You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israaiil oo cirka ka duqeynaysa Bayruut iyo Tehran iyo Maraykanka oo sheegay in duqeymaha Iiran ay si weyn u kordhi doonaan

Israaiil waxay weerarro cusub ku qaaday Tehran iyo Bayruut, iyadoo ilaalada kacaanka Iiran (IRGC) ay sheegeen inay gantaallo ku rideen Tel Aviv, markii dagaalku uu galay maalintii toddobaad

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ruushku waxa uu Iran la wadaagaa xogta saldhigyada Maraykanka, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen CBS News

    Ilo-wareedyo ayaa u sheegay telefishinka ay BBC-da gacansaraka kala leedahay Mareykanka ee CBS News, in Ruushku uu Iran siinayo xogo sir ah oo ku saabsan mowqifyada Mareykanka ee Iran.

    Waxa ay soo xigatay saddex ilo oo aan la magacaabin oo arrintan wax ka og, oo uu ku jiro sarkaal sare oo Maraykan ah oo ay sheegtay in uu aqoon toos ah u leeyahay.

    Wargeyska Washington Post ayaa markii hore qoray in Ruushku uu la socdo goobaha Maraykanka, isagoo soo xiganaya saddex sarkaal oo aan la magacaabin.

    Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa goor sii horreysay sheegtay in af hayeenka Vladimir Putin uu sheegay in Ruushka uu "wada hadal" la leeyahay hoggaanka Iran.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in Kremlin-ka uu diiday in uu tafaasiil ka bixiyo markii ay wariyayaashu waydiiyeen in Moscow ay caawinayso Tehran iyo in kale.

    Sidoo kale akhri:

  2. Muxuu Trump ka yiri in hoggaamiye diimeed ay yeelato Iiraan?

    Markii Trump la weydiiyay inuu u furan yahay in hoggaamiye diimeed cusub uu la wareego hoggaanka Teheran, Trump wuxuu sheegay in laga yaabo.

    "Waxay ku xiran tahay qofka uu yahay," ayuu yiri. "Dhib uma arko hoggaamiyeyaasha diimeed. Waxaan la macaamilaa hoggaamiyeyaal diimeed oo badan, waana dad cajiib ah. Waxaan leeyahay waa in la helaa hoggaamiye caddaalad ah, shaqo fiican qabta, si wanaagsanna ula dhaqma Mareykanka iyo Israa'iil, iyo sidoo kale waddamada kale ee Bariga Dhexe, dhammaantood waa saaxiibadeena."

    Maalintii Khamiista, Trump ayaa la sheegay inuu u sheegay warbaahinta Axios ee fadhigeedu yahay Mareykanka inuu doonayo inuu "door ku yeesho" magacaabista hoggaamiyaha xiga ee Iiraan.

    Sidoo kale akhri:

  3. Trump ayaa sheegay in Maraykanku mar horeba ogaaday marin biyoodka Hormuz

    Madaxweyne Trump ayaa maanta la hadlay CNN, halkaas oo uu kaga dhawaaqay in Mareykanku uu "horey uga baaraan degay" qaab marinka Hormuz—oo ah marinka saliidda ee ugu mashquulka badan adduunka—looga dhigayo mid u ammaan ah maraakiibta.

    "Waxaan dharbaaxo ku dhufannay ciidankooda badda, sababtoo ah, waad la socotaa, markaad badda ka curyaamiso ma awoodaan inay qabsadaan wixii ay doonayeen inay qabsadaan," ayuu yiri.

    Trump ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Mareykanku uu beegsaday 25 markab oo ay leedahay Iiraan tan iyo markii uu dagaalku billowday Sabtidii la soo dhaafay.

    Markii la weydiiyay sare u kaca qiimaha saliidda, madaxweynuhu wuxuu ku jawaabay "waxay noqon doontaa muddo gaaban".

    "Waxyar ayay kor u kaceen, laakiin aad uma badna, waxayna dib ugu soo dhici doontaa heerkii ugu hooseeyay ee abid la diiwaangeliyo."

