You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Trump oo dhaliilay NATO isaga oo ka qayb galka shirka u sababeeyay Turkiga dartiis

Dalka Turkiga waxaa ka dhacaya shirka hoggaamiyaasha Nato, iyadoo maanta uu halkaasi gaaray madaxweyne Trump

Kooban

Tebin toos ah

  1. Diyaaradaha daroonka Turkiga oo faltanka cirka kaga yaabsaday kuwa Maraykanka ee F-16

    Daroonka Turkiga ee loo yaqaan Bayraktar Kizil ayaa la sheegay in ay meel fog ka bartilmaameedsatay diyaaradaha dagaalka ee F-16 mar la tijaabinayay gantaalada hawada laysku weydaarsado. Arrintan ayaa lagu tilmaamay guul taariikhi ah oo laga gaaray dhinaca difaaca.

    "Waxaan dhidibbada u taagnay waa cusub oo taariikhi ah…Turkiga waxa uu noqday dalkii ugu horeeyay adduunka ee meel sare ka gaara taariikhda duulista" ayuu yiri Selcuk Bayraktar oo ah guddoomiyaha iyo madaxa shirkadda Bayraktar.

    Nidaamka loo yaqaan BVR oo ah kan raadaarada ku soo helaan diyaaradaha, waxaa loo adeegsadaa goobaha dagaalka marka diyaarad ama gantaal meel fog laga soo tuurayo lagu duqeynayo meel aan loo jeedin.

    Hadii goobta la beegsanayo aan la arkeyn, waxaa loo yaqaan BVR. Marka la doonayo in la duqeeyo goobahaas aan la arkeyn waxaaa la adeegsadaa Radar.

    Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha saarneyn ee Turkiga waxaa la filayaa in militeriga ay qeyb ka noqdaan sanadkan 2026-ka.

    Bayraktar Kizilma waa diyaarado ka hooseeya raadaarka, waxaana ku rakiban qalab casri ah oo lagu arki karo diyaaradaha cadawga ayagoo aan ogeyn in la ugaarsanayo, joogana meel fog.

    Sida ay sheegtay shirkada Biker, waxay sheegtay diyaaradaha dagaalka Turkiga ee F-16 in ay ka qeybqaateen iyagoo jooga meel 50 kilomitir ka fog. Shirkada waxay sheegtay hadii ay dagaal sax ahaan laheyd in diyaarada la soo ridi lahaa.

    Dadka falanqeeya arrimahan waxay aaminsan yihiin in diyaaradaha daroonka Turkiga ee ka soo duuli kara maraakiibta ay gaari karaan xawaare sare mustaqbalka, ayna ka fulin karaan howlgal sahan badda Mediterranean iyo gobolka Aegean.

  2. Ugu yaraan 10 qof oo ku dhintay weerarro culus oo uu xalay Ruushku ku qaaday Ukraine

    Dadka deggan caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayaa mar kale wajahaya habeen ay hareeyeen weerarro cirka ah oo dhimasho sababay, kadib markii Ruushku uu ku qaaday magaalada Kyiv iyo nawaaxigeeda mowjado gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

    Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay weerarrada, iyadoo mid ka mid ah uu ku geeriyooday degmada Bucha, halka in ka badan afartan kalena ay ku dhaawacmeen.

    Kooxaha gurmadka ayaa ku howlan sidii ay u gaari lahaayeen dad ku xaniban gudaha saddex dhisme oo dabaqyo ah, kuwaas oo qayb ahaan dumay.

    Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa biyaha ka soo dhaaminaya webiga magaalada si loo damiyo dababka ka kacay goobaha la beegsaday.

    Moscow ayaa sheegtay in ay qaaday weerarro lagu bartilmaameedsaday xarumo la xiriira warshadaha difaaca ee Ukraine, iyadoo ku tilmaantay jawaab ay ka bixisay weerarro badan oo ay Ukraine ku qaaday warshadaha sifaynta shidaalka ee gudaha Ruushka.

    Dhanka kale, gobolka Crimea ee uu Ruushku haysto, korontada ayaa ka go'day magaalada Sevastopo,l kadib weerar ay Ukraine ku qaaday kaabeyaasha tamarta ee u dhow magaalada.

    Sidoo kale akhriso

  3. Dadweyne tiro badan oo ku sii qulqulaya waddooyinka caasimadda Tehran

    Dadweyne aad u tiro badan ayaa buux dhaafiyey waddooyinka caasimadda Iiraan ee Tehran, iyagoo ka qaybgalaya aaska hoggaamiyihii sare ee geeriyooday, Ayatollah Cali Khamenei, kaas la dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalkii u dhexeeyey Maraykanka, Israa'iil, iyo Iiraan bishii Febraayo.

    Kadib markii meydkiisa lagu sagootiyey xarunta weyn ee cibaadada Grand Mosalla ee Tehraan, naxashkiisa ayaa hadda lagu wadaa waddo qiyaastii toban kiiloomitir ah oo dhex marta magaalada.

    Waxaa la filayaa in munaasabadda socodka aaska uu socdo in ka badan toban saacadood.

    Munaasabadaha rasmiga ah ee aaska ayaa billowday maalintii Jimcaha, waxaana la qorsheeyey inay socdaan lix maalmood, iyadoo ugu dambayn lagu aasi doono magaalada uu ku dhashay ee Mashhad maalinta Khamiista.

