Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Madaxweynaha Uganda oo jawaab adag ka bixiyay tallaabadii bangiga adduunka

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa bangiga adduunka ku eedeeyay inuu doonayo inuu dowladdiisa ku qasbo, marka la eego sharciga dadka isku jiinsiga ah

    Hadalkiisa ayaa daba socda tallaabo uu shaaciyay bangiga, oo ah inuu joojinayo lacagaha deynta ah oo uu siiyo Uganda, sababo la xirriira sharciga ka dhanka ah dadka isku jiinsiga ah, taas oo mamnuuc ka ah dalkaas.

    Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu madaxweyne Museveni ku sheegay in "Uganda ay horumari doonto hadii deyn la siiyo iyo hadii kaleba'.

    Waxaa uu intaa ku daray, in wax laga xumaado ay tahay in bangiga deynta bixiyo uu isku dayayo inuu soo farageliyo dhaqanka, diinta iyo xeerarka Uganda.

    Mareykanka ayaa hore cunaqabateyn ugu soo rogay Uganda kaddib marki madaxweyne Yoweri uu saxiixay sharci dhigaya in qofka la toogto hadii uu la galmoodo qof kale oo ay isku jiinsi yihiin.

  2. Makrafoonkii ay tuurtay fanaanada Cardy B oo lagu iibsaday boqol kun oo doolar

    .

    Xigashada Sawirka, cbsnewa

    Qoraalka sawirka, .

    Laba todobaad ayaa ka soo wareegtay markii fannaanada Cardi B ay qabsatay baraha bulshada, kaddib markii makarafoon ay ku dhex tuurtay dadweyne ka soo qeyb galay goob ay ka heeseysay.

    Makrafoonkaas ayaa lagu iibiyay lacag gaareysa ku dhowaad 100,000 oo doolar.

    Mulkiilaha shirkadda lahayd qalabkaas ayaa sheegay in lacagta lagu iibiyay makrafoonkaas sadaqa lagu bixin doono.

    Muuqaal lagu baahiyay kuna faafay baraha bulshada ayaa muujinayay Cardi B oo tuuraysa makrafoon ay siday kaddib markii mid kamid ah taageerayaasheeda uu ku shubay biyo xili ay socotay xaflad ka dhacaysay magaalada Las Vegas ee waddanka Mareykanka.

  3. Kooxda Chelsea oo baaritaan lagu sameynayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Chelsea

    Horyaalka Ingiriiska ee premier league ayaa baaritaan ku sameynaya kooxda Chelsea oo lala xiriirinayo inay jabisay sharciyada maaliyadda.

    Xirriirka kubadda cagta Yurub, UEFA, ayaa The Blues ku ganaaxay lacag dhan £8.6m bishii July kaddib markii ay jabisay xeerarka maaliyadda intii u dhaxaysay sanadihii 2012 iyo 2019.

    Warkan waxaa soo gudbiyay milkiilayaasha cusub ee kooxda Chelsea, kaddib markii la iibiyay bishii May.

    Xiligaas waxaa kooxdu lahaa Roman Abramovich.

  4. Ma laga yaabaa inuu dib u dhac kale ku yimaado doorashada Somaliland?

    Xisbiyada mucaaradka ah ee Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa qaadacay cassuumaad uu u fidiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, si ay uga wada hadlaan muranka hareeyay doorashooyinka Somaliland.

    Xisbiga UCID ayaa diidmadooda ku sababeeyay in aysan jirin wax laga wada hadlo. Haddaba arrintan maxay horseedi kartaa?xalkasee muxuu noqon karaa? arrimahaas waxaan u bandhignay Cabdiraxmaan Warsame Nuur oo ah agaasimaha xarunta dimuqraadiyadda iyo maamul wanaaga oo ka dhisan Hargeysa

    Qoraalka Codka, Khilaafka doorashada Somaliland
  5. Haweeneey Soomaali ah oo laga soo masafuriyay Norway iyo kiis culus oo lagu helay

  6. Maxaa ku dhacay ninkii Biden ugu hanjabay in uu maanta 'toogan doono'?

  7. Haweeney seygeeda ku gubtay magaalada Garissa

    .

    Xigashada Sawirka, Voice of India

    Qoraalka sawirka, .

    Dhacdo murugo leh isla markaana hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada, aya ka dhacday magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, taas oo ah in haweeney ay ninkeeda u geysatay dhaawac, kaddib markii qeybo kamid ah jirkiisa ay ku shubtay saliid ay aad u soo karkarisay.

    Ninka oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Sheekh, ayaa ah darawal, waxayna xaaskiisa isu dhaleen laba carruur ah oo wiil iyo gabar ah da'adooduna kala ah todobo iyo shan jir.

    Waxaa la sheegay in xaaskiisu ay ku shubtay saliidda isagoo sariirta hurda xili subax ah, wax yar un markii uu seexday kaddib markii uu ka yimid shaqo.

    Wararka ayaa sheegaya in xaaska ay ka maseertay ninkeeda, xaalna u aragtay inay saliidda ku shubto.

