Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika
Tebinta tooska ah ee BBC Somali News
Tebin toos ah
Salaadiinta Somaliland oo ka hawlgalaya xallinta dabley saldhig ka samaystay buurta Gacan-libaax
Qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa sheegay in ay ka hawlgelleyaan xallinta dableyda hubaysan ee saldhigga ka samaystay buurta Gacan-libaax oo ku taalla meel u dhaxaysa Hargeysa, Berbera iyo Burco.
Salaadiinta ayaa sheegay in ay arrintaa kusoo afjarayaan waanwaan nabadeed. Sidoo kale salaadiinta ayaa sheegay in arrinta muranka doorashada ee sababtay ciidanka buurta isku urursaday ay rabaan in ay kusoo dhammeeyaan qaab heshiis lagu yahay.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah dhowr iyo labaatan suldaan oo ergo ahaan hawshan u galay ayaa BBC u warramay.
Qoraalka Codka, Salaadiinta Somaliland
Weriyaha Yurub ku nool ee ku hajabay inuu magangalyo ka codsan doono Soomaaliya
Dadka isticmaala baraha bulshada ee dalka Spain ayaa toddobaadkan weriye caan ka ah dalkaas soo xusuusiyay hadal uu sanado kahor yiri.
Barnaamij soo jeediyaha' Herrera en COPE ' ee dalka Spain, Cralos Herreram ayaa bishii February ee sanadkii 2016 sheegay in marka uu eego xaaladda dowladda dalkaas ay taasi ku qasbeyso inuu magangalyo ka codsado Soomaaliya...Sii akhri
Soomaaliya iyo Ruushka: Saaxiibtinimadii qurxooneed ee isku badashay cadaawada.
Laba nin oo Ciraaqiyiin ah oo mar kale Kitaabka Quraanka ku gubay Sweden
Xigashada Sawirka, Wikipedia
Laba nin oo asal
ahaan kasoo jeeda Ciraaq ayaa ka dhabeeyay balantii ay ku galeen in ay Qur’aanka
ku gubi doonaan afaafka baarlamaanka baarlamaanka Sweden.
Waxa ay ku tunteen dhulkana
ku laadeen kitaabka Quraanka, kadibna dab qabadsiiyeen xaashimaha kitaabka, si
lamida sidii la sameeyay mudaaharaad ka dhacay bannaanka masaajidka weyn ee magaalada
Stockholm bil ka hor.
Mid ka mid ah nimankaas oo lagu magacaabo Salwaan Najem
ayaa horay ugu hanjabay inuu sii wadi doono gubista Quraanka ilaa kitaabkan laga
mamnuuco gebin ahaanba dalka Sweden. Gubista qur’aanka kariimka ah ayaa ka
cadhaysiisay dalal badan oo kuwa muslimiinta u badan, waxayna su’aalo ka
keeneen siyaasadda Sweden ee xoriyatul qawlka.
Wasiirka TikTok-giisu doodda ka dhex dhaliyay baarlamaanka iyo waxa uu ku jawaabay
Kooxda Wagner ee Ruushka oo go'aan cusub ku dhawaaqday
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlahooda ay ka wadaan Afrika iyo Belarus, balse hadda aysan qoreynin dagaalyahano cusub.
Kooxdu waxay go'aan ka gaadhaysay ujeeddooyinkeeda xiga, Yevgeny Prigozhin ayaa sidan ku yiri fariin maqal ah oo lasoo dhigay kanaalka Telegram ee kooxdan.
Dagaalyahannada Wagner ayaa door muhiim ah ka qaatay duulaankii Ruushka ee Ukraine.
Bishii Juun, dhowr kun oo iyaga ka mid ah ayaa ka qayb qaatay gadood muddo gaaban socday oo ka dhan ahaa hoggaanka militariga Ruushka.
Farriintiisa maqalka ah, Mr Prigozhin wuxuu ku sheegay in inta badan dagaalyahannada Wagner ay hadda ku jiraan fasax, sababtoo ah "waxay ku jireen muddo dheer oo shaqo ah".
Waxa uu sheegay in kooxdu ay go'aan ka gaari doonto hawlaha mustaqbalka, kuwaas oo loo fulin doono "weynaanta Ruushka".
Kooxdu waxay sii ahaan doontaa " mid ka hawl gasha Afrika iyo xarumaha tababarka ee Belarus", ayuu ku daray fariintiisa - kaas oo lagu daabacay barta Grey Zone ee kooxdu ku leedahay Telegram.
