You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israaiil oo cirka ka duqeynaysa Bayruut iyo Tehran iyo Maraykanka oo sheegay in duqeymaha Iiran ay si weyn u kordhi doonaan

Israaiil waxay weerarro cusub ku qaaday Tehran iyo Bayruut, iyadoo ilaalada kacaanka Iiran (IRGC) ay sheegeen inay gantaallo ku rideen Tel Aviv, markii dagaalku uu galay maalintii toddobaad

Kooban

Tebin toos ah

  1. Iraan oo gantaalo nooca casriga ah la beegsatay Sacuudiga

    Saraakiisha sacuudiga ayaa maanta sheegay in dalka uu qabtay saddex gantaal oo ah nooca cruise-ka.

    Wasaaradda gaashaandhiga ee sacuudiga ayaa qoraal ay ku daabacday baraha bulshada ku sheegtay: “Saddex gantaal oo ah nooa cruise-ka ayaa la qabtay lana burburiyay bannaanka magaalada Al-Kharj.”

    Tan iyo intii uu bilaabmay dagaalak Iraan waxaa sacuudiga ay la kulmayeen weeraro kaga imanayay dhanKA Iraan.

  2. War deg deg ah, Ciidanka Israel oo sheegay in Iran ay gantaallo ku soo weerartay

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay gantaallo dhowr ah u soo dirtay dhanka Israa’iil saacadaha hore ee aroortii Khamiista, balse isla markiiba lama soo sheegin wax khasaare naf ah, sida ay werisay wakaaladda wararka AFP, iyadoo soo xiganaysa adeegga gurmadka degdegga ah ee dalka.

    Saddex digniin oo kala duwan ayaa la bixiyay laba saacadood gudahood, waxaana weriyeyaasha Agence France-Presse ay maqleen qaraxyo ka dhacay magaalada Qudus. Si kastaba ha ahaatee, ciidanku markii dambe waxay u oggolaadeen dadka inay ka baxaan meelihii gabbaadka.

  3. Mareykanka oo bilaabay qorsha dhanka dhulka ah oo ka dhan ah Iraan

    Warbaahin caalami ah oo dhowr ah ayaa maalmahan soo wariyay in saraakiil iyo hay’ado Mareykan ah ay wadahadallo la yeesheen shaqsiyaad saameyn leh oo ku sugan gobolka Kurdiyiin, iyo sidoo kale qaar ka mid ah kooxaha Kurdiyiinta ee ka soo horjeeda Iran, si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada xaalado kala duwan haddii dagaalku ku fido gudaha Iran.

    Warbixinadan qaarkood ayaa sidoo kale xusay dood ku saabsan doorka ay yeelan karto sirdoonka Mareykanka (CIA), iyo suurtagalnimada in la taageero kooxo ama dhaqdhaqaaqyo mucaarad ee ka soo horjeeda nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Warbixinadan ayaa la daabacay iyadoo maalmahan ay socdaan dood ku saabsan suurtagalnimada in Mareykanka ay ciidamo dhulka ah u dirto gudaha Iran.

    Arrintan ayaa “doqonimo” ku tilmaamay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth, balse madaxweynaha Donald Trump si buuxda ugama reebin suurtagalnimadaas.

    Trump ayaa hore loo soo xigtay isagoo leh:“Wax cabsi ah kama qabo inaan dirno ciidamo dhulka ah. Ma oranayo sida madaxweynayaal kale oo leh ‘ciidamo dhulka ah lama diri doono.”

  4. War deg deg ah, Canada iyo Australia oo ku baaqay dejinta xiisadda gobolka Bariga Dhexe

    Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese iyo dhiggiisa Canada Mark Carney ayaa ku baaqay in xiisadda Bariga Dhexe la dejiyo, iyagoo sheegay in xabbad-joojin aan la gaari karin ilaa Iiraan laga hor istaago inay samaysato hub nukliyeer ah.

