Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Maxay yihiin kabahan lacagta badan lagu kala iibsaday?

    bbc

    Xigashada Sawirka, SOTHEBY'S

    Kabo nooca lagu tababarto oo ay sameysay shirkada Apple oo naadir ah ayaa lagu xaraashka $50,000 (£38,969).

    Kabaha ayaa ahaa kuwo si gaar ah loogu sameeyay shaqaalaha oo kaliya ee1990-meeyadii ka howlgali jiray shirkadda.

    waligeed bulshada horay lagama iibin.

  2. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Israa’iil

    israel

    Guddoomiyaha Ururka Qareenada Israa’iil ayaa gudbiyay codsi uu kaga codsanayo maxkamadda sare inay baabi’iso sharci cusub oo la ansixiyay oo lagu xadidayo awoodda garsoorka. Hogaamiyaha mucaaradka Yair, Lapid, ayaa isna sheegay inuu sidaas oo kale sameyn doono.

    Dhakhaatiirta guud ahaan Israa'iil ayaa bilaabay shaqo joojin afar iyo labaatan saacadood ah oo ay kaga soo horjeedaan dib u habeynta garsoorka.

    Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa habeen hore kula dagaalamay booliiska bannaanka baarlamaanka si ay uga mudaaharaadaan tallaabada maxkamadda sare ku joojinaysa in ay meesha ka saarto siyaasadda dowladda oo ay u aragto mid aan macquul ahayn.

    Midowga Yurub iyo Britain ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan ansixinta sharcigan.

  3. Maxay tahay maaddada qabatinka leh ee keenaysa in aan qaadka la iska deyn karin

  4. Maxay tahay xerada uu Siyaad Barre isugu magac daray ee askarta lagu laayay?

  5. Iimaan: Sirta ka dambeysa quruxda gabadha Soomaaliyeed ee xayeysiiska dharka caanka ku ah

  6. Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha oo xilka laga qaaday

    shiinaha

    Xigashada Sawirka, EPA

    Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in Qin Gang laga qaaday xilkii wasiirka arrimaha dibadda.

    Sababta shaqada looga eryay Mr Qin lama shaacin. Muddo bil ah laguma arag meel fagaare ah. Mr Qin waxa uu xilka la wareegay bishii December. Bayaan rasmi ah ayaa lagu magacaabay dublamaasiga ugu sarreeya Shiinaha Wang Yi.

    Sida uu dhigayo nidaamka xisbiga shuuciga ee Shiinaha, siyaasadda arrimaha dibadda waxaa dejinaya sarkaal sare, ka dibna ku amraya wasiirka arrimaha dibadda in uu fuliyo.

  7. Falcelin ka dhalatay talaabada uu maanta qaaday baarlamaanka Puntland

    Baarlamaanka Puntland

    Xigashada Sawirka, Baarlamaanka Puntland

    Kaddib fadhi ay maanta yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Puntland, ayaa waxay u cod u qaadeen qodobo muhiim ah oo hor yaallay oo ay kamid tahay arrin la isku haystay oo khilaaf dhalisay.

    Qodobada uu baarlamaanku ansixiyay waxaa kamid ah arrinta wax ka bedelka dastuurka oo ah arrin aad loogu aragti duwanaa, oo xittaa keentay in dagaal ka dhaco magaalada Garoowe, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo diidanaa in dastuurka wax laga bedelo .

    Tirada xildhibaanada u codeeyay in wax laga bedelo dastuurka ayaa ah 54 xildhibaan, waxaa diiday 4 halka uusan jirin qof ka aamusay.

    Dacwad ayaa aririntan horey uga taalay maxkabada dastuuriga ah waxaana la filayaa in ay go'aan ka gaarto.

    Siyaasiinta dacwadda horey uga gudbiyay arrinta Dastuurka tillaaban hadda baarlamanaku qaadayna aaminsan in ay tahay sharci darro waxaa ka mid ah wasiirka hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya haddana ah musharax madaxweyne ee Puntland Axmed Cawad Ciise.

    Axmed Cawad oo BBC-da la hadlay ayaa yiri '' talaabadan waa mid sharci darri ah oo aan Puntland wax faaido ah u laheyn, kaliya horssedi karto dhib iyo colaad iyo in ay u dhib yareyso hal qof kali talinimo''

    Xildhibaan Cabdiqani dhaashane oo barlamanaka Puntland ka tirsan ayaa isna dhankiisa sheegay in aysan jirin wax sharici daro ah oo dhacay.