    Sidoo kale akhri:

  4. Qaraxyo waaweyn oo laga maqlay Beirut

    Sawirro dheeraad ah ayaa naga soo gaaraya xaafadaha dhanka koonfureed ee magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan, halkaasi oo ay ciidamada Israa’iil duqeymo ka geysanayeen.

    Ka hor inta aysan duqeynta dhicin milatariga Israa’iil ayaa boqollaal kun oo qof ku amray in ay ka baxaan koonfurta magaalada.

    Amarka Israa’iil ayaa yimid ka dib markii milatarigu uu sidoo kale u sheegay dhammaan dadka deggan dhul baaxad leh oo ku yaalla koonfurta Lubnaan oo u dhow xadka Israa’iil inay isaga baxaan Arbacada, ka hor duulaan la filayo inay dhulka ku qaadaan.

    Ururka Xisbullah ayaa uga digay Israa’iiliyiinta ku nool meel 5km u jirta xuduudka Lubnaan inay ka baxaan guryahooda.

    Sii akhri:

  5. War deg deg ah, Mareykanka ayaa kumannaan qof uga saaraya Bariga Dhexe 'si hoose laakiin aan kala go' lahayn' - Trump

    Warbixin dheeraad ah oo laga helay Trump kuna aaddan xaaladda Bariga Dhexe, ayuu madaxweynuhu ku yiri baraha bulshada: "Waxaan ka raraynaynaa kumannaan qof dalal kala duwan oo ku yaalla Bariga Dhexe."

    "Si deggan ayaa loo sameynayaa, laakiin si aan kala go 'lahayn," ayuu raaciyay, isagoo ammaanay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.

    Sii akhri:

  6. Muxuu yahay xanuunka ku dhacay ninkan ee uu uga digay ragga?

    Aabe laba carruur ah leh ayaa ku dhawaaday inuu carrabkiisa waayo ka dib markii buro yar oo daanka hoostiisa ka soo baxay ay isu beddeshay kansar.

    Anthony Perriam wuxuu u tagay Dhakhtarkiisa Guud ka dib markii uu markii ugu horreysay isku arkay buro, dhowr toddobaad ka dibna waxaa laga helay kansar madaxa iyo qoorta ah oo la xiriira fayraska HPV.

    HPV waa koox fayras oo caadi ah oo saameeya maqaarka oo aan dhibaato ku keenin dadka badankood, laakiin noocyada qaarkood waxay sababi karaan kansar ama burooyinka xubnaha taranka.

    "Waxaan waligay maqlayey oo keliya HPV oo la xiriira kansarka ilmo-galeenka. Ma aanan ogeyn inay sababi karto kansarro sidan oo kale ah, gaar ahaan ragga," ayuu yiri Anthony, oo ka yimid Cardiff, Wales.

    Anthony wuxuu intaa ku daray "Waxaan isku arkaa inaan nasiib leeyahay in aan weli wax cuni karo oo hadli karo, laakiin haddii aan arrintan sii dayn lahaa muddo dheer, waxaan lumin lahaa carrabka ama xitaa waa dhiman lahaa."

  7. Trump oo shuruudahan ku xiray heshiis uu la galo Iran

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social,ku sheegay, “Ma jiri doono wax heshiis ah oo aan la galeyno Iiraan mooyee inay si shuruud la’aan ah isu dhiibto.”

    “Kadib taas, iyo doorashada Hoggaamiye WANAAGSAN oo la AQBALI KARO, annaga iyo saaxiibadeen iyo xulafadeenadii geesinimada lahaa, waxaan si daal la’aan ah uga shaqeyn doonnaa sidii Iiraan looga soo celin lahaa meel halis ah, annagoo ka dhigi doona mid dhaqaale ahaan weyn, ka wanaagsan, oo ka xoog badan sidii hore.”

    “IIRAAN WAXAY YEELAN DOONTAA MUSTAQBAL WANAAGSAN. ‘KA DHIG IIRAAN MID WANAAGSAN MAR KASTA (MIGA!).’”

