Malabka
iyo dawooyinka dabiiciga ah ee aysan dhaqaatiirta soo qorin ayaa ku habboon in
marka ugu horreysa loo isticmaalo la tacaalidda qufaca, sida ay muujineyso talo
cusub oo ka soo baxday khubarada.
Xeel
dheerayaasha dhinaca caafimaadka ayaa sheegay in daawooyinka qallajiyaha ee loo
yaqaanno Antibiotics-ka ee ay soo qoraan dhaqaatiirta ay si dhif ah
wax uga qabtaan qufaca, sababtoo ah inta badan saameyntooda ayaa ah mid aad u
yar.
Inta
badan qufaca ayaa qofka uga dhammaada si iskiis ah markii uu socdo muddo labo
ilaa saddex usbuuc ah.
Taladan
cusub oo dhaqaatiirta kale xitaa ku boorrisay in ay Malabka tixgalin siiyaan
ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo dhibaatooyinka ka dhasha dawooyinka
qallajiye-ahaanta loo adeegsado.
Noocyo
badan oo ka mid ah dawooyinkaas ayaa marka dambe sababa in uu jirka iska
caabbin ku sameeyo oo ay wax tar la'aan noqdaan.
In si
xad dhaaf ah loo isticmaalo qallajiyeyaasha ayaa waxaa ka dhasha caabuq ay adag
tahay in si fudud loo daaweeyo, kaasoo abuura unugyo ka hor taga falgalka
dawada.
Biyo kulul oo lagu qaso Malab - oo inta badanna lagu daro
liin dhanaan iyo sanjabiil - ayaa aad looga yaqaannaa in guryaha laga
isticmaalo, si loogu daweeyo qufaca iyo xanuunnada yar yar ee ku dhaca dhuunta.
Talo soo jeedintaan cusub oo ay si wada jir ah u soo
saareen khubarada Machadka qaran ee caafimaadka iyo xannaanada waddanka
Ingiriiska iyo waaxda caafimaadka dadweynaha ee (PHE) ayaa lagu sheegay in
dawooyinkaas dabiiciga ah ay ka waxtar badan yihiin kuwa ay dhaqaatiirta soo
qoraan.
Dawooyinka loogu tala galay qufaca ayaysan qudhooda meesha
ka saarin, balse waxa ay hoosta ka xarriiqeen in Malabku uu ku jiro kaalinta
koowaad.