You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Ukraine oo sheegatay weerarkii buundada Cremea oo uu Rushka haysto lagu qaaday

    Milateriga Ukraine ayaa sheegay inay qaadeen weerarkii habeen hore lagu qaaday buundada Kerch oo ah istaraatiijiyad muhiim ah oo isku xirta Ruushka iyo Crimea-da la haysto.

    Moscow ayaa sidoo kale ku eedaysay Ukraine in weerarka lagu dilay lamaane rayid ah oo baabuur saarnaa, ayna ku dhaawacantay gabadhooda ay iyada ka dhambeysay. Sawirro ayaa muujinaya burburka soo gaaray qeyb ka mid ah wadada ku taal buundada, balse wadada tareenka ee dhinaceeda ah waxyeelo sooma gaarin.

    Buundadan ayay dadka reer Ukraine u arkaan inay calaamad u tahay qabsashadii Ruushka ee Crimea, oo uu Ruushku qabsaday 2014.

    Waxa si ku meel gaar ah loo xiray sannadkii hore ka dib markii uu qarax ka dhacay buundada.

    Tan iyo markii bundadan la dhammaystiray sanadii 2018-kii, waxay noqotay isku xirka muhiimka ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Crimea.

  2. Halkee ayay Soomaaliya kaga jirtaa dalalka ugu shaah cabka badan adduunka?

  3. Dad lagu laayay dalka Cameeroon

    Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu toogtay waqooyi-galbeed ee Cameroon weerar lagu eedeeyay fallaagada gooni u goosadka ah ee halkaa kajirta.

    Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa lamaane dhawaan is guursaday.

    Shan qof oo kale ayaa si xun loogu dhaawacay weerarka. Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah dableyda ayaa waxa ay soo gaareen isgoys mashquul badan oo ku yaala magaalada Bamenda, waxaana ay wateen labo gaari oo aan xabadu karin. Kadib waxa ay dadka ku amreen in ay dhulka seexdaan ka hor inta aysan rasaasta furin xilli dadka qaarkood ay isku dayayeen in ay baxsadaan iyagoo argagaxsan.

    Weriyeyaasha ayaa sheegaya in tani ay u muuqato weerar ciqaab ah, iyadoo raggan ay ku qeylinayeen dad ay ku eedeeyeen inay caawinayaan ciidamada Cameroon.

    Arrintan ayaa Waxay ku soo beegantay wax ka yar hal todobaad kadib markii ay ciidamadu weerar ku qaadeen isla deegaankaas oo ay ku dileen shan nin.

  4. Guddiga doorashada Somaliland oo shaaciyay jadwalka doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada

    War saxafadeed ay soo saareen Kominshanka Doorashada Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa u cayimay in 28 December, 2023 ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada xisbiyada. Si loo helo Saddex Xisbi oo ansaxsan lana siiyey shahaadada xisbinimo ee (10) ka sano, ayaa lagu yiri qoraal uu guddigu soo saaray.

    Waxaa kale oo Komiishanka Doorashooyinku ay go'aamiyeen In Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha la qaban doono bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha.

  5. Itoobiya oo beereysa geedo aad u tira badan

    Malaayiin Itoobiyaan ah ayaa la filayaa inay ka qeyb qaataan olole ballaaran oo dhir beeris ah, iyadoo maamulka uu sheegay inay rajeynayaan in nus bilyan geedo lagu beero muddo 12 saacadood gudahood. Laakin rabshadaha sii xoogaysanaya ee meelaha qaar ka dhacaya ayaa caqabad ku noqon kara in dadku ay si aad ah isugu soo baxaan.

    Tallaabadan ayaa qayb ka ah hindisaha "dhaxalka cagaarka ah" ee ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

    2019-kii, dawladdu waxay sheegtay in 350 milyan oo geedo ah la beeray hal maalin, war aan si madax bannaan loo xaqiijin. Waqtigaas mas'uuliyiinta ayaa sheegay in in ka badan 20 milyan oo qof ay ka qaybqaateen ololaha.

