You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israaiil oo cirka ka duqeynaysa Bayruut iyo Tehran iyo Maraykanka oo sheegay in duqeymaha Iiran ay si weyn u kordhi doonaan

Israaiil waxay weerarro cusub ku qaaday Tehran iyo Bayruut, iyadoo ilaalada kacaanka Iiran (IRGC) ay sheegeen inay gantaallo ku rideen Tel Aviv, markii dagaalku uu galay maalintii toddobaad

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Israel ayaa sheegay inay dishay taliyihii Ciidanka Quds ee Iran

    Ciidamada Israel (IDF) ayaa sheegtay inay dishay taliyihii Ciidanka Quds ee Iran u qaabilsanaa Lebanon, Daoud Ali Zadeh, kadib weerar ka dhacay Tehran.

    “Diyaarado dagaal ayaa duqeysay bartamaha Tehran, iyagoo beegsaday Daoud Ali Zadeh, oo ahaa mas’uul sare oo ka tirsan Ciidanka Quds isla markaana ahaa taliyaha qeybta Lubnaan,” ayuu yiri afhayeenka IDF, Brig. Gen. Effie Defrin.

    Ciidanka Quds waa mid ka mid ah laamaha Islamic Revolutionary Guard Corps ee Iran.

    “Wuxuu isku dayay inuu Israa’iil ka weeraro dhulka Lubnaan, annaguna waxaan ku garaacnay oo ku dilnay gudaha dhulka Iran,” ayuu Defrin ku daray.

    Zadeh wuxuu ahaa “taliyaha ugu sarreeya ee Iiraani ah ee mas’uulka ka ahaa Lubnaan,” ayay IDF ku sheegtay bayaan, iyadoo ku eedeysay inuu “hagayay awoodda weerarrada ee Hezbollah iyo kooxo kale oo wakiillo ah.”

    “Israa’iil ma oggolaan doonto in xubno Iiraani ah oo hor istaaga soo kabashada Lubnaan isla markaana xoojiya Hezbollah ay saldhig ka sameystaan gudaha Lubnaan,” ayay IDF tiri.

  2. War deg deg ah, Israel ayaa sheegtay inay burburisay boqolaal qalab oo gantaallada laga gano oo ay leedahay Iran

    Warbixin cusub oo lagu daabacay barnaamijka fariimaha ee Telegram, ayay ciidamada Israel ku sheegeen inay burburisay qiyaastii 300 qalab oo gantaallo laga gano oo ku yaalla Iran, isla markaana ay garaacday bartilmaameedyo dhowr ah oo ku yaalla Lebanon.

    “24-kii saac ee la soo dhaafay, boqolaal diyaarado dagaal iyo diyaarado kale ayaa si isku mar ah u garaacay boqolaal bartilmaameed oo ku yaalla Iran iyo Lebanon,” ayay IDF ku dhaheen bayaan, iyadoo ku dartay in 4,000 hub (rasas iyo gantaallo) la adeegsaday gudaha Iran tan iyo bilowgii howlgalka dhammaadkii toddobaadka.

    “Howgalkan oo qayb ka ah qorshaha difaaca, Ciidanka Cirka ee Israa’iil waxay sii wadaan hirar isdaba-joog ah oo weerarro ah oo ka dhan ah nidaamka gantaallada ballistic-ga ee maamulka Iran iyo nidaamyada difaaca cirka,” ayay IDF ku dartay.

  3. Maamulka Donald Trump oo ku andacoonaya in Iran ay haysatay “qaddar u dhiganta 11 bam” oo yuraaniyam la naaxiyay ah.

    Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Trump ayaa sheegay in Iran ay lahayd “qaddar u dhiganta 11 bam” oo yuraaniyam la kobciyey bilowgii dagaalka, islamarkaana ay awoodi kartay inay u beddesho walax heer hub nukliyeer ah muddo hal toddobaad oo keliya ah.

    Iyagoo la hadlayay wariyeyaasha Talaadadii, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in kaydka Iran uu ka koobnaa 10,000 kiiloogaraam oo yuraaniyam la kobciyey ah, kuwaas oo ku dhowaad 460 kiiloogaraam laga kobciyey heerka 60%.

    Intaas ayaana la gaarsiin kari lahaa heerka 90% oo guud ahaan loo arko heer hub nukliyeer muddo u dhexeysa “hal toddobaad ilaa toban maalmood,” ayuu yidhi mid ka mid ah mas’uuliyiinta.

    Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in Iran ay tijaabisay “qolofyada hubka” iyo “qalabka qarxinta (detonators),” taas oo mas’uuliyiinta Mareykanku ku tilmaameen caddeyn muujinaysa in Tehran ay si degdeg ah u qaadan lahayd yuraaniyam heer hub ah una beddeli lahayd hub loo adeegsado cadowgeeda.

    Warbixintan ayaa ah tan ugu faahfaahsan tan iyo bilowgii dagaalka ee ku saabsan qiimeynta maamulka ee barnaamijka nukliyeerka Iran.

    Waxay imanaysaa xilli Madaxweyne Trump iyo mas’uuliyiin kale oo sare ay ku doodayaan in dagaalku uu ahaa mid lagama maarmaan u ah in laga tirtiro awoodda Iran ee horumarinta hub nukliyeer.

    Trump ayaa marar badan sheegay in weerarradii United States ay sannadkii hore ku qaaday Iran ay “baabi’iyeen gebi ahaanba” barnaamijka nukliyeerka dalkaas.

    Si kastaba ha ahaatee, mas’uul sare oo ka tirsan maamulka ayaa Arbacadii sheegay in walxo nukliyeer la kobciyey ay weli yaallaan dhammaan saddexda goobood.

  4. War deg deg ah, Xiliga la qabanayo kulanka lagu dooranayo hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran oo la shaaciyay.

    Fars News Agency, iyada oo soo xiganaysa ilo ay ku kalsoon tahay, ayaa sheegtay in kulanka kama dambaysta ah ee khubarada lagu dooranayo hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran laga yaabo in lagu qabto “si fool ka fool ah kadib munaasabadda aaska Ali Khamenei.”

    Fars ayaa sidoo kale, iyada oo tixraacaysa ilo xog-ogaal ah, shaacisay in xafladdaasi dhici karto toddobaadka soo socda.

    Sida lagu sheegay warbixinta, “tallaabooyinka amni ee lagu qabanayo kulanka khubarada waxaa loo qaaday heerka ugu sarreeya ee suurtagalka ah.”

    Waxaan hore u soo sheegnay in dhismaha Xoghaynta Golaha Khubarada ee ku yaalla Qom maanta, iyo goobta shirarkooda lagu qabto ee Tehran shalay, lagu bartilmaameedsaday weerarro ay fuliyeen Maraykanka iyo Israel.

    Isla waqtigaas, Golaha Isuduwidda Dacaayadda Islaamiga ah ayaa bayaan ku sheegay in la qorsheynayo aaska Ali Khamenei, wuxuuna ugu baaqay “dhammaan warbaahinta” inay ka waantoobaan baahinta mala-awaalka.

    Qaar ka mid ah warbaahinta Iiraan ayaa sheegay in hoggaamiyihii la dilay ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay u badan tahay in lagu aaso barxadda Imaamka siddeedaad ee Shiicada ee ku taalla Mashhad.

  5. War deg deg ah, Dab kacay kadib weerar diyaarado aan duuliye lahayn lagu qaaday Qunsuliyadda Mareykanka ee Dubai.

    Dab ayaa kacay kadib weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo ka dhacay meel u dhow Qunsuliyadda Maraykanka ee ku taalla Dubai, gudaha Imaaraadka Carabta, sida uu xaqiijiyay xafiiska warbaahinta ee dowladda.

    Dabka si guul leh ayaa loo xakameeyay, ayay tidhi dowladdu. “Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa isla markiiba ka jawaabay. Wax dhaawac ah lama soo sheegin.”

