You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Isbarbardhigga awoodda milatari ee Itoobiya, Soomaaliya, Eritrea, Suudan iyo Djibouti

  2. Sababta ay gabadhan u cafisay walaalkeed oo aabbahood dilay

  3. Kumanaan dadka ree Niger ah oo dibadbax ku tageeraya afgembigii dalkaas ka dhacay

    Muwaadiniinta dalka Niger ayaa bilaabay inay isugu soo baxaan fagaare ku yaalla bartamaha magaalada Niamey ee xarunta dalkaasi, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan afgambiga militari ee todobaadkii hore dalkaas ka dhacay.

    Isbaheysiga ururada bulshada rayidka ayaa ku baaqay in dadku ay maalinta sanad guurada xornimada dalka isu soo baxaan, si ay u cambaareeyaan cunaqabateynta uu dalkooda ku soo rogay urur goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS.

    Ururka ayaa si adag u cambaareeyay afgambiga, waxuuna soo saaray xayiraad dhanka ganacsiga ah. ECOWAS ayaa sheegay inay awood u adeegsan karaan haddii aan dib loo soo celin madaxweyne Maxamed Bazoum. Balse mudaaharaadahan ayaa sheegay in Niger ay farriin adag u dirayso xubnaha urarka:

    Dalka Niger ayaa wadamada reer galbeedka oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Maraykanka, waxa uu xulafo muhiim ah kula ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha jihaad doonka.

  4. Dambiile la raadinayey oo muuqaal mahadcelin ah usoo diray boolis uu sheegay inuu usii digey

    Nin lagu eedeeyay inuu ka ganacsanayay daroogada, kaasoo bartilmaameed u ahaa ugaarsiga booliska caalamiga ah, ayaa u soo diray warbaahinta muuqaal uu uga mahadcelinayo booliiska Bolivia oo luu sheegay inay siiyeen digniin hore oo la xiriirta isku dayga lagu xirayo isaga.

    Sabtidii, saraakiisha Bolivia waxay weerareen guriga Sebastián Marset, kaas oo laga raadinayo waddankiisa Uruguay, iyo sidoo kale Brazil, Paraguay, iyo Maraykanka. Laakiin Sebastián Marset, oo 32 jir ah, ayaa ku guulaystay in uu baxsado. Booliska Bolivia waa ay beeniyeen in ay ku wargeliyeen oo ay sii wadaan baadigoobkiisa. In ka badan 2,250 booliis ah ayaa la hawl geliyey si ay u soo raadiyaan balse ilaa hadda meelna kuma sheegaan.

    Saraakiisha ayaa u dhaqaaqay inay ku qabtaan magaalada Santa Cruz ee dalka Bolivia sabtidii, balse ilaalada Sebastián Marset ayaa mid ka mid ah afduubtay, ninka la raadinayeyna waxa u suurtagashay inuu la baxsado xaaskiisa iyo carruurtooda.

    Booliska ayaa tan iyo markii ay baarayeen wadar ahaan sideed guri waxa ay xireen tobanaan qof oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin ninkan balse ilaa hadda kuma aysan guuleysan in ay helaan.

  5. Saamiya: Sheekada orodyahannaddii Soomaaliyeed ee riyadeedii ay geeridu soo afjartay

  6. Qabaailka Galmudug oo ka shiraya dagaalka Al-shabaab

    Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudg waxa ka socda shir lagaga arisanayo diyaar garowga duulaanka ka dhanka ah Alshabbaab ee la doonayo in looga saaro deegaannada Ceel Garas, Ceel Buur iyo Galhareeri.

    Shirka ayaa ujeedadiisa ugu weyn lagu sheegay xasilinta deegaannadaas kaddib marka Alshabaab laga saaro.

  7. Sharma Boy oo ka hadlay sababta uu dib ugu soo noqday fanka

  8. Shan odhaah oo u daran xiriirka lamaanaha

    Dhaga hadalku waa farsamo wax-is-daba-marin ah oo lagu doonayo in qofka lagu samaynayo uu su'aal geliyo garaadkiisa ama awoodda uu u leeyahay in uu fahmo xaqiiqada.

