You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Jabuuti oo keensatay Markab marakiibta dayactira

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee maanta booqasho ku tagey Dekedda magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, halkaas oo uu ka soo degey markabkii ugu horreeyey ee ay ciidamada badda ee PDSA ku dayac tirto gobolka.

    La wareegiddan cusub, ayaa waxaa guul taariikhi ah laga gaaray warshadaha badda ee dalka Jabuuti, iyadoo markabkani uu noqonayo kii ugu weynaa, isla markaana uu noqdo kii ugu horreeyay ee gobolka oo qaadi kara in ka badan 50 kun oo tan oo xamuul ah.

    Dhererkiisu waa 217 mitir, ballaciisuna yahay 43.5 mitir.

  2. Qaar kamid ah sawirrada weerarka Drone-ta loo adeegsaday oo lagu qaaday gudaha Ruushka

  3. Diyaarada lagu weeraray gudaha Ruushka oo faafahin hor leh laga helay

    Faahfaahinta ku saabsan sida ay u dhacday diyaaradii Drone-ka ah ee weerartay daarta dheer ee Moscow ayaa xadidan.

    Marka la eego cabbirkeeda iyo qaabkeeda, waxay u badan tahay in markii hore loogu talagalay ujeeddooyin sahamin ah oo markii dambe loo beddelay drone-ka nooca -kamikaze, ama waxaa laga yaabaa in loo sameeyay oo keliya fulinta weerarrada gudaha dhulka cadowga

    Waxyaabaha goonida ku ah ayaa waxaa kamid ah in masaafo dhan 1,000km (620 mayl), ay jari karto taas oo ka badan in ku filan in laga duulo dhulka ay Ukraine maamusho ilaa Moscow.

    Ilaa hadda ma jirto cadaymo muujinaya halka laga soo tuuray diyaaradahan, balse si kastaba ha ahaatee, waxay dhibaato ku tahay maamulka Ruushka.

    Hadii laga soo tuuray jiidda hore dagaalka waxay muujineysa daciifnimada difaaca hawada Ruushka.

    Haddii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn laga soo tuuray gudaha dhulka Ruushka, waxay soo jeedinaysaa in laamaha ammaanku ay ka maqan yihiin gacan ku haynta dalkooda.

    In la soo tuuro Diyaaraddan oo kale ma aha hawl fudud oo waxay aheyd in la dareemo.

  4. Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Ruushka lagu qaaday

    Ma ahan markii ugu horreysay oo diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu dhufato dhismo ku yaalla xaafadda ganacsiga ee magaalada Moscow run ahaantii, waa weerarkii labaad ee noocan oo kale ah maalmihii la soo dhaafay ee Ruushka lala beegsado.

    Inkastoo Kyiv aanu aqoonsanayn abaabulka weeraradan iyo kuwa kale ee aan duuliyaha lahayn ee Moscow, dad yar oo indha indheeya ayaa shaki ka qaba in diyaaradahani ay asal ahaan ka soo jeedaan Ukraine.

    Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine, Valeriy Zaluzhny, ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu gaari karo marxaladda isbeddelka ah ee dagaalka ay tahay in la helo hab lagu bartilmaameedsado gudaha dhulka Ruushka.

    Sida laga soo xigtay isaga, tani waa lagama maarmaan si loo xoojiyo dareenka dagaalka ee muwaadiniinta Ruushka.

    Weerarkian lagu qaaday gudaha Ruushka ayaa wuxuu xasuusinayaa muwaadiniinta Ruushka in waddankoodu dagaal ku jiro

  5. Fransiiska oo war hor leh ka soo saaray xaaladda Niger

    Faransiiska ayaa isku diyaarinaya inuu muwaadiniintiisa ka soo daadgureeyo dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Niger, sababo la xiriira nacaybka Faransiiska ee ka dhashay afgambigii todobaadkii hore.

    Waxa ay sheegtay in ay sidoo kale ka caawin doonto muwaadiniinta kale ee reer Yurub in ay ka baxaan. Afgambigan oo sababay banaanbaxyo looga soo horjeedo gumeystihii hore, iyadoo safaaradda Faransiiska la weeraray.

    Arintan ayaa kusoo aadaysa xili ay dowladaha Burkina Faso iyo Mali ay ka digeen in isku day kasta oo xoog ah oo lagu doonayo in lagu soo celiyo madaxweynihii xilka laga tuuray loo arki doono ku dhawaaqis dagaal.

  6. Ruushka oo sheegay in ay jirto khatar amni kadib weerar lagu qaaday Moscow

    Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in ay iska caddahay in khatar ay jirto kadib weerarkii ugu dambeeyay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday magaalada Moscow, marki labaad saddex maalmo gudahood.Duqeynta ayaa lagu garaacay dhismo ku yaalla xaafadda ganacsiga ee magaalada Moscow.

