You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israaiil oo cirka ka duqeynaysa Bayruut iyo Tehran iyo Maraykanka oo sheegay in duqeymaha Iiran ay si weyn u kordhi doonaan

Israaiil waxay weerarro cusub ku qaaday Tehran iyo Bayruut, iyadoo ilaalada kacaanka Iiran (IRGC) ay sheegeen inay gantaallo ku rideen Tel Aviv, markii dagaalku uu galay maalintii toddobaad

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Maersk: Hakad ku-meelgaar ah oo ku yimid maraakiibta u socda Bariga Dhexe

    Jimcihii, shirkadda maraakiibta ee Maersk Shipping Group ayaa ku dhawaaqday hakad ku-meelgaar ah oo lagu joojinayo adeeggeeda FM1, kaas oo isku xira Bariga Fog iyo Bariga Dhexe, iyo sidoo kale adeeggeeda ME11, kaas oo isku xira Bariga Dhexe iyo Yurub.

    Shirkaddu waxay bayaan ay u dirtay macaamiisheeda ku tiri:

    “Go’aankan waxaa loo qaatay tallaabo taxaddar leh si loo hubiyo badbaadada shaqaalaheenna iyo maraakiibteena, isla markaana loo yareeyo carqalad kasta oo ku timaadda hawlgalka shabakaddeenna guud.”

    Kooxda Maersk waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dunida ee bixiya adeegyada isku dhafan ee maraakiibta iyo saadka (logistics)

  2. War deg deg ah, Tirada dhimashada iyo dhaawacyada Israa’iil ee duqaymaha Iran iyo Xizbullah

    Ilaa 40 qof ayaa ku dhaawacmay Israa’iil hal maalin gudaheed, halka 10 qof lagu dilay goobaha gantaalladu ku dhaceen tan iyo markii weerarku bilowday.

    Wasaaradda Caafimaadka ee Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in 140 qof la dhigay isbitaallo 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo ka dhalatay iska horimaadka Iran iyo Hezbollah.

    Kiisaskan waxaa ka mid ah: 1 dhaawac culus, 19 dhaawac dhexdhexaad ah, 114 dhaawac fudud, 4 qof oo la kulmay argagax (panic attacks) iyo 2 qof oo wali xaaladdooda caafimaad la qiimeynayo

    Wasaaraddu waxay ku sheegtay bayaan ay ku daabacday Telegram in tirada guud ee dadka dhaawacmay tan iyo bilowgii howlgalka “Lion's Roar” ay gaartay 1,619 qof, kuwaas oo loo qaaday isbitaallada ilaa subaxnimadii Jimco, 6 Maarso.

    Dhankeeda, adeegga ambalaasta Israa’iil ayaa sheegay in 502 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaallo intii lagu jiray toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka.

    Waxay sidoo kale sheegtay in 138 qof ku dhaawacmeen goobaha ay gantaalladu ku dhaceen, kuwaas oo ay ku jiraan: 10 qof oo dhintay, 2 xaaladood oo halis ah. 6 dhaawac dhexdhexaad ah iyo 120 dhaawac fudud.

  3. War deg deg ah, Dagaalku waxa uu galay maalinkii toddobaad, maxaa hadda lagama maarmaan ah inaad ogaato?

    Haddii aad hadda nagu soo biireyso, halkan waxaa ku qoran horumarradii ugu muhiimsanaa ee saacadaha la soo dhaafay:

    • Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in diridda ciidamo dhulka ah oo Iiran lagu weeraro ay tahay "wakhti lumis".
    • Xoghayaha Gaashaandhigga Pete Hegseth ayaa sheegay in awoodda dagaalka ee Iran loo adeegsado ay si weyn u fido doonto.
    • Qaraxyo ayaa ka dhacay caasimadda Lubnaan, Bayrut, ka dib markii ciidanka Israa’iil ay ku dhawaaqeen inay bartilmaameedsadeen kaabayaasha Hezbollah.
    • Sacuudi Carabiya ayaa ku qabatay saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drones) bariga Riyadh.
    • Kuuriyada Koonfureed ayaa kala tashanaysa Maraykanka u wareejinta Iiraan nidaamyada difaaca gantaallada Maraykanka, si loogu isticmaalo dagaalka
    • Washington ayaa siisay India oggolaansho ku meel gaar ah si ay u iibsato saliida Ruushka.