    Kuwa sameeya waxay inta badan si ula kac ah ugu sameeyaan iyaga oo wax ku raadinaya. "Waa dabeecad aadmiga caado u ah. Inkasta oo ay jiraan waqtiyo aynaan fahansanayn in aan samaynayno oo aynaan ka warqabin, "Dr. Cortney S. Warren, oo ah dhaqtar cilmi-nafsiga ee Jaamacadda Harvard, ayaa u sheegtay BBC Mundo. Khatarta farsamadan ayaa ah in aadan ogaan karin marar badan in lagugu samaynayo.

    Hadallada badanaa waxaa lagu gartaa in aad dhibsato ama ay ku dareenbsiiyaan in aad qaldan tahay, balse qaar ka mid ah waa kuwan:

    1 Waad waalantahay/waad iska xanaaqaysaa/waad ka badbadinaysaa

    Haddii qof kugu yiraahdo erayadan, waxay asal ahaan ula jeedaan inaadan wax fikrad ah ka haysan xaqiiqda.

    Marka ay kuu sheegaan inaad iska xanaaqayso, haa, waxaa laga yaabaa inaad ku jirto daqiiqad aad dareen ah. balse taasi waa caadi.

    Erayadani waxba ma hagaajiyaan sababtoo ah qofka hadlaya wuxuu asal ahaan meesha ka saarayaa dhaleeceyn macquul ah, baahiyaha, ama shucuurtaada wakhtigaas wuxuuna si fudud meesha uga saarayaa wixii welwel ah ee aad ka qabto xaaladda, wuxuuna waxa dhan ku weecinayaa inaa tahy qof iska dareen badan, xitaa haddii ay tahay xaqiiqo jirta walaacaagu.

    2 Waan iska ciyaarayey

    Weedhan sunta ah waxay inta badan timaadaa faallooyin inta badan aad u qallafsan oo xanuun badan.

    Mararka qaarkood dadku waxay sameeyaan faallooyin aad u xukun, kaftan aad u xun oo awood badan. Waa ka dhab laakiin waxay isku dayaan inay u gudbiyaan si kaftan ah. Waxay u egtahay inay tahay xaasidnimo, ayey tiri Warren.

    3 Adigaa igu kaliftay/ qaladka adaa iska leh

    Dadka wax is-daba-marinta sameeya waxay jecel yihiin inay dadka kale ku eedeeyaan dookhooda. Markaa waxay ku odhan karaan waxyaabo ay ka mid yihiin "waxaan kuugu qayliyey maanta sababtoo ah waxbaad xumaysay" ama "guriga ayaad kasoo daahday saas darteed ayaana kuugu qeyliyey." Laakiin sida Warren ay sharaxayso, "Weligaa, sinaba masuul ugama noqon kartid dabeecadda qof kale."

    4 Hadii aad i jeceshahay sidan samee ama waad ii ogolaan lahayd inaan sidan sameeyo

    Waxay noqon kartaa wax kasta, sida inaad lacag siisid, ama aad joojiso inaad ruux kale la hadasho, ama inaad u ogolaato shukaansiga qof kale iyo wax la mid ah.

    Mararka qaar in aad gasho galmo aadan raali ka ahayn. Tan dambe waa waxa Dr. Warren inta badan maqlo. "Mararka qaar dadku waxay u isticmaalaan dooddan si ay u codsadaan dabeecadaha galmoodka ee kala duwan ee lamaanaha aanu rabin inuu sameeyo" ayey tilmaamtay.

    5 Qof waliba wuu igu raacsan yahay adiga mooyee

    Halkan qof ayaa isku dayaya inuu ku caddeeyo aragtidiisa inaad tahay qof adag, isku dhac ama wax kasta oo aad go'aansato, isagoo u adeegsanaya dood ah in dadka kale ee awooda badan ee noloshaada, sida qoyskaaga, dadka shaqadaada ama qof kasta, ay isku wax kaa aaminsanyihiin.

    Waxa uu ka dhigayaa habdhaqankiisa xun mid la rumaysan karo isaga oo isku dayaya in uu isu keeno dad kale kuwaas oo, aragti ahaan, u fekeraya sida isaga.

  9. Dibadbaxayaal dusha sare uga baxay aqalka Raysal Wasaaraha Ingiriiska

    Qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa cimilada ayaa fuulay saqafka guriga ra'iisul wasaaraha Britain ee waqooyiga Ingiriiska, si ay uga mudaaharaadan siyaasadda Raysal wasaare Sunak ee shidaalka. Mudaaharaadayaasha ururka nabadda cagaaran ayaa dhinacyada saqafka dhismaha ka lulay calallo madow.