    Xaska falkan geysatay ayaan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigtay, ninkana waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magaalada Garissa.

  8. Mareykanka oo walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee madaxweynihii Niger ee xilka laga tuuray

    .

    Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY

    Qoraalka sawirka, .

    Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda cafimaad ee madaxweynihii dalka Niger, oo muddo ka badan laba todoobaad ku xiran gurigiisa.

    ‘Waxaan aad ugu walaacsannahay caafimaadkiisa iyo badqabkiisa shaqsiyeed iyo tan qoyskiisa’, ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda.

    Bazoum ayaa waxaa xilka ka qaaday ciidamada millateriga oo afgembi kula wareegay dalka 26-kii bishii hore.

    Tan iyo maalinkaas, taliska millateri ayaa xukumayay dalka, waxaana arrintan si aad ah uga soo hor jeestay ururka waddamada galbeedka Africa oo loo soo gaabiyo ECOWAS.

  9. Ma dagaal labaad ayaa ka qarxay dalka Itoobiya?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, magaalada Lalibela ee gobolka Amxaarada

    Colaadda gobolka Amxaarada ayaa gobolkaas ka socday muddo bilooyin ah, wuxuuna sii xoogeystay todobaadkii hore. Dagaalka ayaa weli ka socda dhowr magaalo oo ku yaalla gobolkaas.

    Sanadihii u dambeeyay, jabhadda Oromada, OLA ayaa dagaal kula jiray ciidamada amaanka ee deegaanno ka tirsan gobolka Oromia, markii uu soo af-jarmay dagaalkii Tigray, dagaal kaas lamid ah ayaa ka qarxay gobolka Amxaarada.

    Dagaalka hadda socda oo sii xoogeystay maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaad ka dhisan gobolka Amxaarada oo la yiraahdo Fano, dagaalkaas oo horseeday in dowladda ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah, furimaha dagaalkana ay u dirto ciidan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Axmaarada ayaa sheegaya, in ciidamada dowladda Itoobiya ay maleeshiyaadka deegaanka ah ee FANO ka saareen labo magaalo oo waaweyn, waana markii ugu horreysay oo ay furimaha dagaalka gaaraan tan iyo markii uu dagaalku qarxay todobaadkii hore.

    Maadaama dagaalku sii xoogeystay, dadka u dhuun duleela arrimaha Itoobiya ayaa sheegaya in xaaladdu sii xumaan karto.

  10. Tartanka dilka Maska Jabisada iyo qaabka ugu sahlan ee loo dili karo

  11. Maxaad ka taqaan tababaraha xulka qaranka K/cagta ee Soomaaliya

  12. Dowlada Kenya oo bilawday in la hadasho mucaaradka

    kenya

    Xigashada Sawirka, AFP

    Dowladda Kenya ayaa bilowday wadahadal ay la gasho mucaaradka si ay isku daydo in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed oo keenay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhashay qiimaha maciishada oo aad u sarreeya, waxaana lagu baaqay in isbedel lagu sameeyo doorashada.

    Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, ayaa soo abaabulay dibadbaxyadii ugu dambeeyay.

    Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan qof ay ku dhinteen iska horimaad dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaal. Laakiin kuwa dadka u dhaqdhaqaaqa ayaa sheegaya in tirada ay intaa aad uga badan tahay.

    Rabshadahaasi ayaa qeylo dhaan ka dhaliyay gudaha iyo dibadda, waxaana lagu baaqay in la dhexdhexaadiyo si meesha looga saaro xiisadda taagan.

  13. Muxuu yahay Masuulka ku dhawaaqay in uu soo celin doono madaxweynaha Niger?

    PRESIDENCY OF THE REPUBLIC OF NIGER

    Xigashada Sawirka, PRESIDENCY OF THE REPUBLIC OF NIGER

    Hogaamiyihii hore ee fallaagada oo sidookale ah siyaasi ku sugan dalka Niger, ayaa sheegay in uu abuuray dhaq-dhaqaaq siyaasadeed si uu isugu dayo in uu dib ugu soo celiyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum.

    Rhissa Ag Boula ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqiisa (Golaha iska caabinta Jamhuuriyadda) uu taageeri doono dadaallada lagu soo celinayo nidaamka dastuuriga ah ee Niger.

    Waa calaamadii ugu horeysay ee iska caabin gudaha ah oo ka dhan ah afgambigii militariga ee bishii hore dhacay.

    Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa la hadlay Madaxweyne Bazoum, isaga oo u xaqiijiyey taageerada joogtada ah ee xal u helidda dalka Niger oo dib loogu soo celinayo xukunka dimoqraadiga ah iyo nidaamka dastuuriga ah.

    Ku xigeenka Mr Blinken, Victoria Nuland, ayaa dhawaan booqatay Niamey, balse looma ogolaanin inay la kulanto madaxweynaha. Ururka ECOWAS, oo ku hanjabay faragelin ciidan, ayaa lagu wadaa inay berri kulmaan, si ay uga hadlaan xiisadda.