  6. Maxaa ka jira in al-Shabaab ay go'doomisay Baydhabo?

  7. Sawirro: Kuleylka daran ee kajira Yurub

    Xilli kulayl oo daran ayaa ka jira koonfurta Yurub, iyadoo kuleyka lafilayo in uu sii jiro toddobaadkan.

    Waa kuwan qaar kamid sawirro muujinaya kuleylka kajira Yurub:

  8. DAAWO: Dhacdo lagu qoslo oo saaka ka dhacday mid kamid ah Stuudiyayaasha BBC

    Soo-jeediyaha barnaamijka subaxa ee BBC-da Ben Thompson ayaa isku dayay inuu garaaco aaladda looyaqaan Trumbada balse wuxuu ku dhibtooday inuu si uu si wanaagsan u yeeriyo.

    Arrinta ayaa yimid intii lagu jiray dood ku saabsan caannimada sii kordheysa ee aaladda Trumbada , iyadoo dhalinyarada ay inta badan ku daydaan dhaadhaajinta Lizzo oo ah fannaanad Mareykan ah oo sidoo kale si heer sare u taqaan yeerintaTrumbada.

  9. Erdogan oo war kaduwan kan Ruushka ka soo saaray heshiiska dhoofinta Qamadiga

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in "saaxiibkiisa" madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin "uu doonayo inuu sii wado marinkan bini'aadantinimo in kasta oo horay hadal Moscow uga soo baxay saaka".

    Wuxuu hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul ka hor inta uusan booqan Sacuudiga.

    Moscow ayaa horay u sheegtay in dalkeeda uu si rasmi ah ugu wargaliyay Turkiga, Ukraine iyo Qaramada Midoobay in waddankeedu aanu kordhin doonin heshiiska dhoofinta Qamadiga.

    Erdogan ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Turkiga uu maanta talefoon kula hadli doono dhiggiisa Ruushka.

    Erdogan laftiisa ayaa Putin la hadli doona marka uu Turkiga ku soo laabto.

  10. Ruushka oo si rasmi ah u sheegay inay ka soo horjeedaan in wakhti lagu kordhiyo heshiiska dhoofinta Qamadiga

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda Ruushka ee RIA in dalkeeda uu si rasmi ah ugu wargaliyay Turkiga, Ukraine iyo Qaramada Midoobay in waddankeedu aanu kordhin doonin heshiiska dhoofinta Qamadiga.

    Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa yiri "Heshiiska Dhoofinta Qamadiga ayaa joogsaday, isla marka shuruudaha la buuxiyo, dhinaca Ruushka ayaa isla markiiba ku soo laaban doona heshiiska ."

  11. Soomaaligii uu Talyaanigu ka qafaalay Masar ee diiday in uu saxiixo xeer ku qaban lahaa maanta

  12. Dumar Soomaailyeed oo ku geeriyoday shil ka dhacay Bristol

    Ugu yaraan laba dumar ah oo Soomaali ah ayaa la ogyahay inay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay meel u dhow magaalada Bristol ee UK. Shilka ayaa ka dhacay xalay habeen- barkii waddada M4 oo waddo halbowle ah.

    Waxaa kaloo ku dhaawacmay shilkaas seddex dumar ah oo mid ka mid ah ay xaaladdeedu liidato.

    Ilaa hadda maamulka Bristol iyo Booliska faahfaahin badan ma aysan soo saarin, waxaase la sheegay in baaritaan uu socdo. Mid ka mid ah booliska Avon & Somerset wuxuu yiri “saraakiisha halkaa tegey waxay arkeen in labada gaariba ay waddada ka bexeen, waxaana jira tiro khasaare ah”.

    Qayb ka mid ah waddadaas ayaa ilaa hadda xiran, waxaana la sheegayaa in gaariga ay dumarku saarnaayeen iyo gaari kale ay isku dheceen, ka dibna ay labaduba gaddoomeen.

    Haweenkaas dhibaatadu ka soo gaartay ayaa dib ugu soo laabanayey magaalada Bristol ayagoo ka yimid xaflad aroos oo ka dhacday gobolka Wales. Weli nooma suurto gelin in aan wax badan ka ogaanno khasaaraha soo gaaray dadkii saarnaa gaariga kale.

