Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Dagaalka Ukraine: Putin oo sheegay in Ruushku aanu diidanayn wada hadallada nabada

    Madaxweyne Putin oo ka hadlaya shir jaraa'id

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Putin oo ka hadlaya shir jaraa'id

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inaanu diidanayn fikradda wada hadallada Ukraine.

    Isagoo ka hadlayay kulan uu hogaamiyayaasha Afrika kula lahaa magaalada St Petersburg ayuu tilmaamay in soo jeedinta Afrika iyo Shiinaha ay aasaas u noqon karaan in nabad la helo.

    Laakiin Mr Putin waxa kale oo uu sheegay inaanay jiri doonin xabad joojin inta ciidamada Ukraine ay wadaan duulaanka.

    Saacado uun kaddib markii uu hadalkaasi jeediyay, Ruushku waxa uu sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine ay weerar ku qaaday magaalada Moosko, iyadoo khasaare gaarsiisay labo xafiis.

    Duulimaadyada garoonka Vnuko ayaa muddo kooban la hakiyay, kaas oo ku yaala koonfurta galbeed ee bartamaha magaalada, waxa dhaawacmay hal qof, sida ay soo werisay wakaallada warrarka u faafisa Ruushka ee Tass.

    Ukraine kama aanay hadal weerarka diyaaradda aan duuliyaha lahayn.

    Qof goobjoog ah, oo kaliya magaciisa koowaad sheegay, lana yiraahdo Liya ayaa wakaallada warrarka Reuters u sheegtay inay aragtay holac iyo qiiq. “Waxan maqalnay qarax, kaas oo u muuqday mowjad, qof kasta wuu booday ,” ayay tiri.

    “Kaddibna waxa jiray qiiq badan, waxna lama arki karin. Illaa kor waxaad arki kartay holac.”

    Dhinaca wada hallada nabadda, Ukraine iyo Ruuskuba horey ayay u sheegeen inaanay miiska wada xaajoodyada imaan doonin, iyadoon wax shuruudo ah aan lagu xirin.

  2. Daawo: Nin xaaskiisa kadis cajiib ah u sameeyay sanad guuradii 50-aad ee arooskooda

    Nin beeraley ah oo ku nool dalka Maraykanka ayaa beeray beer aad u weyn oo ubax ka kooban tahay si uu hadiyad lama filaan ah uga dhigo xaaskiisa.

    Lee Wilson ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Kansas in uu 1.2 milyan oo ubaxyo ah ku beeray 80 hektar oo dhul ah oo uu ugu tala galay xaaskiisa Renee, si ay ugu dabaaldegaan sannad-guuradii 50-aad ee guurkooda.

    Isagoo kaashanaya wiilkiisa, wuxuu si qarsoodi ah beerta dib ugu beeray May.

    "Waxay i dareensiisay hadiyadan in aan ahay qof qaali ah. Ma aysan noqon karin hadiyad sannad-guurada tan mid ka fiican marka loo eego beerta," Renee ayaa u sheegtay ABC Kake.

    Dalxiisayaal ayaa ku soo qul qulayay beerta si ay sawirro uga qaataan ubaxa hadiyadda ah.

    Qoraalka Muuqaalka, Watch: Farmer plants massive sunflower field in surprise gift for wife
  3. Daawo: Sida Faraskan dhaawacmay loogu duuliyay isbitaalka

    Obe, oo ah faras 25 jir ah, ayaa loo qaaday cisbitaal kadib markii uu ku siibtay oo ku dhacay meel ku taala degmada Orange, ee koonfurta California.

    Waxa uu la socday mulkiilaha markii uu shilku dhacay.

    Isagoo ku dhibtoonaya inuu kaco, Obe ayaa la suuxiyay ka hor inta aan lagu rakibin suunka oo loo qaadin cirka isla markaana waxaa laga dajiyay Xarunta Shea, oo ah goob ku taal San Juan Capistrano.

    Obe ayaa aakhirkii awooday inuu istaago oo uu la jaan qaado fardo kale oo ku sugnaa xarunta, sida ay sheegeen wararka gudaha.

    Qoraalka Muuqaalka, Watch: Injured Californian horse airlifted to safety
  4. Kenya oo ku amartay mas'uuliyiinta dowladda in aysan safar dibadda ah iska aadi karin marka ay doonaan

    Kenya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyne Ruto ayaa soo saaray hab-raacyo cusub oo loogu talagalay mas’uuliyiinta dowladda.

