You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Trump oo dhaliilay NATO isaga oo ka qayb galka shirka u sababeeyay Turkiga dartiis

Dalka Turkiga waxaa ka dhacaya shirka hoggaamiyaasha Nato, iyadoo maanta uu halkaasi gaaray madaxweyne Trump

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Hoggaamiyaha midigta Le Pen oo weli loo oggol yahay inay ka qayb gasho doorashada madaxtinimada Faransiiska

    Hoggaamiyaha adag ee midigta dalka Faransiiska Marine Le Pen ayaa sheegtay inay weli u tartami karo doorashada madaxweynaha ee sannadka soo socda, inkasta oo ay ku guul daraysanayso racfaankeedii ka dhanka ahaa argtida sida khaladka ah ee adeegsiga dhaqaalaha baarlamanka Yurub.

    Waxa ay sheegtay inay ka doodayso xukunka. Xukunka maanta ee Paris waxa uu ka qaaday mamnuucid hore oo saarnayd oo la xiriirta ee maamulida xafiis dadweyne. Laakiin xukunada maxkamada sare ee Faraniiska ee iyada ka dhanka ahaa waxaa sida ugu dhakhsaha badan looga baahanayaa inay xirato qalaba elektarooniga ee lagula soconayo, taasi oo olalaheeda ka dhigaya mid adag.

    Tani ayaa noqonaysa isku daygeedii Afaraad ee madaxweynanimada, waxaana la tilmaamayaa inay tahay fursadeedii ugu wanaagsanayd ee ay hesho.

  2. War deg deg ah, Maraykanka oo talaabo qaaday kadib weerar ka dhacay Marinka Hormuz

    Waaxda Maaliyada Maraykanka ayaa baabi’isay laysankii sida kumeel gaarka uga qaadayay cunaqabataynada shidaalka Iiraan. Waxa ay daba socotay weeraro lagu qaaday saddex maraakiibta shidaalka qaada ee marinka Hormuz taasi oo lagu eedeeyay Iiraan.

    Sarkaal maaliyadeed ayaa talaabada ku tilmaamay ‘’mid aan la aqbali karin’’ ayna tahay inay ka dhalato ‘’cawaaqib’’, inkasta oo aan si gaar ah loo cayimin wax ba ka baxsan laalitaanka.

    Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay weerarka mid kamid ah maraakiibteeda lagu qaaday, sidaas oo kale Qadar Markab ay leedahay oo qaada Gaaska ay dab ka kacay kadib markii lala eegtay diyaarad drone ah.

    Iiraan weli kama falcelin laysanka Maraykanku la laabtay ( Waxaa horay la isugu waafaqay dib ugu furitaanka marinka Hormuz ee Maraakiibta ganacsi taasi oo qayb ka ahayd heshiiskii nabadeed ee bishii aynu soo dhaafnay ay wada gaareen Maraykanka iyo Iiraan.)

  3. War deg deg ah, Ugu yaraan 15 qof oo lagu dilay weerar ay geysatay diyaarad drone ah

    Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerar loo adeegsaday diyaarada aan duuliya lahayn oo ka dhacday gobolka Waqooyiga Kordofan.

    Qareenada degdega ee kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay laba gaadiid lagu duqeeyay aag ay maamulaan ciidamada gurmadka degdega ee RSF.

    Labada gaari mid kamid ah ayaa waday marti ka qayb galaysay nikaax, halka gaariga kale uu waday biyo.

    Kooxdu kama hadlin cidda weerarka gaysatay. Duqaymaha ayaa yimid xilli QM ay ku baaqayso baaritaan degdeg ah oo la xiriira xadugubyo ka dhan ah dadka rayidka oo ka dhacay magaalada la qabsaday ee El-Obeid.

  4. War deg deg ah, Ruushka oo cunaqabateen saarnayd laga qaaday

    Guddiga Caalamiga ee Olombikada ayaa cunaqateeyntii ay saareen Ruushka ka qaaday, iyaga oo u oggolaaday ciyaartooyda dalkaasi inay ka qayb galaan tartanka xaggaaga soo socda ee ka dhacay Los Angeles muddo laba sano gudahood ah.