    “Adduunku wuxuu rabaa in la arko dejinta xiisadda… Waxaan aragnaa dalal ka tirsan Gacanka oo aan colaadda ku lug lahayn oo la weeraray, oo ay ku jiraan weerarro lagu qaaday goobaha rayidka iyo meelaha dalxiiska. Waxaan sidoo kale rabnaa in la gaaro ujeeddooyinka la dejiyay,” ayuu Albanese u sheegay wariyeyaasha shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu kula qabtay Canberra hoggaamiyaha Canada ee booqashada ku yimid.

    Carney ayaa ku celiyay baaqa ra’iisul wasaaraha Australia ee ku aaddan dejinta xiisadda.

    “Hadda waxa socda fiditaanka colaadda. Taasi waan aqoonsannahay. Ka hor inta aan halkaas la gaarin, waa in la joojiyaa beegsiga rayidka iyo kaabayaasha rayidka. Kuwani waa shuruudo lama huraan ah ka hor inta aan xabbad-joojin jiri karin.”

    Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale muujiyay taageeradooda weerarrada Israa’iil iyo Maraykanka ku qaadeen Iiraan ee bilaabmay Sabtidii.

    Markii la weydiiyay in uu meesha ka saaray suurtagalnimada in Canada ay ku biirto weerarrada Iiraan, Carney wuxuu sheegay inuusan “waligiis si buuxda u diidi karin ka qaybgalka,” isagoo kala saaray ficillada weerarka iyo kuwa difaaca.

    “Mar walba waan difaaci doonnaa muwaadiniinta Canada. Mar walba waan garab istaagi doonnaa oo difaaci doonnaa xulafadeenna marka naloo baahdo,” ayuu yiri.

  5. War deg deg ah, Ciidanka Maraykanka oo xaqiijiyay xogta iyo magaca askari bilado badan haystay oo ku dhintay weerarkii Kuwait

    Milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay magaca askari shanaad oo ku dhintay weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn oo ay Iiraan fulisay ka geysatay Kuwait maalmahii hore ee dagaalka.

    Major Jeffrey O’Brien, oo degganaa magaalada Waukee ee gobolka Iowa, ayaa loo magacaabay sarkaal ka tirsan Signal Corps ee Ciidanka Kaydka Maraykanka sanadkii 2012. Wuxaana loo diray Kuwait sanadkii 2019, sida lagu sheegay bayaanka.

    O’Brien waxuu haystay bilado badan oo ciidanka Maraykanka ah kuwaas oo kala ahaa:

    Biladda Guusha Ciidanka (Army Achievement Medal), Ammaanta Qaybta Ciidanka ee Mudan (Meritorious Unit Commendation), Abaalmarinta Qaybta Sare ee Ciidanka (Army Superior Unit Award), Biladda Guusha Qaybta Kaydka ee Ciidanka (Army Reserve Component Achievement Medal), Biladda Adeegga Difaaca Qaranka (National Defense Service Medal), Biladda Hawlgalka Dagaalka Caalamiga ah ee Ka Dhanka ah Argagixisada (Global War on Terrorism Expeditionary Medal), Xarigga Adeegga Ciidanka (Army Service Ribbon), iyo Biladda Kaydka Ciidamada Qalabka Sida oo wata calaamadda “M”.

    Askarta Maraykanka ayaa la dilay markii nidaam diyaaradeed oo aan duuliye lahayn uu ka baxsaday difaacyada cirka si uu u garaaco xarun talis oo ku taalla Port Shuaiba ee Kuwait maalintii Axadda.

    Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa markii hore sheegay in saddex askari ay ku dhinteen weerarka, balse saraakiishu waxay Isniintii xaqiijiyeen in tirada dhimashadu labanlaabantay, kadib markii qof dhaawacii u dhintay iyo laba mayd oo kale laga helay burburka.

  6. War deg deg ah, Colaadda gobolka oo sababtay barakac balaadhan

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, UNHCR, ayaa sheegtay in rabshadaha sii xoogaysanaya ee ka socda Bariga Dhexe iyo meelo kale ay durba sababeen dhaqdhaqaaq ballaadhan oo dadku ku barakacayaan.

