You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israaiil oo cirka ka duqeynaysa Bayruut iyo Tehran iyo Maraykanka oo sheegay in duqeymaha Iiran ay si weyn u kordhi doonaan

Israaiil waxay weerarro cusub ku qaaday Tehran iyo Bayruut, iyadoo ilaalada kacaanka Iiran (IRGC) ay sheegeen inay gantaallo ku rideen Tel Aviv, markii dagaalku uu galay maalintii toddobaad

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, 'Iiraan waxay rejaynaysaa in aanaan awoodin inaan sii wadno arrintan' Pete Hegseth

    Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa hadda bilaabay warbixin ku saabsan khilaafka ka socda Xarunta Taliska Dhexe ee Maraykanka (US Central Command). Wuxuu sheegay in howlgalka Maraykanka ee Iiraan uu “si go’aan leh u socdo”.

    “Iiraan waxay rajaynaysaa inaanan awoodin inaan sii wadno arrintan, taasina waa xisaab aad u khaldan,” ayuu yidhi

    Hegseth ayaa wariyeyaasha u sheegay in Maraykanku uusan “in uusan wax gabaabsi ah oo hubka iyo rasaasta” ku saabsan, isla markaana Maraykanku uu awood u leeyahay inuu sii wado ololihiisa inta uu u baahdo.

    “Waxaan kaliya hadda bilownay dagaalka, waxaana u dagaallamaynaa si go’aan leh,” ayuu intaa ku daray.

  2. War deg deg ah, Trump waxaa jiray “47 sano oo cabsi iyo dhibaato leh” oo lala soo maray Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka hadlay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad, isagoo bixinaya war cusub oo ku saabsan Iiraan.

    Wuxuu sheegay in ciidamada Maraykanka, oo ay weheliyaan Israel, ay “si buuxda u burburinayaan” bartilmaameedyada Iiraan, isla markaana hawlgalku uu ka socdo “si ka horreysa jadwalkii loo qorsheeyay”.

    Trump ayaa sheegay in ay jireen “47 sano oo cabsi iyo dhibaato leh” oo lala soo maray dowladda Iiraan, isagoo ku eedeeyay nidaamkaas inuu waxyeello u geystay shacabka Iiraan ee aan waxba galabsan.

    “Dadkeenna shaqo weyn ayay qabanayaan,” ayuu yidhi Trump.

    Wuxuu intaa ku daray inuu leeyahay qorshe lagu xakameynayo qiimaha shidaalka inta uu khilaafkani socdo. Wuxuu sheegay in qiimaha shidaalku hore u hooseeyay, balse “waxaan ku qasbanaaday inaan qaado leexasho yar”.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku uu “saacad kasta” weerarayo awoodaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone-yada) iyo gantaallada Iiraan.

    “Sidaas darteed ma haystaan ciidan cirka ah, ma haystaan difaac cirka ah. Dhammaan diyaaradoodii way baaba’een, isgaarsiintoodiina way go’day,” ayuu yiri. “Marka laga reebo taas, si fiican bay u socdaan.”

  3. War deg deg ah, Diyaarad Faransiis oo muwaadiin kasoo qaadi rabtay Dubai oo dib u noqatay cabsi darteed, Nick Beake - Wariye qaabilsan Yurub oo ka soo waramaya Dubai

    Waxaan maqalnay in diyaarad Faransiis ah oo ku sii jeeday Bariga Dhexe si ay muwaadiniinteeda usoo daad gureyso lagu qasbay inay noqoto ka hor inta aysan gaarin sababtoo ah rasaas gantaallo ah oo ka dhacaysa gobolka.

    Wasiirka Gaadiidka Faransiiska, Philippe Tabarot, ayaa sheegay in duulimaadka Air France ee qorshuhu ahaa inay soo qaado muwaadiniinta Faransiiska ee ku sugan Imaaraatka Carabta.

    Mr Tabarot ayaa yidhi in ku noqoshada diyaaradda Faransiiska ay muujineyso xasilooni-darrada gobolka iyo sida ay u adag tahay in si nabad ah loo fuliyo howlaha dib-u-soo-celinta muwaadiniinta.