  6. War deg deg ah, Trump oo sheegay in Maraykanku waardiyeyn doono maraakiibka maraya Hormuz haddii ay noqoto 'lagama maarmaan'

    Donald Trump ayaa sheegay in “haddii loo baahdo, Ciidanka Badda ee United States ay bilaabi doonaan inay ilaaliyaan maraakiibta shidaalka qaada ee maraya Marinka Hormuz sida ugu dhaqsaha badan ee suurtagalka ah.”

    Dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran ayaa ku dhowaad gebi ahaanba hakiyay maraakiibtii ganacsiga ee mari jirtay marinka badda, kaas oo u dhexeeya Gacanka Beershiya iyo Gacanka Cumaan.

    Waa mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan adduunka ee sahayda shidaalka iyo gaaska caalamka, iyadoo ku dhowaad 20 milyan oo foosto oo shidaal ah ay maalin kasta maraan.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu faray hay’ad federaal ah inay bixiso “caymis khatar siyaasadeed iyo dammaanad qaadyo Dhammaan Ganacsiga Badda” ee mara Gacanka.

    “Si kasta oo ay ahaataba, Mareykanku wuxuu xaqiijin doonaa socodka Xorta ah ee Tamarta adduunka,” ayuu yiri.

  7. Maxaa ku dhacaya doorashada hoggaamiyaha haddii Golaha Khubaradu aan la kulmin karin?

    Dhismaha Xoghaynta Golaha Khubarada ee ku yaalla Qom ayaa lala beegsaday weerarro ay fuliyeen Israel iyo Maraykanka, dhismaha ayaana la burburiyay. Kadib dilkii Ali Khamenei, golahan ayaa lagu waday inuu magacaabo hoggaamiyaha saddexaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Hadda waxaa la sameeyay gole hoggaan ku-meel-gaar ah oo qaban kara waajibaadka hoggaamiyaha si aan xad lahayn, haddii saddex-meelood afar meel ee Golaha Garashada Danaha Qaranka ay u codeeyaan. Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa ballan qaaday in Golaha Khubaradu uu sida ugu dhaqsaha badan u dooran doono hoggaamiye saddexaad.

    Dhismaha la burburiyay ee Xoghaynta Golaha Khubaradu ma ahayn goobta rasmiga ah ee shirarka lagu qabto, mana cadda inta xubnood ee Golaha weli awood u leh inay ka qaybgalaan kulan lagu dooranayo hoggaamiyaha, ama xitaa inay nool yihiin iyo in kale.

    Golaha Khubaradu wuxuu ka kooban yahay 88 xubnood, waxaana tirada ansaxinta (kooramka) ee kulanka lagu dooranayo hoggaamiye cusub ay tahay laba-meelood saddex meel dhammaan xubnaha. Taas macnaheedu waa in kulankaasi sharci noqdo oo rasmi ah, waa in ay joogaan ugu yaraan 59 xubnood oo ka tirsan Golaha Khubarada.

    Haddii tiradaas ay ka yaraato kooramka loo baahan yahay, suurtagal ma aha in la qabto kulan rasmi ah, waana in la sugaa ilaa la qabto doorashooyin dhexdhexaad ah oo lagu buuxiyo boosaska bannaan si loo gaaro tirada loo baahan yahay. Xaaladdan oo kale, haddii la qaato in Jamhuuriyadda Islaamiga ahi sii ay usii jirto, golaha hoggaanka ku-meel-gaarka ahi waa inuu sii wadaa gudashada waajibaadka hoggaamiyaha.

    Sanadkii 1989, Golaha Khubaradu wuxuu u dhaqmay si ka hor imanaysa dastuurkii waqtigaas jiray ee la ansixiyay 1979, isagoo u doortay Ali Khamenei hoggaamiye, inkastoo uusan buuxin dhammaan shuruudihii hoggaaminnimo.

    Kadib markii isla sanadkaas dib-u-eegis lagu sameeyay dastuurka oo laga saaray shuruuddii awoodda diineed ee hoggaamiyaha, Golaha Khubaradu mar kale ayuu u codeeyay Ali Khamenei si sharci looga dhigo tallaabo horey uga hor timid dastuurka.

