Kadib duulaanka Ruushka ee Ukraine, barnaamijka BBC-da qeybta xaqiiqo raadinta ayaa sanadkii 2018 diiradda lagu saaray halka uu yaalla hubka Nukliyeerka iyo cidda heysata guud ahaan caalamka.
Iyada oo la sheegayo in hubka Nukliyeerka ah uu hoos u dhac weyn ku yimid tan iyo dagaalkii qaboobaa, boqollaal madax oo nukliyeer ah ayaa muddo kooban gudahood lagu ridi karaa, khubarada ayaa sheegaya in waddan kasta oo hubka Nukliyeerka heysta uu qorsheynayo sidii uu ku cusboonaysiin lahaa hubkaas.
Waddamo badan ayaa qarsaday hubka Nukliyeerka, laakiin waxaa la og yahay inay jiraan sagaal waddan oo leh in ka badan 9000 oo hubka Nukliyeerka ah.
Hubkan waxaa laga yaabaa in la dhigay meelo kala duwan - oo berriga ah, badda, iyo qaar kale oo badan oo laga yaabo inay yaallaan xeryo ciidan.
Ilaa 1800 oo hub nukliyeerka ah ayaa heegan la geliyey waxaana laga yaabaa in digniin la'aan la rido.
Maraykanka iyo Ruushka ayaa heystaa tirada ugu badan hubka nukliyeerka ah ee adduunka
Maxay dalalkan kaliya ah u sameysteen Nukliyeerka?
Tan iyo 1970-kii, ilaa 191 waddan oo ay ku jiraan Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa saxiixay heshiisyo ku saabsan arrimaha hubka nukliyeerka . Hindiya, Israa'iil iyo Pakistan ma aysan saxiixin heshiiska, Waqooyiga Kuuriya waxay heshiiskaas ka baxday sanadkii 2003-dii.
Heshiiska oo ku caan baxay NPT wuxuu xusay shan dal oo ay kamid yihiin Maraykanka, Ruushka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Shiinaha kuwaas oo dhamaantood tijaabiyey hubka Nukliyeerka ka hor inta aan la dhaqangelin heshiiska.