You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo ku dhow in ay ka mid noqoto Dallada Bulshada Bariga Afrika

Tebinta tooska ah ee BBC Somali News

Tebin toos ah

  1. Sidee loo sugayaa amniga madaxweynaha inta uu joogo Galmudug?

  2. Dad waayeello ah oo lagu garaaco xarunta xannaanada

  3. Wasiirka cadaaladda Soomaaliya oo raali galin bixiyay

    Wasiirka cadaaladda iyo dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa raali galin ka bixiyay kulankii golaha shacabka ee Sabtidii uu ka ballansanaa isla markaana uu dib uga dhacay.

    Baarlamaanka ayuu hor geeyay hindise sharciyeed kadibna waxaa la sheegay in uu iska baxay isagoon wax sharraxaad ah wasiirku ka bixin sharcigaas iyo ujeedka laga lahaa.

    Xasan Macallin oo maanta hadal kooban ka horjeediyay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sababta dib u dhaca keentay ku sheegay in maalintaas looga yeeray shir amniga qaranka looga arrinsanayay sidaa darteedna uu waqtigii ka soo dib dhacay.

    Golaha shacabka ayaa qaarkood arrintaa ku tilmaamay dhaqan aan habbooneyn, iyagoo soo jeediyay in codka kalsoonida loo qaado wasiirka, balse qaar kale ayaa iyaguna soo jeediyay in xaaaladda aan cirka lagu shareerin oo si deggan loo maareeyo.

  4. Muxuu yahay hawlgalka ka dhanka ah ajaaniibta ee ka socda Turkiga?

  5. Jeelka Cimran Khan ku xiranyahay oo laga walaacsanyahay

    Qareennada u doodaya ra'iisal wasaarihii hore ee Pakistan Cimran Khan ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay racfaan ka qaataan maanta maxkamadda sare ee dalkaas.

    Waxay sheegeen in wax isdabamarin ay ka dhaceen xukunkii Sabtidii lagu riday Cimran Khan, kaasoo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu diiwaan geliyo lacagaha laga helay iibinta hadiyadaha dowladda.

    Kooxda qareennada ee ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay ammaankiisa xabsiga. Maamulka xabsiga ayaan ka jawaabin walaacaas.

  6. Hoggaamiyaasha afgambiga kula wareegay Niger oo tillaabo cusub qaaday

    Hogaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa xiray hawada dalkaasi ilaa amar dambe,iyaga oo sabab uga dhigay hanjabaad faragalin milatari ah oo kaga imanaysa deriskooda.

    Shabakadda dabagalka duulimaadka ee Flightradar24 ayaa muujineysa in hadda aysan jirin wax diyaarad ah oo isticmaalaya hawada Niger.

    Kooxda Galbeedka Afrika ee Ecowas, ayaa mar sii horreysay ka digtay inay awood u adeegsan karto haddii aan Madaxweyne Maxamed Bazoum dib loo soo celin.

    Afhayeen u hadlay militariga ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Niger ay diyaar u yihiin inay difaacaan dalka.

    Mr Bazoum ayaa la xiray 26-kii Juulay, iyadoo Gen Abdourahmane Tchiani, oo ahaa taliyaha ilaalada madaxtooyada, uu markii dambe ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger.

    Afgambiga Niger ayaa waxaa cambaareyay qaar ka mid ah dalalka caalamka, oo u uku jiro Faransiiska oo gumeystay dalkaas Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo Mareykanka.

  7. Wiilka qoyskiisu aysan Muslim ahayn ee ku guuleystay tartanka Qur'aanka Kariimka

  8. Shan faa’iido uu maraqu u leeyahay caafimaadka

    Maraqa ayaa ah mid caan ka ah maqaayadaha iyo xaafadaha Soomaalida, wuxuu ka mid yahay cuntooyinka maalinlaha ah.

    Maraqa waxaa inta badan laga sameeyay lafaha ama hilib si fiican loo kariyay gaar ahaan kuwa lo'da , ariga, digaagga ama idaha.

    Soomaalida qaar maraqa waxay u adeegsadaan caafimaad ahaan gaar ahaan marka uu qofku hergebka ku dhaco.Halkaan ka sii aqriso

  9. Haweeney fal cajiib ah ku sameysay tuug gaajeysan oo gurigeeda usoo dhacay

  10. Dagaalka Itoobiya oo sii xoogeystay

    Dagaallada ayaa sii xoogaysanaya oo ku fidaya gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya kuwaas oo u dhaxeeya maleeshiyaad deegaanka ah iyo militariga.