    Cunaqabataynta ayaa lasoo rogay bishii Oktoobar ee sannadkii 2023, iyada oo IOC ay u u sababaysay nidaam dowli oo taageeraya daroogada ciyaartooyda laga helo iyo ku xadgudub nidaamkaOlombikada, kadib galitaankii Ukraine.

    IOC ayaa intaa ku dartay in midkoodna xubnaha guddiga olombikada ee Ruushka aysan haatan ka imaan xuduuda hoos imaanaysa maamulka Ukraine. Waxa uu guddigu sheegay in aysan go’aansan isticmaalka calanka iyo heesta qaranka. Ruushka ayaa soo dhoweeyay talaabadan, waxaana uu sheegay inay tahay in Olombikadu ay ka madax banaanaato siyaasadda.

  5. War deg deg ah, Soomaaliya oo cambaaraysay qaraxyada ka dhacay Dimishiq

    Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barta bulshada ku cambaaraysay weerarada qaraxyada ee ka dhacay Dimishiq, ayna sheegtay inay garab taagan tahay dowladda Suuriya.

    ‘’Waxa ay jamhuuriyada federaalka Soomaaliya sida ugu adag ay u cambaaraynaysaa weerarka argagixiso ee lala beegsaday caasimada Suuriya ee Dimishiq.

    ‘’Waxa ay ku celinaysaa Soomaaliya sida ay u diidan tahay gabi ahaan argagixiso iyo xagjirayn noocyadooda kala duwan, waxayna adkaynaysaa dadaalada heerka dowladeed ah ee la dagaalanka argagixisada, ayna xoojinaysaa nabadda, ammaanka iyo degenaanshaha.’’

    Inta la ogyahay ilaa 18 qof ayaa ku dhaawacmay laba qarax bambaanooyin ah oo lala eegtay bartamaha Dimshiq intii lagu guda jiray booqashada Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, sida ay sheegtay dowladda Suuriya.

  6. War deg deg ah, Argentina oo samaysay soo laabasho la yaab leh, kadib markii ay Masar garaaceen

    Kooxda difaacanaysa koobka adduunka ee Argentina ayaa garaacday Masar, iyaga oo u soo baxay wareega 8-da kooxood ee Koobka Adduunka.

    Ciyaarta xiisaha badnay ayaa waxaa soo maray wakhti ay kooxda faraacinada ay ku hoggaaminayeen 2:0, Laakiin Argentina ayaa soo laabasho la yaab leh dhigtay ku dhowaad dhammaadkii qaybtii labaad ee ciyaarta,iyaga oo goolal dhaliyay xilliga loo yaqaan wakhtiga dhaawaca ee marka gool lagaa dhaliyo aadan dib usoo kabsan karin.

    Wareega 8-da Kooxood ayay wajihi doonaan kooxdii soo baxda Colombia ama Switzerland, kuwaasi oo ciyaartoodu ka socoto Vancouver.

  7. Dalka Shiinaha oo wajahaya duufaanno iyo roobab dabeylo wata

    Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo ballaaran loo dardargeliyo howlaha samatabbixinta, kaddib markii cimilo aad u daran ay ka dhacday qaybo kala duwan oo dalka ah, taasoo sababtay dhimashada ugu yaraan 15 qof, isla markaana kumannaan kale ay ku barakaceen.

    Gobolka Hubei ee bartamaha Shiinaha, duufaanno xooggan iyo roobab mahiigaan ah ayaa ku dhuftay magaalooyin iyo degmooyin dhowr ah, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan siddeed qof.

    Sidoo kale, gobolka Guangxi ee koonfurta dalka, roobab culus iyo daadad uu sababay duufaanta Maysak ayaa dilay ugu yaraan laba qof.

    Dhanka kale, gobolka Gansu ee galbeedka Shiinaha, dhul-go’ ka dhacay deegaanno buuraley ah ayaa waxaa ku dhinta in ka badan 30 qof.

  8. War deg deg ah, Degdeg: Markab marayay marinka Hormuz oo la weeraray

    Hay’adda UK Maritime Trade Operations ee Britain ayaa sheegtay inuu mar kale dhacay shil badda ah oo uu la kulmay markab shidaal sida oo marayay marin-biyoodka Hormuz Strait.