    War qoraal ah oo uu kasoo saaray madaxa shaqaalaha Felix Koskei, safarka dibadda ee dhammaan saraakiisha dowladda waxaa lagu xaddiday safarrada badan iyadoo laga dhigay ugu badnaan 45 maalmood sanadkii.

    Waxaa intaas dheer in aan mas’uuliyiinta safarka u baxaya aysan dalka ka maqnaanin wax ka badan 7 maalmood oo xiriir ah.

    Sida laga soo xigtay Koskei, tilmaamaha safarka ee cusub ayaa yimid sababo la xiriira "wax ka yar heerka u hoggaansanaanta" ee saraakiisha dowladda.

    Marka laga soo tago xayiraadaha la saaray maalmaha ay dalka ka maqan yihiin, waxaa weli hakad ku jira safarrada aan muhiimka ahayn, waxaana dhammaan codsiyada safarrada loo koobiyeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta si ay talo uga bixiyaan.

    Codsiyada safarka ee dhammaan Xoghayayaasha Golaha Wasiirada, Xoghayeyaasha Maamulka Sare, Xoghayeyaasha Maamulaha, Guddoomiyayaasha iyo Saraakiisha Sare ee Hay’adaha Dawladda waa in laga sii wadaa in laga helo xafiiska Madaxweynaha.

    Joogitaanka ka qaybgalka shirarka caalamiga ah iyo aqoon-is-weydaarsiyada ayey tahay in la dhexdhexaadiyo iyada oo saraakiisha dawladda lagu booriyay inay doortaan ka-qaybgalka casriga ah.

    Saraakiisha soo laabanaya waxaa sidoo kale looga baahan doonaa inay shakhsi ahaan dib ugu soo celiyaan xafiiska warbixinnada faa'iidooyinka ee soo kordhay, iyo qorshe-hawleed ka kooban barnaamijyadii/mashruucyada iyo hindisaha la fulinayo ee ka dhalanaya natiijada safarka dibadda toddoba maalmood gudahood.

  5. Su'aalaha ku gadaaman cudurka Baabasiirka iyo sida loo daweyn karo

    Baabasiirka waa cudur ku dhaca dad badan oo Soomaali ah, sababaha ugu weyn ee ka dhasha cudurkan waa isbaddallada dhanka cuntada iyo qaab nololeedka qofka.

    Cudurkan oo saameyn ku haya dunida oo dhan, tusaale ahaan boqolkiiba 50 shacabka Hindiya waxay la daalaa dhacayaan baabasiirka, sida laga soo xigtay waaxda qaran ee diiwaanka arrimaha dawoooyinka.

    Dr. Vani Vijay oo ah khabiir ku takhasustay cudurka babaasiirka ayaa BBC-da uga jawaabtay su'aalaha ku gadaaman cudurkan.

    Maxaa sababaa baabasiirka? Halkan kasii akhri

  6. Hadal hayn caro leh oo ka dhalatay wiil 7 jir ah oo eeddadii aabbihii qabay ay ku dishay koronto iyo mindi

    Iraq

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciraaq ayaa ku soo toostay maalmo ka hor dil aad u fool xun oo wiil lagu magacaabo Musa Walaa oo todoba jir ahaa ay u geysatay eeddadiis.

    Ilo dhanka ammaanka ah ayaa Shabakadda Haweenka Ciraaq shaaca kaga qaaday in cunug uu ku dhintay degmada Al-Khatib oo ka tirsan magaalada Al-shuula ee magaalada Baqdaad, kaddib markii ay jirdil xooggan u geystay eeddadii uu abbihii qabay.

    Warku waxa uu sheegay in Ilmaha yar Muuse Walaa lagu dhajiyay Koronto, ka dibna loo adeegsaday Mindi iyo neef-qabatin, ilaa uu ka geeriyooday, waxaaney tilmaamee in “Haweenayda falkaasi gashay aanay wax xanuun ah oo nafsi ah iyo mid maskaxeed midna ka qabin”.

    "Ciidanka ammaanku waxay u suurtagashay inay xiraan xaaska aabbaha ee ilmaha yar dishay, si loo dhameytiro nidaamka baarista, una gudbiyaan hay'adaha garsoorka ee awoodda u leh." Ayaa lagu yiri farriinta ilaha ammaanka.