    Nala soco si aad u hesho horumarrada ugu dambeeyay ee ku saabsan dagaalka u dhexeeya Israa’iil, Maraykanka oo isku dhinac ah iyo Iiran.

  4. War deg deg ah, Shiinaha oo kala hadlaya Iiraan in marin ammaan ah la siiyo maraakiibta saliida Qadar

    Shiinaha ayaa la gorgortamaya Iiraan si maraakiibta sidda saliida ceyriin iyo gaaska Qadar ay si nabad ah uga gudbaan Gacanka Hormuz, sida ay qortay Reuters, iyadoo tixraacaysa ilo aan la magacaabin.

    Haddaba, maalinta toddobaad ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil, Mareykanka iyo Iiraan, boqolaal markab ayaa ku xayiran hareeraha marin muhiimka ah ee biyahan, kaas oo dhex mara qiyaastii shan meelood meel saliida iyo gaaska adduunka.

    Iyadoo dagaalkan cusub ee Bariga Dhexe ka socda, qiimaha tamarta ayaa sidoo kale korartay.

    Reuters iyo Bloomberg, iyagoo tixraacaya xogta raajada maraakiibta, ayaa sheegay in markab saliid sida oo la rumeysan yahay inuu Shiinaha leeyahay uu ka gudbay gacanka Khamiistii, inkasta oo BBC aysan weli xaqiijin karin dhaqdhaqaaqiisa.

    Shiinaha waa mid ka mid ah iibsadayaasha ugu waaweyn ee saliida Iiraan wuxuuna cambaareeyay weerarada Israa’iil iyo Mareykanka ee Iiraan.

  5. War deg deg ah, Iiraan oo loo soo wareejinayo nidaamyada difaacyada gantaalada Maraykanka ee Kuuriyada Koonfureed

    Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ciidamada dalkeedu la hadlayaan ciidamada milatariga Mareykanka si ay uga wada xaajoodaan suurtagalnimada in qaar ka mid ah nidaamyada difaaca gantaalada ee Patriot ee ay Mareykanku halkaas ku leeyihiin loo wareejiyo loona dagaalka ka dhan ah Iiraan.

  6. War deg deg ah, Weerarkii u dambeeyay ee Sacuudiga iyo talaabo ay qaadeen

    Wasaaradda difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka hortagtay weeraro gantaallo iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn oo gudaha dalka ka dhacay habeenkii.

    Warar dhowr ah oo ay ku baahisay X, waxay sheegeen in gantaal dulmar ah (“cruise missile”) lagu “joojiyay laguna burburiyay” meel u dhow magaalada Al-Kharj, koonfur-bari ka xigta caasimadda Riyadh.

    Saacaddii ugu dambeysay waxay sidoo kale soo sheegtay in dhowr diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn la riday meel u dhow caasimadda lafteeda.

  7. War deg deg ah, Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano ah

    Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday muddo kororsi hal sano ah, taasi oo uu siinayo dastuurka cusub ee Arbacadii la meel mariyay in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu yahay 5 sano, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamanka Aadan Madoobe.

    ‘’Baarlamaanka wuxuu shaqayn doonaa inta dastuurka uu tilmaamay. Dastuurka kan hadda la ansixiyay inta uu tilmaamay buu baarlamanku joogi doonaa. Kii KMG ma aha yaah… Dastuurka rasmiga ah inta uu tilmaamay ayuu baarlamanka shaqeyn doonaa iyo hay’adaha dastuuriga ah’’

    Xildhibaanada ka maqan fadhiyada baarlamanka ayuu ugu baaqay inay soo xaadiraan kulamada goloha si loo sii waddo shaqooyinka muddada sanandka ee haatan uu sheegay Madoobe inuu ugu oggolaanayo dastuurka cusub ee 222 xildhibaan ay u codeeyeen.

