Amar lagasoo saaray fadeexaddii Soomaaliya kasoo gaartay tartankii orodka ee Shiinaha
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa guddiga Olympikada ku amray in Shaqada laga Joojiyo Guddoomiyaha Xirriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya, Khadiijo Aadan Daahir.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii ay hadal hayn dhalisay gabar Soomaliyeed oo tartan orod ah uga qayb gashay dalka Shiinaha, halkaas oo la arkayey gabadha oo aan ordi aqoon isla markaana gashay kaalinta u dambeysa.
"Wasaaradda waxaa u caddaatay in Nasro aysan ahayn ciyaar yahanad ka tirsan Oroddada, iyo in Marwo Khadiijo ay sameysay ku takri fal awoodeed iyo sumcad dil Qaran" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.
Nasra ayaan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah oo ka horreysa midda hadda, balse guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, Khadiija Aadan Daahir oo aan wax ka waydiinnay waxay noo sheegtay in ay qaadatay layliyo adag oo ay isugu diyaarisay ka qayb galka orodkaas boqolka mitir.