You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israaiil oo cirka ka duqeynaysa Bayruut iyo Tehran iyo Maraykanka oo sheegay in duqeymaha Iiran ay si weyn u kordhi doonaan

Israaiil waxay weerarro cusub ku qaaday Tehran iyo Bayruut, iyadoo ilaalada kacaanka Iiran (IRGC) ay sheegeen inay gantaallo ku rideen Tel Aviv, markii dagaalku uu galay maalintii toddobaad

Kooban

Tebin toos ah

  1. Tirada Gantaalada ay Iran ku garaacday Imaaraadka oo la shaaciyay

    Wasaaradda Difaaca ee United Arab Emirates ayaa sheegtay in difaacyadeeda cirka ay burburiyeen 172 gantaal tan iyo markii Iiraan weerarro ka bilowday gobolka, taasoo ay kaga jawaabtay duqeymo Maraykan-Israeli ah oo lagu qaaday Tehran.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa sheegtay in tirada guud ee gantaallada ay ahayd 186, 13 ka mid ahna ay ku dhaceen badda, hal gantaalna ay ku dhacday dhulka Imaaraadka.

    Wasaaradda ayaa sidoo kale ogaatay 812 diyaaradood oo drone ah oo Iiraan leedahay, iyadoo 755 ka mid ah ay imaaraadku ku guuleysteen in ay qabtaan, halka 57 ay ku dhaceen dalka.

    Sidoo kale imaaraadka waxay ogaadeen oo burburisay 8 gantaal oo cruise ah, kuwaasoo sababay “waxyeello dadban, saddex dhimasho, iyo 68 dhaawac fudud,” iyo sidoo kale waxyeello ka soo gaartay “kaabayaasha rayidka.”

  2. War deg deg ah, Trump: Iran waxay rabaan wadahadal laakiin waqtiga wuu dhamaaday

    Madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump ayaa ka hadlay xaaladda wada-hadal lala galo dalka iiraan.

    Waxaa uu bartiisa bulshada ku qoray: “Difaacooda cirka, Ciidanka Cirka, Ciidanka Badda, iyo Hogaankooda waa dhammaaday,” isagoo u muuqda inuu ka hadlayo mas’uuliyiinta Iiraan, isagoo ku lifaaqay xiriir u socda maqaal ra’yi ah oo ay daabacday The Washington Post oo cinwaankiisu yahay “The Birth of the Trump Doctrine.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxay rabaan inaan wada hadalno. Waxaan iri ‘Wakhtigu wuu dhamaaday!’”

  3. Muuqaalo dayax-gacmeed oo muujinaya burbur iyo Dab ka kacay goob Shidaal oo Imaaraadka ku taalla,

    Laba muuqaal oo ay hubin iyo xaqiijin ay ku sameysay BBC Verify ayaa muujinaya in dab ka kacay Fujairah Oil Terminal oo ku yaalla xeebta Gacanka Cumaan ee Imaaraadka

    Muuqaalka koowaad waxaa duubay qof darawal ahaa oo marayay waddada wayn ee ag-marta aagga kaydka shidaalka ee xarunta, halka muuqaalka labaad laga duubay xaafad ku dhow, waxaana la arkayaa qiiq iyoo uuro madow oo cirka iska shareeray.

    Shirkadda tamarta ee VTTI, oo maamusha dekedda, ayaa u sheegtay BBC News inay hakisay hawlgallada “tallaabo taxaddar ah oo ka dhalatay xaaladaha ugu dambeeyay,” isla markaana dib loo furi doono “marka ay ku habboonaato.”

    Sawirro dayax-gacmeed oo saaka laga qaaday oo ay qaaday Planet Labs PBC ayaa muujinaya waxyeello gaartay ugu yaraan hal taangi, iyadoo calaamado gubasho lagu arkay agagaarka. Sidoo kale, dayax-gacmeedyada NASA ayaa diiwaangeliyay calaamad kuleyl ah isla goobtaas wax yar kadib 09:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah Talaadadii.

    Fujairah Oil Terminal waxay kaydin kartaa ilaa 1.2 milyan mitir cubic oo shidaal ah, waxayna ka mid tahay goobaha yar ee gobolka ee si toos ah ugu yaalla gacanka Cumaan.

  4. Iiraan oo sheegtay inay dabagal ku hayso Netanyahu iyo goobaha uu shirarka ku qabto

    Mid ka mid ah la taliyayaasah sare ee hogaamiyihii la dilay ee Iran Khamenei, ayaa sheegay in ya dabagal ku hayaan goobaha uu ku sugan yahay ra'i'sul wasaaraha israa'iil Netanyahu.