  8. War deg deg ah, Faransiiska oo u diraya markab dagaal iyo difaacyo cirka ah oo dheeraad ah Cyprus

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali

    Emmanuel Macron ayaa sheegay in France ay tahay “inay garab istaagto saaxiibadeenna iyo xulafadeenna gobolka”, isagoo ku daray in “mas’uuliyadda dalku ay tahay mid si adag u difaac ah”.

    “Waxaan higsaneynaa inaan nabadda dib u soo celinno sida ugu dhaqsaha badan ee suurtagalka ah,” ayuu yidhi.

    Macron wuxuu sheegay in France ay oggolaatay inay u dirto difaacyo cirka ah oo dheeraad ah Cyprus, iyo markab dagaal oo Faransiis ah kaas oo caawa gaari doona xeebaha Cyprus.

    “Waxaan la kaashaneynaa xulafadeenna iyo wada-hawlgalayaasheena Yurub si loo hubiyo in amniga bariga badda Mediterranean-ka la xaqiijiyo,” ayuu ku daray. Hoggaamiyaha Faransiiska ayaa sidoo kale sheegay inuu rejeynayo in shacabka Iran ay awoodi doonaan inay go’aan ka gaaraan mustaqbalka dalkooda.

    Macron wuxuu sheegay in milatariga Faransiisku uu ka shaqeynayo ilaalinta danaha qaran ee dalkiisa ee gobolka, isla markaana uu xoojinayo amniga safaaradihiisa.

    Ku dhowaad 400,000 oo muwaadiniin Faransiis ah ayaa ku sugan gobolka, qaar muddo gaaban iyo qaar muddo dheer, ayuu Macron xusay, isagoo sheegay in duulimaadyada dib-u-celinta ay socdaan laba ka mid ahna caawa ayay gaari doonaan Paris.

  9. War deg deg ah, 'Hub awood badan leh' oo ay Iraan soo gantay oo lix askar Ameerikaan ah ku dilay saldhig ku yaala Kuweyt

    Lix askari oo Mareykan ah ayaa lagu dilay weerar ay Iran ku qaadday xarun milatari oo ku taalla Kuwait maalintii Axadda, sida uu xaqiijiyay Maraykanku

    US Central Command ayaa markii hore sheegtay in saddex askari ay ku dhinteen dhacdada, balse mas’uuliyiin ayaa Isniintii xaqiijiyay in tirada dhimashadu labanlaabantay, kadib markii hal qof uu u dhintay dhaawacyadiisa isla markaana laba mayd oo kale laga helay burburka hoostiisa.

    Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, ayaa xaqiijiyay in bakhaar milatari oo Mareykan ah oo ku yaalla Kuwait la garaacay markii weerar aargoosi ah oo ay Iran soo qaaday uu ka baxsaday difaacyadii cirka. “Mararka qaarkood mid baa kaa dhex bixi kara,” ayuu ku yidhi shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii.

    Lixda dhimasho waa kuwa keliya ee ay xaqiijiyeen milatariga Mareykanka tan iyo markii ay bilaabeen dagaal cusub oo ka dhan ah Iran iyaga oo kaashanaya Israel.

    Shirka jaraa’id, Hegseth wuxuu sheegay in “hub awood badan leh” uu ku dhacay “xarun hawlgallo istiraatiiji ah oo si adag loo adkeeyay,” isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta saxda ah.

    Saddex mas’uul oo ka tirsan milatariga Mareykanka oo si toos ah ula socday weerarka Iran ayaa u sheegay CBS News oo bahwadaag la ah BBC-da in askarta lagu dilay Kuwait ay ku dhaceen weerar loo malaynayo inuu ahaa mid diyaarado aan duuliye lahayn (drone). Waxay ka shaqaynayeen xafiis ku-meel-gaadh ah.

    Waxay su’aal ka keeneen in dhismaha si ku filan loo adkeeyay, iyagoo u sheegay CBS News in gaari jiidmo (trailer) ah loo isticmaalayay xafiis ahaan, iyadoo lagu hareereeyay derbiyo shub ah oo bir lagu xoojiyay oo dhererkoodu yahay 3.7 mitir si gaashaan u noqdaan.