    ‘’Kalfadhiyada noo harsan Insha Allaah shuruuc badan oo laga gaari waayay iyo waxyaabo badan oo dowlad dhiska kamid ah fadhiyada noo harsan samayn doonaa, xoogaa fursad ah ayaan siinaynaa xildhibaanada, fasaxa waan u dheeraynaynaa si si ay cibaadada usoo gutaan. Xildhibaanadii la ganaaxayna waxay lamid yihiin xildhibaanada kale… imaada ganaaxiini waa dhammaaday’’

  8. War deg deg ah, Israaiil oo ka digtay weerar sii xoogaysta oo ka dhan ah Iran

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in weerarradoodii habeenkii hore ay ku beegsadeen waxa ay ugu yeereen “kaabayaasha nidaamka” ee Tehran. Waxay sidoo kale sheegeen inay weerarayaan “kaabayaasha Hezbollah” ee meelaha xoogga badan ee kooxda hubeysan ku leeyihiin Bayruut.

    Milatariga Israaiil ayaa xoogga saaraya waxa ay ku tilmaamayaan “tallaabo isku duuban” iyo “iskaashi taariikhi ah oo dhab ah” oo ay la leeyihiin ciidamada Maraykanka.

    Taliyaha guud ee Ciidanka Israaiil, Eyal Zamir, ayaa sheegay in wejigii hore ee “weerarka lama filaan ah” uu ku lug lahaa helitaanka “ku awood roonaanta cirka” iyo weerar lagu qaaday goobaha gantaallada. Wuxuu sheegay in wejiga xiga uu jiri doono “lama filaano dheeraad ah” si “si kale loogu burburiyo nidaamka.”

    Habeenkii, diyaaradaha dagaalka Israaiil ayaa fuliyay mowjad afraad iyo tobnaad ee weerarada Iran tan iyo Sabtida, iyadoo duqeymo culus laga soo sheegay Tehran iyo magaalooyin kale. Khamiistii, qaylo digniin u ah gantaallada Iran ayaa si isdaba joog ah uga dhawaaqayay Israaiil, iyadoo mid ka mid ah weerarrada la isticmaalay gantaal leh madaxa kooxaysan – in kastoo dhaawac la soo sheegin.

    Lubnaan, qaraxyo dheeraad ah ayaa ka dhacay Bayruut koonfureed habeenkii, ka dib markii milatariga Israaiil uu digniino siiyay dadka inay ka baxaan xaafado dhan – taasoo abuurtay xaalado cabsi ah.

  9. War deg deg ah, Waa “Wakhti lumis” in ciidamada dhulka ee Maraykanka loo diro Iiran

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u sheegay NBC News in hadda ay tahay “wakhti lumis” in ciidamada Maraykanka loo diro Iiran, islamarkaana aysan ahayn wax uu hadda ka fikiraayo.

    “Wakhti lumis ayey tahay. Waxay lumiyeen wax walba. Waxay lumiyeen ciidamada badda. Wax walba oo ay lumi karaan way lumiyeen,” ayuu Trump u sheegay NBC Khamiistii.

    Wuxuu intaas ku daray in hadalladii hore ee Abbas Araghchi uu NBC ku sheegay in Iiran diyaar u tahay in la weeraro ciidanka dhulka ee Maraykanka ama Israa'iil ay ahayd “hadal waqti lumis ah”.

    Trump sidoo kale wuxuu sheegay inuu doonayo inuu nadiifiyo qaab-dhismeedka hogaaminta Iran ee hadda jirta.

    “Waxaan rabnaa inay yeeshaan hogaamiye wanaagsan. Waxaan haynaa dad qaar oo aan u maleynayo inay shaqo fiican qaban doonaan,” ayuu yiri, isagoo aan magacaabin qof gaar ah.