    La-taliyaha ugu sareeya ee Khamenei ayaa yiri: "Waxaan sidoo kale si buuxda u haynaa dabagalka meelaha uu Netanyahu kulamada ku qabto.”

    Iraan ayaa tan iyo intii la dilay hogaamiyihii ruuxiga ee Iran Cali Khamenei waxa ay sheegayeen in ay bartilmaameedsan doonaan madaxda Israa'iil.

  5. Iiraan oo duqeysay xarumaha mid ka mid ah shirkadaha ugu muhiimsan ee imaaraadka

    Amazon ayaa dabayaaqadii Isniintii ku dhawaaqday in laba ka mid ah xarumaheeda xog-kaydsiga (data centers) ee ku yaalla Imaaraadka si toos ah loola beegsaday diyaarado aan duuliye lahayn , taasoo hakad gelisay adeegyada kaydinta xogaha ee qaybo ka mid ah Bariga Dhexe.

    Shirkaddu waxay sidoo kale ku sheegtay cusboonaysiin lagu daabacay boggeeda kormeerka xaaladda adeegga in xarun ku taalla Baxreyn ay iyaduna waxyeello kasoo gaartay “weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka dhacay meel u dhaw xarunta shirkadda.”

    Amazon ayaa bayaan ku sheegtay in “sababo la xiriira colaadda ka socota Bariga Dhexe, labada qeybood-ba ay la kulmeen waxyeello ka dhalatay weerarro diyaaradaha aan duliyaha lahayn,” taasoo saameysay kaabeyaasha adeegga.

    Waxay intaas ku dartay in weerarradani “sababeen burbur dhisme, carqalad ku timid qalabka tamarta ee kaabeyaasha shirkadda, mararka qaarna ay qasab noqotay in la sameeyo hawlgallo dab-damis ah, taasoo keentay waxyeello dheeraad ah oo dhnaka biyaha ah.”

  6. Iiraan oo maanta mar kale weerartay dalka Qadar

    Sarakiisha militariga Iiraan ayaa sheegay in ay mar kale maanta weerar ku qaadeen saldhigga Mareykanka ee dalka Qadar.

    Wakaaladda warraka ee Tasnim ayaa sheegtay in Ciidamada Iran ay sheegeen in ay maanta bartilmaansadeen saldhigga Al-Udeid ee Mareykanka ee Qatar.

    saldhigan waa mid ka mid ah saldhigyada ugu waawayn ee uu Mareykanka ku leeyahay dalka Qatar.

  7. Iiraan oo soo saartay hanjabaad culus "albaabka Naarta ayaa ku furmaya Mareykanka iyo Israa'iil

    Afhayeenka rasmiga ah iyo ku-xigeenka madaxa xiriirka dadweynaha ee ilaalada kacaanka eeIiraan, Janaraal Cali Maxamed Naa’ini, ayaa sheegay in Ilaalada Kacaanku ay sii wadi doonaan waajibaadkooda iyagoo hoos imanaya hoggaanka Ahmad Vahidi.

    Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim News Agency ayaa ka soo xigatay isaga isheegay in taliyeyaasha ciidamada, guutooyinka iyo cutubyada dagaalka ay u aargudi doonaan dhiigga “shuhadada” islamarkaana ay gaarsiin doonaan “jab waji-gabax leh” cadawga Iiraan.

    Naa’ini wuxuu intaas ku daray in “cadawgu” uu filan karo weerarro joogto ah, isla markaana “albaabbada jahannamo si isa soo taraysa loogu furi doono Maraykanka iyo Israa’iil” iyadoo la casriyeynayo gantaallada.

  8. Waxa aan ilaa hadda ka ognahay xarumaha Nukliyeerka Iran

    BBC Verify ayaa dib u eegis ku samaysay sawirro dayax-gacmeed oo muujinaya burbur cusub oo gaaray xarunta nukliyeerka Iiraan ee Natanz Nuclear Facility.

    Sawirrada, oo ay Isniintii daabacday shirkadda sirdoonka ee Vantor, ayaa muujinaya in saddex dhisme oo ku yaalla xarunta ku taalla bartamaha Iiraan la beegsaday.

    Falanqaynta Vantor waxay sheegtay in dhismayaashaas la xiriireen “gelitaannada shaqaalaha iyo gaadiidka ee xarunta dhulka hoostiisa ku taal ee kobcinta shidaalka nukliyeerka.”