Halkee ku dambeeyay madaxweynihii Niger ee xilka laga tuuray?
Xigashada Sawirka, CHAD PRESIDENCY
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Chad iyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger
Madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalka Niger ayaa markii ugu horreysay
la arkay tan iyo markii milatarigu ay xireen afgambina ay ku sameeyeen
toddobaadkii la soo dhaafay.
Maxamed Bazoum ayaa kula kulmay hoggamiyaha Chad Mahamat Idriss Déby caasimadda
Niger ee Niamey.Mr Déby ayaa hormuud u ah dedaallo xal loogu raadinayo xaaladda ka
taagan Niger, iyadoo wadamada galbeedka Afrika ay u qabteen milatariga in muddo
toddobaad ah kaga noqdaan go’aankooda afgambiga.
Madaxda milatariga ayuu sidoo kale la kulmay madaxweynaha chad.
Gen Abdourahmane Tchiani, madaxii ciidamada
madaxtooyada ayaa si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu yahay hoggaamiyaha Niger Jimcihii
la soo dhaafay.
.
Gobol dhan oo xayiraad loo galiyay bililiqo dadkiisu gaysteen
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Dadka reer Nigeria ayaa la harjadaya dhibaatooyinka dhanka dhaqaalaha ah
Guddoomiyaha
gobolka Adamawa ee dalka Nigeria ayaa ku dhawaaqay bandow 24- saac ah kadib markii la bililiqeystay baqaarro cuntooyin
ah oo ku yaalla caasimadda, Yola ee gobolkaas.
Muuqaallo
lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay boqollaal qof oo jabsanaya
baqaarro kana qaadanaya jawaanno galley ah, kartoomo baasto ah iyo agab kale.
Guddoomiyaha
goblka Axmadu Umaru Fintiri, ayaa laamaha
ammaanka faray in ciidamo loo daad gureyo goobaha muhiimka ah si ay u dhaqan
galiyaan bandowga la soo rogay.
Bishii
la soo dhaafay Nigeria ayaa meesha ka saartay kabkii shidaalka taasi oo keentay
in sicirka shidaalku uu sare u kaco.Dhaqaalaha
dalkaas ayaa horey waxaa u wiiqay cudurkii covid-19.
Faa'idooyinka caafimaad ee malabka laga helo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Malab
Malabka
iyo dawooyinka dabiiciga ah ee aysan dhaqaatiirta soo qorin ayaa ku habboon in
marka ugu horreysa loo isticmaalo la tacaalidda qufaca, sida ay muujineyso talo
cusub oo ka soo baxday khubarada.
Xeel
dheerayaasha dhinaca caafimaadka ayaa sheegay in daawooyinka qallajiyaha ee loo
yaqaanno Antibiotics-ka ee ay soo qoraan dhaqaatiirta ay si dhif ah
wax uga qabtaan qufaca, sababtoo ah inta badan saameyntooda ayaa ah mid aad u
yar.
Inta
badan qufaca ayaa qofka uga dhammaada si iskiis ah markii uu socdo muddo labo
ilaa saddex usbuuc ah.
Taladan
cusub oo dhaqaatiirta kale xitaa ku boorrisay in ay Malabka tixgalin siiyaan
ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo dhibaatooyinka ka dhasha dawooyinka
qallajiye-ahaanta loo adeegsado.
Noocyo
badan oo ka mid ah dawooyinkaas ayaa marka dambe sababa in uu jirka iska
caabbin ku sameeyo oo ay wax tar la'aan noqdaan.
In si
xad dhaaf ah loo isticmaalo qallajiyeyaasha ayaa waxaa ka dhasha caabuq ay adag
tahay in si fudud loo daaweeyo, kaasoo abuura unugyo ka hor taga falgalka
dawada.
Biyo kulul oo lagu qaso Malab - oo inta badanna lagu daro
liin dhanaan iyo sanjabiil - ayaa aad looga yaqaannaa in guryaha laga
isticmaalo, si loogu daweeyo qufaca iyo xanuunnada yar yar ee ku dhaca dhuunta.
Talo soo jeedintaan cusub oo ay si wada jir ah u soo
saareen khubarada Machadka qaran ee caafimaadka iyo xannaanada waddanka
Ingiriiska iyo waaxda caafimaadka dadweynaha ee (PHE) ayaa lagu sheegay in
dawooyinkaas dabiiciga ah ay ka waxtar badan yihiin kuwa ay dhaqaatiirta soo
qoraan.