  10. War deg deg ah, Sawirro: duqeymaha ka dhacaya Bariga Dhexe

    Warbixino ayaa sheegaya in duqeymo habeenkii ka dhacay Bariga Dhexe, iyadoo dagaalka u dhaxeeya Maraykanka‑Israa'iil oo isku dhinac ah l iyo Iiran uu galay maalintii toddobaad.

  11. War deg deg ah, “Heerka weeraradu aad ayay u sarreeyaaan”

    Inta lagu jiro dagaalkan, wariyayaasha BBC ayaa loo diray guud ahaan Bariga Dhexe. In kasta oo aanay joogin gudaha Iiraan, haddana saaxiibadeen ayaa ku guuleystay inay la xiriiraan qaar ka mid ah dadka gudaha dalka inkastoo internet-ka uu goo go’ayay.

    Waa qaar ka mid ah waxa dadka dhulka joogay ay noo sheegeen:

    • “Tirada qaraxyada, burburka, waxa dhacaya – waa wax la yaab leh,” ayuu yiri Salar (magaciisa waa la beddelay) oo ku sugan Tehran. “Maalin kasta waxay u muuqatay sida bil,” ayuu sii raaciyey. “Heerka weerarka ayaa aad u sarreeya.”
    • “Annagu uma baran in gantaallo korkeena lagu joojiyo,” ayuu wariye iyo saameeye Hofit Golan, oo ku nool Dubai, u sheegay BBC News. “Waxaan arkay gantaallo la qabtay iyo qiiq ka soo baxay The Palm.”
    • “Ha dhahaan waxa ay doonaan – anigu ma aadi doono Beirut waddooyinka la iigu arko,” ayuu yiri Maxamed, oo ka mid ah rayidka koonfurta Lebanon oo la faray inay ka tagaan guryahooda sababtoo ah howlgal militari. “Anigu ma joogayo agagaarka Hezbollah ama kaabayaasha ay leeyihiin, sidaas darteed waan nabadgeli karaa,” ayuu raaciyey, isagoo intaa ku daray inuu doorbido inuu gurigiisa ku dhinto halkii uu ka carari lahaa.
    • Andrew Crow iyo Jean Weir, oo ka yimid Glasgow, ayaa ka baxay hoteelka Fairmont The Palm ee Dubai saacado ka hor intii aanu qarax weyn ka dhicin Sabtidii. “Duulimaadku wuxuu ahaa mid dheer markaan soo noqonay, waan hubaa, laakiin waan ku faraxsanahay inaan guriga joogno,” ayuu yiri Andrew.
  12. War deg deg ah, Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato

    Haddii aad hadda kusoo biirtay, kuwan waa horumarradii ugu muhiimsanaa ee saacadihii u dambeeyay:

    • Shir jaraa’id oo ka dhacay taliska dhexe ee Maraykanka (US Central Command), Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in awoodda weerarrada ee ka dhanka ah Iiraan si weyn loo kordhin doono.
    • Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu garaacayo nidaamyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) iyo gantaallada Iiraan saacad kasta.
    • Hegseth wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku sii wadi karo ololahan militari inta uu doono, isla markaana dhowr xulafo oo Maraykan ah ay iyaguna gacan ka geysanayaan.
    • Wuxuu kaloo sheegay in Madaxweyne Trump uu door weyn ku yeelan doono cidda maamuli doonta Iiraan, halka Trump uu horay ugu sheegay warbaahinta Maraykanka in uu “ku lug yeelan doono” magacaabista hoggaamiyaha xiga.
    • Dhanka kale, qaraxyo ayaa laga soo sheegay Beirut; Baxreyn waxay sheegtay in Iiraan ay weerartay hoteel iyo dhismayaal la deggan yahay; Qatarna waxay sheegtay inay hawada ku qabatay drone lagu weeraray saldhig Maraykan leeyahay.
    • Diyaaraddii ugu horreysay ee dowladda UK u dirtay daad-guraynta muwaadiniinteeda Bariga Dhexe ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Stansted Airport ee London kadib markii ay ka soo duushay Cumaan.
  13. War deg deg ah, Maraykanka oo oggolaansho u siiyay Hindiya iibsashada saliidda Ruushka

    Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa si ku-meel-gaar ah u fududeysay cunaqabataynta si Hindiya loogu oggolaado inay iibsato saliid Ruush ah oo hadda ku xanniban badda.

    Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, ayaa sheegay in oggolaanshahan 30-maalmood ah uu u saamaxayo saliidda inay sii gasho suuqa caalamiga ah, isla markaana uu “yareyn doono cadaadiska ka dhashay isku dayga Iiraan ay ku doonayso inay tamarta caalamka u afduubnaato.”

    Tallaabadan, ayuu Bessent ku sheegay bartiisa X, inay tahay “go’aan si ula kac ah u ah oo ku-meel-gaar ah,” isla markaana “aan siin doonin faa’iido dhaqaale oo weyn dowladda Ruushka,” maadaama ay khusayso oo keliya saliid horay badda ugu xannibnayd.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa cunaqabatayn saaray saliidda Ruushka kadib duullaankii Moscow ku qaaday Ukraine, taas oo ku qasabtay iibsadayaasha inay raadiyaan ilo kale oo saliid ah.

    Washington ayaa si gaar ah cadaadis u saartay Hindiya—oo ah iibsade weyn oo tamarta Ruushka ah—si ay u joojiso iibsashada saliidda Ruushka, si loo yareeyo lacagta loo isticmaalo maalgelinta duullaanka.

  14. War deg deg ah, Qatar oo ka hortagtay weerar diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday saldhiga Maraykanka

    Wasaaradda Gaashaandhigga ee Qatar ayaa sheegtay in ciidanka cirka ee dalkaasi ay si guul leh u joojiyeen weerar ay fulinayeen diyaarado aan duuliye lahayn (drone) oo lagu bartilmaameedsaday saldhigga cirka ee Al-Udeid, kaas oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Maraykanka ku leeyihiin Bariga Dhexe.

    Warkan ayaa yimid ka dib markii dowladda Qatar ay hore digniino amni ugu dirtay taleefoonnada gacanta ee dadka ku nool dalka, iyagoo uga digay dadka inay ka fogaadaan daaqadaha iyo meelaha bannaan.

  15. War deg deg ah, Xisbullaah oo diginin u dirtay dadka Israa’iil inay ka baxaan meelaha ku dhow xadka

    Xisbullah ayaa uga digtay dadka Israa’iil ee deggan magaalooyinka ku jira 5 km (3 mayl) gudaha xadka Lubnaan inay si degdeg ah uga guuraan.

    Digniintan ayaa lagu baahiyay fariin lagu qoray afka Cibraaniga oo lagu daabacay kanaalka Telegram ee ururka subaxnimadii Jimcaha hore, sida ay sheegtay Reuters.

    “Duullaanka ay ciidankiinnu ku hayaan madaxbannaanida Lubnaan iyo muwaadiniinta nabadda ah, burburinta kaabayaasha rayidka, iyo ololeyaasha barakicinta ee aad waddaan ma ahaan doonaan kuwo aan jawaab laga bixin,” ayay tidhi Xisbullah.

    Ciidamada Israa’iil ayaa bilaabay mowjad weerarro ah oo ka dhan ah Lubnaan fiidkii Khamiista, kadib markii ay dadka ku amreen inay ka baxaan xaafadaha koonfureed ee magaalada Beyruut, oo ah goob ay si weyn uga xooggan tahay Xisbullah.

    Wax yar ka horna, ciidanka Israa’iil (IDF) ayaa sidoo kale sheegay inay bilaabeen “mowjad ballaaran oo weerarro ah oo lagu beegsanayo kaabayaasha nidaamka argagixisada ee Iran ee magaalada Tehran.”