    Dad badan oo daacad u ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa isugu soo baxay Tehraan si ay uga qaybqaataan munaasabadahaas, kuwaas oo loogu talagalay inay muujiyaan midnimo, awood, iyo adkaysi.

    Sidoo kale akhriso

  4. Faa'iidada muhiimka ah ee quraacda

    Cunista quraac badan iyo casho yar ayaa kaa caawin karta dhimista miisaankaaga, ayay yiraahdeen cilmi-baareyaashu.

    Markii ay saynisyahannadu sameynayeen cilmi-baarista waxay si sax ah u xakameeyeen cuntada dadka, si ay isu barbar dhigaan saamaynta quraacda culus iyo cashada culus.

    Kooxda Jaamacadda Aberdeen waxay dadkii ay tijaabiyeen ka heleen dad dhimay kalooris, si isku mid ah mar kasta oo ay cunaan cuntadooda ugu culus ee maalinta.

    Laakiin, rabitaankooda cuntada ayaa si aad ah hoos ugu dhacay kaddib markii ay billaabeen cunista quraacda culus, taas oo sahlaysa in uu qofka ka taxaddaro dheelitirka cuntadiisa.

    Cilmi-baareyaashu waxaa kale oo u soo baxday hal fikrad oo ah in habeenku uu yahay wakhtiga ugu xun ee cunto la cuno, sababtoo ah saacaddaas dheef-shiidka ayaa cuntada u beddelaya kiimiko, gaar ahaan marka uu qofku hurdo.

    Dadka cilmi barista ka qeyb qaatay oo 30 qof ahaa ayaa dhammaan loo diyaarinayay quraac, qado iyo casho in ka badan labo bil, iyadoo maalintii loogu dararay 1,700 oo kaloori.

    Waxay hal bil cunayeen quraac aad culus iyagoo isticmaalaya ku dhawaad ​​kala bar kalooriga maalinlaha ah, kaddibna waxaa xigay qado iyo casho fudud, halka bisha kalena ay cunayeen cunto culus fiidkii beddelkii subaxdii.

  5. Trump oo ka hadlay aaska Ayatollah Cali Khamanei

    Shabakadda wararka ee Axios ayaa soo xigatay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo Sabtidii sheegay in wada-hadalladii nabadda la hakiyay muddo toddobaad ah sababo la xiriira munaasabadaha aaska.

    Sida ay sheegtay Axios, Trump wuxuu yiri iyadoo inta badan mas'uuliyiinta sare ee dowladda Iiraan ay ka qayb galayaan aaska, Mareykanku wuxuu "hal mar wada beegsan karaa dhammaantood." Wuxuu intaas ku daray: "Laakiin taas ma sameyn doonno, sababtoo ah markaas cid aan la xaajoonno ma jiri doonto."

    Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay inuu la yaabay markii uu arkay dadka reer Iiraan oo ooyaya, isagoo sheegay inuu u haystay in dadku ay necbaayeen Khamenei. Wuxuu yiri: "Waxaa laga yaabaa inay yihiin illin been abuur ah."

    Iyadoo ka jawaabeysa hadalka Trump, haweeney baroordiiqeysay oo lagu magacaabo Zahra Safaei, 50 jir ah, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay: "47 sano ka hor kacaan uma aynaan sameynin si aan ilmo been abuur ah u daadinno. Shuhadadaas oo dhan uma aynaan hurin nafahooda si aan ilmo been abuur ah u daadinno."

    Hoggaamiyeyaal ay ka mid yihiin Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa ka qayb galay aaska Hoggaamiyihii Sare ee hore, hase yeeshee Mojtaba Khamenei kama uusan muuqan munaasabadda

    Sida ay weriyeen The Associated Press iyo The Guardian, qaar ka mid ah dadkii ka qaybgalayay munaasabadda Axaddii ayaa ku dhawaaqayay baaqyo lagu dalbanayay geerida Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Intii lagu jiray gabay la tirinayay ka hor salaadda, gabayaa Mohammad Rasouli ayaa yiri: "Dilka Trump waa mas'uuliyaddeenna."

    Waxaa sidoo kale la maqlayay Rasouli isagoo hoggaaminaya hal-ku-dhegyo ay ka mid ahaayeen "Dhimasho ha ku timaaddo Mareykanka" iyo "Dhimasho ha ku timaaddo Israa'iil."

    Sidoo kale akhriso

  6. Labaatan iyo shan dal oo qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda

    Wixii ka dambeeyay markii uu bishan January horaanteedii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada caalamka, waxay u muuqataa in ay sii badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.

    Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.

    Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.

    Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.

    Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:

  7. Aaska Khamanei oo maanta si rasmi ah u bilaabanaya

    Aaska rasmiga ah ee Cali Khamenei, hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ayaa ka bilaaban doona Tehran Isniinta maanta ah.

    Qabanqaabada gaarka ah ee xafladda ayaa ku kalliftay mas'uuliyiinta magaalooyinka Tehran iyo Qom inay ku dhawaaqaan xeerar gaar ah oo ku saabsan taraafikada iyo diyaargarow ballaaran oo loogu talagalay soo dhawaynta ku meel gaarka ah ee tobanaan kun oo qof.

    Axaddii, Mojtaba Khamenei, hoggaamiyaha cusub ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ma uusan ka qayb gelin janaasada aabihiis, isaga iyo dhowr xubnood oo qoyskiisa ah.

  8. Kulan wacan akhaayaareey, ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta. Halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalidaba