Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Shan ciyaartooy oo cajiib ah oo sanadkan ku soo biiray premier league

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Kooxaha ka dhisan horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa in ka badan £1 bilyan ($1.3 bilyan) ku bixiyay inay ku soo iibsadaan ciyaartoy cusub xili ciyaareedkan.

    Arsenal ayaa kamid ah oo heshiis £200 milyan ah kula so wareegay Declan Rice, Kai Havertz iyo Jurrien Timber si ay isaga difaacaan Mnchester City.

    Shanta ciyaartooy ee cajiibka ah ee xili ciyaareedkan ku soo biiray kooxaha ka dhisan premier league-ayaa kala ah:

    1. Declan Rice (Arsenal)

    2. Rasmus Hohlund (Manchester United)

    3. Josko Guardiol (Manchester City)

    4. Dominik Szoboszlai (Liverpool)

    5. Sandro Tonali (Newcastle)

  2. Muhaajiriin ku geeriyooday xeebaha Talyaaniga

    Muhaajiriin titadoodu kor u dhaafeyso afartan ayaa ku geeriyooday jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, kaddib markii ay qaraqantay doon ay saarnaayeen, sida ay dad ka badbaaday shilkaas u sheegeen warbaahinta maxaliga.

    Afar qof oo ka badbaaday musiibadan, ayaa samatabixiyaasha u sheegay inay saarnaayeen doon ay ka soo raaceen magaalada Sfax ee dalka Tunisia, isla markaana ay degtay iyadoo ku sii jeedda Talyaaniga.

    Afarta qof ayaa ka soo kala jeeda dalalka Ivory Coast iyo Guinea

    In ka badan 1,800 oo qof ayaa geeriyooday sanadkan iyagoo isku deyayay inay u gudbaan Yurub.

  3. Haweeneydii musqusha gashay ee la kulantay arrin cajiib ah

    .

    Xigashada Sawirka, VIVIENNE HAGGER

    Qoraalka sawirka, Cunuga yar ayaa dhalsahiisa lagu qeexay kadis layaab leh

    Haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa sanado kahor qabsatay hadal heynta warbaahinta iyo baraha bulshada, kadib markii ay dhashay cunug aysan uurkiisa xitaa ka war qabin.

    Kylie Hagger oo 21 jir ah, ayaa dukaan ku yaalla meel xaafad ah ka dalbatay suuli, iyadoo moodeysay inay xaajo caadi ah u baahan tahay.

    Hase yeeshee, waxaa la yaab noqotay markii ay suuligii kasoo baxday iyadoo wadata cunug yar.

    Miss Hagger ayaa sheegtay in iyada lafteeda ay lama filaan ku noqotay arrintan, maadaama aysan wax war ah ka heynin in ay uur lahayd.

    Shaqaalihii dukaanka ayaa si deg deg ah ugu gurmaday si ay u caawiyaan, balse waxay umushay kahor inta aysan kalkaaliyeyaasha imaanin.

    Haweeneydan ayaa waxa dhacay ku tilmaantay "layaab, balse waxay sheegtay inay u ahayd maalin cajiib ah".

    Milkiilaha dukaaka ay haweeneydan suuligiisa ku umushay ayaa sheegay in dhacdadaas ay qaadatay wax ka yar 10 daqiiqo, waxaana erayadii ay dadku ku dhawaaqayeen ka mid ahaa 'u yeer umuliso'.

  4. Ma ogtahay in aad lugaysaa maalin walba in ay ka hor tagto xanuunno badan?

  5. Maxaa ka jiraa in dhibaatooyin nafsiyeed laga qaado isticmaalka Facebook?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Cilmi baaris ay sameysay jaamacadda Oxford ayaa muujinaysa inaanay jirin dhibaato nafsiyeed oo uu geysto isticmaalka barta facebok-ga.

    Cilmi baarista ayaa diiradda lagu saaray xaaladda ay noolyihiin bulshada 72 dal oo aad looga isticmaalo bartan.

    Natiijada baarista ayaa ad uga fog fekerka ah in isticmaalka baraha bulshada uu dhibaato u geysto maskaxda, sida ay sheegeen baarayaasha.

