaqeyneynay haddana waan siiwadi doonaa iyo halgankii iyo in aan iska dul qaadno dhibta uu Musa Bixi nagu hayo[Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madax-banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland] iyo rigiimkiisa dababdeedna nidaam iyo qorshe ula nimaadno deegaankayaga shirweynana u qabanno.''

    Dagaal u dhexeeya xooggaga deegaanka iyo ciidamada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa 6-dii February ee sanadkan ka bilowday magaalada, colaaddaas oo aan weli xal laga gaarin.

  5. Muxuu yahay shirka uu Raysul wasaraha uga qeygalay Tanzania?

    OPM

    Xigashada Sawirka, OPM

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maalintii sedexaad safar ku jooga dalka Tanzania isagoo kulamo kala duduwan la yeshay qaar kamid ah mas'uuliyiinta dalkaas.

    Mudane Xamseoo hadal ka jeediyay Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka.

    Waxaa uu sidookale sheegay in3000 oo macallin cusub ah ay dowaladda Soomaaliya qortay.

    Shirkan ayaa waxaa uu kulmiyay masuuliyiin badan oo kakal timid qeybo badan Afrika ah

    Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale cambaareeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ee lagu dilay askar badan oo ka tirsaneyd ciidanka guutada 14-ka Oktoobar.

    Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Soomaaliya ay dowlada ku eedeysay inay dowladu mas'uul katahay qaraxa.

  6. Haweeney fal cajiib ah sameysay kadib markii 'loo diiday inay isticmasho musqusha diyaaradda'

    diyaarad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Diyaaradda Spirit airlines ayaa muuqaal gudaheeda laga dubay wuxuu muujinaya qof rakaab ah oo diyaaradda gudaheeda ku dhex kaadinaya iyadoo ay hortaagan yihiin dad u muuqda inay yihiin shaqaalaha diyaaradda Spirit Airlines iyadoo ka cabanaysa in loo diiday inay isticmaasho musqusha diyaaradda sida ay warbaahinta sheegtay.

    ''Salaam kamarada," mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa la maqlay iyada oo u sheegaysa qofka kudhex kaadineysa gudaha diyaaradda.

  7. Maxaa maanta ka socda mid kamid ah dalalka ugu afgambiga badan caalamka?

    niger

    Xigashada Sawirka, AFP

    Waxaa la xiray guriga rasmiga ah ee uu degan yahay madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum waxaana lagu soo waramayaa inay xireen ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada, inkastoo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha.

    Ilaalada ayaa xiray wadooyinka soo gala guriga Bazoum iyo xafiisyada madaxtooyada ee magaalada Niamey labadaba.Ma jiraan ciidamo aan caadi aheyn oo la geeyay madaxtooyada ama dhawaq rasaas ah oo goobta laga maqlay, isu socodkuna waa caadi, sida uu sheegay wariye ka tirsan AFP iyo weriyaha BBC-da qeybta Hausa.

    Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynihii hore, Mohammed Issoufou iyo madax kale oo hore ay hadda la hadlayaan ilaalada madaxtooyada si looga hortago in xaaladdu ay sii xumaato.

    Waddankan kuyaalla Galbeedka Afrika ee aan badda lahayn ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee afgambiyada ka dhacaan caalamka, iyadoo ay ka kadhaceen ilaa afar afgambi tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen Faransiiska sannadkii 1960-kii iyo isku dayo badan oo afgambi.

    Inqilaabkii ugu dambeeyay ee dalkaasi waxa uu dhacay bishii February 2010-kii, kaas oo xukunka looga tuuray madaxweynihii xilligaas Mamadou Tandja.

  8. Dal Afrikaan ah oo wasiirkeeda difaaca la cunaqabateeyay sababo la xiriira Wagner

    MALI

    Xigashada Sawirka, AFP

    Raiisel wasaaraha Mali Choguel Kokalla Maïga ayaa dhaleeceeyay cunaqabateynta Mareykanka uu saaray wasiirka gaashaandhigga, taliyaha ciidamada cirka iyo ku xigeenkiisa oo uu ku tilmaamay "mid xaqiiqada dadka kaleexinesya " wuxuuna ballan qaaday "taageeradiisa guud" ee saraakiisha ciidamada militariga.