  16. War deg deg ah, 'Musiibo weyn ayay ku noqon doontaa iyaga' Iiraan oo ka hadashay suurtogalnimada weerar dhulka ah oo lagu qaado

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa wareysi uu siiyay NBC ku sheegay in Iiraan aysan dalban xabbad-joojin ama wada-xaajood ay la gasho Maraykanka

    “Xaqiiqadu waxay tahay inaanan lahayn waayo-aragnimo wanaagsan oo ku saabsan wada-xaajood lala yeesho Mareykanka, gaar ahaan maamulka hadda jira. Waxaan wada-xaajoonnay laba jeer sanadkii hore iyo sanadkan, waxaana dhexda wada-xaajoodka ay nagu qaadeen weerar,” ayuu yiri Araqchi.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale sheegay inuusan wax xidhiidh ah la yeelan Steve Witkoff ama Jared Kushner tan iyo toddobaadkii hore.

    Isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan suuragalnimada weerar dhulka ah oo Mareykanku ku qaado iyo sida Iiraan uga falcelin doonto, ayuu sheegay in ciidamada milatariga ee dalkiisu ay sugayaan iska horimaad dhulka ah oo ay la galaan askarta Mareykanka, sababtoo ah sida uu sheegay “waxaan ku kalsoonahay inaan la tacaali karno, taasina waxay u noqon doontaa musiibo weyn.”

    Wuxuu sidoo kale ka hadlay weerarrada Iiraan ku qaaday dalalka gobolka, isagoo yiri: “Waxaan beegsanay bartilmaameedyo Mareykan ah iyo saldhigyo iyo xarumo Mareykan ah oo nasiib darro ku yaalla dhulka dalalka deriska nala ah.”

    Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale ka hadlay weerar Mareykanku ku qaaday markabka IRIS Dena, kaas oo sababay dhimashada 87 badmaax oo ku sugnaa Badweynta Hindiya. Wuxuu yiri: “Markabka ku degay Badweynta Hindiya ma uusan hubaysnayn, wuxuuna siday saraakiil tababar ku jiray. Weerarka markabkan waxaa loo arkaa dambi dagaal, waxuuna ficilkaas Mareykanku ku abuuray xaalad aad u halis ah.”

    Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay taageerada milatari ee ay Iiraan ka helayso Shiinaha iyo Ruushka, isagoo sheegay: “Iskaashiga milatari ee naga dhexeeya Ruushka muddo dheer ayuu ahaa mid si fagaare ah loo ogaa.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay inuusan bixin doonin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan iskaashigaas sababo la xiriira xaaladda dagaalka.

  17. War deg deg ah, Iiraan oo beegsatay laba hoteel oo ku yaala Baxrayn

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Bahrain ayaa sheegtay in laba hoteel iyo dhisme la deggan yahay oo ku yaal caasimadda Manama lagu bartilmaameedsaday weerar ay fulisay Iran.

    Weerarkan ugu dambeeyay wuxuu sababay “khasaare hantiyeed balse ma jiro wax dhimasho ah”, ayay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku sheegtay qoraal ay ku daabacday X.

    Horaantii toddobaadkan, saldhigga ciidanka badda ee Maraykanka ee ku yaal Bahrain ayaa sidoo kale lagu weeraray gantaallo ay ridday Iran.

  18. War deg deg ah, Mareykanka oo amar ku bixiyay in shaqaalahiisa laga saaro safaaradiisa kuweyd ayna burburiyaan xogaha sirta ah

    Maraykanka ayaa amar ku bixiyay in la daadgureeyo safaaraddiisa ku taalla Kuwait, sida ay werisay CBS News, oo bahwadaag la’ah BBC-da.

    Daadgureyntan ayaa la qorsheeyay inay dhacdo habeenka u dhexeeya illaa Jimcaha, waxaana shaqaalaha safaaradda lagu amray inay burburiyaan xogta iyo inay tirtiraan keydadka xogaha sirta ah, sida ay laba sarkaal oo Mareykan ah u sheegeen CBS.