    Baaristan ayaa waxaa diiradda lagu saaray facebook oo keliya oo ay leedahay shirkadda Meta.

  6. Gabdhaha quruxda u tartama oo ka cabanaya in “la taataabto” iyadoo looga faa’iideysanayo baaritaanka jireed ee lagu sameeyo

    .

    Xigashada Sawirka, MISS UNIVERSE INDONESIA

    Qoraalka sawirka, .

    Dhowr gabdhood oo ka soo jeeda dalka Indonesia isla markaana u tartamaya tartanka quruxda gabdhaha, ayaa kiisas la xirrira xadgudubyo galmo u gudbiyay booliska.

    Tartamayaasha ayaa la weydiistay inay dhigaan dharka, si jirkooda loo baaro sawirrona looga qaado, ayuu yiri mid kamid ah qarenadooda.

    Qabanqaabiyaasha tartankan caalamiga ah, ayaa la sheegay inay gabdhaha ku wargeliyeen, inay eegayaan in jirkoodu ay ku yaalaan calaamado iyo in kale.

    Tartanka quruxda ayaa aad looga yaqaanaa Koonfurta Bari ee Asia gaar ahaanna Indonesia, Phillipine iyo Thailand.

    Dadka ku guuleysta tartankan ayaa caan noqda, iyagoo saameyn weyn ku yeesha baraha bulshada ee kala duwan.

  7. Taariikhda fannaan Xassan Ismaaciil Uurcade(Tuse Aw Toosiye) oo xalay geeriyooday

    Allaha u naxriistee, waxaa xalay fiidkii magaalada Hargeysa ku geeriyooday fannaankii Xassan Ismaaciil Uurcade oo ku magac dheeraa (Tuse aw Toosiye), kaas oo ahaa fannaan, abwaan iyo jilaa.

    Ruwaayadaha uu jilay waxaa kamid ahayd ruwaayaddii caanka ahayd ee If iyo aaqiro. Haddaba taariikhda fanaanka oo kooban ayaan ka wareysannay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ay si dhow isu yaqaaneen marxuumnka isla markaana ay soo wada shaqeeyeen.

    Qoraalka Codka, Fannaanka ayaa xalay ku geeriyooday Hargeysa
  8. Dagaal xooggan oo ka soo cusboonaaday magaalo ka tirsan Sudan

    Dagaal xooggan ayaa lagu soo warramayaa inuu ka soo cusboonaaday magaalada Omdurman oo aan ka fogeyn caasimadda dalke ee Khartoum.

    Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo ku nool Bariga Umdurmaan ayaa sheegay, in la dilay sagaal qof oo rayid ah.

    Qoraalka Codka, Sagaal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka
  9. Waxay qoyskeedu u heysteen inay jinniyo qabto, muxuuse noqday xanuunkeeda?

  10. Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Dunida muxuu ka yiri xil ka qaadistii Khadiija Aadan Daahir

  11. Boortaqiiska oo la tacaalaya dab ka kacay kayn iyo heerkulka oo cirka isku shareeray

    Dabka ka kacay Boortaqiiska

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ciidamada dab-damiska Boortaqiiska ayaa la tacaalaya sidii ay u xakamayn lahaayeen dab ka holcaya kumanaan hektar xilli heerkulku cirka iskusii shareerayo.

    Ku dhawaad 800 oo shaqaale ah ayaa ka qaybgalay deminta dab ka kacay meel u dhow magaalada koonfureed ee Odemira habeenimadii Isniinta, iyadoo in ka badan 1,400 oo qof ay ku qasbanaadeen inay barakacaan.

    Ugu yaraan sagaal dab-damis ayaa ku dhaawacmay la tacaalida dabka. Heerkulka ka sarreeya 40C (104F) ayaa la filayaa inuu ka dhaco inta badan jasiiradda Iberia toddobaadkan.

    Saddex dab oo waaweyn oo gubay boqollaal hektar oo ku yaal Spain dhammaadkii isbuucii hore ayaa la xakameeyay, laakiin digniinaha cimilada ayaa weli ka jira dalka intiisa badan.