    Waxay sheegtay in qiyaastii 100,000 oo qof ay ka baxeen magaalada Tehran labadii maalmood ee ugu horreeyay ka dib weerarradii dhacay.

    Dalka Lubnaan, hay’addu waxay sheegtay in 58,000 oo qof ay ku hoyanayaan goobo hoy wadajir ah.

    Dalka Syria, waxay sheegtay in ku dhowaad 10,000 oo Suuriyaan ah iyo ku dhowaad 1,000 oo Lubnaaniyiin ah ay ka soo gudbeen xadka Lebanon 2-da Maarso, taas oo ku dhowaad saddex jeer ka badan celceliska maalinlaha ah.

  7. War deg deg ah, Ukraine oo khibradeeda la dagaalanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku caawin doonta dalalka Khaliijka

    Madaxweynaha Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay qorsheynayso inay khubaro u diro wadamada Khaliijka si ay uga caawiyaan xulafada difaaca dalalkooda ka dhan ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iiraan.

    Wuxuu sheegay inuu shalay la hadlay dhiggiisa Imaaraadka iyo Qatar, maanta na uu la hadlay Jordan iyo Baxreyn.

    Ka dib markii uu ka wada hadleen khilaafka Bariga Dhexe wasiirrada iyo taliyeyaasha, wuxuu ka codsaday inay soo saaraan ikhtiyaarro ay xulafada uga caawin karaan iyada oo aan la daciifin difaaca Ukraine laftigiisa.

    War qoraal ah oo uu ku daabacay barta X, Madaxweynaha Zelensky ayuu ku yidhi: “Ukraine waxay ka caawin kartaa ilaalinta nolosha iyo xasilinta xaaladda…”

    Wuxuu intaa ku daray: “Ciidamadeennu waxay leeyihiin awoodaha lagama maarmaanka ah. Khubarada Ukraine waxay ka shaqeyn doonaan goobta, kooxuhuna horey ayay isugu diyaariyeen. Waxaan diyaar u nahay inaan ka caawinno ilaalinta nolosha, badbaadinta rayidka, iyo taageerida dadaallada dhabta ah ee lagu xasilinayo xaaladda iyo dib u soo celinta maraakiibta ammaan ee gobolka.”

  8. War deg deg ah, Saddex qof la dilay ka dib weerarro Israa’iil ka geystay agagaarka Bayruut Wasaaradda Caafimaadka

    Saddex qof ayaa la dilay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib labo weerar oo Israa’iil ka geystay agagaarka caasimadda Lubnaan.

    Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in weerarrada lagu qaaday jidka u dhexeeya Bayruut iyo Garoonka Caalamiga ah ee Rafik Hariri (RFHA), iyadoo lagu xusay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

  9. War deg deg ah, Arsenal oo sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Premier halka Mancity lagu dhegay

    Kooxda Arsenal ayaa 1-0 ku garaacday Brighton oo ku ciyaaraysa garoonkeeda Amex Stadium, goolka waxaa u dhaliyay xidigooda Bukayo Saka. Sidaas darteed Manchester City hadda waxay toddobo dhibcood ka dambeeyaan hoggaamiyeyaasha horyaalka kadib markii ciyaartii ay la dheeleen kooxda Nottingham Forest ay barbaro kusoo dhammaatay.

    Tanina waa natiijo walaac ba'an ku abuuraysa taageerayaasha kooxda Man City halka kuwa Arsenal ay u abuurayso yididiilo ku aadan hanashada horyaalka oo ay muddo ka soomanaayeen.

    Man City 2-2 Forest: Semenyo ayaa dhaliyay goolka furitaanka; Gibbs-White ayaa si xeelad leh u dhaliyay goolka barbarraha ka hor inta uusan Rodri mar kale hoggaanka soo celin. Anderson ayaa haddana barbarreeyey.

  10. War deg deg ah, Xisbullah “ma is dhiibi doonto” iyadoo dagaalka Israa’iil uu sii xoogaysanayo

    Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem, ayaa sheegay in kooxda ay Iiraan taageerto “aysan is dhiibi doonin” iyadoo dagaalka ay la galayso Israa’iil uu sii xoogaysanayo.