    Rishi Sunak ayaa toddobaadkan ansixiyay boqollaal shatiyo ah oo lagusoo saarayo saliid iyo gaas hor leh oo laga helay badda Waqooyi ee boqortpooyada, taas oo ka cadhaysiisay qolyaha u dooda bedqabka deegaanka.

    Xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa ku adkeysanaya in shatiyadu ay lagama maarmaan u yihiin xaqiijinta amniga tamarta.

    Raysal wasaare Sunak ayaa hadda fasax kula maqan qoyskiisa gobolka California ee dalka Maraykanka.

  10. Kenya oo "macawiisley" ka sameyneysa gudaha dalkeeda

  11. Kuuriyada Woqooyi oo markii u horaysay ka hadashay asgarigii Maraykanka ahaa ee u dusey

    Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay in ay gacanta ku hayso Travis King, jawaabteedii ugu horreysay ee codsiyadii ku saabsanaa xogta halka uu ku sugan yahay askariga Mareykanka ah, sida uu sheegay taliska Qaramada Midoobay.

    Askariga oo 23 jir ah ayaa 18-kii Luulyo kaligiis ka talaabay xudduudda Kuuriyada Koonfureed xilli uu ku jiray dalxiis la xadiday.

    Taliska Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan wax tafaasiil ah ka bixin doonin jawaabta Pyongyang xilligan. Waxa ay sheegtay "in aysan doonayn in ay farageliso dadaallada lagu soo celinayo askariga".

    Si kastaba ha ahaatee, jawaabtu waxay muujinaysaa in Pyongyang ay diyaar u tahay inay bilowdo wada xaajoodka. Taliska Qaramada Midoobay, oo ilaaliya Aagga ka caaggan milatariga (DMZ), ayaa raadiyay macluumaadka ku saabsan askariga oo lagu magacaabo King iyadoo la isticmaalayo khadka taleefanka ee tooska ah Ciidanka Waqooyiga Kuuriya [KPA] ee Aagga Amniga Wadajirka ah. "KPA waxay Taliska Qaramada Midoobey siisay jawaab ku saabsan askariga.

    Kuuriyada Waqooyi ayaa horay u aqbashay codsiga balse tani waa markii ugu horreysay oo ay ka jawaabaan, iyagoo xaqiijinaya in askariga Mareykanka ah uu gacantooda ku jiro.

  12. Ra'iisul wasaaraha Canada iyo xaaskiisa oo ka hadlay kala taggooda

    Ra’’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo xaaskiisa Sophie ayaa kala tagay 18 sano kadib oo ay nolol wadaag ahaayen.

    Qoyskan kala huleelay ayaa farriin lagu baahiyay barta Instagram, ku yiri "waan sii wadi doonaan xiriirka qotada dheer ee qoysnimo kuna saleysan jaceylka,”

    Waxay isku guursadeen magaalada Montreal ee dalka Canada, sanadkii 2005-tii, waxayna haystaan saddex carruur ah.

    War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’’iisul wasaare Trudeau, ayaa lagu sheegay in haddii lammaanuhu saxiixaan furiinkooda, ay wali si wada jir ah u soo muuqa karaan.

  13. Caalamka oo muwaadiniintiisa kala baxaya dalka Niger

    Mareykanka ayaa go’aansaday qayb ahaan inuu kala soo baxo dalka Niger, shaqaalaha safaaradiisa dalkaasi ku taalla.Arrintaan ayaana daba socota afgambigii toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacay Niger.

    Boqollaal ajaanib ah ayaa laga daad gureyay dalkaas, iyadoo Axadddiina safaaradda Faransiiska ay weerareen dibadbaxayaal.

    Hoggaamiyaha afgambigaJeneraal General Abd al-Rahman Tianyi, ayaa ka digayfaragalin kasta oo ka dhan ah arrimaha dalkiisa isla markaana kaga timaada dibadda

    Dalka Niger waa wadan soo saara uranium-ka kuna yaalla marin muhiim ah socdaalka Waqooyiga Afrika iyo Mediterranean-ka.

  14. Amniga Washington oo aad loo adkeeyay xilli Trump maxkamad la soo taagayo maanta

    Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa maanta lagu wadaa in maxkamad la soo taago, iyadoo aad loo adkeyay ammaanka magaalada Washinton oo ah halka uu ka dhacayo dhageysiga kiiska dacwadda loo haysto Trump.