  14. Wararkii ugu dambeeyay xaalada gobolka Axmaarada

    amxaarad

    Dhakhaatiirta ku sugan magaalada Bahirdar ee xarunta gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya ayaa BBC u sheegay in dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalladii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada dowladda.

    Dhaqtar ku sugan isbitaalka weyn ee magaalada ayaa sheegay in dhaawacyada ay ku jiraan dad da’ ah iyo ilmo shan bilood jira.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaatka ay la wareegeen gacan ku heynta xabsiga islamarkaana ay siidaayeen maxaabiis. Xiisada ayaa sare u sii kacaysay tan iyo bishii April markii ay dawladu ku dhawaaqday in ay burburinayso ciidamada gobolka ee guud ahaan dalka Itoobiya, taas oo keentay mudaharaadyo ay dhigayaan qoomiyadaha Axmaarada oo sheegay in talaabadani ay wiiqayso gobolkooda.

  15. Poland oo ciidamo dheerad ah geysay xududuudda ay la wadaagto Belarus

    pooland

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Poland ayaa laba kun oo askari oo dheeri ah u diraysa xadka ay la wadaagto Belarus iyadoo tirada ugu badan ee muhaajiriinta ay isku dayeen inay ka gudbaan. Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha (Maciej Wasik) ayaa sheegay in ay laba jibaarantay tirada ay codsadeen Ilaalada Xuduudaha.

    Waxa uu sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu sugayo xasiloonida iyo joojinta qulqulka muhaajiriinta.

    Poland waxay ku eedaysay Belarus inay fududaysay marinka muhaajiriinta Bariga Dhexe iyo Afrikaanka ah ee u badan Poland. Warsaw waxay sidoo kale ka walaacsan tahay joogitaanka calooshood u shaqeystayaasha Wagner oo yimid Belarus bishii hore.

  16. Dhulgariir ka dhacay Tanzania

    tanzania

    Xigashada Sawirka, Google

    Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.6 ayaa Talaadadii ku dhuftay meel u dhow Ikungi ee dalka Tanzania, sida ay sheegtay hay’adda sahanka dhulka ee Mareykanka (USGS).

    Dhul-gariirku wuxuu ku socday 10 km (6.21 mayl), sida ay sheegtay USGS.

  17. Mucaaradka Ghana oo doonaya in guddoomiyaha bangiga dhexe uu shaqada ka tago

    ghana

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xisbiga mucaaradka ah ee Ghana ayaa u qabtay muddo saddex toddobaad ah guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku xigeenkiisa inay is casilaan.

    Koongareeska Dimuqraadiga Qaranka ayaa Ernest Addison ku eedeeyay taxadar la'aan iyo maamul xumo bangiga - iyadoo bangiga lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u daabacay lacag oo gaareysa $ 8.6m (£ 6.7m) taas oo llagu bixiyay kharashaadka safarka.

    Warbixin sanadle ah oo dhawaan ka soo baxday bangiga dhexe ayaa lagu sheegay in sanadkii hore la diiwaan galiyay ilaa $5.4bn oo khasaare ah.

  18. Sidee uga qoomameeyey ninkii sameeyey bamka Nukliyeerka

  19. Tahriibayaal kusii jeeday Talyaaniga oo badda kudhintay

    bbc

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    41 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay doon ku degtay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, sida ay dad ka badbaaday u sheegeen warbaahinta gudaha.

    afar qof oo ka badbaaday musiibadaas ayaa u sheegay samatabbixiyaasha in ay saarnaayeen doon ka soo kacday magaalada Sfax ee dalka Tunisia, ayna kuna sii jeeday dalka Talyaaniga.

    Afarta qof ee badbaaday oo asal ahaan kasoo jeeda Ivory Coast iyo Guinea, ayaa Arbacadii gaaray Lampedusa.

  20. WAR DEGDEG AH: 6 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

    WAR DEGDEG AH
    Qoraalka sawirka, WAR DEGDEG AH

    Ugu yaraan 6 qof ayaa dhintay, 12 kalena way dhaawacmeen kaddib markii qarax wadada dhinaceeda lagu aasay uu qabsaday gaari kuwa dadweynaha ah oo marayay meel u dhaxaysa magaalooyinka Marka iyo Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, sida uu gudoomiyaha gobolkaasi u sheegay wakaaladda warrarka ee SONNA.

    Dad ku sugan Qoryooley ayaa BBC-da u sheegay in gaariga qaraxu haleelay uu ka yimid magaalada Marka kuna socday degmada Qoryooley, dadka saarana ay u badnaayeen, dad reer Qoryooley ah.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxaase gobolka oo kamid ah meellaha ay dagaalladu ku dhexmaraan ciidamada Dawladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, horey looga bartay Al-Shabaab inay miinooyin ku aasaan wadooyinka, iyagoo doonaya inay ku waxyeeleeyaan ciidamada Dawladda iyo kuwa Midowga Afrika.