    Khudbaddiisii ugu horreysay ee dadweyne tan iyo markii colaadda gobolka ay ku fiday Lubnaan Isniintii, Qassem wuxuu sheegay in Xisbullah ay u hoggaansantay heshiis xabbad-joojin ah oo la gaaray dabayaaqadii 2024, balse Israa’iil “aysan u hoggaansamin mid ka mid ah qodobadiisa”.

    “Waxaan oggolaanay xal diblomaasiyadeed oo aan u aragnay fursad ay dowladdu ku qaadato mas’uuliyaddeeda, balse marar badan ayaan sheegnay in dulqaadku xad leeyahay,” ayuu ku yidhi khudbadda laga sii daayay telefishanka.

    “Doorashadeennu waa inaan ka hortagno ilaa heerka ugu sarreeya ee naf-huridda, ilaa xadka ugu dambeeya, mana is dhiibi doonno,” ayuu yidhi.

    Xisbullah ayaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay Israa’iil Isniintii, ka dib markii weerarro ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil lagu dilay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei.

    Israa’iil ayaa kaga jawaabtay duqeymo ballaadhan oo cirka ah waxayna ciidamo u dirtay koonfurta Lubnaan, taasoo sababtay in tobannaan kun oo rayid ah ay ka barakacaan guryahooda.

    Sidoo kale akhriso:

  11. War deg deg ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar oo ka dalbaday dhiggiisa Iiraan in si “degdeg ah looga joojiyo” weerarrada ah

      • Author, Barbara Plett Usher
      • Role, Reporting from Doha

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani, ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu khilaafku bilowday la xiriiray dhiggiisa Iiraan, Abbas Araghchi.

    Saraakiisha Carabta ayaa aad uga cadhooday in Iiraan ay boqolaal gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku ridday dalalka deriska la ah oo ay ku jirto Qadar iyada oo bartilmaameedsanaysa saldhigyada milatari ee Maraykanka, balse sidoo kale ku dhacday kaabayaal rayid iyo kuwo tamar.

    Al-Thani ayaa “si buuxda u diiday” hadalka Araghchi ee ahaa in weerarrada Iiraan ee maalmahan dambe ay beegsanayeen danaha Maraykanka oo keliya, balse aysan ku jeedin dawladda Qadar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Qadar.

    Wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay “isku dayayso inay waxyeello u geysato deriskeeda isla markaana ku jiido dagaal aan iyaga u gaar ahayn,” wuxuuna dalbaday “in si degdeg ah loo joojiyo” weerarrada.

    Sidoo kale akhriso:

  12. War deg deg ah, Spain: “Mowqifkeenna ah ‘maya dagaal’ weli waa mid cad oo aan laba macne lahayn.”

    “Mowqifkeenna ma isbeddelin” Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain oo beeniyey hadalladii Aqalka Cad ee sheegay in dalku la shaqayn doono milatariga Maraykanka.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda, José Manuel Albares, ayaa sheegay in mowqifka dowladdiisa ee ku aaddan dagaalka “uusan waxba iska beddelin” ka dib markii Aqalka Cad uu sheegay in Isbayn oggolaatay inay la shaqeeyaan milatariga Maraykanka.

    Shalay, Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay inuu joojin doono dhammaan ganacsiga uu la leeyahay Isbaanishka ka dib markii dalku ka mamnuucay Maraykanka inuu isticmaalo saldhigyadiisa milatari qayb ka mid ah hawlgalkiisa Iiraan.

    Albares ayaa u sheegay idaacadda Isbaanishka ee Cadena SER: “Mowqifka dowladda Isbaanishka ee ku aaddan dagaalka Bariga Dhexe, duqeynta Iiraan iyo adeegsiga saldhigyadeenna waxba iskama beddelin.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Mowqifkeenna ah ‘maya dagaal’ weli waa mid cad oo aan laba macne lahayn.”