    ''Wax sharci darro ah majiraan, hay'ada ugu sareysa ee sharci dajinta ugu sareysa waa xeer-dajinta ama baarlamaanka.Soo jeedinta qodobkan wuxuu ku imaan karaa in dowlada soo gudbiso, in baarlamaanka uu curiyo oo qeyb kamid ah baarlamaanka ay soo jeediso iyo in 5 kun oo dadweyne soo jeediyaan. Marka qodobkan sidii saxda ahaa buu maray.'' ayuu yiri xildhibaan Cabdiqani.

  8. WHO oo war hor leh ka soo saartay Suudan

    sudan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digaysa qalalaasaha bini’aadantinimo ee sii xoogaysanaya ee ka taagan Suudaan halkaas oo in ka badan saddex-meelood laba meel cisbitaallada dalkaas aysan shaqeyneynin.

    Waxaa isa soo taraya warbixinada ku saabsan weerarada lagu qaaday xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha. Waxa ay sheegtay in boqollaal kun oo ka soo cararay rabshadaha oo xudduudaha ka tallaabay, ay noloshoodu weli tahay mid khatar ah.

    Sida laga soo xigtay WHO, cudurrada dillaacay - oo ay ku jiraan duumada, jadeecada iyo dengue - oo si wanaagsan loo xakameeyay ka hor iskahorimaadka hadda jira, ayaa sii kordhaya sababo la xiriira carqaladaynta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka bulshada.

  9. Dalka Muslimka ah ee Kylian Mbappe 259 milyan ee doollar usoo bandhigay

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxda Saudi Arabia ee Al-Hilal ayaa ogolaansho u haysata inay la hadasho Kylian Mbappe ka dib markii ay dalab rikoor ah oo 259 milyan ginni ah ka gudbisay weeraryahanka Paris St-Germain.

    24-sano jirkaan kabtanka u ah xulka France, ayaa qandaraaskiisa sanad ka harsan yahay, wuxuu diiday inuu u saxiixo heshiis kordhinta kooxda heysata horyaalka Faransiiska, mana loo soo xulin safarka ay ku aadayaan xilli ciyaareedka cusub ee Japan.

    PSG ayaa doonaysa in ay hadda iibiso Mbappe halkii u si bilaash ah uga tagi lahaa xagaaga dambe.

    Neymar ayaa 200 milyan oo ginni uga soo dhaqaaqay Barcelona kuna biiray PSG 2017, kan ayaa ah rikoorka hadda jira.

  10. Mucaradka Kenya oo war hor leh soo saaray

    kenya

    Mucaaradka ugu weyn dalka Kenya ayaa sheegay in todobaadkaan ay ka nasanayaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo sare ukaca maciishada , taas bedelkeedana ay sameyn doonaan feejignaan dadweyne oo lagu sharfayo dadkii lagu dilay dibadbaxyadii hore.

    Isbaheysiga Azimio ayaa ku andacoonaya in ilaa hadda ay jiraan ugu yaraan 50 dhimasho ah, iyadoo boqollaal qof oo dhaawac ah ay isbitaallada yaalaan.

    Waxa ay ku eedeeyeen booliiska in ay ku kaceen awood xad dhaaf ah iyo arxan darro ka dhan ah dadka rayidka ah, kuwaas oo qaarkood ay sheegeen in aysan ka ag dhowayn goobihii mudaaharaadku ka socday markii ay waxyeelada soo gaarayeen.

  11. Wiil ay ilmo adeer yihiin Mo Faarax oo ku biiray koox kubadda cagta ah

    .

    Xigashada Sawirka, Oxford Mall

    Qoraalka sawirka, .

    Yuunis Faarax oo ay ilmo adeer yihiin orodyahanka caanka ah ee Mo Farax ayaa heshiis u saxiixay kooxda kubadda cagta ah ee Banbury United oo ka dhisan Ingiriiska, gaar ahaanna Oxfordshire.

    Sadex iyo labaatan jirkan ayaa lagu soo warramayaa inuu dhowr mar isku dayay inuu ku biiro kooxdaasi, taas oo uu markii dambe ku guuleytay.

    Waxaa uu waayihiisa kubadda ka bilaabay Southend United academy, wuxuuna ka tegay sanadkii 2018-kii.