    Sii akhri:

  8. Sawir muujinaya diyaarad rakaab oo kacaysa iyo duqayn isla xilligaas magaaladaas ka dhacday

    Sawirka hoose wuxuu mujinayaa duqayn ka dhacday magaalada Beirut iyadoo diyaarad rakaab sida isla xillgasa hawada galayso.

    Iisra’iil ayaa amar ku siisay kumanaan qof inay ka baxaan aaggaas, iyadoo sheegtay inay beegsanayso Xisbubullah.

  9. Imaaraadka oo shaaciyey tirada gantaallada iyo diyaaradaaha aan duuliyaha ee ay qabteen maanta

    Wasaaradda gaashaandhigga ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay qabteen sagaal gantaal oo ballistic ah iyo 109 diyaaradood oo aan duuliye lahayn maanta Jimce ah.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in dhammaan sagaalka gantaal ee la ogaaday maanta la burburiyay.

    Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ogaadeen 112 drone; 109 ka mid ah waa la qabtay, halka saddex ay ku dhaceen gudaha dalka.

    Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, saddex qof ayaa ku dhintay, 112 kalena waa ku dhaawacmeen weerarrada lagu qaaday Imaaraadka.

    Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay la tacaalaan hanjabaad kasta, iyagoo adkeeyay diyaar garowgooda ay kaga hortagayaan isku day kasta oo lagu wiiqi karo amniga dalka, isla markaana lagu ilaalinayo madaxbannaanida, xasilloonida iyo danaha qaranka.

  10. Madaxweynaha Iran oo war cusub sheegay xilli duqaymuhu ku socdaan dalkiisa

    Madaxweynaha Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in “ dalal qaar ay bilaabeen dadaallo dhexdhexaadin ah,” balse si gaar ah uma uusan sheegin kuwa ay yihiin dalalakaasi.

    Qoraal uu soo dhigtay barihiisa bulshada ayuu Pezeshkian ku yiri “Dalal qaar ayaa bilaabay dadaallo dhexdhexaadin ah. Aan caddeeyo waa naga go’an tahay nabad waarta oo ka dhalata gobolka, balse marnaba kama laba labeyn doono difaaca sharafta iyo madaxbannaanida qarankeenna.

    “Dhexdhexaadintu waa inay la hadashaa kuwa dhayalsaday shacabka Iiraan oo huriyay khilaafkan.”

    Hadalka Pezeshkian ayaa imanaya xilli deriska Carbeed ee Iran ay ka fiirsanayaan sida ay uga falcelinayaan weerarrada gantaallada ee Iiraan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo Mareykan ah, iyo sidoo kale kaabayaasha rayidka iyo kuwa tamarta ee ku yaalla dalalkooda.

  11. Hay'adda Amnesty International oo war argagax leh ka soo saartay Itoobiya

    Ururka Amnesty International ayaa sheegay in haween iyo gabdho ku nool gobolka galbeedka Oromia ee dalka Ethiopia ay la kulmeen kufsi, addoonsi iyo barakac qasab ah inta colaadu hubasan ka socoto gobolkaas.

    Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda ee Ethiopian iyo jabhada OLA ayaa ku fiday dhowr deegaan, gaar ahaan aagagga galbeedka.

    Dadkii ka badbaaday ayaa sheegay in la afduubtay, la garaacay, lana kufsaday mararka qaarkood maalmo ama toddobaadyo, iyadoo falalkan ay geysteen dagaalyahanno ka tirsan OLA iyo sidoo kale askar ka tirsan ciidamada dowladda.

    Haweenkaasi waxay u sheegeen ururka xuquuqda aadanaha in ay ka carareen guryahooda iyagoo ka cabsi qaba rabshado dheeraad ah ama aargoosi kaga yimaada kooxaha hubeysan.

    Rabshadaha ka socda gobolka Oromia oo bilaabmay 2019-kii ayaa sababay dhibaato iyo silic baahsan oo soo gaaray dadka rayidka ah.