    Adeerka ilmahan oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Muuse uu u dhintay jirdil ba’an oo ay ka muuqdaan jirkiisa.

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xaaska ay ka faa’ideysatay maqnaanshaha aabaha guriga, wuxuuna sheegay in jirka cunugga ay ka buuxeen nabarro, dhaawacyo qoto dheer, koronto, iyo dhiig qooyan.

    Adeerkii waxa uu sheegay in Hooyadii dhashay ay ku qasabtay inuu cuno hal kiilo oo milix ah iyadoo canaanatay oo garaacday, taasina ay keentay inuu geeriyoodo.

    Sawirro laga soo qaaday meydka cunuga yar oo qabsaday baraha bulshada inta badan dalalka Carabta, ayaa dhaliyay mowjado caro ah, iyadoo lagu baaqayo in ciqaabta ugu badan la marsiiyo dambiilaha.

  7. Sirta guurka: Shan arrimood oo gabadh kasta aysan u sheegi karin seygeeda xitaa haddii ay aad u jeceshahay

    Guur

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Guurku waa muhiim, sababtoo ah waa waxa mideeya nin iyo xaaskiisa isla markaana uu ka bilowdo qoys, wuxuuna wataa barako badan sida carruur iyo qaar kaloo badan.

    Maalmahan, si kastaba, qoysas badan ayaa burbura sababo jira awgood, gaar ahaan is fahan waa labada qof ku timaadda.

    Dabcan waa inaysan sir kala qarsan lammaanaha, balse waxaa jira waxyaabo aan habbooneyn inay haweeneydu u sheegto ninkeeda, si walba oo ay isu jecel yihiin.

    Bulshooyin badan oo Afrikaan ah ayaa waxay ku maahmaahaan, haddii aysan dheguhu wax maqleyn, wadnuhu ma caroodo. Annaguna haddii aan dooneyno inay nabad ka dhex jirto qoyska waxaa jiri kara caqabado badan, haweeneyduna waxaa laga doonayaa inay ka qeyb qaadato xallinta arrimahaas. Halkan kasii akhri

  8. Dowladda iyo mucaaridka Kenya oo xal wada gaaray

    Ruto and Raila

    Xigashada Sawirka, Nation Media Group and AFP

    Dowladda Kenya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sameeyo guddi si hoose ugu xalliya khilaafaadkooda, kaddib toddobaadyo ay socdeendibad baxyo rabshado wata.

    War saxaafadeed ka soo baxay labada isbahaysi ee siyaasadda ayaa lagu sheegay in guddiga isku dhafka ah uu ka koobnaan doono toban qof oo dhinac walba ay shan qof ka imaanayaan.

    Waxay ka wada hadli doonaan dib u habeyn lagu sameeyo guddiga doorashada, iyo in xafiis rasmi ah loo sameeyo hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.

    Wuxuu diiday inuu aqbalo sharcinimada madaxweyne William Ruto, isagoo ku andacoonaya in doorashadii ugu dambeysay la xaday.

  9. Wagner oo laga cabsi qabo inay isu soo ekeysiyaan tahriibayaal si u galaan Yurub

    Pooland

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dagaalyahannada Wagner ee ku sugan Belarus ayaa laga yaabaa inay isu ekaysiiyaan dad tahriibayaal ah si ay galaan Midowga Yurub, Ra'iisul Wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa ka digay.

    Ilaa 100 askari oo ka tirsan ciidamada Wagner ayaa u dhaqaaqay meel u dhow magaalada Grodno, oo u dhow xudduudaha Poland iyo Lithuania, ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku daray.

    Wagner ayaa sidookale fududayn karta socdaalka sharci darrada ah ee ka imanaya Belarus, kaas oo Poland ku tilmaantay "dagaal isku dhafan", ayuu yiri.

    Warsaw waxay sheegtay inay u aragto joogitaanka Wagner ee Belarus khatar ayna doonayso inay soo xirto geeskeeda bari.

