Labo doonyood oo kuwa aan naaquudaha wadin ah ayaa lagu
weeraray saldhig ay ciidamada badda Ruushka ku leeyihiin meel u dhow dekedda
Novorossiysk.
Jimcaha maanta, muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa
muujinaya qaraxyo xooggan oo ruxay dekedda, oo ah xarunta ugu weyn ee wax laga
dhoofiyo dalka Ruushka.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa shaacisay in ciidamadeedu
ay iska caabiyeen weerar ay ciidamada Ukraine ku qaadeen saldhigooda ciidamada
badda iyagoo adeegsanaaya labo doonyood oo nooca aan naaquudaha lahayn ah.
Waxa ay intaasi ku dartay wasaaradu in Maraakiibta Ruushka
oo ilaalo ka hayay Dekadda Saldhigga Ciidanka Badda ay arkeen labada Doomood
isla markaana ay burburiyeen.
Weerarka ayaa sababay in adeegyadda Dekadda si ku-meel-gaadh
ah loo hakiya , sida ay sheegtay daladda Kaspian Sea Pipeline Consortium, oo ah dalad
shidaalka ku rarta maraakiibta ka baxda dekeddaasi.
Barnaamijka baadhista ee BBC-da ayaa muujiyay in ugu yaraan 10 weerar oo Ukraine
ay oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, lala beegsaday maraakiib
militari iyo saldhig ciidamada badda Ruushka ku leeyihiin Sevastopol, iyo sidoo
kale dekedda Novorossiysk.
Isku dhacyada Badda Madow ayaa sii kordhayay toddobaadyadii
la soo dhaafay, ka dib markii Ruushku diiday in uu cusboonaysiiyo heshiis ay gadhwadeen
ka ahayd Qaramada Midoobay, kaas oo u ogolaanaya in Ruushka iyo Ukraine ay u
dhoofiyaan dunida hadhuudh isla markaana la helo marin ammaan ah.
Horaantii todobaadkan, Ruushka ayaa weeraray dekedaha
waaweyn ee Badda Madow ee Odessa iyo Chornomors