    Mareykanka iyo Kuwait waxay leeyihiin xiriir difaac oo soo jireen ah, waxaana in ka badan 13,000 askari oo Mareykan ah ay ku sugan yihiin dalkan Khaliijka ku yaalla.

    Iran ayaa uga jawaabtay weerarrada lagu qaaday iyada iyadoo gantaallo ku ridday dalalka Khaliijka ee xulafada la ah Mareykanka. Bahrain, United Arab Emirates, Saudi Arabia, Oman iyo Qatar dhammaantood waxay la kulmeen weerarro.

    Dhanka kale gudaha Kuwait, Mareykanka ayaa xaqiijiyay in saddex diyaaradood oo dagaal la soo riday kadib waxa uu ku tilmaamay dhacdo “rasaas saaxiibtinimo” ah Isniintii.

    Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay diyaaradaha oo ku dhacaya dhulka iyagoo wareegaya. Duuliyeyaashii ku lugta lahaa dhammaantood way ka boodeen diyaaradaha waxayna ka badbaadeen dhacdada.

    Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in milatariga Iran ay soo rideen diyaaradaha, iyagoo aan soo bandhigin wax caddeyn ah.

  10. Sawirro muujinaya qiiq ka baxaya deked shidaal oo Imaaraad leeyahay

    Waxaan hore u daabacnay warbixin ku saabsan muuqaallo dayax-gacmeed iyo sawirro muujinaya dab iyo waxyeello ka dhacday Fujairah Oil Terminal ee ku yaalla Imaaraadka Carabta.

    Hadda waxaan soo baxaya sawirro dheeraad ah oo muujinaya qiiq ka kacaya dekedda shidaalka, oo ku taalla xeebta gacanka Cumaan

    Xafiiska warbaahinta ee Imaaraadka ee Fujairah ayaa sheegay in dab uu kacay ka dib markii burbur ka soo dhacay diyaarad drone ah oo ay difaacyada cirka qabteen. Si kastaba ha ahaatee, waxay intaas ku dareen in dabka la damiyay, isla markaana aan wax khasaare naf ah la soo sheegin.

  11. Ma Israa'iil ayaa Trump ku qasabtay inuu Iran weeraro?

    Madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump ayaa hadda la hadlaya warbaahinta.

    Su’aashii ugu horreysay ee la weydiiyay Donald Trump ee ku saabsan Bariga Dhexe waxay ahayd in Israa’iil ku qasabtay inuu tallaabo qaado.

    Wuxuu ku jawaabay: “Maya, aniga ayaa laga yaabaa inaan iyaga ku qasbay.”

    Isagoo ka hadlayay Iran, Trump wuxuu yiri: “Waxaan wadnay wada-xaajoodyo la jiray waalanyahannadan, aniguna waxaan qabay aragti ah inay iyagu marka hore weerar qaadi doonaan.”

    “Maan rabin in taasi dhacdo,” ayuu yiri madaxweynaha Maraykanka. “Marka haddii wax jira, aniga ayaa laga yaabaa inaan ku qasbay Israa’iil inay tallaabo qaado.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan u maleynayaa inay yaabeen, aniguna waan yaabay, haddana dalalkaas oo dhan ayaa la dagaallamaya iyaga.”

  12. Ingiriiska oo hubka difaaca hawada u direysa gobolka bariga dhexe

    Ingiriiska ayaa kordhinaya difaaciisa cirka ee saldhigga uu ku leeyahay Qubrus, iyadoo diraysa diyaarado ah nooca qumaatiga u kaca oo leh awood ka hortaga drones-ka, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Keir Starmer.

    Starmer ayaa sidoo kale sheegay in markabka burburiya difaaca cirka ee HMS Dragon loo diri doono gobolka.

    Wuxuu intaas ku daray in UK ay “si buuxda uga go’an tahay amniga Qubrus iyo ciidamada Ingiriiska ee halkaas ku sugan.”

    Go’aankan ayaa yimid ka dib weerarro dronis loo adeegsaday oo Iiraan ay ku qaaday saldhigga Ingiriiska ee jasiiradda, RAF Akrotiri, maalmihii la soo dhaafay —.