  10. Cunnooyinka ay Soomaalidu isticmaasho ee aan u fiicneyn beerka

  11. Joe Biden oo markii ugu horeysay meel fagare ah ka sheegay cunug uu mar hore inkirsanaa

    Joe Biden oo markii ugu horeysay meel fagare ah ka sheegay cunug uu mar hore inkirsanaa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Gabadha afarta sano jirka ah oo lagu magaacaboNavy, waxaa dhalay wiilka Mr Biden ee Hunter, kaas oo dhawaan maxkamad loo geeyay dacwo ku saabsan masruufka cunugtaas.

    "Aniga iyo Jill waxa kaliya oo aan rabnaa waxa u wanaagsan dhammaan carruurtayada aan awoowaha u nahay, oo ay ku jirto Navy," ayuu yiri madaxweyne Biden Jimcihii.

    Madaxweynaha ayaa waxaa dhaleeceeyay labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga go'aankiisii ​​hore ee ahaa inuusan aqoonsanayn ilmahaas yar .

    Bayaan uu siiyay wargeyska People ayuu Mr Biden wuxuu sheegay in aysan ahayn "arrin siyaasadeed, ee ay tahay arrin qoys".

  12. Xog ku saabsan haweeney xalay Guriceel ku weerartay seygeeda oo aroos ahaa

  13. Maxay tahay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay ku biirista ciidanka Heeganka Bariga Afrika?

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Warbahinta Qaranka Soomaliya

    Wasiirka Gaashandhigga Dowlada Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo Xildhibaannada Golaha Shacabka maanta u akhriyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka Bariga Afrika, isagoo ka codsaday in ay meel mariyaan heshiishkan.

    Wasiir Jaamac ayaa fulinta heshiiskan ka mid noqoshada ciidanka heeganka bariga Afrika iyo baahiyaha loo qabo ku tilmaamay mid daruuri ah maaddaama uu isbeddelka ku yimid hannaanka difaaca caalamka, sidaa awgeedna loo baahan yahay iskaashi, ka dib markii ay kordheen qataraha waaweyn ee dhanka amniga Adduunka, Afrika, kan gobolka iyo amniga Qaranka Soomaaliyeed.

    Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidookalesheegay in heshiiskani uu fududayn doono kaalmooyinka xagga difaaca ah ee looga baahdo waddamada gobolka, la dagaallanka kooxaha loo yaqaan argagixisada iyo fududeynta suuqa dhaqaale bariga Afrika ee ay haatan ku dedaalka ugu jirto in ay ku biirto Dowladda Soomaaliya.

    ‘’Waxaan ka faaideynaa suuqa daqaale ee u gaarka ah ciidamada heeganka ah ee bariga Afrika.Heshiiskan waxa uu dhameystirayaa, iskaashiga dhaqaale ee ay jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ku howlantahay inay la yeelato dowladaha bari ga Afrika, maadaama horumarka dhaqaale aan lagaari karin iyadoo aan xal loo helin khataraha amni iyo difaaca dowladaha bariga Afrika’’ ayuu yiri Wasiir Jamac.

  14. Manchester United oo diiday dalab 20 milyan ginni ah oo ay West Ham ugu gudbisay daafaca England

    Harry

    Xigashada Sawirka, BBC Sport

    Manchester United ayaa diiday dalab 20 milyan ginni ah oo ay West Ham ka gudbisay daafaca England Harry Maguire.

    Tababaraha Hammers, David Moyes ayaa isha ku haya Maguire, wuuna heystaa lacag uu ku qarash gareeyo ka dib iibkii 100 milyan ginni ee uu kala soobaxay ninka khadka dhexe uga ciyaara England oo lagu magacaabo Declan Rice.

    Mustaqbalka Maguire ee Old Trafford ayaan la hubin ka dib markii Erik ten Hag ka xayuubiyay kabtanimada horaantii bishaan.

  15. Nin 1,400 oo maalmood u xirnaa sawirro uu qaaday darteed

    shiinaha

    Duullimaadka ka soo baxay Shiinaha ayaa soo afjaray dhibkii foosha xumaa ee loo geystay ganacsadahan u dhashay Taiwan oo dalkaas lagu haystay in ka badan 1,400 oo maalmood.

    "Waxaan dareemay nafis weyn ka dib markii aan maray baaritaanka baasaboorka, wax yarna waan ooyay," ayuu u sheegay BBC todobaadkan. "Waxaan ku soo noqday adduunka xorta ah."