Dawooyinka loogu tala galay qufaca ayaysan qudhooda meesha
ka saarin, balse waxa ay hoosta ka xarriiqeen in Malabku uu ku jiro kaalinta
koowaad.
Faa'iidooyinka aadan ogeyn ee uu leeyahay qajaarka
Tirada dhimashada qarax ka dhacay Pakistan oo korortay
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Pakistan
Ugu yaraan 44 qof ayaa ku
dhintay qarax ka dhacay dalka Pakistaan oo lala beegsaday meel uu dibadbax ka
dhigayay xisbiga Islaami ah.
In ka badan boqol qof ayaa
sidoo kale ku dhaawacantay qarax oo ka dhacay degmada ku taalla waqooyi galbeed ee dalka Pakistaan laguna magacaabo Bajaur, halkaas oo ay kulamo ku lahaayen wadaadda xisbiga Jamiat Ulema-e-Islam-Fazl.
Booliska ayaa BBC-da u
sheegay in ay hayaan caddeymo muujinaya in qaraxu ahaa qof walxaha qaraxa isku
soo xiray.
Wararka ayaa sheegaya in la
soo gabagabeeyay howlihii lagu badbaadinayay dadka dhaawacyadu soo gaareen isla
markaana dhamaantood la geeyay cusbitaallada.
Saraakiisha ayaa ka digaya in
dhimashadu ay ka badan karto tirade hadda ee afartan iyo afarta ah, maadama 15
ka mid ah dadka dhaawacyada qaba ay xaaladoodu liidato.
Maxaan u neceb nahay baranbarada?
Dhageyso: Tillaabooyin laga qaadayo milatariga afgambiga ka sameeyay Niger
Dalalka urur goboleedka ECOWAS ayaa isku raacay in cunnaqabatayn dhaqaale oo degdeg ah lagu soo rogo madaxdii afgambiga millatari ka sameysay dalka Niger.
Waxay sidoo kale muddo hal toddobaad ah u qabteen madaxda militariga in ay kaga noqdaan go,aankooda afgembi. Safiirka Niger u fadhiya Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay inuu soo dhawaynayo faragelinta milatari haddii aan xal nabadeed laga gaarin xiisadda tagan.
Qoraalka Codka, Dalal isku raacay in cunnaqabateyn lagu soo rogo milatariga Niger
Dowlad dooneysa in ay ka hortagto gubista kitaabka Qur'aanka ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Qur'aan
Danmark ayaa ka fiirsanaysa
inay mamnuucdo mudaaharaadyada lagu gubayo Qur'aanka kariimka ah, sababo la xiriira
amniga iyo diblomaasiyadda.
Wasaaradda arrimaha dibadda
ee Denmark ayaa sheegtay in iyadoo ilaalineysa xoriyatul qawlka ay haddana
muhiim tahay, in la ogaado in tillaabooyinka lagu gubayo Qur’anaka ay faa'iideysanayaan kooxaha xagjirka ah oo
khatarta ku ah ammaanka.
Xukuumadda Copenhagen ayaa
ka fikireysa hab sharci ah oo ay ku farageliso xaaladaha qaarkood, oo ay ku
jiraan mudaaharaadyada ujeedkoodu yahay in diimaha lagu wax yeelleeyo.
Ra'iisul wasaaraha Sweden
ayaa sidoo kale sheegay in howshan oo kale ay halkaas ka bilaabatay.
Labada waddan ee
Scandinavian-ka ayaa la kulmay cadaadis toddobaadyadii la soo dhaafay, ka dib
markii mas'uuliyiintu ay fasaxeen mudaaharaadyo is daba joog ah oo muran
dhaliyay oo lagu gubaya Qur’anaka Kariimka ah, taasoo kicisay xiisad
diblomaasiyadeed oo kala dhexeysa dhowr waddan oo Muslimiin u badan.
Ruushka oo ku hanjabay in uu hubka niyukleer ka isticmaali doono haddii uu guuleysto weerar celis ka Ukraine
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitri Medvedev
Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitri Medvedev ayaa yiri “waa inaan isticmaalnaa hubka niyukleer ka haddii weerarka Ukraine uu guuleysto”.
Medvedev oo sidoo kale ah gudoomiye ku xigeen ka Golaha Amniga Ruushka oo uu gudoomiye ka yahay madaxweyne Vladimir Putin ayaa bartiisa rasmiga ah ee baraha bulshada fariintan soo dhigay.