    Amarka daadgureynta ayaa yimid xilli ciidanka Kuwait ay sheegeen in difaacooda cirka ay iska caabiyeen weerar gantaal ah oo soo galay hawada dalka.

    “Hawlgalkii lagu soo riday gantaalka wuxuu sababay in qaar ka mid ah burburka uu dhulka ku dhaco, taasoo keentay khasaare yar oo hanti ah oo ku koobnaa dhaawac soo gaaray hal gaari, iyadoo aan wax dhaawac ah oo dad ah la diiwaangelin,” ayuu ku qoray afhayeen u hadlay milatariga Kuwait bayaan lagu daabacay X.

  19. War deg deg ah, Maxaan ka ogaanay hadaladii ugu danbeeyay ee Donald Trump, Pete Hegseth iyo Taliska Dhexe ee Maraykanka

    Halkan waxaa ku qoran qodobbada ugu muhiimsan ee laga soo qaatay hadal jeedintii ay dadweynaha u sameeyeen saacadihii la soo dhaafay Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Pete Hegseth, Madaxa Taliska Dhexe ee Maraykanka Brad Cooper, iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump:

    • Maraykanku wuxuu haystaa hub iyo rasaas ku filan, wuxuuna sii wadi karaa ololihiisa ka dhanka ah Iiraan inta uu u baahdo, sida uu sheegay Hegseth.
    • Ku dhowaad 200 bartilmaameed ayaa ciidamada Maraykanku duqeyn ku garaaceen gudaha Iiraan 72-kii saac ee la soo dhaafay, sidoo kale waxaa la quusiyey in ka badan 30 markab oo Iiraan leedahay, sida uu sheegay Cooper.
    • Trump wuxuu “saameyn weyn” ku yeelan doono cidda mustaqbalka hoggaamin doonta Iiraan, sida uu sheegay Hegseth.
    • Awoodda militari ee hawada laga adeegsanayo ee ka dhanka ah Iiraan ayaa si weyn u sii kordhi doonta, sida uu sheegay Hegseth.
    • Qaar ka mid ah xulafada Maraykanka ayaa kor u qaaday taageeradooda, sida uu sheegay Hegseth.
    • Dagaalku ma sii fidayo, balse “wuu fududaanayaa” maadaama dalal badan ay ku midoobayaan ka hortagga Iiraan, ayuu sii raaciyey.
    • Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay wacday oo ay dalbatay in heshiis la gaaro, balse “annaga hadda waxaan rabnaa inaan dagaalno xitaa ka badan sida ay iyagu rabaan.”
    • Maraykanku wuxuu saacad kasta duqeynayaa nidaamyada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, sida uu sheegay Trump.
    • Maraykanku wuxuu burburinayaa awoodda Iiraan si ka dhaqso badan jadwalkii hore loo qorsheeyay, sida uu sheegay Trump.
  20. War deg deg ah, 'Waxaan quusinay in ka badan 30 markab oo Iiraan ah' madaxa Taliska Dhexe ee Maraykanka

    Waxaan quusinay in ka badan 30 markab oo Iiraan ah, sida uu sheegay madaxa Taliska Dhexe ee Maraykanka

    Hadda waxaan ka maqaleynaa madaxa Taliska Dhexe , Admiral Brad Cooper.

    Wuxuu sheegay in 72-kii saac ee la soo dhaafay, Maraykanku uu beegsaday ku dhowaad 200 bartilmaameed oo ku yaal Iiraan.

    Sidoo kale wuxuu sheegay in Maraykanku ilaa hadda quusiyey in ka badan 30 markab oo Iiraan leedahay.

    “Saacadihii ugu dambeeyay oo keliya, waxaan garaacnay markab Iiraan leedahay oo qaada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), kaas oo cabbir ahaan la mid ah markabkii diyaaradaha qaadi jiray ee dagaalkii labaad ee aduunka. Hadda oo aan hadlayno, markabkaa wuu gubanayaa.”