    Dadka ku nool labada magaalo ee ugu waaweyn gobolka, caasimadda Bahirdar iyo Gonder oo ah magaalooyin taariikhi ah ayaa soo sheegaya iska horimaadyo xooggan.

    Dhaqdhaqaaqayaasha iyo warbaahinta xiriirka la leh maleeshiyaadka ayaa sheegaya in ay la wareegeen qeybo ka mid ah xarunta gobolka balse waxa ay sheegayaan in ciidamo badan ay ku sugan yihiin agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada iyo xarunta TV-ga dowladda.

    Duulimaadyadii saddex magaalo oo gobolka ah, oo ay ku jirto Lalibela, ayaa wali hakad ku jira. Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale sheeganaya inay maamulayaan magaalooyin dheeri ah oo ay ku jiraan qaybo badan oo ka mid ah Debrebirhan, oo ah xarun warshadeed oo 130-km waqooyi ka xigta caasimada dalka ee Addis Ababa.

    BBC-da uma aysan suurtagelin in ay si madax banaan u xaqiijiso sheegashadaas balse dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaal culus uu dhacay.

  11. Goormuu billaabanayaa dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee deegaannada Galmudug?

    Magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta maamulka Galmudug waxaa ka socdo kulmo u dhaxeeya madaxwweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaa ku sugan, mas'uuliyiinta maamulka, wax garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

    Kulamadaan ayaa looga hadlayaa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo mas'uuliyiinta Galmudug ay sheegeen in dhawaan uu billaaban doono.

    Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa BBC-da u sheegay in maalmaha soo socda ay ciidamada dowladda kuwa Galmudug iyo dadka deegaankuba ay ku wajahanyihiin magaalada Ceelbuur ee goblka Galgaduud oo ku jirta gacanta Al-shabaab.

  12. Elon Musk oo sheegay in dagaalka dhexmari doona isaga iyo Mark Zuckerberg toos looga daawan doono Twitter ka oo hadda loo bixiyay X

    Milkiilayaasha X iyo Meta ayaa tan iyo bishii June hawada isu marinayay hadallo uu midba midka kale ku weerarrayay.

    “Dagaalka Zuck v Musk waxa toos looga daawan doonaa X. Lacagaha ka soo xarooda waxa lagu sadaqaysan doonaa halyeeyda,” ayuu ku yiri Musk qoraal uu soo dhigay bartiisa X aroornimadii hore ee saaka, isagoon faahfaahin intaa ka badan bixin.

    Aroornimadii hore ee Axada waxa uu sheegay Musk inuu qaadayay miisaan culus si uu isugu diyaariyo dagaalka uu la galayo Mar Zuckerberg.

    Qof ku waydiiyay Musk bartiisa X waxa uu dagaalka ula jeedo, waxa uu yiri “ waa hab dagaal oo ilbax ah. Ragu dagaalka waa jecel yahay”.

  13. WAR DEGDEG AH: 24 qof oo ku dhintay shil wado oo ka dhacay wadanka Marooko

    Shil wado oo ka dhacay dhulka miyiga ah maanta oo Axada ayaa keenay dhimashada 24 qof sida ay sheegtay wakaaladda warrarka u faafisa dalka Marooko.

    Shilka oo ka dhacay gobolka Azilal oo qiyaastii 310 km u jira caasimadda Rabat, ayaa gaari kuwa xamuulka ah oo ay la socdeen tukaanley deegaanka ah, waxa uu jiiray suuq todobaadle ah oo ku yaala gobolka sida ay ku soo warantay wakaaladda warrarka ee Reuters.

  14. Gantaal Ruushku riday oo ku dhacay xarun dhiig bixin oo ku taala Ukraine

    Gantaal nooca la hago ah ayaa ku dhacay xarun dhiig bixin oo ku taala woqooyiga bari ee dalka Ukraine sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dawladda, waxana ku dhintay labo qof, iyadoo afar kalena ay ku dhaawacmeen.

    Madaxweynaha UkraineVolodymyr Zelenskyayaa bartiisa soo dhigay sawirka dhisme uu dab ka kacay kaddib weerarkii xalay ee Kupiansk oo ka tirsan gobolka Kharkiv.

    “Kan kaligii ayaa ah dambi dagaal, waana gardarrada Ruushka,” ayuu yiri.