    Boortaqiiska, Isniintii waxaa lagu arkay heer kul gaaraya 46.4C (116F), oo ah kan ugu kulul sanadka ilaa hadda, oo laga diiwaan geliyey Santarém.

    Dabka u dhow Odemira ayaa bilowday Sabtidii waxaana dabayluhu u kxexeeyeeny koonfurta gudaha buuraleyda Algarve, oo ah gobolka ugu weyn ee dalxiiska Boortaqiiska.

    Wuxuu ilaa hadda baabi'iyay dhul dhan 6,700 hektar, iyadoo wadar ahaan 19 tuulo, afar guri oo dalxiis iyo goob xero ah laga saaray.

    Duqa magaalada, Helder Guerreiro, ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay "mid halis ah, adag, oo qalafsan".

  12. Fanaanadii abaalka u gashay Soomaaliya oo maanta qaab islaami ah loo aasay

  13. Israel oo goosatay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay magaalooyinka Carabta ee dalkeeda

    Bezalel Smotrich

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Bezalel Smotrich

    Wasiirka maaliyadda ee Israa’iil Bezalel Smotrich ayaa xayiray dhaqaalihii ay siin jireen magaalooyinka Carabta iyo waxbarashada Falastiiniyiinta, tallaabadaas oo dhalisay eedaymo cunsurinimo.

    Bezalel Smotrich - oo ah madaxa xisbi taageersan dadka deegaanka - ayaa sheegay in qaar ka mid ah lacagta loo qoondeeyay goleyaasha deegaanka Carabta ee Israa'iil ay ku dambayn karto gacanta waxa uu ugu yeeray dambiilayaal iyo argagixiso.

    Hogaamiyaha mucaaradka, Yair Lapid, ayaa ku eedeeyay Bezalel inuu ku xad-gudbay muwaadiniinta Carabta cunsurkooda awgii. Bulshada Carabta ee Israa'iil ayaa ka kooban shan meelood meel ka mid ah muwaadiniinta Israel waxayna wajahayeen gacan bidixayn dhaqaale iyo mid bulsho muddo tobanaan sano ah.

  14. Baasaboor Soomaaliga oo sare u kacay: Meeqo dal ayaad visa la'aan ku tagi kartaa?

  15. War hor leh oo ka soo kordhay wiilkii yaraa ee xubinta taranka laga jaray

  16. Taageerayaasha Kooxda Chelsea oo ku calaacalaya kuwa Nigeria fal ay ciyaaryahanadani geysatay awgii

    Lauren James oo sinta uga taagan Michelle Alozie

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Lauren James oo sinta uga taagan Michelle Alozie

    Daqiiqad xamaasad leh oo ka dhacday Koobkii Adduunka ee Haweenka Isniintii, ayaa la arkay ciyaartoyga England iyo Chelsea Lauren James oo ku istaagaysa ciyaaryahanadda Michelle Alozie oo u dhalatay Nigeria xilli ay dhulka ku dhacday.

    C ayaa kaarka cas loo taagay, waxaana Nigeria markii dambe looga badiyay rigoorayaal taasoo gebi ahaanba ka saartay tartanka.

    Tan iyo markaas, sida laga soo xigtay shabakadda Pulse News, qaar ka mid ah taageerayaasha Nigeria ee kooxda kubbadda cagta Chelsea ayaa ka baryayay walaalahooda Nigeria inay u turaan Lauren James.

    "Fadlan iskacafi iyada, waa 21 jir oo kaliya, waa gabadh yar oo karti leh, oo ay saaran tahay mas'uuliyad weyn," ayuu tiri mid ka mid ah, isaga oo ku daray, "in kasta oo aanan taageerin qaladkeeda, aniga oo ka mid ah taageerayaasha Chelsea waxaan ku codsanayaa magaceeda. " Lauren lafteeda ayaa raali gelin bixisay tan iyo dhacdadaas, iyadoo baraha bulshada ku tiri Alozie , "dhammaan jacaylka iyo ixtiraamka aan kuu hayo - waan ka xumahay wixii dhacay".