    Sida ay hay’addu sheegtay, markabka waxaa ku dhacay diyaarad aan duuliye lahayn, oo aan la garanayn cidda iska leh, taasoo sababtay burbur yar oo soo gaaray markabka. Hase yeeshee, lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah, sidoo kalena ma jirin wax wasakhow deegaan ah oo ka dhashay dhacdada.

    Warbixintu waxay sheegtay in markabku weli sii wadi karo safarkiisa, isla markaana uu ku sii jeedo halkii uu u socday.

    UKMTO ayaa intaas ku dartay in baaritaan lagu hayo dhacdadan uu weli socdo, iyadoo dhammaan maraakiibta maraya aaggaas lagu amray inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah isla markaana si degdeg ah u soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

  9. Xaaladda Suudaan oo laga deyrinayo

    Dagaallada ka socda magaalada El-Obeid ee Suudaan ayaa hakiyay gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo, iyadoo qoysas badan ay halis ugu jiraan gaajo.

    Golaha Qaxootiga Norway ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadku ay naftooda halis gelinayaan si ay gargaar u gaarsiiyaan dadka.

    Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la ilaaliyo rayidka, la joojiyo weerarrada, isla markaana dib loo furo waddooyinka gargaarka.

  10. Madaxweynaha Iiraan ma ka qayb galayaa aaska hoggaamiyihii geeriyooday Cali Khamenei?

    Madaxweynaha Iiraan, Massoud Pezeshkian, ayaa u safray magaalada Najaf ee Ciraaq si uu uga qeyb galo aaska Cali Khamenei.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan (IRNA), marka laga soo tago ka qeybgalka munaasabadda aaska, Madaxweyne Pezeshkian wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq.

    Aaska Cali Khamenei ee Ciraaq ayaa marka hore lagu qaban doonaa magaalada Najaf, ka dibna waxaa loo gudbin doonaa Karbala.

    Wakaaladda Mehr News ayaa shalay sheegtay in Massoud Pezeshkian, Mustafa Khamenei oo ah wiilka curadka ah ee Hoggaamiyihii Sare ee hore, iyo Mohammad Baqer Qalibaf oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan, ay iyaguna ka qeyb geli doonaan aaska ka dhacaya Ciraaq.

    Cali Khamenei ayaa lagu wadaa in lagu aaso maalinta Khamiista ah goobta barakaysan ee Imam Reza Shrine ee magaalada Mashhad.

  11. War deg deg ah, Nin u ololeeyn jiray in Somaliland aqoonsi hesho oo is casilaya

    Nigel Farage ayaa sheegay inuu iska casilayo xilka xildhibaannimada deegaanka Clacton, taas oo keeni doonta doorasho ku celis ah isla markaana uu sheegay inuu mar kale isu soo taagi doono musharrax ahaan.

    "Waa doorasho ay dadweynuhu kaga hor imaanayaan nidaamka hadda talada haya," ayuu ku yiri muuqaal uu soo saaray, isagoo intaas ku daray in "dadka reer Clacton ay xukumi doonaan falalkayga."

    Tallaabadan ayaa timid ka dib muran ka dhashay kaalmooyin dhaqaale oo uu helay, kadib markii wargeyska The Sunday Times uu sheegay inuusan shaacin faa'iidooyin ay ka mid yihiin shaqaale iyo adeegyo amni oo uu ka helay saaxiibkiis muddada dheer, George Cottrell.

    "Wax dambi ah ma gelin," ayuu yiri, isagoo ku adkaystay inuusan "jebin sharciga xitaa wax yar," isla markaana ku eedeeyay warbaahinta inay "arrinta buunbuuninayso oo ay weerarayso" qoyskiisa.

    Hoggaamiyaha xisbiga Reform UK ayaa sidoo kale wajahaya su'aalo ku saabsan £5 milyan oo uu horraantii 2024 ka helay maalgeliyaha xisbiga, Christopher Harborne. Lacagtaas si rasmi ah looma shaacin, iyadoo Farage uu sheegay in loogu talagalay ilaalintiisa gaarka ah ee arrimaha xisbiga.