    “Cunaqabateynta saaran saraakiisheenna geesiyaasha ah, Wasiirka Gaashaandhigga Col Sadio Camara, Gen Alou Boi Diarra, Col Adama Bagayoko, ma laha ujeeddooyin aan ka ahayn in lagu mashquuliyo dadka Mali. Ma jiraan wax naga mashquulin doona shaqada dib u dhiska Mali,” ayuu Mr Maiga ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

    Wasaaradda maaliyadda Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay saddexdan qof kadib markii lagu eedeeyay "fududeynta" isballaarinta Kooxda Wagner ee Ruushka ee Mali.

    Ciidamada Wagner iyo ciidamada Maali ee dagaalka kula jira mujaahidiinta lagu eedeeyay in ay gabood falyo geysteen Mali , iyadoo Mareykanka uu sheegay in khasaaraha dadka rayidka ah uu saddex jibaarmay tan iyo markii ay howlgalladaasi ka qeyb galeen dabayaaqadii 2021-ka.

  9. Maxaad ka ogtahay orodyahannada Soomaaliya ku matalaya tartanka Shiinaha ka dhacaya?

  10. Afar waxyaabood oo kaa caawin kara in aad farxad iyo caafimaad ku noolaato

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa jira afar sheey oo saynisku qeexay oo muhiim ah islamarkaana qofka ka caawin kara inuu nolol dheer oo farxad leh ku noolaado, waxaana kamid ah,

    Nafaqada iyo hab nololeedka: Cilmi-baaris la sameeyay ayaa muujinaya in miisaankaaga oo aan kordhin, sigaar iyo khamri oo aadan cabbin, iyo cunista ugu yaraan shan cunto oo khudaar ay ku jirto maalintii ay kordhin karaan rajada noloshaada sanado badan.

    Jimicsiga: Jimicsiga oo aad maalin kasta sameyso kaama caawinayso oo kali ah in aad xoog yeelato, balse waxay sidoo kale gacan ka geysanaysaa xaaladaada inay wanaagsanaato.

    sare u qaadidda heerka difaaca jirka: Si sare loogu qaado difaaca jirka ee qofka waa in uu isticmaalo nafaqooyin kale si loo dhaqaajiyo unugyada difaaca ee jirka sare na loogu qaad

    xoojinta unugyada Jirka: Maadada la yiraahdo Senescencia waa xaalad sun ah oo saameysa unugyadeena marka aan waayeelka noqono, kaasi oo ku faafa jirka oo dhan islamarkana u keena dhaawacyo fudud iyo xanuun joogto ah.

  11. Daawo:Gabadha noqotay haweenaydii u horaysay ee xijaabka ku ciyaarta koobka aduunka

    Qoraalka Muuqaalka, .
  12. Maxaa lagu qanciyay siyaasiyiintii gobolka Gedo ee ka soo horjeeday Jubbaland?

  13. Maxaa ka jira inay Soomaaliya iyo Kenya ka wada hadlayaan baddii ay xukuntay ICJ?

  14. Madaxweynaha Kenya oo sheegay unuu diyaar u yahay inuu la kulmo hogaamiyaha mucaaradka

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay inuu "xili kasta" diyaar u yahay inuu fool ka fool ula kulmo hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga

    Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya kaddib markii bilihii u dambeeyay ay dalka ka dhaceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda.

    'Sida aad adiguba ogtahay, waxaan diyaar u ahay inaan kula kulmo', ayuu yiri madaxweyne Ruto oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.

    Dhowr mar oo hore ayaa waxaa burbury wadahadallo ay lahaayeen xukumadda iyo Mucaaradka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  15. Wax ka ogoow orodyahannada Soomaaliya ku metelaya tartanka orodka oo Shiinaha ka dhacaya

    Waxaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho ka ambabaxay orodyahanno kala ah wiil iyo gabargabar iyo wiil kala ah,, kuwaas oo Soomaaliya ku meteli doona tartanka orodka oo ka dhacaya Shiinaha.

    Warkan waxaa la socday oo aan wax ka weydiinnay Maxamed Cumar Bakaay oo ka faalooda cayaaraha kuna sugan Muqdisho.

    Qoraalka Codka, Tartanka ayaa ka dhici doona Shiinaha
  16. Sidee loo kala jaray mataanahan dhashay iyagoo isku dheggan

  17. Maxay qaaradda Africa gaar ahaan Soomaaliya ka faa'ideysaa qamadiga Ruushka?

    Maanta oo Arbaca ah, golaha Nato iyo Ukraine ayaa ka wada hadli doona heshiiskii dhoofinta qamadiga, kaddib markii uu Ruushka ka baxay heshiiskaas, kulankaas oo uu codsaday madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky.

    Dhanka kale, sarkaal sare oo ka tirsan waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa iftiimin doona dadaalka Washington ee fududeynta dhoofinta qamadiga iyo bacriminta Ruushka, inta uu ku guda jiro booqasha uu ku tegayo waddamada Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ka bixitaanka Moscow ee heshiiskii dhoofinta qamadiga ay saameyn doonto dalalka Afrika.

    Haddaba maxay Africa ka faaideysaa dhoofinta qamadigaas? gaar ahaanna Soomaaliya? Dr Ibrahim Dhaqane ayaa ka warramaya.

    Qoraalka Codka, Ruushka ayaa dhawaan ka baxay heshiiskii qamadiga
  18. Garsoore Mareykan ah oo go’aan ka gaaray arrin farxad gelineysa dadka magangalyo doonka ah

    Garsoore heer federaal ah oo Maraykan ah ayaa meesha ka saaray, siyaasad la xirriirta magangalyada oo uu dhawaan dhaqan galiyay madaxweyne Biden.

    Go'aankan ayaa dhabar jab ku noqonaya dedaallada maamulkiisa uu ku doonayo in lagu xakameeyo muhaajiriinta dalka ka soo gala xuduudda Koonfureed ee Mexico.

    Grasoore Jon Tigar ayaa sharci darro ku tilmaamay in dadka magan-gelyo-doonka ah ay iyagoo dalalkooda jooga soo codsadaan gelitaanka Maraykanka, ama ay ka soo codsadaan waddamada xuduudda la leh Mareykanka.

    Go'aankaas ayaannu wax ka weydiinnay garyaqaan Amiin Haruun oo ah qareen deggan Mareykanka.

    Qoraalka Codka, Biden ayaa hore u hirgeliyay hanaankan
  19. Talibaan oo xirtay goobaha gabdaha lagu qurxiyo

    bbc

    Xigashada Sawirka, EPA

    Kumanaan goobaha dumarka lagu qurxiyo ee Afgaanistaan ​​oo dhan ayaa si buuxda loo xiray iyadoo uu dhamaaday waqtigii ay Taliban u qabteen.

    Waxa ay amarkan soo saareen bishii hore, iyaga oo ku tilmaamay qurxinta sida sunniyaha ama la jaro iyo indho-furka mid ka baxsan diinta Islaamka.

    Taalibaan ayaa sidoo kale sheegtay in qoysaska lammaanaha is guursanaya ay ku kaceen kharashaad aan loo baahnayn iyaga oo bixinaya adeegyada qurxinta dumarka.

    Todobaadki hore, ilaalada Talibaan ee Kabul waxay isticmaaleen biyo xoogan si ay u kala eryaan dibadbaxayaal kasoo horjeeda go’aanka.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka shaqaynayso sidii xayiraadda loo qaadi lahaa.

    Qiyaastii lixdan kun oo haween ah ayaa waayi doona shaqooyinkooda.

  20. Awoodda Militeriga: Soomaaliya oo sannadkan 2023 hoos u dhacday