    Mid ka mid ah weerarada ayaa dhacay habeenkii Axadda kaasi oo sababay “waxyeello yar,” halka laba kale la qabtay Isniintii, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda Qubrus.

  13. Iraan oo ka hadshay qorshaheeda dagaalka iyo hubka ay adeegsanayso

    Wasaaradda Difaaca ee Iran ayaa ku dhawaaqday in muddada ay awood u leedahay inay iska caabbiso isla markaana fuliso howlgallo weerar ah ay “aad uga badan tahay waxa cadawgu filayay marar badan,” iyadoo la tixraacayo sii kordhinta xiisadda milatari.

    Wasaaraddu waxay bayaan ku sheegtay in Iiraan ay si tartiib tartiib ah u adeegsan doonto hubkeeda casriga ah, iyadoo xustay in “aan dhammaan hubka horumarsan la qorsheyn in la isticmaalo maalmaha ugu horreeya ee dagaalka,” sida ay hadalka u dhigtay.

    Hadalladan ayaa imanaya iyadoo ay jiraan is-weydaarsiadeen weerarro iyo hanjabaado u dhexeeya Tehran iyo dalalka ay is hayaan, xilli uu sii xoogeysaneyo iska horimaadka milatari ee gobolka.

  14. Mareykanka oo soo saaray digniin ku aadan Sacuudiga

    Safaaradda Mareykanka ee ku taalla Riyadh ayaa ka digtay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo dhowaan ay suuragal tahay inay ku dhacaan magaalada bariga Dhahran, halkaas oo uu ku taallo qunsuliyadda Maraykanka.

    Safaaradda ayaa muwaadiniinta Maraykanka ku boorrisay inay joogaan meelaha ay ku sugan yihiin oo ay “dib u eegaan qorshayaasha amniga haddii uu weerar dhaco,” sida lagu sheegay bayaanka digniinta.

    Dhahran, oo ku taalla xeebta bari ee Sacuudiga waa xarun weyn oo warshadaha shidaalka ah, waxayna hoy u tahay xarunta shirkadda qaranka ee shidaalka ee Saudi Aramco.

  15. Ururka Xisbullah oo sheegay inay soo rideen diyaarad ay Israa'iil leedahay

    Hezbollah ayaa bayaan ku soo saartay maanta iyagoo sheegay in ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil ay leedahay magaalada Nabatieh ee koonfurta Lubnaan.

    Bayaan-ku wuxuu sheegay in howlgalkan la fuliyay 12:30 duhurnimo Talaadada, 3-da Maarso 2026, iyadoo la adeegsanayay “hub ku habboon,” sida lagu xusay qoraalka.

    Bayaan-ku wuxuu intaas ku daray in howlgalkan uu dhacay “si looga jawaabo gardarrada Israa’iil”, taasoo, sida ay sheegeen, saameysay boqolaal magaalooyin iyo tuulooyin Lubnaan ah, oo ay ku jiraan xaafadaha koonfureed ee Beirut.

  16. Waa sidee xaaladda caafimaad ee Mojtaba Khamenei oo ah wiil uu dhalay Khamenei?

    Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in Mojtaba Khamenei, oo ah wiilka hogaamiyaha dhintay ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, uu “si buuxda u caafimaad qabo.” Wakaaladda wararka Mehr News Agency ayaa qortay in Mojtaba Khamenei uu “haatan ka shaqeynayo arrimaha shuhadada qoyska, kormeerayo howlaha, la tashanayo, isla markaana dib u eegayo arrimaha muhiimka ah ee dalka.

    ” Afar maalmood ka hor, saacadaha hore ee bilowgii dagaalka Israa’iil iyo Maraykanka, xafiiska iyo guriga Cali Khamenei ayaa la duqeeyay, waxaana la dilay Mr. Khamenei.

    Warbaahinta Iiraan ayaa shalay ku dhawaaqday in Mansoureh Khojasteh Bagherzadeh, oo ahayd xaaska Cali Khamenei, isla markaana saddex maalmood ka dib weerarka ku jirtay xanuunka miyir-beelka, ay geeriyootay.