    Sii akhri sheekadiisa:

  12. Maxaad ka taqaanaa diyaaradda dagaalka Turkiga ee T129 ATAK iyo howlgallada loo adeegsaday hadda ka hor?

    Dib u miloicso

    Dhowr diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee nuucoodu yahay T129 ATAK ayaa galabta lagu soo badhigay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo la sheegay in lagu xusayay maalinta guusha qaran ee Turkiga sida uu baahiyay talafishinka dowladda Soomaaliya.

    Waxaa goobjoog ahaa goobta munaasabadaan mas'uuliyiinta dowladda federaalka qaarkooda sida wasiirka gaashaandhigga dalka.

    Wasiirka ayaa sheegay in diyaaradahu ay muujinayaan taagerada Turkiga ee dhismaha hay'ada difaaca Soomaaliya.

  13. Cudurka Ebola oo faafaya iyo walaac laga muujinayo

    Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in faafitaanka cudurka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo uu weli sii fidayo, isla markaana uusan wali xasilloonaan.

    Dr. Anne Ancia, oo ah wakiilka WHO ee dalkaas, ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaqa dadka ku nool goobaha uu cudurku saameeyay uu kordhinayo faafitaanka.

    Gobolka Ituri ayaa ah xudunta cudurkan, iyadoo macdan qodayaal ka yimid mid magaalooyinka uu cudurku saameeyay ay safarro galayaan, halkii ay daaweyn u raadsan lahaayeen goobaha caafimaadka, taasoo keentay in cudurku ku faafo meelo cusub.

    Cudurkan ayaa ilaa hadda dilay 500 oo qof, waxaana la xaqiijiyay in ka badan 1,500 oo kiis.

  14. War deg deg ah, Talyaaniga oo marti galinaya wadahadallo u dhaxeeya Israa'iil iyo Lubnaan

    Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay inuu martigelin doono wareeg cusub oo wada-hadallo ah oo u dhexeeya dowladaha Israa’iil iyo Lubnaan toddobaadka soo socda.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani ayaa farriin uu ku qoray barta X ku sheegay in Talyaanigu ku faraxsan yahay martigelinta wada-hadalladan, kuwaas oo sii socon doona iyadoo ay dhexdhexaadinayaan Mareykanka.

    Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga, wada-hadallada oo ay ka qayb geli doonaan safiirrada labada dal ayaa bilaaban doona 15-ka Luulyo, waxayna socon doonaan muddo laba maalmood ah.

    Tani waxay noqon doontaa wareegii lixaad ee wada-hadallada u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa hakad ku jira, waxaana sharci ahaan weli loo tixgeliyaa inay ku jiraan xaalad dagaal.

    Bishii hore, Lubnaan iyo Israa’iil waxay saxiixeen heshiis is-afgarad ah oo uu Mareykanku dhex-dhexaadiyay, kaas oo loogu talagalay inuu jidka u furo “nabad waarta.”

    Heshiiskan ayaa yimid shan maalmood kaddib xabbad-joojin jilicsan oo dhex martay ciidamada Israa’iil iyo Xisbullah ee Lubnaan. Iskahorimaadyadii ugu dambeeyay ayaa billowday kaddib markii Israa’iil iyo Mareykanku ay dagaal la galeen Iran.

  15. Madaxweynaha Faransiisku waa "nabad qabaa"

    Faransiiska ayaa sheegay in Madaxweyne Emmanuel Macron uu "nabad qabo" kadib markii laba qarax ka dhaceen caasimadda Suuriya ee Dimishiq, meel u dhow hoteelkii uu xalay ku hoyday iyo goob uu kula kulmayay kooxaha bulshada rayidka ah.

    Telefishinka Suuriya ayaa sheegay in 18 qof, oo ay ku jiraan afar askari oo boolis ah, ay dhaawacmeen. Waxaa la arkay holac iyo qiiq badan, iyadoo shaqaalaha gurmadku ay goobta joogeen.

    Ilo amni ayaa sheegay in qaraxyadu dhaceen kadib markii kolonyada Madaxweyne Macron ay ka dhaqaaqday goobta una gudubtay Qasriga Madaxtooyada, halkaas oo uu ku qaabilay Madaxweyne Axmed al-Sharaa.

    Paris waxay sheegtay in booqashadu oo ah tii ugu horreysay ee hoggaamiye reer Galbeed ah ku tago Suuriya kadib xilligii Bashar al-Assad ay sii socon doonto sidii loo qorsheeyay.