    Shaqaalaha wasaaradda horumarinta Ruushka, oo ka shaqaynayay daarta dheer ee la weeraray, ayaa hadda loo sheegay inay ka shaqeeyaan gurigooda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Dhismaha la weeraray ayaa waxaa loo yaqaanaa IQ quarter, kaasoo ay ku yaallaan wasaaradda horumarinta dhaqaalaha, wasaaradda Tiknoloojiyadda iyo wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga. Wejiga muraayadda dhismaha ayaa burbur soo gaaray, balse lama soo sheegin wax dhaawac ah.

    Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa dhacdadan ku tilmaantay mid “Weerar Argagixiso ah” oo laga soo qaaday dalka Ukraine. Kyiv inta badan wax faallo ah kama soo bixiso weerarradan oo kale.

  7. Sida Janaraal Caydiid uga baxsaday ciidamada Mareykanka

  8. Caasimadda Burkina Faso oo rasaas laga maqlayo

    Wararka ka imaanaya magaalada Ouagadougou ee xarunta dalka Burkina Faso ayaa sheegaya in saaka waabarigii la maqlay rasaas goos goos ah oo laga maqlayay saldhig ciidamada cirka ay ku leeyihiin bartamaha magaalada.

    Ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in xaaladda ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka, hase yeeshee wax faah faahin dheeraad ah lagama bixin sida wax u jiraan.

    Dhacdadan ayaa ku soo beegantay 10 bilood ka dib afgambi, kii labaad oo muddo sanad gudihiis ah ka dhaca dalkaasi oo dagaal kula jira kooxaha Islaamiyiin ah tan iyo sanadkii 2015-kii.

    Waxa ay sidoo kale ku soo beegantay ku dhawaad todobaad kadib markii ay militariga rideen dowladii la soo doortay ee dalka deriska la ah ee Niger.

  9. Shiinaha oo baddelay hoggaamiyaashii Nukliyeerkiisa

    Madaxweynaha dalka Shiinaha ayaa badelay laba hogaamiye oo ka tirsan unug caan ah oo maamula hubkiisa nukliyeerka.

    General Li Yuchao oo madax ka ahaa qaybta Ciidanka Gantaallada ee ah kuwa Xoraynta Shacabka (PLA) iyo ku xigeenkiisa ayaa "la'aa" muddo bilo ah.

    Ku xigeenkii hore ee ciidamada badda Wang Houbin iyo Xu Xisheng oo xubin ka ah golaha dhexe ee xisbiga ayaa loo magacaabay xilalkaan.

    Tani waa waa tillaabadii ugu weyneed ee aan qorshaysnayn ee hoggaanka milatariga ee Beijing lagu samaeeyo ku dhawaad toban sano.

    Dowladda Shiinaha ayaa sameyneysa mid ka mid ah isbeddelada ugu qotoda dheer ee istiraatiijiyadda nukliyeerka muddo tobanaan sano ah.

  10. Kumanaan qof oo ka qaxay xero qaxooti oo Falastiiniyiin ay ku noolyihiin

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 2,000 oo qof lagu qasbay inay ka qaxaan rabshadaha u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda ee xerada qaxootiga Falastiiniyiinta ee Lubnaan.

    Isku dhacyada u dhexeeya madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ee Fatax iyo kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxaa ku dhintay 11 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

    Xabad joojin ayaa hadda la isku afgartay in kastoo rasaas weli la soo sheegayo.Waxaa la aasaasay xerada Cayn el-Xilweh sanadkii 1948, waana tan ugu weyn Lubnaan.

    Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay ku nool yihiin in ka badan 63,000 oo qaxooti diiwaan gashan, balse qiyaasaha qaar ayaa sheegaya in tirada dadka ay ka badan tahay intaa.

    Xerada, oo ku taal meel u dhow magaalada koonfureed ee Siidoon, ayaa ka fog meelaha ciidamada ammaanka ee Lubnaan, ay ku xoogganyihiin

    Waxaa loo daayaa kooxaha isku haya xerada si ay u ilaashadaan amnigeeda, laakiin khilaafyada kooxahaas dhex mara ayaa caadi ka noqday halkaa.

    Rabshadaha ayaa qarxay sabtidii markii xubin ka tirsan koox islaami ah la dilay, sida ay ku warantay wakaalada wararka AFP oo soo xiganaysa ilo aan la magacaabin oo ku sugan xerada.

  11. Talibaan oo gubtay qalabka Muusigga

    Talibaan-ka Afghanistan ayaa gubay qalab Muuskida loo isticmaalo, iyagoo ku andacoonaya in qalabkaan uu yahay mid loo adeegsado “musuqa” iyo waxyaabaha anshax xumada ah.

    Kumanaan doolar oo lacag ah ayaa ku baxday qalabkan oo la arkayay qiiq hawada sare qabsaday Sabtidii deegaan ku yaal galbeedka gobolka Herat.

    Tan iyo markii Talibaan la wareegtay xukunka Afghanistan sanadkii 2021-kii, waxay soo rogtay xannibaado dhowr ah sida in Muusigga aan lagu ciyaari karin fagaarayaasha la isugu yimaado.

    AXmad Sarmast, aasaasaha Machadka Qaranka ee Muusiga ee Afgaanistaan, ayaa ficiladooda la barbar dhigay "xasuuq dhaqameed iyo burburin muusig".

    Dadka Afgaanistaan waa loo diiday xoriyada fanka ayuu yiri Sarmast ooh adda ku sugan dalka Bortaqiiska, isagoo intaa sii racaiyay, “gubitaanka qalabka muusiga ee Herat waa tusaale yar oo ka mid ah xasuuq dhaqameedka ka socda Afgaanistaan oo ay hogaaminayaan Taliban,”

  12. Xildhibaanad Leyla: "Waa gaf bareer ah oo Muslimiinta loo gaysanayo gubitaanka Qur'aanka"

    Iyadoo laba nin oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq ay shalay ku gubeen kitaabka Qur’aanka Kariimka ah bannaanka dhismaha baarlamaanka Sweden, ayaa xildhibaanad Leyla Cali Cilmi oo ka tirsan baarlamaanka dalkaasi waxay sheegtay in wax laga xumaado ay tahay beegsiga lagu hayo diinta Islaamka.

    Waxay sheegtay inay u muuqato in dowladda Sweden ay raali ka tahay ficilladaan lagu gubayo Qur'aanka Kariimka ah, iyadoo intaa ku dartay in mar walba mas'uuliyiin sar sare oo Swedish ah ay af lagaaddo u gaystaan Muslimiinta.

  13. Gooryaan la qaboojiyay 46,000 sano kahor oo hadda "soo miyirsaday"

    Koox baarayaal caalami ah ayaa ku guuleystay inay dib miyirka ugu soo celiyaan labo gooryaan oo faranjeer lagu qaboojiyay ku dhowaad 46,000 sano kahor.

    Gooryaankan ayaa ka tirsan bahda gooryaanka ee nematode, waxaana la geliyay xaaladdan loo yaqaanno cryptobiosis, taasoo u oggolaaneysa inay u adkeystaan biyo la'aanta iyo oksojiin la'aanta, iyo sidoo kale xaalado cimilo oo aad u daran.

    Labadan gooryaan oo laga helay dalka Serbia ayaa shan snao kahor ayaa dib usoo noolaaday kaddib markii biyo la waraabiyay, sida ay baarayaashu sheegeen.

    Ma aha markii ugu horreysay ee ay arrintan oo kale dhacdo, balse hore uma dhicin in noole la qaboojiyay muddo sidan u dheer ay dib usoo miyirsadaan.

    Saynisyahannada ayaa baaritaan ku sameeyay sababta ka dambeysa inay u adkeystaan biyo la'aanta, waxaana la ogaadau inay soo saaraan sokor lagu magacaabo trehalose, taasoo u oggolaaneysa inay adkeysi yeeshaan.

    Noocan gooryaanka ayaa ka mid ah kuwa ku dhasha caloosha xayawaannada kale.

  14. RRU: Maxaad ka taqaan ciidamada Ingiriisku tababaray ee Somaliland?

  15. Hogaamiyaha kooxda Wagner oo mar kale ka soo muuqday fagaare aan laga fileyn

  16. Xawayaan lagu murmay in uu aadmi yahay iyo in kale

    Beer xaywaanaad oo ku taal bariga Shiinaha ayaa u xaqiijisay dadka soo booqday in waxa ay arkeen ay yihiin Madaxkuti run ah ee aysan ahayn qof iska dhigaya madaxkuti, ka dib markii la arkay hal xayawaan oo u taagan sida qof biniaadmi ah kaas qabsaday internetka.

    Isagoo ka jawaabaya muuqaal madaxkuti/oorso faafay oo ku taagan lugaha dambe, maamulka beerta xawayaanka Hangzhou ayaa yiri dadku "ma fahmaan" noocyada. Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa qiyaasayay in bahashu noqon karto qof lebisan.

    Beerta ayaa haysa qaar ka mid ah noocyada orso ee ugu xajmiga yar adduunka, waxay la egtahay noocyada eyga ee weyn. Waa nooc dabar go'aya oo u dhashay kaymaha roobka ee Koonfur Bari Aasiya.

    Fiidiyowga, waxaa lagu arkayaa orso nooca sun loo yaqaan ah oo ku taagan cidhifka xayndaabkeeda, calaacalahana dhinaca ku haya oo u muuqda mid laftiisu u kuur galaya dadka soo booqda beerta xayawaanka.

  17. Maxay tahay sababta malaayiin doollar loogu iibinayo sunta dib qallooca?

  18. Tobanka Magaalo ee ugu nolosha fiican caalamka sannadkan

    Ka dib markii ay hoos u dhacday saameynta masiibadii Covid19, tayada nolosha ayaa mar kale kor u kacday qaar badan oo ka mid ah caasimadaha caalamka.

    Guud ahaan nolol maalmeedku waxa samaysay kor u kac 15 sano ah, sida lagasoo xigtay machadka odoroska dhaqaalaha (EIU) , kaas oo ku qiimeeya 173 magaalo arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida, daryeelka caafimaadka, dhaqanka & deegaanka, waxbarashada iyo kaabayaasha.

    Sare u kaca waxaa inta badan sabab u ah guulaha daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Afrika - xitaa iyadoo buundooyinka xasiloonida ay hoos u dhaceen guud ahaan kacdoonka rayidka iyada oo ay sii kordheyso walaacyada qiimaha-nololeed ee adduunka oo dhan iyo iskahorimaadka sii socda ee magaalooyinka sida Kiev.

    Haddaba kuwani waa shanta magaalo e caalamku ugu nolosha wanaagsan sida lagasoo xigtay EIU.

    Vienna, Austria

    Caasimadda Australiya kuma cusba kaalinta koowaad ee tusmada nolol-maalmeedka wanaagsan, kaliya waxay lumisay abaalmarinta muddo kooban sannadkii 2021 ka dib markii bandooga Covid19 uu saameysay madxafyada iyo makhaayadaha.

    Dhibcaha ugu fiican ee xasilloonida, daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha, Vienna way ka badan tahay wadarta qaybaheeda, sida ay qabaan dadka deggan.

    Melbourne, Australia

    Labada magaalo ee kala ah Melbourne iyo Sydney waxay dib u heleen darajooyinkoodii (saddexaad iyo afraad siday u kala horreeyaan) ee 10ka magaalo ee ugu nolosha fiican, ka dib markii ay hoos ugu dhaceen tusmada intii lagu jiray cudurka faafa ee coronavirus kaas oo xumeeyay nidaamka daryeelka caafimaadka Australia oo sababay xirnaan muddo dheer.

    Gaar ahaan Melbourne waxay dhalisay dhibcaha ugu sarreeya ee dhaqanka iyo deegaanka ee waddanka - sifooyin ay dadka deggani jecel yihiin.

    Vancouver, Canada

    Saddex magaalo oo Kanada ku yaal (oo ay ku jiraan Calgary iyo Toronto) ayaa ka mid noqday 10-ka sare ee sanadkan, laakiin Vancouver ayaa lagu qiimeeyay in ay ka mid tahay shanta ugu sarreysa marka la eego dhibcaha dhaqanka iyo deegaanka ee sarreeya - sifooyinkan oo ay dadka deggani isla markiiba tilmaamayaan jacaylka ay u qabaan magaaladooda.

    Osaka, Japan

    Kaalinta 10-aad ee tusmada, iyo dalka kaliya ee Aasiya ee soo galay liiska tobanka u sareeya, Osaka waxa ay dhanka daryeelka caafimaadk, iyowaxbarashada ka heshay 100 dhibcood oo kaamil ah. Iyada oo qiimaha noloshu ay sii waddo inay cadaadis saarto dakhliga qoyska ee badan ee adduunka oo dhan, Maciishadda la goyn karo ee Osaka ayaa sidoo kale sare u qaadday nolosha dadka deggaan.

    Auckland, New Zealand

    Iyada oo kaalinta 10-aad la haysata Osaka, Magaalada Auckland waxay kor u kacday in ka badan 25 dhibcood sannadkii hore, taas oo qayb weyn ka ah dib u dhac ku yimid dib u furitaanka magaalada kadib xannibadi ka dhalatay Covid19, halkaas oo xannibaadaha iyo bandooyada aan si buuxda loo qaadin ilaa Sebtembar 2022.

    Marka lagu daro dhibcaheeda waxbarasho ee ugu fiican, magaaladu sidoo kale waxay haysatay dhibcaha ugu sarreeya ee dhaqanka iyo deegaanka ee 10ka magaalo ee ugu nolosha wanaagsan caalamka.

  19. lagu tooreyay

  20. Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee ku guuleystay bilada caalamiga ah ee lagdinka iyo haraatiga?