    Mr Lee ayaa la xiray oo xabsiga la dhigay 2019-kii ka dib markii uu sawiro ka qaaday saraakiisha booliiska Shenzhen. Waxaa lagu eedeeyay basaasnimo iyo xatooyo sirta qaranka – eedeymahaas oo uu hadda beeniyay.

    Waxaa xabsiga laga sii daayay bishii Luulyo 2021, laakiin waxaa laga hor istaagay inuu ka baxo Shiinaha maadaama "laga xayuubiyey xuquuqda siyaasadeed".

    Waa naadir in Beijing ay ku soo rogto ciqaabtan, oo ay ku jirto mamnuucid inay ka baxaan Shiinaha , dambiilayaasha aan u dhalan dhul weynaha Shiinaha.

  16. Maxay Sweden uga cabsi qabtaa in weerarro argagixiso ay dhacaan ka dib gubiddii quraanka

  17. War hor leh oo ka soo kordhay afgambiga Niger ka dhacay

    niger

    Xigashada Sawirka, AFP

    Midowga Yurub ayaa hakiyay dhammaan wadashaqeyntii dhanka ammaanka ee uu la lahaa Niger ka dib markii ciidamada dalkaasi ay xukunka kula wareegeen afgambi.

    Waxay ku soo beegantay wax yar uun ka dib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay taageero uu u fidiyay madaxweynihii la afgembiyay ee Mohamed Bazoum - oo loo arkayay in uu yahay xulufo muhiim ah oo reer galbeedka ah ee dhanka la dagaalka kooxaha islaamiyiinta ah ee dalkaas kadagalamo.

    Jimcihii madaxa qaybta ilaalada madaxtooyada Gen Abdourahmane Tchiani ayaa ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger.

  18. Qalliin lagu sameeyey ilmo yar oo uu sanka ka galay Beytari

  19. Daawo: Maroodi soo baxsaday oo la arkay isagoo sii galaya Supermarket

    Maroodiga ayaa la arkayay isagoo ku socda waddo weyn oo ku taal magaalada Calabria ee koonfurta Talyaaniga Khamiistii.

    Muuqaalka lala wadaagay BBC, xayawaanku wuxuu u muuqdaa inuu u socdo dukaan weyn.

    Warar ay heshay warbaahinta gudaha ayaa sheegaya in maroodigu uu ka baxsaday goob ay ku sugnaayeen oo ay ka socotay bandhig faneedka, iyadoo dib loo celiyay.

    BBC-da ayaa la xiriirtay booliiska, balse mas'uuliyiinta ayaa ka fogaaday in ay ka hadlaan maroodiga mana aysan suura gelin in ay dhacdada xaqiijiyaan.

    Qoraalka Muuqaalka, Elephant on the loose spotted outside supermarket in southern Italy
  20. Ereyada wanaagsan: Sidee ku noqon kartaa qof codkiisu soo jiidasho leeyahay?

    Sheeko

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Faransiiska wuxuu ugu yeeraa "voix de chambre à coucher". Waa cod soo jiidasho leh oo qotodheer, kaas oo siiya dadka hadallada sasabashada.

    Sidoo kale, waa wax la sharixi karo. Dadka qaarkiis waxay leeyihiin codad soo jiidasho leh oo ka qurux badan kuwa kale, iyo xaqiiqda ah in xeerarkani ay ku dhow yihiin. Guud ahaan waxay muujinayaan qayb muhiim ah oo ka mid ah isbeddelka nolosha.

    Lahjadaha ayaa ah hal dariiqo oo aan ku qiimeyno dadka kale. Codadka soo jiidashada leh waxaa loo maleynayaa inay yihiin kuwa karti, naxariis iyo aaminaad leh. Marka, maxaa ka dhigaya lahjadaha qaar kuwo soo jiidasho leh?

    Waxaa jiro astaamo cod ah oo u muuqda in ay u shaqeeyaan qof walba, meel kastoo uu ka soo jeedo. Dhaqan kasta ha lahaadee, haweeney kasta oo ka timaadda Japan ama Mareykanka ama Faransiiska ama meel kasta oo adduunka ka mid ah waxay doorbidaan ragga leh codadka waaweyn," ayay tiri Melissa Barkat-Defradas, oo ah cilmi baare luuqadeed oo ka tirsan Jaamacadda Montpellier. Halkan kasii akhri