  12. Maxay tahay digniinta ay soo saartay Qadar ee la xiriirta Iran?

    Dowladda Qadar ayaa ka digtay in dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan uu burburin karo dhaqaalaha caalamka. Wasiirka tamarta, Saad Al-Kaabi, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times in uu filayo in dhammaan soo-saarayaasha tamarta ee gobolka Khaliijka ay joojin doonaan dhoofinta toddobaadyo gudahood.

    Wuxuu saadaaliyay in qiimaha saliidda uu gaari karo 150 doolar halkii foosto. Hanjabaadaha Iiraan ayaa sidoo kale joojiyay maraakiibtii mari jirtay marin-biyoodka Strait of Hormuz, halkaas oo caadiyan ay maraan qiyaastii 20% saliidda adduunka.

    Mareykanka ayaa sidoo kale dabciyay cunaqabateyntii uu saaray saliidda Ruushka, kaddib markii qiimaha tamarta uu kordhay sababo la xiriira dagaalka Iiraan.

  13. IDF ayaa sheegtay in Israa'iil ay burburisay saldhigga ciidamada Iran ee Tehran

    God dhulka hoostiisa ah oo la qorsheeyay in uu isticmaalo hoggaamiyihii hore ee ugu sareeyay Iran Ayatullah Ali Khamenei ayaa la burburiyay ka dib weerar ay ku lug lahaayeen 50 diyaaradood oo nooca dagaalka ah sida ay sheegeen ciidamada difaaca Israel (IDF).

    Waxay leedahay Khamenei "waa la tirtiray" ka hor inta uusan isticmaalin godka - kaas oo loogu talagalay inuu u shaqeeyo sidii "xarunta amniga ee degdegga ah." Ee uu isticmaali lahaa Khamenei.

    IDF ayaa sheegtay in godku "ku baahay waddooyin badan" oo ku yaal bartamaha Tehran "ayna u sii isticmaaleen saraakiisha sare ee taliska Iran."

  14. Wararkii ugu dembeeyey ee dagaalka xilli dadka ku nool Tehran ay u sheegen BBC in xalay ay ahayd “habeenkii ugu xumaa”

    Hadda waa maalintii toddobaad ee colaadda ka socota Bariga Dhexe.

    Dadka degan Tehran ayaa u sheegay BBC in xalay ay ahayd “habeenkii ugu xumaa” tan iyo markii colaaddan bilaabatay. Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay in habeenkii xalay weerarro cusub oo duqeyn ah lagu qaaday Beirut, caasimadda Lebanon.

    Mar sii horreysay , Israel waxay ka digtay weerarro gantaallo ah oo ka imanaya Iran oo ku wajahan dhulkeeda, balse wax yar kadib waxay sheegtay in khatartaasi dhammaatay. Adeegyada gurmadka degdegga ah ee dalka ayaa sheegay in ilaa hadda aan la soo sheegin wax khasaare ah.

    Dalalka Khaliijka, oo ay ku jiraan Saudi Arabia, Qatar, iyo Bahrain, ayaa sidoo kale sheegay inay qabteen oo joojiyeen weerarro ka yimid Iran habeenkii xalay.

    Dadaallo daad-gureyn ah ayaa socda, iyadoo kumannaan qof ay weli ku xayiran yihiin gobolka. Duulimaadkii ugu horreeyay ee ay kiraysatay dowladda UK ee ka yimid Oman ayaa habeenkii xalay ka degay garoonka diyaaradaha ee London Stansted.

    Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka UK, David Lammy, ayaa BBC u sheegay in dowladda ay “doonayso oo rajaynayso” in duulimaadyo kale oo kiraysan ay ka baxaan Oman iyo sidoo kale duulimaadyo ganacsi oo ka baxa gobolka.

    Isagoo la hadlayay barnaamijka BBC Breakfast, Lammy wuxuu sheegay in UK ay “si cad u sheegtay” inaysan doonayn inay qayb ka noqoto “weerarkii hore ee Maraykanka iyo Israel”, laakiin ay “dabcan” taageeri doonto tallaabooyinka difaaca.

    Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga Tory, Kemi Badenoch, ayaa dhaliishay jawaabta dowladda ee weerarrada lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Cyprus.

  15. War deg deg ah, Iiraan: “Waxaa laga yaabaa inaan ka badbaado qaraxyada, laakiin maka badbaadi doono walbahaarka”:

    “Waxaa laga yaabaa inaan ka badbaado qaraxyada, laakiin maka badbaadi doono walbahaarka”: Iiraaniyiinta oo BBC u uga warmay xaaladda Tehran

    In kasta oo internet-ka uu si joogto ah u xiran yahay, adeegga BBC Persian ayaa ku guuleystay inuu la xiriiro dad ku sugan gudaha Iiraan si uu u ogaado sida xaaladdu hadda tahay.

    BBC Persian waa adeegga luuqadda Faarisiga ee BBC News, oo ay isticmaalaan 24 milyan oo qof adduunka oo dhan – inta badan ku nool Iiraan – inkasta oo ay marar badan xayiran tahay ama la carqaladeeyo.

    Iiraaniyiinta ku sugan Tehran waxay ka sheekeeyeen habeenno aan la seexan iyo walbahaar ay la kulmayaan iyadoo Mareykanka iyo Israa’iil ay sii wadaan weerarrada wadajirka ah ee magaalada.

    Nin ayaa yiri “Waxay ahayd wax aad u xun,” ayay tiri haweeney. “Waxay ku dhufanayeen si xoog leh in dhammaan daaqadaha ay ruxmaan. Waxay u muuqatay sida haddii ay jinni xoog leh ahayd.”

    Nin magaciisa ku sheegay Saalax ayaa sheegay subaxnimadii in uu 05:00 subaxnimo ku soo toosay dhawaaqa saddex qarax. “Xaaladdan run ahaantii iima wanaagsana. Hadda waxaan qaadanayaa sagaal kaniini maalin kasta, haddana weli waan walwalsanahay!

    “Si daacad ah, waxaa laga yaabaa inaan ka badbaado qaraxyada, laakiin maka badbaadi doono walbahaarka,” ayuu yiri.

  16. War deg deg ah, Israa’iil: Goobaha barakaysan ee Qudus Jimcaha waa xiranyihiin

    Isuduwaha howlaha dowladda Israa’iil ee dhulalka Falastiin, Yoram Halevi, ayaa sheegay in goobaha barakaysan ee Qudus ay weli xirnaan doonaan sababo la xiriira dhacdooyinka ka dhacay magaalada.

    Halevi wuxuu intaa ku daray in maalinta Jimcaha, xubnaha saddexda diimood aan loo oggolaan doonin inay galaan, sababo la xiriira “xaaladda degdegga ah ee dalka iyo hirgelinta tallaabooyinka difaac ee adag, iyo sidoo kale mamnuucista isu imaatinka iyo ilaalinta badbaadada iyo nolosha dadka.”

  17. War deg deg ah, Diyaarado aan duuliye lahayn oo weeraray goob shidaal oo ku taalla Ciraaq

    Fiidnimadii Khamiista, goobta shidaalka ee Sarsang ee gobolka Duhok ayaa waxaa lagu weeraray laba nooca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone).

    Dowladda Ismaamulka Kurdistan ayaa sheegtay in weerarku uu sababay khasaare hantiyeed oo ka dhacay goobta, taas oo ku qasabtay shirkaddii maamuleysay inay joojiso shaqadii halkaas ka socotay.

    Goobtan waxay soo saartaa qiyaastii 30,000 oo foosto oo shidaal ah maalintii, waxaana maamusha shirkadda HKN Energy, oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo Mareykan ah oo ka shaqeysa shidaalka iyo gaaska, isla markaana leh 62% saamiga goobtaas.