  16. War deg deg ah, Trump oo ammaan kala dul dhacay madaxweynaha Turkiga

    Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale dhaleeceeyay NATO kadib markii uu tagay shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha isbahaysiga ee ka dhacaya Turkiga. Wuxuu wariyeyaasha u sheegay inuusan si wanaagsan ula dhaqmin xubnaha NATO, gaar ahaan Britain, oo uu ku eedeeyay inaysan siin taageero ku saabsan dagaalka Iran.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu si weyn u ammaanay martigeliyaha shirka, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, wuxuuna sheegay in haddii shirku ka dhici lahaa meel aan ahayn Turkiga laga yaabo inuusan ka qayb geli lahayn.

    Horaantii, kulan hordhac ah oo ay yeesheen hoggaamiyeyaasha NATO, Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay Yurub inay soo saarto difaacyo badan oo ay iyadu leedahay si ay isaga caabbiso gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka. Dalalka Yurub ayaa sidoo kale cadaadis lagu saaray inay kordhiyaan kharashaadka difaaca, iyadoo taageerada Maraykanka ee qaaradda ay sii yaraanayso.

    Sii akhri:

  17. War deg deg ah, Hoggaamiyaha xisbiga soo galootiga neceb ee Faransiiska oo tallaabo adag wajahaysa

    Hoggaamiyaha xisbiga garabka midig ee Faransiiska, Marine Le Pen, ayaa lumisay racfaankii ay ka qaadatay xukun dambiyeed lagu helay oo la xiriiray si khaldan u adeegsiga lacagaha dadweynaha. Garsoorayaasha maxkamadda racfaanka ee Paris ayaa ku xukumay saddex sano oo xabsi ah, laba sano oo ka mid ahna la hakiyay, halka hal sano lagu xukumay inay xirato qalab elektaroonig ah oo lagula soconayo.

    Tani waxay u ogalaanaysaa in ay u tartami karto doorashada madaxtinimada Faransiiska ee 2027, laakiin Marwo Le Pen ayaa horay u sheegtay inaysan ololaha doorashada ku geli doonin shuruudahan.

    Waxay sheegtay in taasi ay ka dhigan tahay inay mar kasta u baahan doonto oggolaansho marka ay qabanayso isu-soo-bax olole doorasho. Le Pen ayaa caawa ka soo muuqan doonta telefishinka Faransiiska.

  18. War deg deg ah, Haweeney: Waxaa la igu qasbay cunto ceeriin ah oo ciid lagu daray

    Baaritaan ay samaysay BBC ayaa lagu ogaaday caddeymo muujinaya in Ruushka uu xabsiyo ku hayo ku xiray kumannaan rayid oo u dhashay Ukraine, halkaas oo qaarkood lagu eedeeyay in loo geystay jirdil, uu ku jiro kufsi loo adeegsaday hab jirdil ah.

    Waxaa lagu qiyaasaa in ku dhowaad 16,000 oo rayid Ukraine u dhashay la xiray ama la la'yahay tan iyo sannadkii 2014.

    Haweeney lagu sii daayay barnaamij is-weydaarsi maxaabiis ah ayaa u sheegtay BBC in la kufsaday, dabadeedna lagu qasbay inay cunto cunto ceeriin ah oo lagu qasay carro iyo qashin.

    Waxay tiri: "Mudadii sannadaha iyo saddex iyo tobanka maalmood ee aan halkaas ku jiray, naftayda iyo jidhkayguba waxay ku jireen xaalad burbur iyo dhaawac aad u daran."

    Safaaradda Ruushka ee London ayaa sheegtay in Ruushku "muddo dheer muujinayay inuu taageersan yahay ixtiraamka xeerarka dagaalka, isla markaana mas'uuliyiinta dalka ay baarayaan eed kasta oo la xiriirta dembiyada dagaalka."

  19. Trump oo Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga hadallo adag hawada u mariyay

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo bishii hore hadallo is khilaafsan is dhaafsaday Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa sameeyay qoraal cusub oo niyad jab ku noqday rajadii laga qabay in xiriirkooda lagu hagaajin lahaa dadaallo diblomaasiyadeed ka hor shir-madaxeedka NATO ee ka dhacaya Ankara.