  17. Dawo cayilka lagu dhimo oo la ogaaday inay daweyso cudurrada wadnaha

    awada Wegovy

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dawada Wegovy

    Shirkadda dawooyinka ee lagu magacaabo Novo Nordisk ayaa sheegtay talaadadii, in daraasad ballaaran oo lagu sameeyay daawadeeda cayilka lagula dagaalamo ee Wegovy ay sidoo kale faa'iido cad u leedahay daeynta cudurrada wadnaha, taasoo kor u qaadaysa sumacadda dawada shirkaddan Denmark oo kaliya loo isticmaali jiray wanaajinta qaab nololeedka.

    Tijaabada marxaladda dambe waxay muujisay in bukaannada ku jira isticmaalay dawadan lagu magacaabo Wegovy ay 20% hoos u dhigtay cudurrada wadnaha, istaroogga ama dhimashada cudurrada wadnaha ee shakhsiyaadka marka loo eego kuwa isticmaala placebo, ayuu tiri shirakadda Novo.

    Taasi ayaa 15% ilaa 17% ka fiican sidii ay filayaan maal-gashadayaasha dawadan iyo falanqeeyayaasha xogtan aadka loo sugayey. Natiijooyinka dib looma eegin.

    Daraasadan oo lagu magacaabo SELECT, ayaa lagu sameeyay 17,500 oo qof oo miisaankoodu sarreeyo ama cayilan oo leh taariikh cudur wadne oo da'doodu tahay 45 sano ama ka weyn, kuwaas oo aan lahayn taariikh hore oo cudurka macaanka ah.

    Waxay bilaabatay ku dhawaad shan sano ka hor si loo tijaabiyo in qaadashada irbadda toddobaadlaha ah ay leedahay faa'iidooyin caafimaad. Warku wuxuu u diray saamiyo shirkadda labaad ee ugu qiimaha badan Yurub taa oo ah in ka badan 13% si ay u diiwaangeliso heerar sare. Saamiyada ayaa kor u kacay ku dhawaad 150% labadii sano ee la soo dhaafay.

  18. Dhacdo argagax leh oo ka dhacday dawlad-deegaanka Soomaalida

  19. Xeerarka dagaalka ee Soomaalidu maxay ka qabaan dilka caruurta iyo dumarka?

    Fal dad badan ay ka argagaxeen ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qorof oo hoos taga dowlad deegaanka Soomaalida isla markaana xad la leh gobolka Galguud ee Soomaaliya halkaas oo lagu dilay shan carruur ah kuwa kalana lagu dhaawacay, qaarna lagu afduubay oo ilaa iyo hadda la la'yahay nolal iyo geeri.

    Xilliga uu falku dhacayay ayaa wararku sheegayaan in carruurtu ay jiifeen dugsi qur'aan ay dhiganayeen. Dadka deegaanka ayaa dhacdadaan ku eedeyay meleeshiyaad ka soo jeeda deegaanno ka tirsan Galmudug, waxaana caruurtaan maanta lagu aasay deegaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud.

    Haddaba dadka Soomaalidu dhaqamada ay leeyihiin waxaa ka mid ah in dadka biri-maygadada ah aan lagu xadgudbin haddii ay dhacdana waxaa jira xeerar la mariyo iyo tillaabooin laga qaado cidda xadgudubkaas sameysa.

    Ugaas Mukhtaar Bashiir Xuseen waa mid ka mid oday dhaqameedyada Soomaalida waana ugaaska mid ka mid ah beelaha Soomaalida ee dalka kenya waxa uu Xasan Sheekh Cumar uga warramay dhaqanka Soomaalida waxa uu ka qabo dilka carruur yaryar oo aan qaan gaarin iyo wax laga yeelo hadiiba ay dhacdo. Hoos ka dhageyso.

    Qoraalka Codka, Ugaas Mukhtaar Bashiir Xuseen
  20. Weriyaha Yurub ku nool ee ku hajabay inuu magangalyo ka codsan doono Soomaaliya