  13. Warbixin ku saabsan ciyaaraha todobaadka Soomaalida oo ka dhacay Toronto

    Toronto waxaa lagu soo gebagabeeyey ciyaaraha Todobaadka Soomaalida oo magaaladaas ay martigelinaysay 30-kii sano ee la soo dhaafay.

    Sanadkaan waxaa ka soo qeybgalay 18 kooxood oo ka kala tegay UK, Maraykanka iyo Canada.

    Garoonka ay ka dhacaaysay ciyaarta kama dambaysta ah waxaa ku sugnaa oo warbaxintaan nooga soo diray Siyad Said Salah

  14. Nin Muslim ah oo loo fasaxay inuu gubo kitaabada Towraadka iyo Bible-ka balse sameeyay arrin layaab leh

    Ahmad Alloush, ayaa sheegay in ujeedadiisu ay ahayd in uu canbaareeyo kuwa kutubta xurmada leh sida Qur'aanka kariimka ah ku guba wadamada Waqooyiga Yurub.

    Stockholm, Sweden nin la filayey inuu ku gubo Tawreed iyo Baybalka bannaanka safaaradda Israa’iil ayaa ka tanaasulay qorshahaas, wuxuuna qabtay mudaaharaad ka dhan ah kutubta barakaysan.

    Ahmad Alloush, oo 32 jir ah, ayaa sheegay inaanu waligiis ku talo jirin inuu gubo kitaabada.

    Kaddib waxa uu la soo baxay kitaab qur’aan ah oo uu ku naqdiyay dhacdooyin hore oo lagu gubay kitaabka islaamka gudaha Sweden.

    "Haddii aad rabto inaad dhaleecayso Islaamka, taasi waa caadi", ayuu yiri. Laakin gubida Qur'aanka "ma ahan xoriyatul qawlka", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    Maxkamadaha Sweden ayaa horey u fasaxay in la gubo maadaama ay dastuuriyan ilaalinayaan xuquuqda isu imaatinka, hadalka iyo banaanbaxyada.

    "Tani waxay jawaab u tahay kuwa gubay Qur'aanka xorriyadda hadalka ayaa xaddidan," ayuu yiri Alloush.

    "Dadka waan ka caraysiiyey," ayuu qirtay mar la waydiiyay falcelinta wararka sheegaya in qof uu qorsheynayay in uu ku gubo Tawreed iyo Baybalka Stockholm. "Hadda way faraxsanaan karaan", ayuu yiri.

    Alloush ayaa sheegay in uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Suuriya, balse uu Sweden ku nool.

  15. Nin dil argagax leh ka geystay xerada qaxootiga Xagardheere.

    Fal ay si weyn uga argagaxeen dad badan ayaa maalin ka hor ka dhacay xerada qaxootiga ee Xagardheer, kaddib markii nin dhalinyaro ah uu masaar ku dilay wiil yar oo uu abti yahay, isagoo si xun u dhaawacay walaashii oo ah hooyada dhashay wiilka yar.

    Weerarkaas waxaa sidoo kale ku dhintay canug ay caloosha ku siday gabadha dhaawaca ah. Qoyska wiilkaas ayaa sheegay in todobaadyo ka hor laga soo daayay xabsi balse aanay ku ogeyn xanuun dhanka maskaxda ah oo uu caadi ahaa.

    Maryan Cabdi Xuseen waa hooyada qoyskaas ay dhibaatadu ku dhacay, oo waxa ay dhashay wiilka wax dilay iyo gabadha dhaawaca ah. BBC-da ayay la wadaagtay sida ay wax u dhaceen.

  16. Galmudug oo sheegtay inay ay Al-Shabaab ka saari doonto deegaannada ay ku harsan yihiin.

    Dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegatay dagaallo xooggan oo ay ciidamadeeda maalmihii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan Galmudug kula galeen Al-Shabaab.

    Maamulkaas ayaa sheegay in qorshuhu yahay in todobaadyada soo socda Al-Shabaab laga saaro deegaannada ay uga harsan yihiin Galmudug, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Abshir Cabdi Shiiqoow.