    Sidoo kale akhriso:

  13. War deg deg ah, Maraykanka iyo Israa’iil waxay burburiyeen qayb weyn oo ka mid ah awoodda militari ee Iiraan, Paul Adams Wariyaha arrimaha diblomaasiyadd

    Jawaabtii kululayd ee bilowga ahayd ee Iiraan ka bixisay weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil iyo Maraykanku waxay dhalisay su’aalo.

    Miyaan xulafada Maraykanku sii wadi karin inay is difaacaan? Ma u adkeysan karaan nidaamyadooda difaaca cirka ee qaaliga ah weerarro isdaba-joog ah oo ay fulinayaan diyaarado aan duuliye lahayn oo jaban?

    Cabsidaas waxay u muuqdaan kuwo yaraaday.

    Maraykanku waxay sheegeen in tirada gantaallada ballistic-ga ah ee ay Iiraan ridday ay hoos u dhacday 86% tan iyo Sabtidii, halka tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay hoos u dhacday 73%.

    Maraykanka iyo Israa’iil waxay burburiyeen qayb weyn oo ka mid ah awoodda Iiraan, inkastoo saraakiil reer galbeed ahi ay qirayaan in ay suurtagal tahay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay qarsanayaan hubka qaar si ay dagaalka u sii wadaan muddo dheer.

    Kadib markii ay heleen sarreynta hawada, diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil iyo Maraykanku hadda si xor ah oo aan lala tartamayn ayay ugu dul duuli karaan hawada Iiraan.

    Tani waxay ka dhigan tahay in aysan mar dambe ku tiirsanaan doonin hubka loo yaqaan “Weerarka masaafada dheer” gantaallo aad qaali u ah oo laga rido meel fog oo ammaan ah balse ay hadda bilaabi karaan inay adeegsadaan kaydkooda ballaaran ee bambooyinka jaban ee lagu hago nidaamka GPS-ka.

    Sidoo kale akhriso:

  14. War deg deg ah, BBC-da oo xoghaya warfaafinta Maraykanka ku cadaadisay ka jawaabida weerar la sheegay in lagu qaaday dugsi

    Wariyaha BBC-da ee Washington, Daniel Bush, ayaa weydiiyay arrin ku saabsan waxa mas’uuliyiinta Iiraan ay sheegeen inay ahayd weerar ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil oo lagu qaaday dugsi ku yaalla koonfurta Iiraan kaas oo ay sheegeen in ay ku dhinteen in ka badan 160 qof.

    BBC News si madax-bannaan uma xaqiijin karto tirada dhimashada ee ay sheegeen mas’uuliyiinta Iiraan.

    “Ma sheegi kartaa in ay jirto wax caddeyn ah oo muujinaya in uusan ahayn weerar Maraykan ah, sidoo kale ma jiraa qiimeyn ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Israa’iil haddii uu jiroba?” ayuu weydiiyay.

    Leavitt ayaa ku jawaabtay in Wasaaradda Difaaca ay “baadhayso arrintan”, balse waxay ku celisay hadallo hore oo ay jeediyeen mas’uuliyiin Maraykan ah oo ahaa: “Ciidamada qalabka sida ee Maraykanku ma bartilmaameedsadaan rayidka.”

  15. War deg deg ah, Iiraan “waxay dooratay jidkan rabshadda,” ayay tidhi xoghayaha warfaafinta Maraykanka

    Leavitt waxay sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu doorbido inuu nabadda iyo diblomaasiyadda hormariyo marka hore, halka Iiraan “ay dooratay jidkan rabshadda iyo burburka, isla markaana ay hadda la kulmayaan cawaaqibka ka dhashay”.

    Waxay sidoo kale sheegtay in nidaamka Iiraan “uu been sheegay, dib u dhigay, isla markaana isku dayay inuu sii jiitamiyo intii ay socdeen wada-xaajoodyadii ka horreeyay weerarkii bilowga ahaa ee Maraykanka iyo Israa’iil, si ay waqti ugu helaan inay dhistaan hub gantaallo ballistic ah iyo hub nukliyeer ah.