“Qiyaas haddii weerarka, oo ay taageerayso NATO uu noqdo mid guuleysta, isla markaana ay soo galaan dhulka yaga, markaa dabadeed waan ku qasbanaan doonnaa inaan isticmaalno hubka niyukleer ka iyadoo la eegayo wareegtada madaxweynaha Ruushka” ayuu yiri.
Maxaa baajiyay kulankii galabta ee kooxaha Horseed iyo Jeenyo?
Galabta waxa baaqday kulan dhex mari lahaa kooxaha kubadda cagta ee Horseed iyo Jeenyo oo ku balan sanaa ciyaar ka tirsan koobka Janaraal Daa’uud.
In kastoo illaa hadda wasaaradda ciyaaraha iyo xiriirka kubadda cagta aanu mid kood na ka hadal sababta baajisay kulanka, haddana BBC-du waxay ogaatay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya hogaanka xiriirka kubadda cagta iyo wasaaradda kaas oo keenay in ciyaartu baaqato.
Waxa jiray kulan guddiga arimaha bulshada ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalku ugu yeeray hogaanka xiriirka, balse markii dambe baaqday, taas oo loo malaynayo inuu ka carooday wasiirka ciyaaraha Maxamed Barre.
Wasiirka Ciyaaraha Maxamed Barre oo BBC-du wax ka waydiisay sababta ciyaarta baajisay ayaa ku gaabsaday in arimo farsamo dartood loo baajiyay kulanka.
Illo wareedyo ku dhow dhow xiriirka ayaa BBC-da u sheegay in go’aanka joojinta ciyaarta uu ka yimid wasaaradda ciyaaraha.
Labada dhinac ba waxay ka gaabsadeen in ay si faah faah san uga hadlaan sababta dhabta ah ee baajisay ciyaarta oo boqollaal dadweyne ah ay u soo dhaawasho tagi lahaayeen.
WAR DEGDEG AH: 40 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Pakistan
Xigashada Sawirka, RESCUE 1122 BAJAUR
Qoraalka sawirka, Kooxda Gurmadka Degdeg ah ee Bajaur
Ugu yaraan 40 ayaa lagu dilay, in ka badan 130 kalena waa lagu dhawaacay kaddib markii uu qarax ka dhacay fagaare ku yaala gobolka woqooyiga galbeed ee Khyber Pakhtunkhwa ee Pakistan sida ay boolisku sheegeen.
Boolisku waxa kale oo uu sheegay in illaa hadda aan la garanayn waxa sababay qaraxa, kaas oo ka dhacay fagaare ay isugu yimaadeen xisbiga konsarfatifka ee Jamiat Ulema Islam-Fazl (JUI-F), kaas oo lala xiriiriyo islaamka xag jir ka ah, dhulka qabaa’ilka ee Bajaur.
“JUI-F waxay soo qaban qaabiyeen shirka shaqaalaha magaalada Khar ee gobola Bajaur, halkaas oo 40 qof ay naftooda ku waayeen, iyadoo in ka badan 130 kalena ay ku dhaawacmeen,” sidaas waxa wakaaladda warrarka ee Reuters u sheegay afhayeenka booliska degmada Nazir Khan.
Pakistan waxay waayadan wajahaysay kacdoonka weerarrada kooxaha minditiinta islaamiyiinta ah tan iyo sanadkii la soo dhaafay, kaddib markii ay burburtay xabad joojintii u dhaxaysay kooxda Tehreek-e-Taliban ka Pakistan iyo Islamabad.
Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika oo ku hanjabay talaabo milatari, haddii aan xukunka lagu soo celin madaxweynihii la afgambiyay ee Niger
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Calanka Urur Goboleedka ECOWAS
Ururka wadamada Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa maanta oo Axada u qabtay muddo todobaad ah hogaamiyayaasha milatariga Niger inay xukunka ku soo celiyaan, madaxweynihii ay afgambiyeen ee Mohammed Bazoum, haddii kale ay wajihi doonaan cunaqabatayn iyo suurta gal nimada in xoog la isticmaalo.
Hogaamiyayaasha gobolka oo ku shirsan caasimadda Nigeria ee Abuja ayaa sheegay in ciqaabta ka dhanka ah saraakiisha afgambiga Niger ay ku jiri karto xayiraad dhaqaale iyo cunaqabatayn xagga safarka ah, iyo dhul ka caagan duulimaadyada.