    IHay'adda quwadda Atoomikada ee (IAEA) ayaa samaysay qiimeyn la mid ah, iyadoo intaas ku dartay in “aan la filayn wax saameyn shucaac ah.”

    Sawirradii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale muujinaya burbur hore oo ka dhashay duqeyn cirka ah oo uu Maraykanku fuliyay sannadkii hore, markaas oo dhowr xarumood oo nukliyeer ah oo Iiraan ku yaalla lagu beegsaday hawlgal Maraykan ah oo loo bixiyay Operation Midnight Hammer.

  9. Ciidamada Israel ayaa duulaan dhulka ah ku qaaday koonfurta Lubnaan

    Ciidamada Israa’iil ayaa maanta u dhaqaaqay aag xuduudeed oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegeen ilo milatari.

    Isha, oo codsatay in aan la shaacin magaceeda, ayaa sheegtay “in ciidamada Israa’iil ay weerar dhulka ah ka soo qaadeen dhanka Kfarkela iyo bannaanka Khiam,” oo ku dhow xadka Israa’iil, isaga oo muujiyay cabsi ah in “Israa’iil ay doonayso inay sameysato sxeen-daab amni oo ballaaran” koonfurta dalka.

    Wasiirka Difaaca Israa’iil ayaa amar ku siiyay askartiisa inay “horay u sii socdaan oo ay la wareegaan” goobo cusub oo ku yaalla Lubnaan, iyadoo ay jirto xiisad sii kordheysa.

  10. Magaalooyiinka Iran ee la weeraray saacadihi u dambeeyay iyo khasaaraha

    Sida lagu soo warramayo, weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay ku hayaan magaalooyin kala duwan ayaa weli socda.

    Saacadihii la soo dhaafayna qaybo kala duwan oo ka mid ah Iiraan ayaa bartilmaameed u noqday mowjad cusub oo weerarro ah, kuwaas oo ay ku jiraan Tehran, Pardis, Parchin, Bushehr, iyo Urmia.

    Sida uu sheegay Maamulka Gobolka Isfahan, saddex qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarrada maanta.

  11. War deg deg ah, Israa’iil oo weerartay Xafiiska Madaxweynaha Iiraan

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inay weerareen Xafiiska Madaxweynaha ee Iiraan

    Waxaan helnay war cusub oo ka yimid ciidanka Israa’iil oo sheegaya in ciidamadooda cirka ay garaaceen xarunta hoggaaminta nidaamka Iiraan.

    Bayaan ay soo dhigeen Telegram, ciidanka IDF waxay ku sheegeen in “hub fara badan” lagu riday Xafiiska Madaxweynaha iyo Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka ee Iiraan.

    Waxay intaa ku dareen in hay’ad tababar milatari iyo “kaabayaal muhiim ah oo kale oo nidaamka ah” sidoo kale la garaacay.

    Hoggaamiyihii hore ee Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa la sheegay inuu isticmaali jiray xaruntaas, sida ay IDF sheegtay. Khamenei ayaa la dilay xaruntiisa intii lagu jiray weeraro ay wada qaadeen Maraykanka iyo Israel dhammaadkii toddobaadkan.

  12. Iiraan : Magacyada magaalooyinka ay weli duqayntu ku socoto

    Weerarada Israa’iil iyo Maraykan ay ku hayaan magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Iiraan ayaa weli socda.

    Sida ay wararku sheegayaan, weerarada Maraykanka iyo Israa’iil ee ka socda magaalooyin kala duwan ayaa sii socday, waxaana saacadihii la soo dhaafay qaybo kala duwan oo Iiraan ah ay noqdeen bartilmaameed mowjad cusub oo weerarro ah, oo ay ku jiraan Tehran (Pardis iyo Parchin), Bushehr, iyo Urmia.

    Sida ay sheegtay Maamulka Gobolka Isfahan, saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay weerar maanta lagu qaaday “meel ku taalla Isfahan.”

    Hoos ka akhri warbixino kale

  13. Sidee ayay dalalka Khaliijku u arkaan colaadda ka dhex aloosan Israa’iil iyo Iiran?

    Marka loo eego jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerarka gantaallada ee Iiraan, dad badanina ay la socdaan isbeddellada suurtagalka ah ee ku yimid isu-dheellitirka awoodda Bariga Dhexe ee u dhexeeya Israa’iil iyo kuwa ka soo horjeeda, waxaa sidoo kale isha lagu hayaa dalalka Carabta ee Khaliijka, kuwaas oo muddo dheer lagu tilmaamay in xiriirkooda Tehraan uu xumaa.

    Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa labo ilo oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in “dawladdaha khaliijku ay fariin u direen Iran, iyaga oo doonaya in ay u xaqiijiyaan dhex dhexaadnimadeeda khilaafka Israa’iil” iyadoo la tixraacayo shir “aan rasmi ahayn” oo ay si wada jir ah u wada yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Khaliijka oo la qabtay Oktoobar 3, oo uu shaaca ka qaaday Xoghayaha Guud ee Golahaas, Jassim Al-Badawi.

    Hoos ka akhri warbixino kale

  14. War deg deg ah, Deked ganacsi oo ku taalla Cumaan oo la weeraray

    Dalka Cumaan, haan shidaal oo ku taalla Dekedda Duqm ayaa lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn (drone), sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Cumaan.

    “Iyadoo waxyeellada la xakameeyay, wax khasaare naf ah lama diiwaangelin,” ayuu yiri ilo amni oo aan la magacaabin.

    Isla dekeddaas ayaa sidoo kale lagu weeraray drones dhammaadkii toddobaadka. Wararka ayaa sheegaya in hal shaqaale ah uu ku dhaawacmay.

    Dalka dariska la ah ee Qatar, soo saarista gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ayaa la joojiyay Isniintii – taas oo qiyaastii ka dhigan shan meelood meel sahayda caalamka – kadib weerarro ay Iiraan ku qaaday qaar ka mid ah xarumaheeda.

    Sacuudi Carabiya ayaa iyaduna hakisay wax soo saarka warshaddeeda sifeynta shidaalka ee ugu weyn dalka.

    Cumaan ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaareysay dhex-dhexaadinta wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan – kuwii ugu dambeeyayna waxay ka dhaceen dalkaas bishii hore, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, uu ku tilmaamay wadahadalladaas “bilow wanaagsan.”

    Hoos ka akhri warbixino kale

  15. Ujeedka Maraykanku ma beddelidda hoggaanka mise beddelidda kacaanka?

    Iyadoo doodaha ku saabsan jihada mustaqbalka ee siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Iran ay sii baahayaan, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in maamulka Donald Trump uu qaadan karo hab la mid ah kii uu ku qaatay Venezuela – qaab ay dhaleeceeyayaashu ku tilmaamaan in uu diiradda saarayo isbeddel xaddidan oo ku yimaada madaxda sare ee qaab-dhismeedka awoodda halkii uu ka ahaan lahaa isbeddel buuxa oo ku yimaada nidaamka siyaasadeed.

    Walaacyadan, oo barbar socda dhaqdhaqaaqyada dibloomaasiyadeed ee cusub iyo wada-hadallada adag ee u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil, ayaa mar kale keentay su'aalo ku saabsan saamaynta uu muuqaalkan noocaas ahi ku yeelan karo dadka Iran iyo xasilloonida gobolka.

    Horraantii sannadka 2026-kii, tallaabo aan horay loo arag oo ka dhacday Venezuela, ciidamada militariga Maraykanka ayaa sameeyay hawlgal ballaadhan laakiin waqti gaaban socday, iyagoo soo xidhay Madaxweyne Nicolás Maduro oo ay keeneen Maraykanka – tallaabadan oo keentay falcelin ballaadhan oo caalami ah, saamaynteeduna siyaasadeed iyo amni waxay dhaaftay xuduudaha Laatiin Ameerika.

  16. Hogaamiyihii la dilay ee Iiraan oo kasii dardaarmay cidda beddelaysa iyo sida loo shaqaynayo haddii la dilo

    Wargeyska New York Times ayaa goor hore qoray in Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ali Khamenei, uu bilihii la soo dhaafay, uu Xilal ballaaran u dhiibay Sarkaal sare oo dhinaca Ammaanka ka tirsan, Ali Larijani, iyadoo ay sii kordhayso Xiisadda kala dhexeysa Maraykanka iyo suurtogalnimada inay isku dhacaan Millitari ahaan.

    Warbixintu waxa ay ku salaysan tahay waraysiyo lala yeeshay lix sarkaal oo sarsare oo Iran ah oo mid ka mid ahi uu xiriir la leeyahay xafiiska hoggaamiyaha sare ee Iran—iyo saddex xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), iyo sidoo kale dublamaasiyiin hore oo Iran u dhashay iyo warbixinno ay baahiyeen warbaahinta Iran. Saraakiisha iyo xubnaha IRGC ayaa ka hadlay arrimo gudaha ah.