    Weerarkaasi, waxaa sidoo kale ku dhintay Zahra Haddad Adel, xaaCali Khamenei. Magaciisa ayaa lagu sheegay inuu yahay dhaxal-sugaha aabihiis sanadihii ugu dambeeyay.

  17. Militariga Israa'iil oo baaq u diray shacabka Iraan

    Ciidamada Israa’iil ayaa ku amray rayidka Iiraan inay ka baxaan deegaano u dhow aagga warshadaha iyo garoonka diyaaradaha ee Payam ee Tehran.

    Militariga Israa'iil ayaa ka digay in ay howlgallo ka fulin doonaan saacadaha soo socda aagga ay dadka ku amreen inay ka baxaan.

    Horey Mareykanka ayaa shacabka Iran ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha militariga iyo ilaalada kacaanka Iiraan.

  18. Trump oo sheegay in uu ka xumaaday go'aan ay UK ka qaaday markii uu bilaabmay dagaalka Iraan

    Donald Trump ayaa sheegay inuu aad uga niyad jabay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ka dib markii markii hore aan loo oggolaan Maraykanka inuu isticmaalo saldhig Ingiriis ee ku yaalla Diego Garcia bilowgii dagaalka Iiraan.

    Mar uu la hadlayay labo wargeys oo Ingiriis ah, The Sun iyo The Daily Telegraph, Trump ayaa sheegay in Sir Keir uu muddo aad u dheer ku qaatay go’aan qaadashada, isla markaana aanu si weyn u caawin.

    Ka jawaabista hadallada Trump, sarkaal u dhow Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Starmer uu go’aamada kaliya ku saleyn doono sharcinimada iyo danaha Boqortooyada Ingiriiska.

    Ugu dambeyntii, Ingiriisku wuxuu u oggolaaday Maraykanka inuu isticmaalo saldhigga Diego Garcia, laakiin Sir Keir ayaa dhaliilay go’aanka weerarka Iiraan isagoo sheegay inuusan rumeysaneyn in la beddelo xukuumadaha iyadoo laga duulayo oo la weerarayo.

  19. Qadar oo faahfaahin ka bixisay laba diyaaradood oo ay Iran leedahay oo ay soo rideen

    Dowladda Qadar ayaa faahfaahin ka bixisay labo diyaaradood oo ay Iraan leedahay oo ay soo rideen.

    BBC ayaa wax ka waydiisay afhayeenka Qadar ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan in laba diyaaradood oo dagaal oo Iiraan ah la riday shalay.

    Intii lagu guda jiray shir jaraa’id, Majed al Ansari ayaa sheegay in diyaaradahan dagaalka l daba-gal lagu sameeyay markii ay soo galeen hawada Qadar, isla markaana xeerarka la dagaalanka la raacay “si buuxda.” oo la soo riday.

    “Duuliyayaasha waxaa lagu wargeliyay inay galeen hawada Qatar, isla markaana waqtigaas la arkay inay khatar dhab ah ku yihiin Doha, halka ay ku jihaysanayeen Doha, waxaa la soo riday iyagoo ku jira biyaha Gacanka,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in aan weli la helin warar ku saabsan xaaladda duuliyayaasha.

    Markii laga hadlay suurtogalnimada aargoosi ka dhan ah Iiraan, Ansari wuxuu yiri: “Dhammaan xulashooyinka waxay gacanta ku haya hoggaankayaga – laakiin waa inaan si cad u sheegnaa in weerarradan oo kale aanay ka jawaabi doonin.”

  20. Tirada Gantaalada ay Iraan ku garaacday dalka Baxreyn

    Xilli ay imaaraadka sheegeen in ay qabteen 172 gantaal iyo 755 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Iirraan soo tuurtay tan iyo Sabtidii.

    Militariga Baxreyn ayaa dhankooda so saaray bayaan ay ku sheegeen in 73 gantaal iyo 91 diyaarado aan duuliye lahyan ay Iran ku soo gantay Baxreyn.

    Tirada weerarada Iran ee Baxreyn ayaa waxaa ka mid ah weerar lagu qaaday saldhiga uu Mareykanka dalkaasi ku leeyahay.