    Koox isku magacowday “Saraya Awliya al-Dam” (Guutooyinka Ilaaliyeyaasha Dhiigga), oo la xiriirta waxa loo yaqaan Iska-caabbinta Islaamiga ah ee Ciraaq, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

  18. War deg deg ah, Adeega gurmadka degdega oo ka hadlay Gantaalada ku wajahnaa Israa’iil

    Ma jiraan warbixino sheegaya khasaaro naf kadib markii gantaallo ay Iiran u riday dhanka Israa’iil, sida ay sheegeen adeegyada gurmadka degdegga ah.

    Cusboonaysiin degdeg ah oo ay soo saareen Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegaysa in muwaadiniinta Israa’iil ee ku jiray meelaha gabbaadka ah (meelaha laga galo gantaallada) ay hadda ka bixi karaan.

    Arrintan waxay timid kadib markii wax yar ka hor lagu amray dadka ku sugan meelaha khatartu ka jirto inay galaan meelaha gabbaadka, iyadoo IDF ay sheegtay inay ka shaqaynayso “inay qabato ama burburiso gantaallada ay Iran soo ridday.”

    Xogta ugu dambeeysay ee lagu daabacay Telegram ayaa sheegaysa in Home Front Command (waaxda ilaalinta shacabka) ay ku talinayso in hadda la oggol yahay in laga baxo meelaha gabbaadka ee dalka oo dhan, balse dadka ay u dhowadaan meelahaas haddii loo baahdo.

    Dhanka kale, Magen David Adom, oo ka howl gala adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil, ayaa sheegay: “Marxaladdan, lama helin wax warbixin ah oo ku saabsan khasaaro naf ah.”

  19. War deg deg ah, Gantaalo kusii socda Israa’iil iyo IDF oo u diyaar garowday

    Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan qabashada gantaallo cusub oo laga soo riday Iran kuna soo jeeda Israa’iil.

    Bayaan ay ku daabaceen Telegram, ayay ku yiraahdeen: “Wax yar ka hor, IDF waxay ogaadeen gantaallo laga soo riday Iran oo ku wajahan dhulka Dawladda Israa’iil.”

    Waxay intaas ku dareen: “Nidaamyada difaaca ayaa hadda shaqaynaya si ay u qabtaan khatartaas.”

    IDF waxay sidoo kale sheegtay “Taliska Difaaca Rayidka” in ay dirtay “tilmaamo taxaddar ah” oo loo diray taleefannada gacanta ee dadka ku sugan meelaha khatartu khusayso.

    Dadka fariintaas helay waxaa lagu wargeliyay inay galaan meel ammaan ah (bunker ama hoy difaac) oo ay halkaas ku sugnaadaan ilaa ogeysiis kale laga bixiyo.

  20. War deg deg ah, Dad lagu xirxiray London oo lala xiriirinayo baaritaan argagixiso oo ku saabsan Iran

    Afar qof ayaa lagu xiray magaalada London kadib baaritaan la xiriira la-dagaallanka argagixisada oo ku saabsan Iiran, sida ay sheegeen booliska Metropolitan Police.

    Boolisku waxay xireen hal muwaadin oo u dhashay Iiran iyo saddex qof oo haysta laba dhalasho (Ingiriis iyo Iiraani), kuwaas oo looga shakisan yahay inay caawinayeen adeeg sirdoon oo ajnabi ah.

    Boolisku waxay sheegeen in baaritaanku la xiriira yahay kormeer ama dabagal lagu tuhunsan yahay in lagu sameeyay goobo iyo shaqsiyaad la xiriira bulshooyinka Yuhuudda ee ku nool London.

    Baaritaanno iyo baarisyo guryo ah ayaa weli ka socda Watford, Barnet, iyo cinwaan ku yaalla Wembley.

    Qof 40 jir ah iyo mid 55 jir ah ayaa lagu xiray guryo ku yaalla Barnet, qof 52 jir ah waxaa lagu xiray Watford, halka qof 22 jir ah lagu xiray Harrow.

    Sidoo kale lix nin oo kale oo da’doodu tahay 29, 39, 42, 49, iyo laba 20 jir ah ayaa lagu xiray isla goob ku taalla Harrow, kuwaas oo looga shakisan yahay inay caawinayeen qof dambiile ah.