Sidoo kale tallaabo milatari ayaa suurta gal ah, taliyayaasha ciidamada ECOWAS ayaa si degdeg ah u kulmi doona, sida ay ku sheegeen war murtiyeedka, waxay kaloo cambaareeyeen taageerada kooxda afgambiga uga timid wadamo shisheeye iyo qandaraas layaal milatari.
Afgambiga ka dhacay Niger waxa si balaaran u cambaareeyay wadamada dariska ah, iyo saaxiibada caalamiga ah oo ay ku jiraan Maraykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dalkii horey u gumeysan jiray ee Faransiiska.
Laakiin ninka madaxda u ah kooxda calooshood u shaqaystayaasha gaarka ah ee Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku tilmaamay warka afgambiga mid wanaagsan, wuxuuna u soo bandhigay taageerada ciidankiisa.
Milatariga Niger oo uga digay wadamada gobolka iyo kuwa reer galbeedka fara galin ay ku sameeyaan dalkooda
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dibad baxayaasha Niamy
Hogaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa uga digay wadamada reer galbeedka iyo kuwa gobolka faro galin milatari oo ay ku doonayaan in dib talada loogu soo celiyo madaxweynaha xukunka laga qaaday.
War ka soo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in urur goboleedka Ecowas uu diyaarinayay sidii uu ogolaansho ugu heli lahaa “qorshe xad gudub oo ka dhan ah Niger”
Urur ka ay ku mideysan yihiin wadamada Galbeedka Afrika kama jawaabin eedda loo jeediyay. Waa kulan looga hadlayo afgambiga, kaas oo la cambaareeyay.
Dhinaca kale boqollaal qof oo taageersan afgambiga ayaa dibad bax ka dhigay dibadda safaaradda Faransiiska ee caasimadda Niamy, kaddib markii la joojiyay gargaarkii Faransiisku uu siin jiray wadankaasi.
Qaar kamid ah kuwa dibad baxayay ayaa ku qaylinayay “Ruushku ha noolaado”, “Putin ha noolaado”, “ ha dhaco Faransiisku”, sida ay soo werisay wakaaladda warrarka ee AFP.
Waxa jira warwar ku aadan in afgambigan uu Niger u dhaweeyo Ruushka. Wadamada dariska la ah Niger ee Burkino Faso iyo Mali ayaa aad ugu sii dhawaanaya Ruushka tan iyo markii afgambigu ka dhacay.
Gen Abdourahmane Tchiani oo ahaa madaxii ilaalada madaxtooyada Niger, haddana isku magacaabay hogaamiyaha Niger ayaa u digay wadamada Ecowas iyo wadamo aanu magacaabin oo reer galbeed ah inay talaabo qaadaan.
“Waxan mar kale ugu celinaynaa Ecowas iyo cid kastoo kale sida ay nooga go’an tahay inaan difaacno dhulka aabaheen,” ayaa lagu sheegay war laga akhriyay telefishanka.
Xul ka gabdhaha kubadda cagta Morooko oo guushii ugu horreeyay ka gaaray koobka aduunka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Nouhaila Benzina
Morooko ayaa guusheedii ugu horreysay ee tartanka kubada cagta gabdhaha ee koobka aduunka heshay, kaddib markii ay afka ciida u dartay xul ka gabdhaha ee Kuuriyada Koonfureed.
Ibtissam Jraidi ayaa madaxa ugu dhalisay goolkii ugu horreeyay ee xulka kubadda cagta Morooko ay ka dhaliyaan koobka aduunka, iyadoo ku hubsatay goolka kooxda Kuuriyada Koonfureed daqiiqadii lixaad.
Xul ka gabdhaha ee Morooko ayaa qiimaynta xulal ka aduunka uga jira kaalinta 72-aad, halka xulka ay ka adkaadeen ee Kuuriyada Koonfureed ay qiimaynta uga jiraan kaalina 17-aad.
Gabadha lix iyo toban jir ka ah ee badalka ku soo gashay ee Casey Phair una ciyaaraysay Kuuriya koonfureed ayaa ciyaarta laga saaray, kaddib markii kaar ka cas loo taagay.
Gabadha daafaca ka ciyaarta ee xulka Morooko ee Nouhaila Benzina ayaa taariikh cusub u dhigtay koobka kubada cagta aduunka ee gabdhaha, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay oo iyadoo xijaab xiran koob kan ciyaarta.
Xul ka gabdhaha Kuuriyada Koonfureed ayaa laga badiyay labadii ciyaarood ee ay dheeleen, halka xulka Morooko kulan koodii koowaad lix iyo eber looga badiyay.