    Caawa, digniino cusub oo taleefan ah ayaa loo diray dadka ku sugan Dubai, iyagoo ka digaya rasaasta Iiraan ee soo socota. Digniintii ayaa markii dambe la qaaday.

    Madaxda Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in lix gantaal Iiraan ah iyo in ka badan 100 drone la qabtay Khamiistii. Lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac culus ah.

  4. War deg deg ah, Safaaradda Maraykanka ee Kuwait oo joojisay howlaheeda

    Maraykanku wuxuu joojiyay howlaha safaaradiisa caasimadda Kuwait, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka qoraal ay soo saartay.

    Inkastoo aan la soo sheegin wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha Maraykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in badbaadada Maraykanka ku sugan dibadda ay tahay mudnaanta koowaad.

    “Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Kuwait waa inay ka baxaan dalka, haddii ay si nabad ah u samayn karaan, iyagoo adeegsanaya gaadiid ganacsi ama habab kale oo la heli karo. Muwaadiniinta Maraykanka ee aan ka bixi karin waa inay meel gabaad ah tagaan,” ayay ku dartay warbixintu

  5. War deg deg ah, “Xitaa caano umasoo qaadin ilmaha,” hooyo lagu qasbay inay ka cararto gurigeeda Beyruut duqeymaha dartood, Alice Cuddy - Kasoo warramaysa Beyruud

    Beyruud haddeer waa u habeennimo, waxaanan la hadlaayay dad seexanaya waddooyinka dhinacyadooda iyo gawaaridooda ka dib markii lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda ku yaalla xaafadaha koonfureed ee magaalada.

    “Caawa gaarigeenna ayaan ku nagaaneynaa. Meel kale ma jiro. (Meelahii) gabaadku way buuxsameen,” ayuu yidhi nin isagoo qoyskiisa kula shishaynayay waddada dhexdeeda ee bartamaha Beyruud.

    Dhinaca kale, haweeney 23-jir ah oo aan la fariisatay gabadheeda laba bilood jirka ah ayaa iii sheegtay inay si degdeg ah usoo carartay kadib markii Israel ay soo saartay amar aan horay loo arag oo ku amray boqollaal kun oo qof inay ka baxaan guryahooda.

    “Kaliya xafaayado ayaan keenay. Xitaa caano ma keensan,” ayay tiri, iyadoo intaa ku dartay inay ka walwalsan tahay waxa habeenku keeni doono.

    Haweeney kale oo ku sugneyd beerta, oo ka timid Dahieh oo ah xarun ay xoog ku leeyahiin kooxda Hezbollah ee taageerta Iiraan ayaa ooyday markay ka hadashay cabsi ay ka qabto waxa dhacaya.

    “Waxaan la qabsaday dhawaaqa [bambaanooyinka] guriga. Ma doonayn inaan ka tago,” ayay tiri Monira Hassan.

    “Ma garanayo waxa aan mar kale dhihi karo. Kaliya waxaan rabay inaan guriga ku sii nagaado.”

    Qaar kale waxay muujiyeen taageeradooda Hezbollah, iyadoo nin sheegay inuusan ka baqayn inuu dhinto si uu “u difaaco una ilaaliyo dhulkayaga.”

  6. War deg deg ah, Israel oo sheegtay inay “u gudbayso wejiga xiga ee howlgalkooda” ka dhanka ah Iiraan

    Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay in ay “u gudbayaan wejiga xiga ee howlgalkooda” ka dhanka ah Iiraan, isaga oo ku adkeeyay inay “sii burburin doonaan nidaamka iyo awoodihiisa milatari”.

    Taliyaha guud ee IDF, Lt Gen Eyal Zamir, ayaa sheegay in Israel iyo Maraykanku ay “si istiraatiiji ah u go’iyeen Iiraan” isla markaana ay geeyeen meel daciifnimo ah “aan hore loo arag”.

    Wuxuu sheegay in muddo lix maalmood ah Israel ay “weeraraysey Iiraan iyada oo aan hakad galin” iyo in “howlgalku uu socdo xawaaraha aan qorsheynay inuu ku socdo”.

    Wuxuu qoraalkiisa ku yidhi: “Ka dib marka aan dhameystirno wejigii weerarka lama filaanka ahaa, kaas oo aan ku xaqiijinay sareynta cirka iyo inaan joojinnay nidaamka gantaallada, hadda waxaan u gudbaynaa wejiga xiga ee howlgalkiisa.

    “Wejigan, waxaan sii burburin doonaa nidaamka iyo awoodihiisa milatari. Waxa jira lama filaan kale oo horey noo sugaya oo aanan damacsaneyn inaan shaaciyo.”

    Qoraalkiisa ayaa sidoo kale u gudbay xaaladda Lubnaan, isagoo sheegay in Hezbollah ay sameysay “khalad istiraatiiji ah” markii ay ku biirtay dagaalka, ayna Israel “weerararo xoog leh ka wado, khadka hore iyo gudaha Lubnaan”.

  7. War deg deg ah, Kuwait oo wajahaysa weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo cusub

    Ciidanka Kuwait ayaa saacadihii ugu dambeeyay sheegay in nidaamyadooda difaaca cirka ay la tacaalayaan weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ku jira hawada dalka.

    Dhawaqyada laga maqlayo meelo ka mid ah Kuwait waxay ka imanayaan difaacyada cirka oo soo ridaya gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, ayay ciidanku ku sheegeen qoraal la turjumay oo lagu daabacay X.

  8. War deg deg ah, Ku dhowaad 1,000 markab oo ku xanniban agagaarka marin-biyoodka Hormuz

    Ururka Lloyd’s Market Association (LMA), oo matala shirkadaha caymiska ee ka shaqeeya suuqa caymiska ee London, ayaa soo dhaweeyay ka-qaybgalka Mareykanka si loo taageero dhaqdhaqaaqa maraakiibta aan saarnayn cunaqabataynta ee maraya marin-biyoodka Hormuz, iyagoo sheegay in marin ammaan ah uu muhiim u yahay ganacsiga caalamiga ah iyo xasilloonida dhaqaalaha.

    Talaadadii, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ciidanka Badda ee Mareykanka ay ilaalin doonaan maraakiibta ku sugan Bariga Dhexe “haddii loo baahdo”, wuxuuna sidoo kale ku dhawaaqay inuu amar ku bixiyay in dowladiisu bixiso caymiska khatarta “qiime aad u macquul ah” oo loogu talagalay ganacsiga maraaya Gacanka.

    Neil Roberts, oo ah madaxa waaxda badda iyo duulista ee LMA, ayaa u sheegay BBC Verify in ku dhowaad 1,000 markab kala barna ay yihiin kuwo qaada shidaal iyo gaas ay weli ku sugan yihiin Gacanka iyo biyaha ku xeeran.

    “Inta badan maraakiibtu waxay weli ku xiran yihiin barroosinka, badanaa sababtoo ah walaaca la fahmi karo ee milkiilayaasha maraakiibta iyo kabtanadu ka qabaan badbaadada maraakiibtooda iyo shaqaalahooda,” ayuu yidhi, isagoo intaa ku daray in caymiska “uu weli jiro oo la heli karo”.

    Tan iyo Axaddii, ayuu Roberts sheegay in ku dhowaad 40 markab ay ka gudbeen marin-biyoodka. Xog ka timid shirkadda falanqaynta maraakiibta ee Kpler, oo la baahiyay Arbacadii, ayaa muujinaysa in gaadiidka maraaya marin-biyoodkan uu hoos u dhacay qiyaastii 90% marka la barbar dhigo toddobaadkii hore.

  9. War deg deg ah, Milatariga Iiraan oo faahfaahiyay weerar ay ku qaadeen saldhigga Mareykanka ee Kuwayd

    Milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay weerar lagu qaaday saldhig milatari oo Mareykanku ku leeyahay Kuwait.

    Milatariga Iiraan ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada badda ee dalkaas ay fuliyeen weerar maanta oo Khamiis ah kaas oo lagu qaaday saldhigga Mareykanka ee Al-Adiri ee Kuwait.