    Kaddib waxaa uu ku biiray kooxda Trysil FK ee Norway, wuxuuna u dheelay hal xili ciyaareed kahor intuusan aadin Ytterhogdals iyo Eskilstuna City oo Sweden ka dhisan.

  12. Wilkii Hargeysa ku geeriyooday isagoo kubad cayaaraya oo la ogaaday sababta keentay geeridiisa

    .

    Xigashada Sawirka, True Sports

    Qoraalka sawirka, Natiijada ayaa muujinaysa inuu Khaalid u geeriyooday wadne xanuun la sheegay inuu horeba u qabay.

    Wararka aanu ka heleyno magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in la shaaciyay natiijada baaritaankii meydka Allaha u naxriiistee Khaalid Xuseen Maxamed, oo loo yaqaannay Beegsi, kaas oo geeriyooday Axaddi la soo dhaafay, kaddib markii uu dhacay xili uu cayaarayay kubad.

    Natiijada baaritaanka ayaa lagu ogaaday inuu Khaalid u geeriyooday wadne xanuun la sheegay inuu horeba u qabay.

    Wiilkan ayaa fariistay kaddibna dhacay iyadoo cayaartu markaa mareysay daqiiqadihii ugu horeeyay ee qeybtii labaad, kaddibna waxaa loola cararay isbitaalka, halkaas oo uu markiiba ku geeriyooday.

    Tartanka kubadda cagta ayaa ka socday magaalada Hargeysa, wuxuuna dhaxeeyay jaamacadda New Generation iyo jaamacadda Hargeysa, Khaalidna wuxuu u cayaarayay jaamacadda New Generation.

  13. Baarlamaanka Puntland oo meel mariyay wax ka bedelka dastuurka Puntland

    .

    Xigashada Sawirka, Baarlamaanka Puntland

    Qoraalka sawirka, 54 xildhibaan ayaa a6 xildhibaan ayaa diiday

    Kaddib fadhi ay maanta yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Puntland, ayaa waxay u cod u qaadeen qodobo muhiim ah oo hor yaallay oo ay kamid tahay arrin la isku haystay oo khilaaf dhalisay.

    Qodobada uu baarlamaanku ansixiyay waxaa kamid ah arrinta wax ka bedelka dastuurka oo ah arrin aad loogu aragti duwanaa, oo xittaa keentay in dagaal ka dhaco magaalada Garoowe, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo diidanaa in dastuurka wax laga bedelo .

    Tirada xildhibaanada u codeeyay in wax laga bedelo dastuurka ayaa ah 54 xildhibaan, waxaa diiday4 halka uusan jirin qof ka aamusay.

    Dacwad ayaa aririntan horey uga taalay maxkabada dastuuriga ah waxaana la filayaa in ay go'aan ka gaarto.

    Waxaad sidookale aqrisan kartaa:

  14. Xog cusub oo ka soo korortay wiilkii Hargeysa ku geeriyooday isagoo kubad cayaaraya

    Waxaa maanta la filayaa in la shaaciyo natiijada baaritaankii lagu sameeyay meydka Allaha u naxriistee Khaalid Xuseen Maxamed, oo loo yaqaannay Beegsi, kaas oo geeriyooday Axaddi la soo dhaafay, kaddib markii uu dhacay xili ciyaar socotay.

    Wiilkan ayaa fariistay kaddibna dhacay iyadoo cayaartu markaa mareysay daqiiqadihii ugu horeeyay ee qeybtii labaad, kaddibna waxaa loola cararay isbitaalka, halkaas oo uu markiiba ku geeriyooday.

    Tartanka kubadda cagta ayaa ka socday magaalada Hargeysa, wuxuu u dhaxeeyay jaamacadda New Generation iyo jaamacadda Hargeysa, Khaalidna wuxuu u cayaarayay jaamacadda New Generation.

    Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ilaa haatan hal wiil loo xiray geerida Khaalid, kaas oo ay wada cayaarayeen.

    Khaalid ayaa sidookale mar ahaa ciyaartooy ka tirsan heerka labaad ee kooxda wasaaradda cadaaladda balse wuxuu markii dambe u gudbay kooxda heerka koowaad ee Goodir ee Hargeysa ka dhisan.

    Waxa la sugaba waa natiijada baaritaankaas oo saacadaha soo socda la filayo in xeer ilaalintu shaaciso.

    .