    Sidoo kale akhriso:

  16. Iran oo gantaallo kale ku ridday Israa'iil, sida ay sheegtay IDF

    Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay heleen gantaallo kale oo laga soo riday dalka Iiraan oo ku wajahan Israa’iil.

    Bayaan ka soo baxay IDF ayaa intaas ku daray in nidaamyada difaaca ay ka shaqeynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen gantaallada.

    Sidoo kale akhriso:

  17. Iiraan oo weerartay saldhigyo ay Kurdidu leeyihiin

    Iiraan ayaa weerartay saldhigyo ay leeyihiin mucaarad Iiraan u dhashay oo Kurdi ah oo ku yaalla waqooyiga Ciraaq.

    Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynihii Maraykanka, Donald Trump, uu doonayay in kooxahan ay ku lug yeeshaan colaadda ka jirta Iiraan.

    Mid ka mid ah saldhigyadaas ayaa la weeraray 11:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah. Afar dagaalyahan oo ka tirsan Peshmerga-da Kurdida ah ayaa ku dhaawacmay weerarka. Mid ka mid ah ayaa ku geeriyooday isbitaalkii la geeyay.

    Gantaalku wuxuu dhulka ka sameeyay god weyn. Bur-burka dhisme la dumiyay ayaa la arki karaa, isagoo ku fidsan aag ballaaran.

    Sidoo kale akhriso:

  18. Madaxa amniga Iran oo Trump waydiiyay: 'Maraykanku wali ma ka horreeyaa - mise Israa'iil?'

    Madaxa amniga ee Iran, Cali Larijani, ayaa uga digay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in dhimashada Ayatollah Khamenei ay "wax weyn kaa gooyn doonto," ka dib markii hoggaamiyaha Iran lagu dilay weeraradii Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iran.

    Qoraal uu soo dhigay barta X, Larijani wuxuu sheegay in Trump "uu dadka Mareykanka geliyay dagaal aan caddaalad ahayn oo ay la galaan Iran," ka dib markii ay "saameeyeen" wax uu ugu yeeray "ciyaar-dhaqameedka maadeyska ah" ee Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

    "Miyey weli Mareykanka wax walba ka horreeyaan - mise Israa'iil?" ayuu is weydiiyay.

    Xusuusin ahaan, Mareykanka iyo Israa'iil ayaa weeraro ballaaran ku qaaday Iran 28-kii Febraayo, waxayna tan iyo markaas sii wadeen beegsiga goobaha ku yaalla dalkaas oo dhan.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Mareykanku uu ogaa in ay jiri doonaan tallaabooyin ay qaaddo Israa'iil, taas oo ka dhigan in Mareykanku ay ahayd inuu "horey u qaado tallaabo ka hortag ah" maaddaama la filayay weeraro ay Iran ku qaaddo ciidamada Mareykanka.

    Sidoo kale akhriso:

  19. Sawirro: Gantaal ku dhacay xadka Turkiga iyo Suuriya

    Sawirro ayaa lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinaya gantaal ku dhacay magaalada Qamishli ee waqooyi-bari Suuriya, taas oo ku taalla meel u dhow xadka Turkiga.

    Weli lama oga goorta uu gantaalku ku dhacay. Turkiga horey ayuu u sheegay in difaacyada hawada ee NATO ay soo rideen gantaal Iiraan laga leeyahay oo galay hawada Turkiga.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ma jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

  20. War deg deg ah, Milateriga Israa'iil oo galay tuulooyin ku yaalla koonfurta Lubnaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay

    Hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnaan, ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL), ayaa BBC u sheegay in milatariga Israa’iil ay galeen tuulooyin dhowr ah oo Lubnaan ku yaal oo u dhow Khadka Buluugga ah, oo ah xadka ay Qaramada Midoobay calaamadisay ee u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil.

    Ciidamada nabad ilaalinta ayaan islamarkiiba tafaasiil ka bixin baaxadda iyo muddada ay soo duuleen.