    Ruushku kama hadlin dhacdadaas, horey ayuuna u diiday eedaymaha noocaas ah ee lagu bartilmaameed saday rayidka ama dambi dagaal.

    BBC-du ma xaqiijin warkan.

  15. WAR DEGDEG AH: 30 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Pakistan

    Ugu yaraan 30 qof ayaa dhintay, 100 kalena way dhaawacmeen kaddib markii uu shil tareen ka dhacay Koonfurta dalka Pakistan sida saraakiisha dawladda ay sheegeen.

    Shilka ayaa ka dhacay goob ku dhaw boosteejada laga raaco tareenada Nawabshah oo 275km u jirta magaalada weyn ee Karachi.

    Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyay isbitaallada ku dhaw halka mashaqadu ka dhacday.

    Shaqaalaha gurmadka ayaa isku dayaya inay dadka ka soo saaraan burburka tareenka.

    Kooxaha gurmadka ee ciidamada ayaa iyana laga codsaday gacan si loo kordhiyo hawllaha badbaadada ee halkaasi ka socda.

    Xaalad degdeg ah ayaa looga dhawaaqay isbitaallada ku dhaw Nawabshah iyo degmooyinka ku dhawdhaw.

  16. Ilaalada xeebaha Talyaaniga oo sheegay in ay dageen labo doon oo siday 90 ruux oo tahriibayaal ah

    Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in ay heleen meydka haweeney Afrikaan ah iyo canugeeda kadib markii labo doonyood oo ay la socdeen sagaashan qof oo tahriibayaal ah ay ku degeen jasiiradda Lampedusa.

    57 qof ayaa la soo badbaadiyay balse in ka badan sodon kale ayaa la la’yahay.

    Dad ka badbaaday shilkan ayaa warbaahinta Talyaaniga u sheegay in doonyahaasi ay ka soo ambabaxeen dekedda Sfax ee dalka Tunisia.

    In ka badan laba kun oo muhaajiriin ah ayaa gaaray Lampedusa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

  17. Filinka uu Cali dheere dhigay ee 50 sano ka dib weli la hadal hayo

    Iyadoo sanadkii 1973-ki uu soo baxay filimkii Bollywood-ka ee Abhimaan, oo ay hogaamiyaal ka ahaayeen xiddigga Amitabh Bachchan oo ay Soomaalidu u taqaan Cali dheere iyo xaaskiisa Jaya, oo 50-sano jirsaday sanadkan, ayey BBC-du baaritaan ku sameysay soo jiidashada aan gaboobeyn iyo saameynta filimkan.

    Amitabh Bachchan ayaa caan ku ah doorkii uu ku lahaa filinkii wiilka careysan ee Bollywoodka isaga oo wax ka jilay aflaam caan ah sida Deewar, Zanjeer iyo Sholay.

    Laakiin qaar badan ayaa u arka Abhimaan oo loola jeedo (Qabweynan) - riwaayada muusiga ee ku saabsan jilicsanaanta cilaaqaadka aadanaha - inay ka mid yihiin doorkiisa ugu wanaagsan ee uu ka ciyaaro filimanta.

    Jilaagan ayaa ku jilaya heesaa caan ah oo xaaskiisa cusub ku qanciya inay masraxa kula soo biirto, balse qabkiisa ayaa dhaawacmaya, Maseyr ayaana ka tan badinaya ka dib markii ay kaga fiicnaatay heesaha. Halkan kasii akhri

  18. Wiil aabbihiis oo madaxweyne ah ka gudbiyay dacwad musuq-maasuq

    Nicolás Petro, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Colombia, ayaa u xaqiijiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta in lacag sharci darro ah ay gashay ololaha aabihiis.

    Nicolás Petro, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro, ayaa aqbalay Khamiistii eedeymaha tayeynta sharci darrada ah, wuxuuna bixiyay macluumaad ku saabsan maalgelinta aan joogtada ahayn ee lagu eedeeyay ololihii madaxtinimada ee aabihiis, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay.

    "Mr. (Nicolás) Petro Burgos waxa uu bixiyay macluumaad arrintaasi la xiriira oo ilaa hadda xafiiska Xeer-ilaalintu aysan ka warqabin," ayuu yiri dacwad-oogaha gacanta ku haya kiiska, Mario Burgos.