    Tan iyo markii uu dagaalku billowday, Iiraan waxay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ku duqeysay goobo kala duwan oo ku yaal waddamada Khaliijka oo ay ku jiraan Baxrayn, Imaaraadka Carabta, Qadar, iyo Kuwait.

  10. Ciidamada Mareykanka oo toogtay nin isku dayay inuu dilo madaxwyne Trump

    Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay in Iran ay isku dayday inay disho madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyada oo intaas ku dartay in ciidamada Maraykanku dileen sarkaal Iiraani ah oo lagu tuhunsanaa inuu hoggaaminayay qorshahaas.

    Xogtan waxaa shaaciyay Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth, isagoo kula hadlayay wariyeyaasha xarunta Pentagon.

    Wuxuu yiri: “Iran waxay rabtay inay disho Madaxweyne Trump, laakiin ugu dambayn Trump ayaa guuleystay.”

    Sanadkii 2024, dowladda Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogtay muwaadin Afgaanistaan u dhashay oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshe la sheegay in Iran ay ka dambeeysay oo lagu doonayay in lagu dilo Trump ka hor inta uusan xilka la wareegin, kadib guushiisii doorashada ee sanadkaas.

    Xeer Ilaaliyihii hore ee guud ee Maraykanka Merrick Garland ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda Cadaaladda ay dacwad ku soo oogtay “qof u shaqeynayay dowladda Iran oo mas’uul ka ahaa inuu amro dambiilayaal si ay u fuliyaan qorshe lagu dili lahaa shaqsiyaad, oo ay ku jiraan Donald Trump.”

    Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa beenisay eedeymahan.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran Esmaeil Baghaei ayaa sheegay in eedo la mid ah oo ku saabsan isku dayo lagu doonayay in lagu dilo hoggaamiyeyaasha Maraykanka hore loo soo jeediyay, balse Iran ay mar walba beenisay, isla markaana markii dambe la ogaaday inay ahaayeen kuwo aan run ahayn.

    Hoos ka akhri xog dheeraad ah

  11. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo weerartay Israa'iil iyo dadka oo loo digay

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay ogaadeen gantaallo kale oo laga soo tuuray Iiraan.

    Bayaan ay milatariga Israa’iil ku daabaceen baraha bulshada ayaa lagu sheegay in nidaamyada difaaca hawadu ay shaqaynayaan si ay u qabtaan gantaallada, isla markaana fariimo digniin ah loo diray dadka ku sugan meelo kala duwan.

    Dadka hela digniintan waxaa lagula talinayaa inay ku nagaadaan meelaha la isku difaaco ilaa ogeysiis kale laga soo saararyo.

    Horey, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa wariyayaasheeda ku sugan Qudus in magaalada laga maqlay codka digniinta ah iyo laba qarax.

  12. War deg deg ah, Iiraan oo iska fogeysay dal loo maleynayay in ay weerartay maanta

    Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan ayaa beeniyay inay diyaarad aan duuliye lahayn ku weerareen Jamhuuriyadda Azerbaijan, iyagoo sheegay in “falalkan ay sameysay Israa’iil si ay u carqaladeyso xiriirka u dhexeeya dalalka Muslimiinta.”

    Sida ay sheegtay warbaahinta Jamhuuriyadda Azerbaijan, dhismaha garoonka diyaaradaha ee Nakhchivan ayaa lagu dhuftay drone Khamiistii maanta.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan ayaa u yeertay safiirka Iiraan kadib weerarkan, halka wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas uu cambaareeyay weerarka drone-ka ee Iiraan, isla markaana uu sheegay in dalkiisu xaq u leeyahay inuu ka jawaabo weerarkan.

    Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan ayaa horey sidoo kale u beeniyay inay weerar ku qaadeen deked ku taalla Cummaan iyo inay gantaallo ku rideen Turkiga.

    Hoos ka akhri sheekooyinka la xiriira Bariga Dhexe

  13. Dowladda Iiraan: "Dadkeenna si naxariis darro ah ayaa loo laynayaa"

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Israel inay si ula kac ah u bartilmaameedsanayaan meelaha rayidka ah.

    Afhayeenka wasiirka, Esmaeil Baqaei, ayaa ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa X in duqeymahaasi “saameyn ku yeelanayaan suuqyada caalamka, kordhinayaan qiimaha tamarta, khalkhal gelinayaan lacagaha, isla markaana daciifinayaan awoodda iibsiga ee dadka caadiga ah ee dunida oo dhan”.

    Wuxuu intaa ku daray: “Laakiin annaga oo ah Iiraan, khasaaraha waa mid aan la qiyaasi karin: dadkeennu si naxariis darro ah ayaa loo laayay iyadoo weerarrada si ula kac ah loogu bartilmaameedsanayo goobaha dadka rayidka ah iyo goob kasta oo ay rumaysan yihiin inay keeni doonto xanuun iyo dhimasho badan”.

    Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu baabi'iyo awoodda gantaallada Iiraan iyo kartida ay u leeyihiin horumarinta hubka nukliyeerka.

  14. Qaraxyo xooggan oo ka dhacay caasimadda Iiraan

    Maanta, waa maalintii lixaad ee weerarada Maraykanka iyo Israa’iil ay ku socdaan Iiraan, qaraxyo badan oo ba’an ayaa ka dhacay magaalada Tehran.

    Sawirro cusub ayaa laga soo qaaday weerarada maanta ee Tehran, waxaana laga arki karaa uuro iyo qiiq dhumuc leh oo ka baxaya meelo kala duwan oo caasimadda Iiraan ah.

  15. War deg deg ah, Dowladda Qadar oo baahisay war cusub oo ku saabsan safaaradda Mareykanka ee dalkeeda

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qadar ayaa sheegtay in dadkaas si ku meel gaar ah loogu raray meel kale. Bayaan ay ku daabacday barteeda X- ayaa lagu yiri: "Tallaabooyinka ka hortagga ah awgood, hoy ku habboon ayaa loo sameeyay."

    Tallaabadan ayaa timid kadib markii safaaradaha Mareykanka ee Sacudi Carabiya iyo Kuwait, iyo qunsuliyada Mareykanka ee Dubai, ay bartilmaameed u noqdeen weerarro diyaarado aan duuliyaha lahayn) toddobaadkan.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale digniin siisay muwaadiniinteeda toddobaadkan inay isla markiiba ka baxaan Bariga Dhexe, iyadoo duulimaadyo badan oo ka imanaya gobolka la joojiyay ama la hakiyay.

    Dowladda Mareykanka ayaa diyaarinaysa duulimaadyo khaas ah oo ay ku soo qaadayso muwaadiniinteeda ku sugan Imaaraadka Carabta, Sacudi Carabiya, iyo Jordan, sidoo kalena waxay caawinaysaa dadka ku xayiran meelo kale oo gobolka ah inay helaan tigidhada diyaaradaha ganacsiga.

    Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in qiyaastii 17,500 oo muwaadiniin Mareykan ah ay kasoo noqdeen Bariga Dhexe tan iyo 28-ka Febraayo.

    Hoos ka akhri sheekooyinka cusub ee la xiriira colaadda Bariga Dhexe

  16. War deg deg ah, Dad ajaanib ah oo ku dhaawacmay Imaaraadka kadib weerar halkaa ka dhacay

    Saraakiisha Imaaraadka ayaa sheegay in lix qof oo ajaanib ah ay ku dhaawacmeen dhagax ama qashin dhulka ka soo dhacay laba goobood oo kala duwan, ka dib markii nidaamyada difaaca hawada ay joojiyeen diyaarado aan duuliyaha lahayn.

    "Shilkan waxa uu sababay dhaawacyo fudud oo dadkaasi soo gaaray iyadoo lixda ay u dhasheen dalalka Pakistan iyo Nepal," sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta Imaaraadka.

    Hoos ka akhri sheekooyinka kale

  17. War deg deg ah, Dal Afrikaan ah oo ku dhawaaqay inuu doonayo in Mareykanka iyo Iiraan uu dhexdhexaadiyo

    Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu kaalin hoggaamineed ka ciyaaro xallinta qalalaasaha Bariga Dhexe, taasoo waafaqsan mas’uuliyadaha caalamiga ah ee Koonfur Afrika ka saaran arrimaha sida khilaafaadka, isbeddelka cimilada, sinnaan la’aanta iyo saboolnimada, sida ay ku warrantay warbaahinta madaxa-bannaan ee The Citizen.

    “Koonfur Afrika mar walba waa diyaar inay dhexdhexaad ka noqoto Iran iyo Maraykanka khilaafka sii xumaanaya,” ayuu madaxweynuhu yiri.

    “Haddii fursad timaado ama haddii naloo baahdo, diyaar ayaan nahay, waxaanu nahay dal caalami ah, markaa waxaan qaadi karnaa kaalinta ay Qaramada Midoobay rabto inaan ka ciyaarno.”

    Ramaphosa ayaa intaas ku daray, “Waxaan si cad u sheegnay inaan rabno joojinta dagaalka ka socda Iran, Israa’iil iyo Maraykanka, waxaan rabnaa in waallidan la joojiyo,” isagoo ku baaqay wadahadal una muujinaya inuu diyaar u yahay inuu la hadlo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

  18. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo weerartay Markab Mareykanku leeyahay

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay bayaan ay ku sheegeen inay bartilmaameedsadeen markab Mareykanku leeyahay oo kuwa saliidda ah.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Ciidanka Badda ee IRGC, markabkaas ayaa maanta lagu bartilmaameedsaday waqooyiga Gacanka Faaris dab ayaana ka kacay.

    IRGC ayaa bayaan ku tiri: "Waxaan hore u sheegnay in, iyadoo lagu saleynayo shuruucda iyo go’aanada caalamiga ah, xilliyada dagaalka, xeerarka maraakiibta ee maraya Gacanka Hormuz ay u adeegayaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Qof kasta waa inuu u hoggaansamaa."

    Dhacdadan weli si madax-bannaan looma xaqiijin, laakiin Hay’adda Ganacsiga Badda ee Ingiriiska ayaa hore u sheegtay in markab saliid siday lagu weeraray xeebaha Kuwait.

    Ururku wuxuu sheegay: "Kabtanka markab saliid siday ayaa sheegay inuu arkay qarax weyn dhinaca dekedda, ka dibna arkay doon yar oo meesha ka baxaysa."

  19. War deg deg ah, Iiraan oo gantaallo cusub ku weerartay Israa’iil

    Ciidanka Difaaca Israa’iil ee (IDF) ayaa sheegtay maanta in nidaamyada difaaca ee dalka ay shaqaynayaan, kadib markii la ogaaday gantaallo cusub oo laga soo tuuray Iiraan.

    Bayaan lagu daabacay kanaalka Telegram ee IDF ayaa lagu sheegay in ciidanku ay ka shaqaynayaan inay qabtaan oo ay burburiyaan khatarta gantaallada.

    Sidoo kale, IDF waxay dadweynaha ku boorrisay inay raacaan tilmaamaha ammaanka ee la siiyo.

    “Dadweynaha waxaa laga codsanayaa inay si masuuliyad leh u dhaqmaan oo ay raacaan tilmaamaha la bixiyo — tilmaamahaasi waxay badbaadiyaan nolosha,” ayay IDF ku tiri bayaanka.

  20. War deg deg ah, Ruushka: Weerarka Iiraan waxaa looga gol leeyahay in lagu abuuro kala qaybsanaan Bariga Dhexe

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa sheegay in mid ka mid ah ujeeddooyinka hawlgalka ay Maraykanka iyo Israa’iil ka wadaan Iiraan uu yahay in lagu abuuro kala qaybsanaan dalalka Bariga Dhexe.

    Lavrov wuxuu intaas ku daray, intii uu ka hadlayay shir miis-wareeg ah oo ay ka qayb galeen safiirro, kaas oo loogu talagalay in lagu falanqeeyo xiisadda Ukraine, arrimaha amniga macluumaadka, iyo khataraha dijitaalka, in ay jiraan khilaafaad ka jira gudaha Maraykanka laftiisa oo ku saabsan ujeeddooyinka dhabta ah ee hawlgalka ka dhanka ah Iiraan.