    Marka laga eego dhanka Khamenei waxa uu u xilsaaray Larijani, 67 jir ah, siyaasi ruug-caddaa ah iyo taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka oo hadda madax ka ah Golaha Sare ee Amniga Qaranka, inuu maareeyo faylalka muhiimka ah ee dawladda. Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in saameyntiisa ay si tartiib tartiib ah u balaartay oo ay ka mid tahay kormeerida habka loo maareeyo mudaaharaadyada gudaha, maaraynta isgaarsiinta xulafada sida Ruushka, la macaamilka jilayaasha gobolka oo ay ku jiraan Qatar iyo Cummaan, iyo la socodka wada xaajoodka Nukliyeerka ee Washington.

  17. War deg deg ah, Air France oo joojisay duulimaadkeedii Tel Aviv iyo Dubai

  18. War deg deg ah, Trump oo ‘waxtar la’aan’ dagaalka Iiraan ah ku dhaliilay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska

    Trump ayaa sheegay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Starmer “uusan waxtar lahayn” isla markaana xiriirkoodu “uusan sidii hore ahayn”

    Donald Trump ayaa dhaliilay Keir Starmer doorkiisa ku aaddan weerarrada Maraykanka ee Iiran.

    Isaga oo la hadlayay wargeyska The Sun, Trump wuxuu sheegay in ra’iisul wasaaruhu “uusan waxtar lahayn. Marnaba ma filayn inaan arko taas. Marnaba kama filayn Boqortooyada Ingiriiska.”

    Wareysi taleefan ah ayuu ku daray: “Waa murugo in la arko in xiriirku si cad uusan sidii hore ahayn.”

    Isniintii, Starmer ayaa u sheegay Aqalka Hoose in dowladdiisu “aysan rumaysnayn in isbeddel nidaam laga sameeyo cirka.”

    Bilowgii, UK ma oggolaan in Maraykanku isticmaalo saldhigyada milatari ee Britain si uu u weeraro Iiran, balse markii dambe waxay furtay saldhigyadeeda si loogu fuliyo weerarro “difaac ah”.

    Trump ayaa sidoo kale u sheegay The Sun: “Faransiisku wuu fiicnaa. Dhammaantood way fiicnaayeen. UK si weyn ayay uga duwanaatay kuwa kale.”

    Hoos ka akhri warbixino kale

  19. War deg deg ah, Israa’iil oo ciidamadeeda dhulka gudaha u galayaan Lubnaan

    Israa’iil ayaa sheegtay in ciidamadeeda dhulka ay “horay u socon doonaan oo ay qabsan doonaan goobaha istiraatiijiga ah ee Lubnaan.

    Bayaan kasoo baxay Wasiirka Gaashaandhigga Isra’iil, Israel Katz, oo laga turjumay Hebrew, ayaa lagu sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay oggolaadeen in IDF ay hore u socoto oo ay qabsanayso goobaha istiraatiijiga ah ee Lubnaann si looga hortago weerarka ku wajahan bulshada ku nool xuduudaha Isra’iil.

    Katz wuxuu sii sheegay: “IDF waxay sii wadaysaa howlgalladeeda xooggan ee ka dhanka ah goobaha ay leeyihiin Hezbollah ee gudaha Liibaanon. Ururka argagixisada ah wuxuu bixinayaa – wuxuuna sii wadi doonaa bixinta – ciqaab culus oo ku saabsan rasaastii uu Isra’iil u adeegsaday.”

    Wuxuu sidoo kale cadeeyay in Isra’iil ay go’an tahay “in ay difaacdo bulshooyinka xuduudaha,” isagoo intaa ku daray: “Waxaan bulshada Galilee ballanqaadnay ammaankooda, taasna waa waxa aan fulin doonno.”

    Hoos ka akhri warbixino kale

  20. War deg deg ah, Hezbollah oo Milatariga Israa'iil ka weerartay saddex goobood

    Kooxda Hezbollah ee ay taageerto Iiraan ayaa sheegtay inay weerartay saddex goobood oo milatariga Israa’iil leeyihiin oo ah “ka jawaabid weerarada Israa’iil ay ku beegsatay boqolaal magaalooyin iyo tuulooyin Lubnaan ah.”

    Saddex qoraal oo kala duwan oo lagu daabacay Telegram, Hezbollah ayaa sheegtay inay garaacday saldhigga Nafah ee Golan Heights iyadoo adeegsanaysa gantaallo waaweyn, sidoo kale saldhigyada diyaaradaha Meron iyo Ramat David oo ku yaal waqooyiga Israa’iil, iyadoo la adeegsanayo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).

    Ciidamada Israa’iil weli kama aysan hadlin weerarradan muuqata.

    Hoos ka akhri warbixino kale