    Trump ayaa horey u wajahayay laba kiis oo kale waxaana uu mar kale doonayaa inuu ku soo laabto Aqalka Cad ee Mareykanka doorashada soo aaddan.

  15. Maxay tahay sababta dowladda Ingiriisku ay u xirxirtay tiro badan oo dad ah

    Madaxa dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha la dagaallanka argagixisada Matt Jukes, ayaa BBC-da u sheegay in tiro badan oo dhalinyaro ah loo xirxiray laguna sameynayo baaritaanno ku saabsan dambiyo argagxiso.

    Sanadkii la soo dhaafay waxay tiradu gaartay 166 qof oo lala xiriiriyay arrimo argagixiso oo ka dhacay gudaha Uk,shanti qof oo dadkaan ka mid ahba mid ka mid ay ayaa lagu warramayaa in da’doodiisu ay ka yartay 18 sano.

    Mr Jukes ayaa sheegay in cudurkii Covid-19 iyo adeegsiga baraha Internedka ay saameyn ku yeesheen tirada.

  16. Dhageyso: Madaxweyne ku xigeenka DDS oo ka hadlay ujeedka ay Mareykanka u joogaan

    Wafti uu hor-kacayo madaxweyane ku xigeenka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, oo ay ku jiraan dhowr wasiir oo uu ka mid yahay wasiirka maaliyadda ayaa ku sugan dalka Maraykanka.

    Ujeedka ay halkaa u tageen ayaa ah sidii ay maalgashiyo isugu jira beeraha iyo warshadaha wax soo saarka ugu soo jiidi lahaayeen deegaankooda.

    Mas'uuliyiintan ayaana jaaliyadda deegaanka iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka la qaatay kulamo.

  17. Mo Farah oo ka hadlay gabadhii Soomaaliya uga qayb gashay tartanka orodka

    Xiddigga ciyaaraha Olympic-kada Mo Farah ayaa ka mid ah dadka ka falceliyay gabadhii Soomaaliya uga qayb gashay tartanka oradka ah ee ka dhacaya dalka Shiinaha, oo Soomaaliya guuldarro kala kulantay.

    Mo Farah ayaa la yaab ku tilmaamay sida wax u dhaceen. Muuqaal uu bartiisa Tiktok uu soo dhigay ayuu ku yiri “Oradku qabiil malahan Soomaali Maxamed waa in aan arrintaan wax ka qabannaa,”.

    Wuxuu ka mid noqonayaa Mo Farah dad badan oo siyaabo kala duwan uga falceliyay fadeexadda Soomaaliya ka soo gaartay tartanka oo ay uga qayb gashay gabar lagu magacaabo Nasro Abuukar Cali.

    Dhanka kale Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa fuliyey amar kasoo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya, kaas oo ahaa in shaqada laga joojiyo guddoomiyha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya marwo Khadiija Aadan Daahir.

    Khadiijo Aadan Daahir oo horaan BBC la hadashay ayaa sheegtay in Nasro Abuukar aysan lahayn taariikh orodyahannimo balse ay qaadatay layli usuurta galinaya in ay ka qayb gasho orodka 100ka mitir.

  18. Wiilkii Nasra Abuukar ku wehlinayey tartanka oo guul gaaray

  19. Maxaad ka taqaan magacyada dambe ee loo yaqaanno guutooyinka milateriga Soomaaliya?

  20. Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya oo shaqadii laga joojiyey orodkii Nasro awgii

    Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa fuliyey amar kasoo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya, kaas oo ahaa in shaqada laga joojiyo guddoomiyha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya marwo Khadiija Aadan Daahir.

    Tani waxay daba socotay fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo ka dhacay Shiinaha, kaas oo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan.

    Khadiijo Aadan Daahir oo horaan BBC la hadashay ayaa sheegtay in Nasro Abuukar aysan lahayn taariikh orodyahannimo balse ay qaadatay layli usuurta galinaya in ay ka qayb gasho orodka 100ka mitir.

    Waxaa la arkayey Nasro oo aan u ordeyn sidii qof yaqaan orodka isla markaana waxay gashay kaalinta u dambeysa ee gabdhihii halkaas ku ordayey.