    Maalintii Axadda, Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social ku wadaagay sawir laga qaaday intii lagu jiray shirkii G7 ee bishii hore, kaas oo Meloni ay uga muuqatay iyadoo si yaab leh u eegaysa. Wuxuu sawirka ku lifaaqay qoraal uu ku yiri:

    "Waxaa loo baahan yahay amar maxkamadeed oo mamnuucaya soo dhowaanshaha."

    Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayay in lagu hagaajiyo xiriirka labada hoggaamiye. Waxay sidoo kale tilmaantay in qoraalkan cusub ee Trump, oo soo baxay Axaddii ka hor furitaanka shir-madaxeedka NATO, uusan muujinayn rajo wanaagsan oo ku saabsan hagaajinta xiriirka.

    Kadib shirkii G7 ee lagu qabtay Faransiiska intii u dhexeysay 15–17 Juun, Trump wuxuu sheegay in Meloni ay "ka codsatay" in ay sawir la gasho isaga.

    Wuxuu yiri:

    "Ma aanan doonayn inaan sawirka la galo, laakiin waan naxay, markaas ayaan oggolaaday."

    Hadalladan uu Trump ka sheegay Giorgia Meloni ayaa si weyn hadal hayn u dhaliyay, maadaama Meloni ilaa dhowaan loo arkayay mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee maamulka Mareykanka ee Yurub, isla markaana mararka qaar loogu yeeri jiray "hoggaamiyaha si hoose ula hadasha Trump.

  20. War deg deg ah, Trump oo Iiraan u jeediyay hanjabaad cusub

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in qiimaha saliidda uusan si weyn kor ugu kicin inkastoo la xiray Marinka Hormuz, isagoo yiri:

    "Waxaan saliid badan ka helnay iyaga. Dadku taas ma ogeyn, wax walbana waxay dhaceen muddo bil iyo bar ah gudahood."

    Wareysi laga sii daayay telefishinka ayuu Trump ku celiyay sheegashadiisa ah in ciidamada Mareykanku ay burburiyeen maraakiibta dagaalka ee Iran iyo dhammaan diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Iran.

    Wuxuu yiri:

    "Ugu dambeyn waxay ogaadeen inaysan mar dambe lahayn nidaamyadii raadaarka, sababtoo ah nidaamkoodii raadaarka waa la curyaamiyay. Sidaas darteed waxaan weerarnay habeenkii oo mugdi ah"

    Trump ayaa sidoo kale sheegay:

    "Ciidamadeenna badda ee awoodda badan waxay soo rogeen cunaqabateyntii ugu ballaarneyd ee abid la arko, taas oo lagu beegsaday dekedaha Iran. Muddo laba bilood ahna ma jirin wax markab ah oo ka gudbi kara marinka. Ugu dambeyntiina waxaan gaarnay heshiis, waxaana kala dirnay isbahaysigii. Ma garanayo, laga yaabee inaan mar kale heshiis gaari karno."

    Wuxuu ku adkeystay:

    "Si kasta ayaan ku guuleysan doonnaa. Ama waa inay heshiis galaan."

    Trump wuxuu sheegay in soo afjaridda awoodda Iran ay tahay arrin fudud, isagoo yiri:

    "Naguma adkaan doonto inaan arrintaas soo afjarno. Laakiin dabcan, waxaan doorbidayaa heshiis, sababtoo ah ma doonayo in 91 milyan oo qof ay wajahaan cawaaqib xun."

    Isagoo ka hadlay awoodda militari ee Mareykanka ayuu yiri:

    "Waxaan hal saac gudaheed ku burburin karnaa buundooyinkooda. Waxaan baabi'in karnaa shabakaddooda korontada. Dhammaan xarumaha korontada ee ay dhisteen waxay ahaayeen kuwo waaweyn, qurux badan oo casri ah. Hore lacag badan ayay u haysteen, balse hadda lacag ma haystaan. Waxaan ka jari karnaa korontada oo aan burburin karnaa xarumahooda koronto."

    Maalmo ka hor, Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu Iran siiyay hal toddobaad oo kama dambeys ah si ay heshiis u gaarto, isagoo uga digay cawaaqib haddii aysan sidaas yeelin.