    Waxaa ka mid ah, maalgelinta ololihii hore ee madaxtinimo ee madaxweynaha hadda talada haya iyo lacagtii ololaha lagu galay, oo sida muuqata ka gudbi lahayd xadka ugu yar ee sharciga.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa diiwaangelisay tan iyo bishii Maarso, markii lasoo bandhigay cabasho la xiriirta qaar ka mid ah kharashaadka iyo hantida Petro Burgos, kuwaas oo sida uu sheegay xafiiska xeer ilaalinta aad qaali u ahaa in lagu maalgeliyo mushaharka ku xigeenka waaxda.

    "Wiilkeygu wuu arki doonaa, waxa kaliya ee aan ku talin karo waa runta, ha u jilbo dhul dhiganin dambiilaha," ayuu yiri madaxweynaha.

    Maalgelinta ololaha madaxweyne Gustavo Petro, oo ku guuleystay doorashadii 2022, ayaa dad kala duwan oo ku dhow madaxweynaha ay su’aalo iska weydiiyeen.

    Golaha doorashooyinka qaranka ayaa hore u furay baadhitaanka ololaha Petrista ee dakhliga iyo kharashaadka oo sida muuqata aan loo sheegin hay'adaha rasmiga ah.

  19. Maryam Shetty gabadhii loogu hambalyeeyay wasiirnimada ee haddana laga saaray ayaa tiri "waxay ahayd qadar Alle"

    Haweeneyda uu Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu magaceeda ka saaray liiska magacyada uu u diray Baarlamaanka si ay u go’aamiyaan in ay wasiiro ka noqdaan dowladiisa, Dr. Maryam Shetty ayaa sheegtay in ay qaddar tahay sababta magaceeda meesha looga saaray.

    Fariin dheer oo ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayay Maryam Shetty ku sheegtay in aysan muujin karin sida ay ugu faraxsan tahay markii ay magaceeda ku aragtay liiska dadka doonaya in loo magacaabo wasiirada dalka.

    Taasina, sida ay sheegtay, waa calaamad muujinaysa in Nigeria ay diyaar u tahay inay hubiso mustaqbalka wanaagsan ee haweenka, gaar ahaan dhalinyarada iyada oo kale ah.

    Si kastaba ha ahaatee, Dr. Shetty ayaa sheegtay in masiirka ay rajaynaysay ee ahaa mid wax ku ool ah uu saameeyay in magaceeda laga saaro liiska.

    Waxay tidhi, “Dadka qaar baa u arka arrinkaas dib-u-dhac igu yimi, laakiin Muslim ahaan, waxaan u arkaa go’aan Eebbe ka yimid, oo cidda uu doono siiya awoodda, iyo markuu doono”.

    Waxa ay sidoo kale intaasi ku dartay in iyadoo ay taasi jirto ay aad ugu mahadcelineyso Madaxweyne Bola Axmed Tinubu oo u horay u magacaabay balse dib kaga laabtay.

    Dr. Maryam ayaa sidoo kale sheegtay in taasi aysan niyad jabin, sababtoo ah sida ay sheegtay waxaa ka buuxa dhiirigelin ay ugu adeegto dalkeeda.

    “Waxaan rabaa in aan taageerayaashayda u caddeeyo in aanay taasi dhammaanayn, hadda ay bilaabatay, markaa fadlan sii wad in aan u ducayno dalkeena oo aan u hiilino madaxweynahayaga.

    Arbacadii, Madaxweynaha dalka ayaa u diray magacyada 19 qof oo ay ku jirto Dr. Maryam Shetti baarlamaanka qaranka si loo soo saaro wasiiro.

    In magaca Shetty la geliyo liiska ayaa dood kulul ka dhalisay baraha bulshada gaar ahaan dhanka waqooyi ee dalkaasi, iyadoo magaceeda la yaab ku noqotay dad badan.

  20. Filim Jaceyl ah oo ay jilayaan wiil uu Imaam Soomaali ah dhalay iyo gabadh uu baadari dhalay

    Waxaa magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka lagu soo bandhigay filim cusub oo laga sameeyey qiso jacayl ah oo dhexmaraysa wiil Soomaali ah iyo Gabadh caddaan ah.

    Filmkan ayaa waxaa loogu magic daray First Person Plural.

    Qisada filimka ayaa ah mid laga eegayo xiriirka dhexmari karo laba qof oo kala diin ah, gaar ahaan Muslimiinta iyo Masiixiyiinta.

    Sheekada ayaa waxa laga jilay xiriir jaceyl ah oo dhexmaray wiil uu dhalay sheekh imaam ka ah Masjid oo asalkiisu yahay Soomaali iyo gabadh uu dhalay Baadari. Halkan kasii akhri