    Xigashada Sawirka, Xoghayaha xirriika

    Qoraalka sawirka, Waxa la sugaba waa natiijada baaritaankaas oo saacadaha soo socda la filayo in xeer ilaalintu shaaciso.
  15. Wasiirka amniga Koonfur Galbeed oo wacad ku maray inay Shabaab ka saari doonaan deeganadooda.

    Waxaa deggan xaaladda deegaanka Goof-Gaduud ee gobolka Bay ee Koonfur Galbeed kaddib markii ay dhawaan Al-Shabaab weerar ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla deegaankaasi balse mamulku sheegay in laga hor tagay.

    Weerarkaasi ayaa ku soo aaday xili la filayo in dhawaan deegaanada qaar ee Koonfur Galbeed laga bilaabo wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Dhawaan ayay ahayd markii Al-Shabaab ay go'adoomiyeen badeecadaha ganacsi ee gaari jiray Baydhabo. Haddaba arrimahaas ayaannu ka wareysannay wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed.

    Qoraalka Codka, Al-Shabaab ayaa dhwaan go'adoomiyay badeecadaha ganacsi ee gaari jiray Baydhabo.
  16. Dhageyso: Baarlamaanka Puntland oo manta go’aan ka gaari doona arrin la isku hayo

    Waxaa maanta la filayaa in ay fadhi yeeshaan xildhibaanada baarlamaanka Puntland, xilli ay jiraan qodobbo muhiim ah oo horyaalla, oo ay kamid tahay 'wax ka beddelka dastuurka' oo muddooyinkii u dambeeyey khilaaf ka taagnaa.

    Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xildhibaannada loo sheegay in ay goor hore soo xaadiraan baarlamaanka maanta, xilli aanay caddayn ujeedka kulankaasi.

    Faarax Lammaane ayaa wararkii ugu dambeeyay noo haya.

    Qoraalka Codka, Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu fadhi yeesho maanta.
  17. Maxaa kala socotaa waxa ka careysiiyey Madaxweynihii hore ee Kenya?

    Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Uhuru Kenyatta

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Uhuru Kenyatta

    Maalmo ka dib markii ciidamada Booliiska ay weerareen guriga uu degan yahay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayuu mar kale ka hadlay arrintaan.

    Wuxuu sheegay Uhuru Kenyatta in la qorsheynaayay in hub iyo maandooriye la galiyo guriga wiilkiisa, xilli habeenkii Jimcaha ay hawlgal ka fuliyeen gurigani booliiska.

    Intii lagu guda jiray shir jaraa'id oo uu qabtay Isniintii, Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sidoo kale ka hadlay hubka la sheegay inay haysteen labadiisa wiil ee Jomo iyo Muhoho.

    "Arrinta hubka waxaa la socday dacaayado badan, si loogga weeciyo indhaha dadka waxa dalka ka dhacaya," ayuu u sheegay Uhuru suxufiyiinta.

    "Waxaan rumaysanahay inay doonayeen inay daroogo iyo qoryo geliyaan guriga wiilkayga."

    Kenyatta oo careysan ayaa sheegay in dhacdadaasi ay isaga dhaawacday.

    Madaxweynihii hore ayaa ku andacoonaya in labadiisa wiil ay wadar ahaan leeyihiin lix qori, isla markaana dhammaan qoryaha ay si sharci ah u diiwaan gashan yihiin.

    Wuxuu sharaxay in gabadhiisa Ngina aysan haysan wax hub ah.

    Sida uu sheegay Madaxweynihii hore, ma jiro mid kamid ah wiilashiisa oo lagu war galiyey inay hubkooda soo wareejiyaan, sida ay warbaahinta u sheegeen madaxda sare ee haatan ee dowladda Kenya.

  18. Dad tiro badan oo ku dhintay dhismo kusoo dumay dalka Cameroon

    Dhismaha kusoo dumay dalka Cameroon

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dhismaha kusoo dumay dalka Cameroon

    Soddon iyo saddex qof, ayaa ku dhintay magaalada ugu weyn dalka Cameroon, kadib markii dhismo afar dabaq ah uu soo dumay, iyadoo uu ku dul dhacay dhismo kale oo la deggan yahay, sida ay sheegeen dab-damiska.

    Waxay ka dhacday dumistani subaxnimadii hore ee maalintii Axadda xaafadda Douala ee Ange Raphaël. Sababta ilaa hadda ma cadda.

    Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhaawacantay, kuwaasoo qaar badan oo kamid ah lagu daweynayo cisbitaalka Laquintine ee u dhow.

    Gabar saddex jir ah oo isbitaalka loo qaaday Axaddii, ayaa markii dambe geeriyootay. Deriska oo ay dhibaato soo gaartay, ayaa burburka ka baarayay dad badbaaday, iyadoo sidoo kale gurmadkana ay qeyb ka ahaayeen ciidamada gargaarka.

    Barasaabka gobolka Samuel Dieudonné Ivaha Diboua, ayaa isku dayay inuu dadka qanciyo - isagoo sheegay in xaaladdu ay gacanta ku hayaan, kooxaha samata bixintuna ay hubin doonaan in qofna aanu ku hoos harin burburka.

    Sarkaal sare ayaa BBC-da u sheegay in uu aad uga xun yahay in halkaasi dad ku naf waayeen, inkastoo sanadihii ugu dambeeyay la qaaday tallaabooyin lagu hagaajinayo badqabka dhismayaasha.

  19. Wariye katirsanaa BBC-da oo maanta geeriyooday

    Calaamadda Astaanta u ah BBC-da

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Calaamadda Astaanta u ah BBC-da

    George Alagiah, oo ka mid ahaa saxafiyiinta ugu muddada dheer ee kasoo shaqeeyey BBC-da, uguna qadarinta badnaa, ayaa dhintay isagoo 67 jir ah.

    Waxaa laga helay cudurka Kansarka sagaal sano.

    War qoraal ah oo ka soo baxay wakiilkiisa, ayaa lagu sheegay inuu maanta dhintay, isaga oo ay ku hareereysam yihiin qoyskiisa iyo eheladiisa.

    "George waxaa aad u jeclaa qof kasta oo isaga yaqaan, hadday tahay saaxiib, eheladiisa, iyo dadweynahaba.

    Wariye Alagiah ayaa wuxuu dhintay galinkii hore maanta oo Isniin ah, isagoo la galay "dagaal qaraar illaa iyo dhimashadiisii cudurka Kansarka", sida uu sheegay wakiilkiisa.

    Wariye Alagiah, ayaa waxa uu ku guuleystay abaal-marinno la xiriira warbixinnada macluusha, iyo dagaalladii Soomaaliya ka dhacay horraantii 1990-meeyadii.

    Waxaa sannadkii 1994-kii la guddoon siiyey abaal marinta Baftada, isagoo ka warramay ololihii xasuuqa ahaa ee uu Saddaam Xuseen ku qaaday Kurdiyiinta Waqooyiga dalka Ciraaq.

    Waxa kale oo uu sannadkii 1994-kii loo aqoonsaday weriyaha sannadka ee hey’adda Amnesty International, isagoo ka soo warramay dagaalladii sokeeye ee dalka Burundi, waxaanu ahaa weriyihii ugu horreeyay ee BBC-da ee ka warrama xasuuqii dalka Rwanda.

    George Alagiah
    Qoraalka sawirka, George Alagiah
  20. Muxuu ku saabsan yahay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Talyaaniga?

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kaga qeyb galay magaalada Roma, kaasoo ay hey’adda FAO.

    Shirkani ayaa wuxuu ku saabsan yahay sidii loola tacaali lahaa cunno yarida iyo nafaqo darida ka jirta dunida, iyo sugnaanta cuntada,

    Wuxuu soconayaa shirkani saddex maalmood.

    Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa la filayaa inuu ka hadlo shirkani.

    Waxaa jira Kulan saddex geesoodkaas, oo dhex marey madaxda Talyaaniga iyo hoggaamiyeyaasha Africa.

    Waxay ra’iisal wasaaraha Talyaaniga gaar ula kulantay madaxdii ka socotay Geeska Afrika, oo uu kamid yaha Madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisal wasaaraha Itoobiya, iyo madax kale.

    Ra’iisal wasaaraha Talyaaniga ee haatan, Georgia Meloni, ayaa katirsan xisbiga garabka Midig.

    Meloni ayaa ku dadaalaysa iney dib usoo celiso galaan galkii uu Talyaaniga ku lahaa qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika.

    Ra'iisal wasaaraha Talyaaniga iyo Madaxda Bariga Africa

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Ra'iisal wasaaraha Talyaaniga iyo Madaxda Bariga Africa